Saturday, August 10, 2013

Bad-caddaadka Soomaaliya

Image: Milky sea


Bal malee, saqda dhexe ee habeynkii, iyadoo mugdiya iyo adigoo badmaaxa oo ku gooshaya markab maraaya Badweynta Hindiga ee ku dheraran Soomaaliya. Bal malee baddii aad ku dhex maaxaysay oo wada caddaatay oo yeelatay midabka caanaha ama baraf goglan ilaa il-wareertay oo dhinac walba. Muuqaalkaas bad-caddaadka ah ee aad aragtay maahan wax cusub ee waa dhacdo amakaag leh oo ilaa 400 oo sano badmaaxdu, markii waayo la joogaba la kulmaan oo ka sheekeeyaan. 

Waxaa la moodi jiray sheekooyinkii badmaaxda kuwo sheeko-xariiro ah oo aan dhab aheyn. Nin la oran jiray Jules Verne ayaa sannadkii 1869kii ku sheegay buug-sheekeedkiisii  “20,000 Leagues Under the Seabad habeynkii u iftiinta sida nalka oo kale oo habeynkii mugdiga ahaa ka dhigta sidii harkii maalinnimo oo kale. 

Bishii Kowaad ee 1995tii ayaa markab ganacsi oo Ingiriis ah oo la yiraahdo M/V S.S Lima oo maaxayay Badweynta Hindiga ee ku beegan Bariga Soomaaliya, meel u jirta xeebta fogaan dhan 150 mayl badeed, hoggaankii markabka waxaa u muuqday dhalaal cad oo xooggan oo markabka hortiisa ka birqaaya, 15 daqiiqo kadibna wuxuu markabkii dhex maaxay goob aad mooddo baraf ama daruuro cadcad, dhacdadiina waxaa lagu diiwaan geliyay looggii markabka.  

Wax sheekooyinkaas dhalanteed loo maleeyaba, waxaa ku eegay satellite-ka oo sawiro ka qaaday arrinka yaabka leh Shaybaarka Cilmibaarista Badda “Naval Research Labortary” ee Dalka Maraykanka sanadkii 2005tii, waxaana rumoobay wararkii badmaaxda. Wuxuu shaybaarkaasi sheegay in qeyb Badweynta Hindiga ka mid ah oo le’eg Gobolka Connceticut ay u iftiinto marmar sida nalka oo kale, wuxuuna sheegay Steven Miller oo ka tirsan shaybaarka cilmibaaristu, in sababta ay baddu la caddanayso ay wali tahay xujo aan la furin.


Si kastaba ha ahaatee, waxay culimadu sayniska qaarkood ku macneeyeen; dhalaal-nololleed “bioluminescent”. Waxay leeyihiin waxaa keenaya nololle bakteeriyada ah oo gaaraya bilyanno oo aruuray oo falcelinaaya. Waxay nololleydaasi leedahay awood iftiimin sida gaaraabidhoodka oo kale. Ilaa hadda inta la og yahay bad-caddaadkaas ku beegan xeebaha Soomaaliya waa kan ugu weyn dhacdooyinka sidaas oo kale ah.   

No comments:

Post a Comment