Thursday, July 31, 2014

Guuleed Ma Joogaa? (hees)


Waxyaalaha maansada Soomaaliyeed qiradeeda kordhiya waxaa kamid ah khiyaaliga ama male-awaalka, waxaana bila sarbeebta iyo culayska erayada, kuwaas oo lagu jaangooyay heestaan oo uu hal-abuuray Allahaw naxariistee C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam). Haddaba si uu u garto qof walba waxaan qaadaa-dhigaynnaa meerisyada heesta, isla markaasna waxaan hoos ku qeexaynnaa erayada aan is leenahay dadka qaar way ku adkaan karaan:

Xalay gelin dhexaadkii
Maraan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
Oon himilo gaara leeyay
Dayaxoon galsho lahayn
Illayskiisa galalacay
Sida gooni-daaq cawl
Gaaf meeray socodkii

Xalay fiidkii iyadoo caddo ah ayaan gurigaygii ka soo baxay waxaanna kaligay agagaarkiisa u mardaaddinaayay/mushaaxaayay sidii aan ahay cawl gooni u daaqa, waanna hamminaayay.  

Oon guud haldhaa iyo
Mililicay Gob weynoo
Midba gooni laamaha
Rucub mira guntaday
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaraha
Hadba gees u liicaan

Iyagoo hammigii iyo himiladii ay laabtayda ku jiraan, baan waxaan arkay hummaag ila noqday haldhaaga gorayada oo inta baallihii fidiyay is humbulay amase geed Gob ah u eg. Waxaan qalbigayga ka suureeyay hadduu yahay geed, waxayna ila noqotay inuu yahay geed laamihiisa mid walba ay la tiicayso rucubyo miro ah. Geedkaas laamihiisa sida ay hadba dhinac ugu liicayaan, waxaad mooddaa inay garaaro leeyihiin.  

Oon wali gar-eexaad
Lagu niqin guntiisoo
Gudin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo

Xididkiisa gaarrani
Deyrtoo gidaaddiyo
Gu' la waayay aragoo
Gondaha rayska kula jira
Oo hoos galbeedkiyo
Harka geedku bixiyaa
Neecaw gaara leeyahay
Oon halaq-galeen iyo
Inna godad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aanay haaddu guri Karin

waxaan male awaalay inaan geedkaas hoostiisa caddaalad-darro ka dhicin, waayo wuu qallali lahaa. Waxaan kaloo male awaalay inaan geedkaas gudin lala dhicin, waayoo wuu naafoobi lahaa. Geedkaasi waligi ma waayin roobabka guga iyo deyrta da'a, mar walbana waxay xididdadiisu dhex qotomeen ciid qoyan waa rayskee. Geedkaasi meelo halagqu galo ma laha, haaddu waxay ka cuntana wax-dhimaal u ma laha. Geedkaas hooskiisu wuxuu leeyahay neecaw aan laga heli karin geedaha kale hoostooda.


Oo meel gabbaadliyo
Sabad guri ku yaalloo
Leexa is galooshiyo
Ufo garame kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Marna aanay goyn karin

Geedkaasi wuxuu ku yaallaa meel dugsi leh oo heelad guri ah. Dabaysha is galoosha ee leexada la yiraahdo iyo duufaan roob wadataa midna ma rujin karo.   

Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xasuusta
Haybaddayda gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is geliyeen
Ayaa gadafka muuqa
Geed iiga dhigaye
Illeyn araggu waa gabar

Jamasho qalbigayga ku jirtay iyo dareenkii laabtayda labo-rogmaanaayay baa indhahayga ilmo ka buuxshay oo muuqaalka, geed iiga dhigaye illeen hummaaggu waa gabar.

Mase garanayee talo!
Guurti yaw mari laa?
Goob xaarashada yaa
Isagoon gesamin
Garta keligii niqi laa?
Naftu gogatay laabtee
Googgaale badanaa
Gudbi weyday socodkee
Ma god baa horteeda ah?

Sidaan moodaayay iyo siday noqotay awgood, waan garan waayay si aan yeelo oo heedhaha tanoo kale hadday dhacdo, qofkee kaligi go'aan gaari lahaa, isagoon helin caawin ama hamboorrin.? Markay halkaas arrintu maraysay waxaan jeclaystay inaan helo qof wax ii tilmaama, waxaa igu batay su'aalo aan naftayda weyddiinaayay. Fakarkii iyo isla hadalkii bay naftaydii la dhaqaaqi weyday sidii iyadoo uu ku gudban yahay hog aan la dhaafi karin. 

Inaan laba mid soo galo
Sow ila ma gudboonaan
Geesi waaya-aragi
Danti ka ma gaddoomee
Sow ardaaga gurigeeda
Gaashaanka maan dhigan

Sow ereyo googgo’an
Goolbaar ku maan oran
Guuleed ma joogaa?

Waxay ila noqotay inaan labo mid yeelo; inaan iska daayo gabadha iyo inaan u bareero oo u tago. Dantaydu waxay ku jirtay inaan u tago oo la hadlo, qofkii geesiyihina dantiisa waw bareeraa. Markaas kadib, waxaan u imid reerkii gabadha, anigoo iska dhigaaya nin raadinaaya nin magaciisa Guuleed la yiraahdo. Gabadhii baan weyddiiyay in Guuleed joogo iyo in kale.

Guntanaha sarbeebta ah
Sow maanay garanoo
Kaftan dhiirrigelina
Googgaa ma oranoo
Sheekadii iga ma gurin
Oo gudasho xeer iyo
Gaari camalladeedii
Gogol ii ma soo dhigin

Gabadhii waxay garatay in aan Guuleed ku sarbeebtaye, qofka aan rabay yahay iyada laf ahaanteeda. Kadib, waxay igu la hadashay erayo kaftan ah oo ay ula jeedday dhiirragelintayda. Su'aalo bay i weyddiisay, jawaabihiina way iga gurtay, isla markaasna sidii lagu yaqaannay gaarida, gogol bay ii dhigtay wayna i soo dhaweysay.

Haasaawe guudoo
Gardaadsaday jacayl iyo
Sow barasha gaaroo
Aan libin ku gaarnaa
Goobtaa ka may dhalan

Laxawgaa guntamay iyo
Faraxaa ka soo go’ay
Qalbigii gurnaa baa
Irmaanaaday galabtaa
Kulankii aniga iyo gabadhii waxaa ka dhashay is-barasho iyo kalgacal aan ku higsanno liibaan. Dareenkaas kalgacalka leh ee aan wada abuurnay iyo go'aannadii wada-jirka ahaa ee aan gaarnay, waxay nugleeyeen fiidkaas qalbigaygii markii hore adkaa ama gurnaa.

