Ababkii Nabi
Maxammad Iyo Kacaankii Weynaa Ee Islaamka-7aad
U-Qaxitaankii
Yasrib (Yathrib):
Yasrib waa
magacii hore ee Madiina e, waxay u jirtay Maka in ka badan 200 oo mayl. Waxay ku
tiil dooxo ladan oo beero fiican leh, ilaa maantana timirta Madiina waa mid
tayo sarraysa. Waxaase dagalkaas muddo dheer rafaadinaayay colaado joogsan
waayay. Tolalkii Carbeed ee aagga ayaa si ba’an u dagaallami jiray. Sidoo kale
waxaa iyana ku dagaallami jiray qabiilladii Yuhuudda ahaa oo dhulka wax ka
degganaa. Marmar waxay u dagaallami jireen hab gaashaanbuursi ah sida qola
Yuhuuddii ah oo la safata qolo Carabtii ka mid ahayd iwm.
Waxaa ka mid
ahaa qolooyinkii Yuhuudda ahaa oo Madiina wax ka degganaa wadaaddo ku xeel
dheeraa diintoodii, waxayna ugu gooddin jireen Carabtii cawaanka ahayd in nabi
dhawaan soo bixi doono iyagoo xusaaya astaamihiisii, waxayna la ahayd in uu ka
soo dhex bixi doono Yuhuudda oo aqoon-yahanno ka buuxeen. Waxay Carabtii
jaahiliinta ahayd ugu baani jireen in marka nabigu soo baxo Carabta loo rogi
doono sidii loo rogay absaxankood oo kala ahaa Caad iyo Samuud (Salmud).
Si kastaba
ha ahaatee, Madiina oo markaas Yathrib
la oran jiran waxay aad ugu baahnayd hoggaamiye awood leh oo ka saara dadkii ku
noolaa dhibabkii tirada badnaa oo ay iyagu isu keeni jireen.
Waayahaan
Maxammad (NNK) wuxuu si qarsoodi ah uga soo bixi jiray Maka oo inta u tago
dadyowgii ka ag dhawaa magaalada, ugu yeeri jiray islaanimada. Maalin buu
maqlay niman safar ahaa oo ku sugnaa meel la yiraahdo Caqaba oo ku dhawayd
Maka. Intuu nimankii u tagay buu weyddiistay inuu la fariisto, markay
oggolaadeen buu wax uga sheegay dhambaalladii Ilaahay u soo dhiibay. Nimankaas
oo qolo ahaan Reer Khasraj ahaa, ahaana lix nin isla markiiba waxay
garwaaqsadeen astaamihii Yuhuuddu u sheegi jirtay wayna rumeeyeen Nabiga. Waxay
kaloo hilaadiyeen in ninkaan xanbaarsan diinta cusub midayn karo qolodooda Khasraj
iyo Aws oo ay isir wadaageen, laakiin ku kala dhintay colaado iyo is-nacaybsi waayo
badan soo jiitamaayay. Nimankaas markay ku noqdeen Yasrib waxay faafiyeen wararkii
wanaagsanaa ee Maxammad (NNK), waxaana Nabiga iyo dhambaalladiisa laga wada
maqlay Yasrib oo idil.
Xilligii xajka ee xigay oo abbaaraha ku beegnaa 621-kii
baa ergo ka kooban ilaa 12 nin, Yasrib ka soo amba baxday si ay Nabiga u la
kulmaan. Ergada waxaa ku jiray shan nin oo ka mid ahaa raggii hore Nabiga u la
kulmay iyo labo nin oo Reer Aws ahaa, waxayna nabiga mar labaad ku la kulmeen Caqaba.
Waxay ku dhaarteen magacyadooda iyo kuwa xaasaskooda, inaysan Ilaahay/Allaah ku
labeynayn Alle kale, inaysan wax xadeyn, inaysan sinaysanayn, inaysan ubadkooda
dilayn si kastoo ay sabool u noqdaan iyo inay wax walba uga dambayn doonaan Nabiga.
