Ababkii Nabi
Maxammad Iyo Kacaankii Weynaa Ee Islaamka-6aad
Habaynkii
Dheelmitaanka iyo Xag-Sare-Aadka:
Habayn
abbaaraha ku beegan 621-kii M.D oo ka mid ahaa habaynnadii islaamku bilawga
ahaa, ayaa Nabiga waxaa laga dheelmay Maka oo la geeyay Baytul Qudus, dheelmitaankaas
waxaa loo yaqaan al-Israa. Markaas kadib waa laga sii dheelmay oo waxaa loo dhigay cirarka, waxaana loo yaqaan
Habaynkii Xag-Sare-Aadka (al-Micraaj). Waxaa arrinkaas ka soo wariyay Nabiga
Anas Ina Maalik, Nabigu wuxuu yiri buu yiri:
“Anoo
ku sugan guriga oo soojeed iyo hurdo u dhexeeya ayaa waxaa la i hor keenay
masaf (tray) ay ka buuxaan garaad iyo rumayn, waxaana la i dillaacshay dhuunta
ilaa qeybta hoose ee mindhicirka waxaana lagu xalay biyaha Samsamka oo garaad
iyo rumayn ka buuxaan. Waxaa la ii keenay neef Buraaqo la yiraahdo, kaas oo ka
yar baqasha kana weyn dameerka, waxaana raacay Jibriil. Markaan gaarnay cirka
noogu dhow baa Jibriil ku yiri ilaaliyihii illinka cirkaas; ‘Fur illinka’.
Ilaaliyihii baa markaas yiri; ‘Waa kuma? Wuxuu yiri; Waa Jibriil’, suu yeh
Ilaaliyihii; Yaa kula socda? Jibriil baa ugu jawaabay waa Maxammad, suu yeh
haddana; ‘Miyaa loo yeeray’? Jibriil baa yiri; ‘Haa.’ Kadib, waxaa la yiri; ‘Ha
soo dhawaado. Wacanaa booqashadiisu!’ Markaas kadib waxaan la kulmay Nabi Aadan (NK), markaan
salaamay buu igu yiri: Wiilkaygii nabiga ahaayow soo dhawow.
Markaas
kadib waxaan sii aadnay xagga sare. Waxaa la weyddiiyay, ‘Waa kuma?’ Jibriil
baa yiri, ‘Waa Jibriil.’ Waxaa la yiri, ‘Yaa kula socda?’ ‘Maxammad’ buu yiri.
Waxaa la weyddiiyay, ‘Miyaa loo yeeray?’ Wuxuu yiri, ‘Haa.’ Waxaa la yiri, ‘Ha
soo dhawaado, wacanaa booqashadiisu!’ Markaas kadib waxaan la kulmay Yaxye (NK)
iyo Nabi Ciise kuwaas oo yiri, ‘Walaalkii Nabiga ahaayow soo dhawow.
Kadib
waxaan sii aadnay cirka seddexaad. Waxaa la weyddiiyay, ‘Waa kuma?’ Jibriil baa
yiri, ‘Waa Jibriil’ Waxaa la weyddiiyay, ‘Yaa kula socda?’ markaasuu yiri,
‘Maxammad.’ Waxaa la weyddiiyay, ‘Miyaa loo yeeray?’ ‘Haa’ buu yiri Jibriil.
‘Ha soo dhawaado, wacanaa booqashadiisu’ baa la yiri. Halkaas waxaan kula
kulmay Yuusuf waana salaamay, wuxuuna iigu jawaabay, ‘Walaalkii Nabiga ahaayow
soo dhawow’. Kadib waxaan u sii gudubnay dhanka cirka afraad waxaana la is
weydaarsaday su’lihii iyo jawaabihii horoo kale. Halkaas waxaan kula kulmay
Idriis waana salaamay. Wuxuu igu yiri, ‘ Walaalkii Nabiga ahaayow soo dhowow.’ Kadib
waxaan u sii gudubnay dhanka 5aad waxaana la is weydaarday su’aalihii iyo
jawaabihii horoo kale. Halkaas waxaan kula kulmay Haaruun (NK) waana salaamay.
