Thursday, August 22, 2013

Dhalanteed (hees)

Wiilka:
Nimuu dhabarku jaban yahay
Dhaqdhaqaaqi maayee
Sidaan dhawr hameyn qaday
Dhafoorradu i jiidmee
Waa dhaawacagii 
Waxaan la dhuubtee
Markii aan ku dhawraba
Dhib baa ii kordheysee

Gabadha:
Markii hore dhitiyo iyo subag
Dhay baan filaayee
Dhiil maran adoo sida
Dhabta igaga tuurtee
Dharab-orodka xoolaha
Dhurwaagaa ku laayee
Ani dhedo iyo ceeryaamo
Hay oran ka dhaansee
Dhalanteedku waa midaan 
Iga dhaadhaceyne

Wiilka:
Ninkii dhiirranaan jiray
Waqtigaa dhantaaloo
Dhaxaan itaalkay
Anba dhaban adeygoo
Dhudhun iyo lixaadkii
Wax ku dheefi waayee
Hagar kuguma dhaafine
Dhadhaab bay hor yaallee

Gabadha:
Aqal dhinac bannaan yahay
Dhaxan kaama celiyee
Dharaartii aan baahnaa
Igu dhego adeygtee
Dhuubkaa kulay tahay
Kaama helin dhaqaalee
Waa adigii i dhigay meel
Dhamac iyo abaaroo
Dhalanteedku waa midaan
Iga dhaadhaceyne

Wiilka:
Sidii Dheeha geeloo
Dhaameel hawd ka daaqdoo
Dhanihii Bullaaliyo
Dhoobaale joogtaad
Ama tahay dhir canabaad
Dhaayaha u roontee
Wali waan dhur sugayaa
Inaan wada dhammaynnee

Gabadha:
Ninkii dhuubanaayee
Dhabarkiisu muuqdee
Dhoqso loo ogaadaad
Sidii sii ka dhigantee
Hadalkaas dhan-saarka
Kaa dhegaysan maayee
Haddii ay dhab kaa tahay
Dhaar ma ii maraysaa
Mise kala dhaqaaqnaye
Sidaa saan ku dhaafnaa?

Erayada:
1- Dhito: wax la dhigay ama la kaydshay sida caanaha.
2- Dharab-orodka: dharab waa sayaxa ama yaxniga. Haddii xooluhu iyagoo ku faraxsan hadba dhinac ugu yaacaan (dharab-orod) bahalladay halis u yihiin.
3- Dhedo: ceeryaamo culus oo ay adag tahay in wax la arko.
4- Dhantaal: wax isku dubbaridnaa ama isku toosnaa oo la kala tuuro ama la naaqisiyo.
5- Dhadhaab: dhagax culus oo ay adag tahay in la hinjiyo.
6-  Dhuub: xirmo ama wax xoogaa ah.
7- Dhamac: waa dab aad u qaxmay ama shidmay amaba qorrax aad iyo aad u kulul.
8- Dheeha: halkaan waa hal magaceed.
9- Dhaameel: magac geed.
10- Bullaale iyo Dhoobaale: waa ceel-biyoodyo ku yaal dhulka Soomaali Galbeed.
11- Dhaayaha: indhaha ama xubnaha aragga.
12- Dhur sugaaya: ku samraaya ilaa aan helo waxaan sugaayay.
13- Dhan-saar: wax sida dhaliil oo kale ah oo la iska duway oo dhinac kale la saaray.

No comments:

Post a Comment