Gacma furan dhankaygee
Daalo geedaheedii
Diib aan ka guray iyo
Guntimooyin ubaxoo
Xariir lagu galeeyaan
Kuu geliyay qoortee

Deeq gacalle weeyee
Gobaad waxaad u dhiibtaan
Boholyo aan qof ii gelin

Intii aan gu' noolaa
Arrimahaas aan wada gaarnay xaggayga si niyad ah baan u soo dhaweynayaa, waxaanna qoorta u surayaa gabadhaas xirmooyin udgoon oo ubaxa oo aan ka soo guray Buurta Daalo. Idinkuna waxaad Gobaad (magacii gabadha) u geysaan fartiintayda xanbaarsan, jaceylka aan iyada u qabo, waxaadna u sheegtaan intii aan noolaa inaanan sidaan oo kale wax u jeclaan.

Saldhiggii xishoodkaay
Adiguna garaad badaneey
Maanku kaa ma guuree
Murtidaan la
goohay
Gunno weeye keligaa
Gabdho aad ka mudatee
Geestaydan caashaqa
Ka godladay ha gaagixin

Waxaan gabadhaas garaadka badan oo xishoodka huwan, maankeeda Ilaah ma doorshee, u sheegayaa in maansada aan sheegay ay iyadu ka mudan tahay gabdhaha kale in loo tiriyo, waxaanna ka codsanayaa inaysan caashaqa i galay igu gaagixin ama gurin.

Erayada:
1- Mayrac: daajinta xoolaha fiidka hore. Halkaan wuxuu leeyahay fiidkii horaan socday ama warwareegay. Marka la yiraahdo mayrac-guure; wuxuu macnuhu noqonayaa socdaal wax lagu raadinaayo ama socod ujeeddo leh.
2-Sheedda: meel durugsan, kor, fog.
3- Galsho: godad laga ag sameeyo balli guraaya oo xareeddu ku soo miiranto. Halkaan godka ama galka uu dayaxu galo.
4- Galalacay: kaahay, iftiimay.
5- Gaaf: kob la qurxiyay oo arooska iwm lagu dhigo. Dibad; hareer. Gaaf meeray; wuxuu ula jeedaa, si wareegaalaysi ah baan u soconaayay.
6- Rucub: cuntub miro ah ama ubaxa oo hal laan ka lusha.
7- Raamuhu: Raamo oo ah wadarta raan; waa timo qeyb-qeyb isugu maran. Halkaan waa laamo isku maran.
8- Gardho: dhogorta ubadka geela; timaha jilicsan oo rigrigada yeesha marka la firo. Halkaan wuxuu u jeedaa qeybaha jilicsan ee geedka. 
9- Gaarrani: daboolan, dahaaran. wuxuu u jeedaa laantii waxaa qariyay caleemo iyo hoobaan.
10- Gidaad: geyrasho; dhirfid; caro.
11- Gabbaad: wax looga gabbado dhaxanta iwm.
12- Sabad: guriga agagaarkiisa; heelad
13- Ufo: dabayl roob wadata oo xoog leh
14- Gilgil: ruxruxid; liiliijin.
15- Godol: marka naasleyda caanuhu candhada soo buuxshaan.
16- Gadaf: wax qaab wareegsan leh. Halkaan wuxuu leeyahay waan wareegaaleystay.
17- Gondaha: cago, lugo. Halkaan xididadda geedka 
18- Googgaale: waa eray fure u ah su'aalo sarbeeban ama daboolan oo la is weyddiiyo.
19- Gaashaan: waa aalad waayihii hore la isaga dhigi jiray waranka iwm oo laga samayn jiray; harag, geed, macdan iwm. Halkaan waxaan arrinkaygii ag dhigay gabadhii aan jeclaystay.
20- Goolbaar: su'aal si dadban loo weyddiiyo oo looga jeedo in jawaab saxa la helo; duur-xul.
21- Sarbeeb: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoon tahay.
22- Haasaawe: sheeko ama hadal la isku maaweeliyo.
23- Gardaadin: xus loo sameeyo ilmaha afartanka maalmood jirsada; qof wanaag lagu yaqaan baa qaada oo la orda ama faras baa lagu taxaabaa. Halkaan sheekadii lammaanuhu bilaw fiican bay yeelatay ama wanaag baa lagu gardaadiyay.
24- Laxaw: dareen xanuun ama kaar leh.
25- Gesamin: aan waxba quudan, aan waxba dheefsan. Halkaan aan kaalmo helin.
26- Galeeyaan: gal waa wax daboolmi kara oo ka samaysan warqad, loox, bir iwm. Halkaan warqaddii gacalisada uu u diray buu ku xareeyay gal xaashi ka samaysan. 
27- Deeq: wax la isa siiyo oo aan xoolo iwm la dhaafsan ama lagu doorsan.
28- Gobaad: magac gabdhaha ama hasha loo baxsho.
29- Boholyow: tebidda wax la jecel yahay; hiloow; jamasho.
30- Gogatay: Gogasho waa arrin aan la dayn sidii habboonaydna aan loo qaban; taataabsho. Halkaan wuxuu u jeedaa laabtaydaa ku walaacday.
31- Gunno:  wax si dheeri ah la isu siiyo sida; wax la qeybsaday oo qof ka mid ah saamileydii loogu daray wax dheeri ah; buro. 
32- Gaaggixin: godol-baabi'in wax la qoonsaday darteed. Halkaan wuxuu leeyahay jeceylka curtay ha baabi'in ama gaaggixin.
33- Diib: wax udgoon.

Friday, July 25, 2014

Bilawgii Khilaafaddii Islaamka…Q.2aad


Bilawgii Khilaafaddii Islaamka…Q.2aad

(Cumar Bin Khaddaab)

Cumar (579-644 MD) markuu qabtay taladii muslimiinta ee uu noqday Khaliifkii 2-aad waxaa la siiyay naanaysta al-Faaruuq oo macnaheedu yahay kan kala saara waxa qumman iyo waxa aan qummanayn. Cumar Bin Khaddaab Ibnu Nufayl wuxuu ka dhashay qolodii Banu Caddeey oo ahayd jifo Qureesh ka tirsan. Hooyadi waxaa la oran jiray Hantama Bintu Hishaam waxayna ka soo jeedday qolodii Banu Makhsuum.

