Friday, August 16, 2013

Soo Noqotay Aamina (hees---Yamyam 'AUN')

Qeybtii dambe ee qarnigii 20aad waxaa Soomaaliya ka jirtay dawlad kacaana oo marar xoog badnayd. Wax-ka-sheegga taliskii waayahaas jiray ma banaaneyn, qofkii ku dhiirradana xabsi iwm buu la kulmi jiray. Haddaba halabuurro badan baa ku maldahay maansada laxawga ama jaceylka dhaliiliddii taliskii markaas jiray. Waxaa markaas adkaatay in la kala sooco maansada kalgacalka dhabta, khiyaaliga ama male-awaalka iyo tii loo sarbeebay siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, waxay dhammaantood muuqaalka guud uga ekaayeen kuwo ku salaysan kalgacal ama jamasho labo dhex martay. C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) allaha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa halabuurradii waayahaas si aada u calan walleynaayay, isla markaana si walba u tiriyay maanso qurux iyo qiro leh. Gabadhii Aamina, dhab ha ahaato ama dhalanteede, waxaa ku soo arooray heeso dhawra sida;

Shalay saaddii faraxiyo
Kalgacaylkii aan siday
Sida qalab dareenkii
Aan soofeeyay laxawgii
Aan ku sasabaayay noloshaan
Raaxada la sugaayoo
Aayaha sal uga dhigay
Show sabab la'aan amar
Sinta kama geddiyiinoo
Hadal aan ka naxay subax
Sow layaabku ima siin
Sow aroorba waa sade
Ma saluugin waayihii
Dhaawacayga sidayoo
Xirribaha salkeediyo
Isha saabka qariya
Dhibco saaran maan arag
Salalaye xaggeen qaban
Sara kacaye yaa i wadi
Ma sun baa, ma subag baa
Sixinkaan kabbadayow
Sahay iyo sad kee tahay?

Soojeede hameyn iyo
Seexan-waagu culusaa
Anfacada ka soomaye
Maxaan cunaha siiyaa
Seedaha laf-dhabarkiyo
Sulnixii xididdadiyo
Saanta maxaan ku dheefshaa?
Suulka labada dhaban iyo
Baabacada saaroo
Xiddigaha salkoodiyo
La iiga baaq samadoo
Silic iyo darxumiyo
Samhariira weheshaday
Sida aar la sugayoo
Dadku labo sagaalaad
U safnaa dariiqoo
Aan wali la sugin baan
Diyadeyda kii siday
Anna soo dhaweyntii
Sahan ugu maqnaayoo
Isagoo socduu yimid

Sirmaqabe ma liicee
Sigtay waana nabad galay
Galka seefta kala baxay
Erayada sirta ahoo
Saameeya ruuxii
Kalgacalku saray iyo
Saf murtiya ku weeraray
Soo dhiciyay guushii
Maantana sagalku waa ubax
Aan cadceeddu siginoo
Fadad kala sokeeyiyo
Sarsarkiisa caad gelisay
Saab ku reeboo
Muuqaalka subaxoo
Sagoontiyay hameynkiyo
Mugdi sii kallahayaa
Sinta labo qof jooggood
Dhinaca isa saaroo
Jeegaantu waa sahan
Seermaweydo roobiyo
Neecaw la socotiyo
Saxansaxada udugga le
Baallaha ku sidatoo
Dhulku kaymo siman iyo
Guryosamo la yaal iyo
Waa saac ugbaadoo
Beelaha sintooday
Dhallinyaro la soo maray
Siddi'-qabaxda labo labo
Intaas saarka caashaqa
Soo dageey la leeyahay
Anna labo sildoo siman
Beer lagu sargooyaan
Maansada sunteediyo
Sabuulkeeda ku arartaa
Sannadkii kalgacalkow
Toddoba iyo siddeedow
Inaad beri-samaad tahay
Soo noqotay Aamina!

No comments:

Post a Comment