Wuxuu igu jawaabay, ‘Walaalkii Nabiga ahaayow soo dhawow. Kadib waxaan u sii
gudubnay dhanka cirka lixaad, sidii oo kalaana su’aalihii iyo jawaabihii baa la
isu weydaarsaday. Halkaan waxaan kula kulmay Muuse (NK) oo aan salaamay isaguna
iigu jawaabay, ‘Walaalkii Nabiga ahaayow soo dhawow’. ‘Markaan sii dhaafaynay
buu bilaabay inuu ooyo markii la weyddiiyay wuxuu la ooyayna, wuxuu yiri,
‘Eebbow! Kuwa rumaynaya ninkaan dhallinyarada ee gadaashay la diray baa Jannada
uga badnaan doona kuwii aniga i rumeeyay.’ Kadib waxaan sii aadnay dhanka cirka
toddobaan isla su’aalihii iyo jawaabihii baana la is weydaarsaday. Halkaan
waxaan kula kulmay oo salaamay Ibraahim (NK) wuxuuna igu yiri, ‘Wiilkaygii
Nabiga ahaayow soo dhawow.’
Kadib
waxaa la i tusay Gurigii Buuxay (Baytul Macmuur) markaan jibriil wax ka
weyddiiyay wuxuu igu yiri, waa guriga ay 70,000 oo malag maalin walba ku
tukadaan markaas kadibna iyagu dib uma soo noqdaan ilaa Maalinta Yoobsanaanta
(Qiyaamaha) laakiin kooxo cusub baa meeshoodii yimaada waagii baryaba.
Kadib
waxaa la i tusay Sidrat al-Muntahaa (waa geed ku yaal cirka toddobaad) waxaana
arkay mirihiisa la moodo Jalxadyadii Xajar (magaalo Carbeed) oo caleentiisa la
moodo dhego maroodi, waxaana xididadiisa ka soo bilawda afar wabi, labo waa
muuqdeen labana waa qarsoonaayeen. Waxaan Jibriil wax ka weyddiiyay wabiyadaas
wuxuuna yiri, ‘Labada qarsoon waxay qulqulaan Jannada, labada muuqatana waa
Niil iyo Furaad.
Kadib
waxaa la i soo faray konton salaadood. Waan soo degay ilaa aan Muuse (NK) la
kulmay oo uu i weyddiiyay, ‘Maxaad fashay?’ Waxaan iri, ‘Konton salaadood baa
la i soo faray.’ Wuxuu yiri, ‘Anaa kaa badiya dadkoo waxaan ku dhibtooday sidii
ay Reer Banuu Israa’iil u rumayn lahaayeen Weynaha ee ku noqo Weynahoo ka bari
inuu kaa yareeyo tirada salaadaha. Waan noqday waxaana Weynaha ka baryay
yaraynta salaadaha, wuxuuna ka dhigay afartan salaadoo. Markaan soo noqday oo
aan Muuse mar labaad la kulmay wuxuu igu yiri ku noqo Eebbe salaaduhu waa badan
yihiine. Haddana Eebbaan ku noqdoo markaas ka dhigay salaadihii mar soddon, mar
labaatan, marna toban. Haddaan soo noqday oo Muuse (NK) la kulmay mar kale
sidii oo kaluu igu yiri wali waa badan yihiine Eebbe ku noqo ha kaa sii yareeyee.
Markii dambe ee uu Eebbe salaadihii ka dhigay shan, Weynaha waa isu dhiibay in
kastoo Muuse (NK) wali lahaa, ‘Ku noqo Eebbe oo yarayn codso.’ Markaas kadib
wuxuu Eebbe yiri, “Waxaan waajib ka yeelay go’aankaygii waxaanna culayskii ka
yareeyay Adeegayaashayda, waxaanna ugu dhigi doonaa halkii fal oo samaana oo ay
sameeyaan sidii toban fal oo wanaagsan”. Saxiix al-Bukhari, Qeybta 4,Buug 54, Sheekada 429
Dhacdadaas
Nabiga lagu dheelmay ee wacdaraha leh waxay noqotay mid ku weyn diinta
islaamka. Magaalada Qudus ee markii horaba ay sarraysiin jireen kuwii rumaysnaa
dhambaalladii loo soo dhiibay Nabi Muuse (Tawreed) iyo dhambaallladii Nabi
Ciise (NK) waa Injiile, wixii ka dambeeyay Dheelmitaankii iyo Xag-Sare-aadkii
waxay muslimiintana u noqotay meel sarraysa, ilaa xilligaan la joogana waa
goobta seddexaad ee mudnaanta sare u leh muslimiinta. Kowaad waa Maka iyo labaad oo Madiina
ah.
No comments:
Post a Comment