Sida la sheegay Cumar yaraantii wuxuu ku raaci jiray geelii aabbihiis banankii ku dhawaa Maka. Waxaa kaloo la sheegay in aabbihiis ahaa nin mudnaan sare ku dhex leh qolodiisii, isla markaasna ahaa ganacsade heerka kowaad ah. Sida mar dambe Cumar laga wariyay; aabbahay wuxuu ahaa nin naxariis daran. Aad iyo aad buu iigu shaqayn jiray ilaa aan tabar gabo, haddaan shaqayn waayana wuu i garaaci jiray.

Cumar yaraantiiba wuxuu bartay sida wax loo qoro, iyadoo waayahaas ay yaraayeen dadka wax qori karaa. In kastoo uusan gabyaa ahayn wuu jeclaa gabayga. Sidii dhaqanka u ahayd Qureesh, Cumar isagoo kuray ah buu bartay tabaha dagaalka, fardo-fuulka iyo lagdinta. Wuxuu ahaa nin dheer, jir xooggan leh, wuxuuna isla markiiba noqday lagdamaa caana. Wuxuu kaloo ahaa aftahan garaad sarreeya leh, wuxuuna isla markii aabbihii dhintay qolodiisii u noqday maareeyaha xiisadaha dhexdooda.  Sidii dhaqanka u ahayd Qureesh, wuxuu Cumar noqday ganacsade, wuxuuna safarro ku tagay dhulalkii ay Faaris ka talin jirtay iyo kuwii ay Room ka talin jirtay, meelahaas oo uu ku darsay hannaanada bulshooyinkaas. Khamriga oo waayahaas hab-dhaqameed u ahaa Qureesh, Cumar  aad buu ugu sheegganaa.

610 MD markii Nabi Maxammad (NNKH) fidintii diintii islaamka la soo banbaxay Cumar wuxuu ka mid ahaa dadkii ka hor yimid, wuxuuna ku gooddiyay inuu dilaayo nabiga. Wuxuu aad u aamminsanaa midnimada Qureesh, wuxuuna u arkay inay diintii cusbayd qaybinayso tolkaas, sidaas darteedna wuxuu ka mid ahaa kooxihii go’aansaday in la dilo nabiga. Si kastaba ha ahaatee, Cumar wuxuu islaamay sannadkii 616-kii waxaana la sheegay inuu islaamay kadib markuu ka dhagaystay seeddigi Saciid Bin Sayd aayado kamid ah Suuradda Daxaa: Dhab ahaan, waxaan ahay Ilaah: Eebbe aan aniga ahaynna ma jiro; sidaas awgeed ii adeeg (kaligay), xusitaankaygana u oog salaadda (Qur’aan 20:14). Waxaa la sheegay kadib markuu dhageystay aayadahaas inuu ooyay, yirina; “Waxaa run ah in kani yahay eraygii Ilaahay. Waxaan marag ka ahay in Maxammad yahay nabi xagga Eebbe laga soo diray.”

Markii uu Cumar qaatay islaannimada wuxuu bilaabay inuu si cad ugu tukado Kacbada oo aysan markaas muslimiinta kale ku dhiirran karin, waxaana arrintaas aad uga carooday labadii hoggaamiye ee kala ahaa; Camar Ibnu Hishaam iyo Abu Sufyaan Ibnu Xarbi, ku mase dhicin inay farageliyaan. Sidaan dambe, waxay caawisay muslimiintii markaas laga taag roonaa.

Sannadkii 622-kii buu nabigu amray in loo qaxo Yasrib oo markii dambe loo bixiyay Madiina, waxayna ahayd in si qarsoodi ah loo qaxo, iyadoo laga cabsanaayay colaaddii ba’nayd ee Qureesh u qaadday islaamkii curdanka ahaa. Cumar oo uu weheliyo ina adeerki, seeddigina ahaa; Saciid Ibnu Sayd si muuqatay uga guureen Maka, asagoo Cumar ku dhawaaqaya sidaan: “midkii raba inuu asay u saaro afadiisa, rabana in carruurtiisu noqoto agoon ha iigu yimaado qarkaas gadaashiisa.”

Markii Madiina la tagay kooxihii Muhaajiriinta ee ka yimid Maka waxaa rumaynta diinta awgeed lala walaaleeyay kooxihii Ansaarta ee reer Madiinaha ahaa, waxaana Cumar lagu lammaaniyay walaal ahaan nin la oran jiray Maxammad Ibnu Maslamah. Cumar wuxuu ka qeybgalay dagaalladii muslimiinta sida; goobtii Badar.  Uxud. Dhufayska, dagaalii kadhanka ahaa labadii qolo ee Yuhuudda ahaa ee kala ahaa; Banuu Nadiir iyo Banu Quraydah iyo Heshiiskii Xudaybiyah. Wuxuu gabadhiisii Xafsa siiyay nabiga sannadkii 625-kii MD.    

Sannadkii 632-dii markii Nabi Maxammad geeriyooday, waxaa la sheegay in Cumar qaadan waayay inuu nabigii dhintay, wuxuuna ku gooddiyay baa la yiri; inuu madax ka goyn doono qofkii yiraahda, nabigii waa dhintay. Markaas kadib, waxaa la hadlay bulshadii muslimka ahayd Abu Bakar oo yiri oraahdiisii caanka noqotay; “Kii Maxammad caabudi jiroow, Maxammad waa dhintay, kii Alle caabudi jiroow Alle waa nool yahay waligiisna ma dhiman doono.” Markaas kadib, Cumar jilbuhuu dhigtay wuxuuna garwaaqsaday runtu siday ahayd.

Intii uu Abu Bakar talada hayay Cumar wuxuu ahaa la-taliye iyo madaxa xoghaynta. Intii ay socdeen dagaalladii Riddadu Cumar iyo Khaalid Bin Waliid waxay ahaayeen hoggaankii abbaanduulka ee dawladdii islaamka ee cusbayd.

Kahor intuusan dhiman Abu Bakar sannadkii 634-tii MD, wuxuu u sharraxay Cumar inuu noqdo khaliifkii isaga xigay, wuxuuna ku yiri baa la yiri madaxdii la shaqaynaysay; “Haddii Eebbahay i weyddiiyo yaad ku soo dhaaftay taladii, waxaan oran doonaa dadkaaga kii ugu fiicnaa.”

