Ababkii Nabi Maxammad Iyo Kaahii Weynaa Ee
Islaamka-5aad
Muddo
seddex sano ah buu Nabi Maxammad (NNK) si qarsoodi ah u faafinaayay
dhambaalladii Ahaadaha Sarreeya, wuxuuna dadka ugu yeeraayay ka-guurka
caabudaadda sanamyada iyo inay rumaystaan Eebbaha kaligiis ah, kaas oo uunkoo
dhan abuuray. Wuxuu ku celceliyay in Guulluhu yahay mid aan la labayn oo
waligiis jiray, jirina doona abidkiis. Wuxuu ku boorriyay dadku inay isu
naxariistaan si Weynuhu iyagana ugu naxariisto.
Bilawgiiba waxaa rumeeyay dad
kooban oo ay ka mid ahaayeen; Khadiija, Cali Ina Abuu Daalib, Sayd Ina Xaaris
iyo wadeygiisii weynaa, Abuu Bakar al-Saddiiq.
Markii laga joogay seddex sano xilligii
Dhambaalkii Kowaad ayuu nabigu bilaabay inuu si cad u soo ban dhigo dhambaalladuu xanbaarsanaa ee xagga Eebbaha laga soo rogay. Tolkuu ka dhashay
waa Qureeshe, markii hore waxay isla dhex mareen inuu yahay maraan la dhex
qaaday, hase yeeshee, markii uu bilaabay wax-ka-sheegga sanamyadii la weynaa iyaga
bay odoyadii Qureesh caroodeen oo iyana bilaabeen cadaadis kadhan ahaa nabiga
iyo wadeyadii u riyaaqay dhambaalladiisa.
Qofka
la rumaysan yahay inuu ugu horraynba u qur baxay islaannimada awgeed (shahiid)
waxay ahayd marwo uu qabay nin la oran jiray Yaasir Ina Amiir, una dhashay
wiilkiisii Cammaar (ka-mid ahaa caaradkii islaanimada), marwadaas oo la oran
jiray Summaya Ina Khabbaad, waxaa hortiiba ciqaab ku silciyay baa la yiri, Abuu
Xakam oo nabiga adeerkiis ahaa, markii dambase ku caan baxay; Abuu Jahal,
colaad aad u ba'anna u qaaday islaanimada. Waxaa kaloo caan noqotay sheekadii
Bilaal Ina Ribaax/Riyaax (dhalasho ahaan ka soo jeeday Xabashida) oo isagoo
addoon u ah Ummaya Ina Khalaf, si qarsoodiya u rumeeyay nabiga, taas oo uu kala
kulmay ciqaabo aad u daran ilaa Abuu Bakar al-Saddiiq uu Ummaya ka soo gatay,
xoreeyayna. Markaas kadib, Bilaal oo ahaa nin cod aad u fiican leh wuxuu noqday
Mu’addinkii ugu horreeyay iyo sidoo kale isagoo noqday mid aad loogu kalsoon yahay.
Nabiga
in kastoo looga gabban jiray adeerkiis Abuu Daalib oo hoggaamiye jifo ahaa iyo
Khadiija oo waxtar fiican u lahayd, haddana dhawr jeer baa loo gafay sida,
markii adeerkiis Cabdul-Cusaa oo caan ku noqday Abuu Lahab (dhabannadaa casaa)
uu haraagii neef la qashay dul saaray nabiga oo markaas Kacbada ku tukanaayay.
Sidoo kale haweenaydii uu Abuu Lahab qabay waa Ummu Jamiil (Jamiil hooyadiis) e, oo marinnada xannibyo u dhigi jirtay nabiga. Labadaas dambe ee is qabay waxay
si weyn caan ugu noqdeen colaaddii muslimiinta, waxaana labadoodaba ku soo dagtay Suuradda al-Masad.
Qureesh oo u aragtay baaqyadii nabiga kuwo halis ku
ah waxyaalihii ay rumaysnaayeen iyo hababkoodii dhaqan dhaqaalaba waxay
samaysay wax kasta oo waxyeello ku ah diintii cusbayd iyo kuwii raacayba. Marar
bay u kala bixiyeen dhabbayaashii Maka soo galaayay kooxo uga diga xujayda soo
socota ninka waashay ee Maka ka soo if baxay waa siday qabeene. Waxay kaloo
Qureesh mar u soo jeedisay nabiga, inay boqor ka dhiganaayaan haddii uu joojiyo
baaqyada kadhanka ah sanamyadoodii, wuxuuse ugu jawaabay inuusan hanti, jago
iyo abaal toona ku raadinayn samaha uu u sido dadka. Wuxuu kaloo u sheegay in isagu yahay ergay xag Eebbe laga soo diray oo hawshiisu tahay kaliya inuu
fartiinta Weynaha gudbiyo. Mar bay u soo jeediyeen Abuu Daalib inay ugu beddeli
doonaan wiilka uu adeerka u ahaa wiilal kale oo wanaagsan haddii uu Abuu Daalib
oggolaado in la dilo Maxammad (NNK), taas oo muujinaysa heerka cabsidoodu gaartay. Mar kale waxay si adag Abuu Daalib ugu
sheegeen halista ku soo fool leh Maka iyo dadkeed oo uu sabab u ahaa siday
qabeen Maxammad (NNK), wuxuuna Abuu Daalib u yeeray nabiga, wuxuuna u soo
jeediyay wixii ay odoyaashii tolkiisu ka codsadeen. Codsigaan dambe wuxuu
nabigu ugu jawaabay: ‘ Haddii gacmahayga mid qorraxda la saaro tan kalana dayaxa, ka hari maayo waxaan wado’. Markaas kadib Abuu Daalib wuxuu ku jawaabay
oraah culus oo ay ahayd: “Haddii arrinkaagu sidaas kuu la culus yahay wado
aniguna waxaan ballan qaadayaa intaan noolahay inaan ku difaaco”.