Wacadkaas ay galeen Nabiga iyo ergadii Yasrib waxaa loo yaqaan; "Ballanqaadkii
Caqaba ee 1aad". Nabigu markaas kadib wuxuu ku daray raggii ergada ahaa Muscab Ina
Cumayr si uu u baro basarka islaanimada iyo si uu u gaarsiiyo moogayaasha
diinta cusub. Muscab wuxuu fuliyay hawshii loo xilsaaray, wuxuuna in yar kahor
xilligii xajkii xigay oo ku beegnaa 622-kii M.D, ku soo noqday Maka wuxuuna u
sheegay Nabiga in si wanaagan islaanimadu u gaartay dadyowgii Yasrib ku dhaqnaa, qaar badanna
rumeeyaan dhambaalladii islaanimada. Wuxuu kaloo u sheegay Nabiga awoodda Reer
Yasrib iyo wax-tarka ay u yeelan karaan muslimiinta.
Haddaba
xilligii xajka ee sanadkii 622-kii M.D, waxaa xujaydii Yasrib ka yimid ka mid ahaa toddobaatan iyo shan muslimiin ah oo labo dumara weheliyeen. Goor ay tahay
habeynkii gelinkiisii dambe ayaa intii muslinka ahayd ee Reer Yasrib u dhuunteen meel duleedka Caqaba ah si ay Nabiga u la kulmaan, arrinkaas oo si qarsoodi ah loo
abaabulay. Waxay u ballan-qaadeen Nabiga inay ku soo dhaweynayaan magaaladooda.
Waxaa kulanka joogay Nabiga adeerkiis oo aan markaas islaamin, hase yeeshee, si
aada u difaaca Nabiga, wuxuuna uga digay kooxdii Yasrib ka timid cuslayska ay
ballanqaadkoodu leeyahay iyo inay ka dhabeeyaan wacadkooda. Dhankooda waxay
ergadii Yasrib ku dhaaratay inay u difaaci doonaan Nabiga sidii ay naftooda iyo
reerahooda u difaaci lahaayeen. Middaanna waxaa loo yaqaan; "Ballanqaadkii Labaad
ee Caqaba ee 2-aad". Waxaa isla kulankaas lagu go’aansaday u-qaxitaankii Yasrib ee
muslimiinta.
Ballanqaadkaan
dambe, waxaa la oran karaa waxaa ku jiray u-diyaar-garaw dagaal waayo difaaca
Nabiga iyo wedayadiis waxaa ku lammaanaa gacan-ka-hadal, waase haddii loo
baahdo.
Markaas
kadib, wuxuu Nabigu faray muslimiintii ku kadeednaa Maka inay si koox koox ah
oo qarsoodi ah ugu qaxaan Yasrib. Isla markaas waxay Qureesh gaartay go’aan ay
ku dhiirratay dhimashadii Abuu Daalib oo horjooge ilaaliya u ahaa Nabiga, kadib. Go’aankaas
oo ahaa in jifooyinkii Qureesh mid walba laga soo saaro hal nin oo dhallinyaro
ah si kulmis ahna u dilaan Nabiga, waxaana la sheegay in taladaas uu lahaa Abuu
Jahal. Ilaa labo iyo toban raga baa hareereeyay gurigii lagu ogaa Nabiga,
wuxuuna tashigu ahaa in la dilo marka uu aroortii u soo baxo salaadda. Nabiga
oo ka war helay qorshaha tolkiis u maleegay, xag Eebbana amar ka helay inuu
qaxo, wuxuu sii seexiyay sariirtiisii ina adeerkiis Cali Ina Abuu Daalib oo
markaas kuray ahaa, wuxuuna ogaa inaysan Cali dilayn kuwii dhagarta watay. Goor
uu gulufkii hiteeyay gurigii Nabiga lulmooday oo ay wada seexdeen buu Nabigu
qun yar uga soo siibtay aqalkiisii oo sii maray wadeygiisii weynaa waa Abuu
Bakar al-Saddiiqe. Qureesh oo aad u caraysan baa raad qaaday Nabiga iyo
wehelkiisii ilaa ay soo dul istaageen bohol ay ku dhuumanaayeen. Xag Eebbe ayaa laga soo diray caaro afkii bohosha waabtay iyo qoolley baabi'isay raadkii raggii dhuumanaayay. Abuu Bakar baa aad uga yaabay in la arko wuxuuna yiri, “Nabi Allow, haddii midkood eego cagahiisa wuu na arki karaa". Wuxuu Nabigu ugu jawaabay: “Maxaad u filaysaa labo uu Eebbe seddex ku yahay?