Khilaafaddii Cumar Bin Khaddaab
Cumar wuxuu ahaa baa la yiri, nin ku adag qummanaanta, maamul-wanaagga,  go’aan-adkaanta, eexo-la’aanta, xirribta, sinnaanta, caddaaladda iyo u-roonaanta saboolka. In kastoo markii hore, qaar kamid ahaa madaxdii islaamkii ay ka maageen hoggaanka Cumar adadeyggiisa awgiis, haddana dhammaadkii waxaa loo caleemo saaray inuu noqdo Khilaafkii 2-aad ee Dawladdii Islaamka, wuxuuna taladii la wareegay 22-kii bishii 8-aad ee sannadkii 634-tii. Madashii uu kala wareegay talada ayuu khudbaddaan ka jeediyay:

"Kuwaan rumeeyow! Abu Bakar wuu galbaday. Wuxuu ku qanacsanaa inuu ku hoggaanshay markabkii Dawladdii Muslimiinta meel nabada kadib markii uu ka gudbiyay baddii kacsanayd.. Wuxuu si libin leh u qaaday dagaalladii Riddada waana uga mahad naqaynnaa. Maanta islaamku waa kan ku baahsan dhulalka Carabta. Abu Bakar kadib, hoggaamintii islaamka anigaa u xilsaaran. Waxaan ilaahay hortiisa dhaar ku marayaa inanan doonayn xafiiskaan.Waxaan rabi lahaa in xilkaan uu qaado qof kale oo aniga iga mudan. Hase yeeshee, hadda danta guud awgeed, anigay i fuushay hoggaamintii muslimiintu, waxaanna idin ka ballan qaadayaa inaanan ka carari doonin mas’uuliyaddayda iyo inaan ku dadaali doono intii awooddayda ah u-fulinta hawsha sida uu okobban yahay islaamku…Waxaan u ciirsan doonaa Kitaabka Kariimka ah, waxaanna raaci doonaa hab-dhaqankii Nabigii Dhawrsanaa iyo siyaalihii Abu Bakar. Si aan hawshaan u fuliyo waxaan idin ka rabaa kaalmo. Haddaan qaado dhabbaha qumman i raaca, haddaan ka leexdo dhabbaha qummanna i toosiya si aannaan u habaabin.”

Cumar wuxuu ahaa nin la siiyay aftahannimo weyn arrintaas oo uu ku soo jiitay quluubtii dadkii muslimiinta ahaa. Wuxuu aad xoog u saaray arrimahii ku saabsanaa saboolnimada iyo dadkii danyarta ahaa. Wuxuu xoreeyay dhammaan dadkii lagu qabsaday dagaalladii Riddada oo addoonsiga la kaxaystay, taas oo u keentay in si gaara uu taliskii Cumar taageero uga helo dadyowgii reer guuraaga ah.

Dawladdii Cumar waxay u qeybsanayd gobollo iyo maamullo khaliifka hoos imaanaayay laakiin lahaa madaxbannaani gaara sida Asarbijaan iyo Armiiniya. Gobol walba waxaa maamulaayay Waali, waxaana dooran jiray Cumar laf ahaantiisa. Gobol walba waxaa uu u sii qeybsami jiray degmooyin waxaana khilaafaddu lahayd ilaa 100 degmo, waxaana degmo walba maamuli jiray guddoomiye la oran jiray Caamil, inta badanna waxaa magacaabi jiray Khaliifka, marmarse waxaa magacaabi jiray guddoomiyaha gobolka waa Waaliga e. Dhanka kale, waxaa gobol walba ka jiray xilal:

1-    Kaatib, oo ahaa Xoghaynta Guud.

2-    Kaatib al-Diiwaan, oo ahaa Xoghayaha Ciidanka.

3-    Saaxib al-Kharaj, oo ahaa Canshuur Aruurshaha. 

4-    Saaxib al-Axdaas, oo ahaa Madaxa Booliiska.

5-    Saaxib Baitul Maal, oo ahaa Xafiiska Hantidhawrka.

6-     Qaadi, oo ahaa Madaxa Garsoorka.

Aalaa Waaliga ayaa ahaa taliyaha ciidanka, laakiin meelaha qaar waxaa jiray taliye ciidan oo madaxbannaanaa. Mar walba qoraal baa madaxda lagu magacaabi jiray, marka saraakiisha la magacaabayana waxaa guddoomiyaha ama Waaliga laga rabay inuu dadweynaha masaajid isugu keeno, waxaana halkaas saraakiisha lagu fari jiray siyaalihii looga fadhiyay inay ku dhaqmaan. Tilmaamihii guud ee Cumar fari jiray saraakiishaas waxay ahaayeen:

Xusuusnaada, idiin ma magacaabin inaad noqotaan taliyayaal ku jawrfala dadka, waxaanse idiin diray inaad noqotaan hoggaamiyayaal, dadku ay tooda ku daydaan. Muslimiinta xaqooda siiya, hana garaacina, iskaba daa inaad u geftaane. Si aan habboonayn ha u ammaanina, iskaba daa inay kibir ku dhacaane. Ha ka xiraninna albaabadiinna, iskaba daa in kuwooda xoogga badan cunaan kuwooda taagta yare. Ha ula dhaqmina sidii idinkoo ka sarreeya iyaga, taasoo ah sida jawrfaluhu iyaga ku sameeyo.”

Waxaa kaloo jiray hab-dhaqameedyo waayahaas la qaayibay sida in guddoomiyaashu xilliga Xajka soo aadaan Maka, markaas oo dadweynaha loo jideeyay inay guddoomiyaasha dacwo ku soo oogaan, haddiiba ay jirto eedayn.

Si looga hortago musuqmaasuqa wuxuu Cumar go’aamiyay in shaqaalaha la siiyo mushaarooyin sarsare. Tusaale ahaan, guddoomiyaha gobolka waxaa loo gartay in la siiyo 5 ilaa 6 kun oo dirham sannad walba, waxaana u sii dheeraa saamigiisa wixii la soo furto waqtiyada dagaalka, hadduu markaas yahay taliyaha ciidanka ee aaggaas.

Dhulalkii uu Cumar ka talinaayay waxaa loo qeybshay sidaan:

1-    Carabta waxaa loo qeybshay labo gobol, Maka iyo Madiina.