Markii
uu Cumar Ina Khaddaab oo ahaa nin halyey ah oo laga dambeeyo islaanimada qaatay, waxaa sii kordhay caradii
qolodii Qureesh ee kadhanka ahayd nabiga iyo dadkii raacay. Haddaba waxay
maleegeen qorshe ahaa; in si dhammaystiran loo go’doomiyo Maxammad, intii
rumaysay iyo waliba qoyskii uu ka dhashay oo loo arkay midka ku gadaaman.
Sidaas darteed, waxay saxiixeen warqad arrinkaas lagu hir gelinaayo. Waxay soo
saareen go’aan lagu guddoonsaday inaan laga guursan oo haba yaraatee lala yeelan
wax ganacsi ah. Waxaa hab dhaqankaas ka xumaaday baa la yiri qaar ka mid ahaa
wax-garadkii Qureesh, waxayna soo jeediyeen in dib loo eego heshiiskii qoraalka
ahaa. Warqaddii oo Kacbada ku dhegganayd baa la yiri, ha la soo saaro, waxayse
ku argagaxeen markay arkeen warqaddii oo ay quraanjo cuntay, kana reebtay “Magaca Ilaahay”. Markaas kadib, waa la buriyay heshiiskii, laakiin
diidmooyinkii dhambaallada ee uu nabigu u banjoogay waa sii xoogaysteen.
Sannadku
markuu ahaa 619-kii M.D waxaa geeriyootay marwadii nabiga ee samaha badnayd waa
Khadiijee, isla maalmihiiba waxaa isna geeriyooday Abuu Daalib. Labadaas qof oo
gaashaan adag u ahaa nabiga iyo kuwii rumeeyay si aada baa loo tebay loogana
murugooday, waxaana waagaas loo baxshay “Sannadkii Tiiraanyada”.
Afartii
sanoo ugu horreysay ee uu nabigu dadweynihii Maka ugu yeeraayay diinta
islaamka, kooxihii rumeeyay waxay u badnaayeen dad aan lahayn taag sii ridan oo
ka celin kartay xada-gudubyadii loo geysanaayay. Haddaba nabigu isagoo u yaabay
naftooda wuxuu kula taliyay in intii awooddaa u guurto Xabasha oo markaas uu ka
talinaayay boqor (Negus) masiixiya. Xilliga geeddigu wuxuu ku beegan yahay 614-615kii M.D. Tirada ku guurtay hayaankaas waxaa lagu sheegaa 11 rag ah iyo 4 dumara. Boqorka waagaas talada Xabashida hayey baa la filaayo inuu ahaa
Ashama/Sahaama Abgar, wuxuuna muslimiinta dejiyay Negash oo ka tirsanayd
gobolkii Tigray ee Aqsum xarunta u ahayd. Madaxdii Maka, ergay ka daba direen
muslimiintii guurtay, ergadaas oo hadiyado qaaliya u sii qaaday Negus-kii
Xabashida. Hase yeeshee, sida la wariyay boqorkaasi markii uu isu dhegaystay
labadii dhinac, wuxuu ku qancay dhinicii muslimiinta sidaas bayna ku nabad
galeen.
Muslimiintii guurtay waxay maqleen tibaax oranaysay, Qureesh oo dhan way oggolaatay diintii cusbayd, waxayna sidaas awgeed ku soo noqdeen Maka, waxayse duleedka Maka ku ogaadeen in warkii ay ku soo noqdeen been ahaa. Qaar baa is biimeeyay oo galay Maka, qaarna waxay ku noqdeen Aqsum-tii Xabashida. Koox kale baa u hayaantay mar dambe Xabashida, kuwaas oo lagu sheego 83 rag ah iyo 18 dumara.
Muslimiintii guurtay waxay maqleen tibaax oranaysay, Qureesh oo dhan way oggolaatay diintii cusbayd, waxayna sidaas awgeed ku soo noqdeen Maka, waxayse duleedka Maka ku ogaadeen in warkii ay ku soo noqdeen been ahaa. Qaar baa is biimeeyay oo galay Maka, qaarna waxay ku noqdeen Aqsum-tii Xabashida. Koox kale baa u hayaantay mar dambe Xabashida, kuwaas oo lagu sheego 83 rag ah iyo 18 dumara.
No comments:
Post a Comment