Ha murugoon, runtii Eebbaa nala jiree.” Saalix
al-Bukhaari.
Markii
goobitaannadii kooxihii Qureesh hungoobeen raad iyo ruuxna waayeen, bay Nabiga
iyo Abuu Bakar oo si qarsoodi ah loogu keenay cunno, neefaf ay fuulaan iyo
ku/kuwo jidka ku haga, bilaabeen socdaalkoodii dheeraa.
Kadib markay socdeen maalmo (ilaa 8 maalmood) oo ay intaas raad-gadasho ku jiraan bay soo gaareen duleedka Yasrib, meel la yiraahdo Qubaa. Tan iyo markii Nabigu iyo wehelkiisu ka soo baxeen Maka, dadkii Reer Yasrib waa toog hayeen, waxayna maalin walba u diri jireen ilaalo agaagga filaayeen inay ku imaan doonaan. Waxaa la sheegaa in nin Yuhuuda uu arkay socdaalleydii, wuxuuna u sheegay muslimiintii, kuwaas inta ka hortagay aad u soo dhaweeyay. Qof walba wuxuu damcay inuu gurigiisa geeyo Nabiga iyo wehelkiisii, wuxuuse yiri, isagoo tilmaamay hashuu saarnaa oo la oran jiray al-Qaswaa: “Daaya, amar Eebbay qabtaaye”. Markaas kadib hashii waxay arrumatay goob ay lahaayeen Reer Banuu Najaar oo xagga hooyo ay Nabiga xigto ka ahaayeen. Isla goobtaas baa Nabigu ka dhisay masjidkii ugu horreeyay iyo qeybo ku lifaaqnaa masjidka oo degaan u ahaa. Halkaas baana saldhig u noqotay Kaahii Weynaa ee Islaamka oo maanta ay rumaysan yihiin 1.6 bilayn qof oo isir walba isuga jira.
Kadib markay socdeen maalmo (ilaa 8 maalmood) oo ay intaas raad-gadasho ku jiraan bay soo gaareen duleedka Yasrib, meel la yiraahdo Qubaa. Tan iyo markii Nabigu iyo wehelkiisu ka soo baxeen Maka, dadkii Reer Yasrib waa toog hayeen, waxayna maalin walba u diri jireen ilaalo agaagga filaayeen inay ku imaan doonaan. Waxaa la sheegaa in nin Yuhuuda uu arkay socdaalleydii, wuxuuna u sheegay muslimiintii, kuwaas inta ka hortagay aad u soo dhaweeyay. Qof walba wuxuu damcay inuu gurigiisa geeyo Nabiga iyo wehelkiisii, wuxuuse yiri, isagoo tilmaamay hashuu saarnaa oo la oran jiray al-Qaswaa: “Daaya, amar Eebbay qabtaaye”. Markaas kadib hashii waxay arrumatay goob ay lahaayeen Reer Banuu Najaar oo xagga hooyo ay Nabiga xigto ka ahaayeen. Isla goobtaas baa Nabigu ka dhisay masjidkii ugu horreeyay iyo qeybo ku lifaaqnaa masjidka oo degaan u ahaa. Halkaas baana saldhig u noqotay Kaahii Weynaa ee Islaamka oo maanta ay rumaysan yihiin 1.6 bilayn qof oo isir walba isuga jira.
No comments:
Post a Comment