2-    Ciraaq waxaa loo qeybshay labo gobol, Basra iyo Kuufa.

3-    Dhinacyada sare ee Dijlah, Furaad iyo Jasiira waxaa laga dhigay gobol.

4-    Siiriya waxay ahayd gobol.

5-    Falastiin waxaa laga dhigay labo gobol, Iiliyaa iyo Raamallah.

6-    Masar waxaa loo qeybshay labo gobol, Masar Sare iyo Masar Hoose.

7-    Faaris waxaa loo qeybshay seddex gobol, Khorasaan, Asarbijaan iyo Faaris.

Cumar wuxuu markii ugu horreysay sameeyay hey’ad baaritaanno ku samaysa eedaha kadhanka ahaa saraakiishii dawladda. Hey’addaan waxaa madax looga dhigay Maxammad Ibnu Maslamah oo uu magaacaabay Cumar aadna uu ugu kalsoonaa. Sidoo kale, waxaa la abuuray hey’ad xuuraanka ama dhuhlaynta qaabbilsanayd si loola xisaabtamo madaxda dawladda.

Khilaafaddii Cumar waxay keentay in horumar laga gaaro dhinacyo badan sida:

-        Waxaa la fidiyay lana cusboonaysiiyay Masaajidka al-Xaram ee Maka iyo Masaajidka al-Nabawi ee Madiina.

-        Wuxuu u oggolaaday in Yuhuuddu dib u degi karaan Baitul Maqdis, halkaas oo markii hore talisyadii Masiixiyadda rumaysnaa ay u diideen inay soo galaan magaaladaas.

-        Waxaa la jideeyay in muslimiinta iyo kuwa aan muslimka ahayn ay caddaaladda iyo arrimaha kalaba u sinnaadaan.

-        Waxaa la gundhigay hababkii garsoorka waxaana Cumar lagu tiriyaa inuu Fiqiih weyn ahaa oo aad ugu dadaala caddaaladda.

-        Sannadkii 641-dii baa la aasaasay Bait al-Maal oo ahayd hey’ad-dhaqaaleed, waxaana la bilaabay in sannad walba la siiyo gunnooyin muslimiinta saboolka, agoonta iyo waayeelka dadyowga aan islaannimada qaadan.

-        Sannadkii 639-kii MD ee ku beegan 17-kii Hijriyada wuxuu amray in la gundhigo taariikhda islaamka iyadoo laga bilaabaayo maalintii muslimiintu u qaxeen Madiina, sidaasna waxaa ku hirgalay taariikhda Hijriyada.  

-        Intii uu Cumar uu talada muslimiinta hayay waxaa lagu guulaystay in Khilaafaddiisa la hoos keeno dhulalka; Shaam, Masar, Cyrenaica, Tripolitania, Fezzan, Bariga Anatolia, inta badan Imbaraadooriyaddii Faaris, Qooqaas iyo Makraan. Sidaas darteed intii Cumar talada hayay horumar lixaad leh baa laga gaaray dhankii furashooyinka ama gaarsiintii islaannimada dhulalkii kale. Markii uu Cumar geeriyooday sannadkii 644-tii waxay Khilaafaddii ama Dawladdii Islaamku fidsanayd; dhanka galbeedka Liibiyada maanta ilaa dhanka bariga wabiga Indus iyo dhanka waqooyiga wabiga Oxus.

Tuesday, July 15, 2014

Bilawgii Khilaafadda Islaamka…Q.1aad


Bilawgii Khilaafadda Islaamka…Q.1aad

(Runlowgii Abu Bakar)

Intii lagu jiray qabanqaabadii aasitaankii nabigii suubbanaa oo geeriyooday 8-dii Bishii 6-aad, 632-dii (MD) ayaa kooxo ka tirsanaa Ansaar (Gargaarayaal) ku shireen guri la oran jiray Saqiifah Bin Sacaada. Gurigaas waxaa adeegsan jriay baa la yiri; Reerkii Banu Sacaada oo ka mid ahaa qolodii Khasraj ee reer Madiina. Waxay Ansaartii oo ka koobnayd labadii qolo ee kala ahaa Aws iyo Khasraj u shireen sidii la yeeli lahaa geerida nabiga kadib iyo sidii hoggaamiye loogu dooran lahaa muslimiinta. Sida la sheegay kooxihii ka soo socdaalay Maka ee la yiqiin al-Muhaajiriin lama ogeysiin kulankaas lagu qabtay aqalkii Bin Sacaada.

Kadib, markii uu Cumar Bin Khaddaab helay warkii kulanka ayuu aaday aqalkii nabiga oo ay qabanqaabadii aasitaanku ka socotay. Gudaha ma uusan gelin ee intuu irridka istaagay buu fartiin u diray Abu Bakar oo gudaha ku jiray si uu ugu soo baxo. Markii hore Abu Bakar waa ka cudurdaartay soobixitaankii arrimaha aasitaanka awgood, hase yeeshee, markii labaad ee Cumar u diray fartiinta, Abu Bakar wuu soo baxay. Waxay ka faqeen shirkii ka socday aqalkii reer Banu Sacaada, waxayna isla garteen inay isla markaasba tagaan aqalkaas, kana qeybgalaan kulanka.

Markii ay tageen aqalkii lagu shirsanaa, waxaa halkaas ka bilawday dood adag. Qaar Ansaarta kamid ahaa waxay qabeen in la doorto labo hoggaamiye oo ka kala socda Ansaarta iyo Muhaajiriinta. Dood dheer iyo bulaan kadib, waxaa kacay Cumar, wuxuuna ku dheeraaday ammaanta iyo sooyaalka Abu Bakar, wuxuuna  cod dheer ku yiri; waa inuu noqdaa Amiirul Mu’miniin ama Khaliifkii Kowaad. Badi dadkii shirka joogay waa oggolaadeen hoggaaminta Abu Bakar, waxaase jiray qaar qabay in Cali Bin Abu Daalib uu yahay kan ku habboon jagada. Kooxihii sidaan dambe qabay, waxaa loo bixiyay Shiica oo macnuhu yahay taageerayaashii Cali, waxaana halkaas ka unkamay kala qaybsanaantii muslimiinta oo noqday labo dhinac, oo dhinacba dhinaca kale eedda saaro.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintaas la yagleelay habkii hoggaaminta muslimiinta, waxaana maalintaas bilawday hoggaankii la magac baxay Khilaafatu al-Raashidduun (Hoggaankii Kuwa Toosan). Waxaa hoggaankaas sidaan kor xusnay loo doortay Cabdullaahi Bin Abu Quxaafah oo lagu naanaysi jiray Abu Bakar. Markii dambe ee uu rumeeyay Hameynkii Dheelmitaanka (al-israa Wal Micraaj) waxaa la siiyay naanays kale oo aad ugu hirgashay oo ahayd; al-Saddiiq oo macnaheedu yahay Runlowgii.


Abu Bakar, bilawgii noloshiisa wuxuu ahaa ganacsade aad ugu dhex socdaalay dhulalkii Carabta iyo gobolladii Bariga Dhexe ee hareeraha ku yiil, wuxuuna noqday maalqabeen. Markii dambe waxaa loo gartay inuu noqdo duqii sare ee jifadiisii. Sida la sheegay isagoo ka soo noqday safar uu ku aaday Yaman baa loo sheegay in Nabi Maxammad caddeeyay inuu nabi xag Eebbe laga soo diray yahay. In yar kadib, wuxuu Abu Bakar qaatay diinta islaamka, waxaana loo aqoonsaday qofkii ugu horreeyay ee gala diinta islaamka marka laga reebo xubnihii qoyskii nabiga. Horraantii sannadkii 623-dii ee MD wuxuu Abu Bakar siiyay gabadhiisii Caasha Nabi Maxammad, xididnimadaasina waxay sii xoojisay xiriirkii labadii nin.

Abu Bakar wuxuu noqday wadeey aad ugu dhow Nabi Maxammad iyo la-taliye lagu kalsoonaa. Wuxuu si firfircoon uga qeyb qaatay dhaqdhaqaaqii xoojinta islaamka, wuxuuna ka qeybgalay; goobtii dagaal ee Uxud, goobtii dagaal ee Dhufayska, weerarkii Banu Qurayda, goobtii dagaal ee Khaybar, goobtii dagaal ee Xunayn, goobtii dagaal ee Tabuuk, go’doomintii Daa’if  iyo Furashadii Maka.

Abu Bakar wuxuu talinaayay abbaaraha 2 sano iyo 3 bilood. In kastoo muddadii uu talinaayay ay yarayd, haddana wuxuu qabtay hawlo waxtar lahaa, wuxuuna qeyb ahaan horseeday qotomintii dawladdii islaamka ee saabatay meelo badan oo dunida. Waxaa kamid ahaa hawluhuu qabtay:
1. Ladagaallankii Kuwii Gaddoomay (riddoobay): Markii nabigu geeriyooday qolooyin badan oo Caraba, baa ka noqday diintii islaamka, sakadiina way diideen iyagoo ku macneeyay inay raacsanaayeen hoggaankii Maxammad, hadduu dhintayna ay dhammaatay raacsanaantii. Waxaa u darnaa kooxahaas Musallayma Bin Xabiib oo ka dhashay qolodii laandheeraha ahayd ee Banu Xaniifa. Ninkaas oo markii dambe la siiyay naanaystii; al-Kaddaab waa Beenlowgiiye wuxuu sheegtay nabinnimo, wuxuuna soo bandhigay aayado uu ku sheegay qur’aan xagga Eebbe looga waxyooday. Wuxuu kaloo ahaa sixirlow aad u yaqaan hawlaha sixirka. Ninkaas waxaa raacay dad badan, cudud xoog lehna wuu diyaarsaday. Waxaa kaloo jiray nin isna sheegtay nabannimo oo la oran jiray Duleyxa Bin Khuweylid oo duq sare u ahaa Reer Aswad. Dhanka kale, waxaa jiray qolooyin kale oo riddoobay oo markaas degganaa dhulalka maanta kala ah; Cummaan, Baxrayn, Mahaara iyo Yaman.


Si arrimaahaas halista wax looga qabto wuxuu Abu Bakar abaabulay ciidankii dawladdii islaamka ee cusbayd , wuxuuna ka dhigay 11 guuto. Guutadii u xoog badanayd waxaa abbaanduule ka ahaa dagaalyahankii Khaalid Bin Waliid. Guutadaas waxaa lagu beegay kuwii riddoobay dhinacyadii ugu xoog badnaa sida, dhinicii uu hoggaaminaayay Beenlowgii Musaylama, waxaana lagu jabiyay goobta la yiraahdo Yamaamah, halkaas baana lagu dilay Musaylamah, dhammaan kuwii gaddoomayna waa laga adkaaday.


2. Aruurintii iyo Qoristii Qur’aanka: dagaalladii Riddada ee xoogga badnaa waxaa ku dhintay rag qur’aanka qaybsanaa, qur’aankana waayahaas inta badan dushaa laga xafidsanaa. Sidaas darteed, Cumar Bin Khaddaab baa ka codsaday Abu Bakar in qur’aanka la wada qoro oo hal meel lagu aruursho. Arrintaas waxaa markii dambe loo xilsaaray guddi uu guddoomiye ka ahaa; Sayd Bin Taabid, hawshaasna waa lagu guulaystay. Kahor intuusan geeriyoon Abu Bakar wuxuu kitaabkii qur’aanka lagu aruurshay u dhiibay Cumar Bin Khaddaab. Intii uusan Cumar geeriyoon wuxuu kitaabkii u dhiibay isna Xafsa Bintu Cumar oo kamid ahayd xaasaskii nabiga. Sida la sheegay markii dambe ee Cusmaan Bin Cafaan uu diyaarinaayay qoritaankii musxafkii qur’aanka waxaa la tixraacay kitaabkii ay Xafsa Bin Cumar haysay. 



3. Furashadii Imbaroodooriyaddii Sasanayd ee Faaris: dawladdii islaamka ee cusbayd waxaa ku meersanaa labo imbaraadooriyadood oo waaweyn oo midi ahayd tii Faaris, tan kalana ahayd Bisandiiniya oo ahayd qeybtii bari ee imbardooriyaddii itaalka weynayd ee Room. Taliskii muslimiinta ee markaas uu Abu Bakar hoggaaminaayay culaysyadii labadaas awoodood walwal bay ku hayeen, haddaba wuxuu go’aansaday taliskii islaamku si loo adkeeyo amnigii Dawladdii Islaamka ee cusbayd in la hawl galiyo qolooyin caraba oo daris la ahaa dhulalkii labadaas xoog. Nin la oran jiray Musannaa Bin Xaarisa oo duq sare u ahaa qolooyinkii Carbeed ee degganaa waqooyi-barigii Jasiiradda Carabta ayaa la hawlgaliyay wuxuuna ku gulfay meelo Ciraaq ku yiil oo markaas ay Boqortooyadii Sasanaydku ay ka talinaysay. Guulo ayuu ka soo hooyay Musannaa weerraradii dhuumaalaysiga ahaa.  Markii dambe ,Abu Bakar wuxuu goostay inuu Weerar culus ku qaado Boq. Sasanaydka. Sidaas darteed, wuxuu amray Khaalid Bin Waliiid inuu weeraro Boqortooyadii reer Faaris, wuxuuna Khaalid oo wata ilaa 18,000 nin, weerar ku qaaday Ciraaq. Ciidankaas 2000 oo nin waxay ka socdeen qolooyinkii waqooyi-bari degganaa, ciidanka intiisa kalana wuxuu ahaa cududdii xoogaggii muslimiinta oo lagu soo abaabulay si is-xilqaan ahayd. Duullaankaas caanka ahaa waxaa la qaaday bishii 3-aad ee sannadkii 633-dii (MD). Isla markii uu Khaalid galay Ciraaq wuxuu ku guulaystay dagaallo xiriir ahaa. Bishii 4-aad ee 633-dii (MD) wuxuu ku guulaystay goobtii Silsiladaha (Kaadimiyah), toddobaadkii 3-aad ee bishii 4-aad isla sannadkaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Wabiga, bishii 5-aad ee isla sannadkaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Waljah, isla bishaas wuxuu ku guulaystay Goobtii Ullays.  Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii 5-aad ee 633-dii ee MD waxay muslimiintu qabsadeen al-Xiirah oo markaas ahayd caasumaddii qeybihii galbeed ee Ciraaq. Bishii 6-aad ee 633-dii (MD), Khaalid wuxuu qabtay al-Canbar , kadib dhawr toddobaad oo go’doomina. Toddobaadkii u dambeeyay ee bishii 7-aad ee isla sannadkaas, muslimiintu waxay qabsadeen Cayn al-Tamar. Sidaas bayna muslimiintu ula wareegeen galbeedkii Ciraaq. 


Asagoo Khaalid ku sii jeeda Qaadisiyah oo ahayd qalcad ka soo horreysay caasimaddii Faaris ee waagaas oo ahayd Tesafoon (Madaa'in) ayuu Khaalid dhambaal ka helay Abu Bakar loogu sheegaayo inuu hoggaansho duullaan loo qalqaalay Suuriya oo Bisadayn markaas haysatay.



4. Duullaankii Muslimiinta ee Bisandayn: Abu Bakar wuxuu ku aruuriyay afar ciidan meeshii la oran jiray Du Qisah waxaana ciidammadaas loo diray si ay u weeraraan Suuriya oo markaas ahayd gobol ka tirsanaa Imbaraadooriyaddii Room qebteedii bari ee ahayd Bisandayn, isla markaasna ka koobnayd dhulalka maanta loo yaqaan; Urdun, Falastiin, Lubnaan iyo Koonfurta Turkiga. Ciidammadii muslimiintu markay heleen xogtii cadawga oo ahayd in cadawgii ciidammo lixaad leh dhoobay meel la oran jiran Ajanddayn way hakadeen waxayna gurmad u dirsadeen Abu Bakar (EHN). Markaas kadib, waxaa la amray Khaalid Bin Waliid inuu hoggaansho dhammaan ciidammadii islaamka ee weerarka ku ahaa Suuriya.  Khaalid xilligaas wuxuu ku sugnaa Ciraaq si uu u gaaro ciidammadiisii Suuriya ku beegnaa, waxay ahayd inuu labo waddo kala doorto, mid waxay ahayd inuu qaado dhabbe maraayay Dawmatul Jandal, midda kalana waxay ahayd inuu qaado dhabbe maraayay al-Riqah.  Khaalid wuxuu ku xeel dheeraa tabaha ciidanka, haddaba wuxuu go’aansaday inuu qaado dhabbe aan marna laga filayn. In kastoo la sheegay in ciidankii la socday uu labo maalmood dhex jiiraayay dhul oommane ahaa, haddana tabtaasi waxay ku noqotay kadis iyo amakaag ciidammadii Roomaanka. Khaalid wuxuu gaaray Waqooyigii Suuriya bishii 6-aad sannadkii 634-tii ee MD, isla markiina wuxuu qabtay qalcadihii Sawa, Caraq, Tadmuur, Sukhnaha, al-Qaryatayn iyo Xawaariin, wuxuuna u sii gulfay dhankii Dimishiq asagoo sii qaaday marinka hadda loo yaqaan Ciqaab. Wuxuu ka leexday Dimishiq wuxuuna aaday dhankii Bosra, taas oo caasumad u ahayd boqortooyo Carbeed oo masiixiga raacsanayd lana oran jiray Qasaana, hoos imaan jirtayna taliskii Bisandayn.  Goobtii dagaal ee Maraj al-Raxaab buu ku jabiyay ciidankii reer Qasaan, caasumaddoodii Bosrana waxay is dhiibtay bishii 7-aad sannadkii 634-tii (MD).

Goobtii dagaal ee la oran jiray Ajanddayn ayay muslimiintu ku jabiyeen ciidan lixaad lahaa oo Bisaddayn ka socday bishii 7-aad 30-keedii sannadkii 634-tii. Markaas kadib, Khaalid wuxuu go’aansaday inuu weeraro Dimishiq oo uu markaas ka talinaayay Boqorkii Bisanddayn Heraculius nin uu seeddi u ahaa oo la oran Thomas. Markii uu Thomas ka warhelay guulaha muslimiinta iyo inay ku soo aaddan yihiin Dimishiq ayuu si aada isugu diyaariyay difaacii Dimishiq. Wuxuu u dirsay gurmad Heraclius, si uu waqti ugu helo gurmadyadana wuxuu u sii diray ciidammo waabiya muslimiinta. Mid ka mid ah ciidammadaas waxaa lagu jabiyay Yaquusa oo 90 km u jirtay Dimishiq una dhawayd Harada Tiberias bishii 8-aad 634-tii. Ciidan kale oo waabinaayay muslimiinta waxaa lagu jabiyay Maraj al-Safiir 19-kii bishii 8-aad 634-tii. In kastoo muslimiintu goobihii dagaalka ku guulaysteen, haddana Thomas wuxuu waqti u helay abaabulkiisii waxayna gurmadyadii soo gaareen Dimishiq.  Si kastaba ha ahaatee, Khaalid wuxuu galay Dimishiq 20-kii bishii 8-aad ee isla sannadkaas wuuna go’doonshay magaaladii. Si daran buu Khaalid isaga caabbiyay weerradii loola dan lahaa go’doon-kaqaadiddii Dimishiq, wuxuuna 30 bari oo go’doon ah kadib qabtay Dimishiq 18-kii bishii 8-aad 634-tii.

 Markii la qabtay magaaladii dadkii waxaa lagu soo rogay canshuur –sannadeed waa Jisyee waxaana loo oggolaaday diimahoodii iyo arrimahoodii kalaba inay maamushaan. Haraadigii ciidammadii Roomaanka waxaa loo oggolaaday inay guuraan helaanna 3 maalmood oo nabada. Muslimiintii oo markaas kadib qaaday waddo aan hore loo aqoon waxay ciidammadii Roomaanka ku jabiyeen Goobtii Maraj al-Dibay oo 190 km u jirtay Dimishiq. 

Intii ay Dimishiq go’doonka ku jirtay buu geeriyooday Abu Bakar, Cumar Bin Khaddaab baana noqday Khaliifkii Labaad. Cumar wuxuu u diray warqad lagu faraayay Abu Cubayda Bin al-Jarraax inuu talada ciidammada la wareego.  Sida la sheegay Cubayda ma soo bandhigin warqaddaas ilaa magaaladii la qabtay kadibna hoggaamintii isagaa la wareegay. 

Tuesday, July 8, 2014

Geeridii Nabiga (NNKH) iyo Dardaarankiisii U Dambeeyay


Geeridii Nabiga (NNKH) iyo Dardaarankiisii U Dambeeyay
Wuxuu nabigii suubbanaa naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ku geeriyooday Madiina maalin Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd siddeeddii bishii lixaad sannadkii 632-dii Masiixiga Dabadi (MD). Wuxuu go’ay isagoo madaxiisu saaran yahay dhabta marwadiisii mudanta ahayd waa Caasha e. In yar kahor intuusan go’in buu Caasha ku yiri; soo bandhig hanti adduun waxaan ka haysto, waxayna soo bixisay baa la yiri; lacag quruuruxa oo toddobo ahayd. Markaas kadib, erayadii ugu dambeeyay ee laga maqlay waxay ahaayeen: “Ilaahay baa sarreeya oo jannadaa sarreysa”.
Labo bilood kahor geeridaas nabiga oo ku beegan sagaalkii bishii seddexaad ee sannadkii 632-dii (MD) ama 9-kii Dul-Xija ee sannadkii 10-aad ee Hijriyada oo ahayd  Xilligii Xajka ee sannadlaha ahaa, ayuu nabigii suubbanaa banka Carafaad ka jeediyay khudbad loo yaqaan: “Khudbaddii Sagootiga” iyadoo koobanna waxaa loo wariyay sidaan:
“ Dadow, ii dhego nuglow, waayo ma hubo inaan sannadkaan kadib idinla joogi doono. Sidaas darteed, u feejignaada waxa aan idin leeyahay, warkana gaarsiiya kuwa aan maanta halkaan nala joogin.
Dadow, isla sida aad ugu haysataan in bishaan iyo magaaladaani yihiin kuwo dhawrsan, u haysta in nolosha iyo hantida qof walboo muslim ihi yihiin kuwo dhawrsan. U celi wixii laguu dhiibtay dhinicii lahaa. Qofna wax ha yeelin si aan adiga wax laguu yeelin. Xusuusnow inaad Eebbahaa la kulmi doonto, iyo in la xisaabin doono falalkaagii. Ilaahay wuxuu idin ka reebay kor-saarka (ribada), sidaas awgeed dhammaan wixii kor-saar ahaa maanta kadib waa la dhaafay. 
Ka feejignaada Shayddaanka, badbaadinta diintiinna awgeed. Wuxuu ka rajo beelay inuu waxyaalaha waaweyn idin ku habaabiyo, sidaas awgeed, iska dhawra inuu idin ku habaabiyo waxyaalaha yaryar.
Dadow, waa run inaad haweenkiinna xuquuq ku leedihiin, haddana iyaguba xaq bay idin ku leeyihiin. Hadday ka soo dhalaalaan xaqiinna, ogaada iyaguna xaq bay idiin ku leeyihiin oo waa inaad si naxariis leh u dheefisaan oo u arrad tirtaan. Si wanaagsan ula dhaqma haweenkiinna una naxariista, waayo waa kuwii wax idin la wadaagay waana kuwii ku mintiday kaalmayntiinna. Waxaad xaq u leedahay inaysan saaxiib la noqon qofaadan adigu oggolaan iyo inaysan marna gogoldhaaf samayn.
Dadow, si dhab ah ii dhageyso; ilaahaaga caabud, salaadda shanta waqti tuko, soon bisha Ramadaan, xoolahaaga sakada ka bixi, xajkana gudo haddaad awooddo. Waxaad ogaataan; in qof walboo muslim ahi qofka kale ee muslimka ah yahay walaalkiis. Dhammaantiin waad siman tihiin, mana jiro qof kan kale ka sarreeya. Kaliya waxaad ku kale sare marin kartaan cabsida Eebbe iyo falalka wanaagsan.
Xusuusnaada inaad maalin hor imaan doontaan Ilaahiin kana jawaabi doontaan falalkiinnii. Ha ka habaabina jidka toosan markaan tago.
Dadow, Ma jiri doono nabi ama rasuul gadaashay imaan doona, mana jiri doonto diin gadaashay dhalan doonta oo sabab wanaagsan leh. Sidaas darteed, dadow garo erayadaan idiin soo gudbiyay. Waxaan idiin dhaafay labo waxyaalood; Qur’aanka iyo tusaalahayga waa sunnadee, haddii aad raacdaan kuwaas waligiin ma habaabi doontaan.
Dhammaan intii i dhageysatay ha u gudbiso erayadayda kuwa kale, waxaana suurtowda in kuwa ugu dambeeya ee maqla erayadayda ay noqdaan kuwo ka fahmi og kuwii tooska ii dhagaystay. Ilaahow marag ka ahoow inaan dhambaalkaagii gaarsiiyay dadkaagii."