Geeridii
Nabiga (NNKH) iyo Dardaarankiisii U Dambeeyay
Wuxuu
nabigii suubbanaa naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ku geeriyooday
Madiina maalin Isniin ah oo ay taariikhdu ahayd siddeeddii bishii lixaad
sannadkii 632-dii Masiixiga Dabadi (MD). Wuxuu go’ay isagoo madaxiisu saaran
yahay dhabta marwadiisii mudanta ahayd waa Caasha e. In yar kahor intuusan
go’in buu Caasha ku yiri; soo bandhig hanti adduun waxaan ka haysto, waxayna soo
bixisay baa la yiri; lacag quruuruxa oo toddobo ahayd. Markaas kadib, erayadii
ugu dambeeyay ee laga maqlay waxay ahaayeen: “Ilaahay baa sarreeya oo jannadaa
sarreysa”.
Labo bilood
kahor geeridaas nabiga oo ku beegan sagaalkii bishii seddexaad ee sannadkii
632-dii (MD) ama 9-kii Dul-Xija ee sannadkii 10-aad ee Hijriyada oo ahayd Xilligii Xajka ee sannadlaha ahaa, ayuu
nabigii suubbanaa banka Carafaad ka jeediyay khudbad loo yaqaan: “Khudbaddii
Sagootiga” iyadoo koobanna waxaa loo wariyay sidaan:
“ Dadow, ii
dhego nuglow, waayo ma hubo inaan sannadkaan kadib idinla joogi doono. Sidaas
darteed, u feejignaada waxa aan idin leeyahay, warkana gaarsiiya kuwa aan
maanta halkaan nala joogin.
Dadow, isla
sida aad ugu haysataan in bishaan iyo magaaladaani yihiin kuwo dhawrsan, u
haysta in nolosha iyo hantida qof walboo muslim ihi yihiin kuwo dhawrsan. U
celi wixii laguu dhiibtay dhinicii lahaa. Qofna wax ha yeelin si aan adiga wax
laguu yeelin. Xusuusnow inaad Eebbahaa la kulmi doonto, iyo in la xisaabin
doono falalkaagii. Ilaahay wuxuu idin ka reebay kor-saarka (ribada), sidaas
awgeed dhammaan wixii kor-saar ahaa maanta kadib waa la dhaafay.
Ka feejignaada
Shayddaanka, badbaadinta diintiinna awgeed. Wuxuu ka rajo beelay inuu
waxyaalaha waaweyn idin ku habaabiyo, sidaas awgeed, iska dhawra inuu idin ku
habaabiyo waxyaalaha yaryar.
Dadow, waa
run inaad haweenkiinna xuquuq ku leedihiin, haddana iyaguba xaq bay idin ku
leeyihiin. Hadday ka soo dhalaalaan xaqiinna, ogaada iyaguna xaq bay idiin ku
leeyihiin oo waa inaad si naxariis leh u dheefisaan oo u arrad tirtaan. Si wanaagsan
ula dhaqma haweenkiinna una naxariista, waayo waa kuwii wax idin la wadaagay
waana kuwii ku mintiday kaalmayntiinna. Waxaad xaq u leedahay inaysan saaxiib
la noqon qofaadan adigu oggolaan iyo inaysan marna gogoldhaaf samayn.
Dadow, si
dhab ah ii dhageyso; ilaahaaga caabud, salaadda shanta waqti tuko, soon bisha Ramadaan,
xoolahaaga sakada ka bixi, xajkana gudo haddaad awooddo. Waxaad ogaataan; in qof
walboo muslim ahi qofka kale ee muslimka ah yahay walaalkiis. Dhammaantiin waad
siman tihiin, mana jiro qof kan kale ka sarreeya. Kaliya waxaad ku kale sare
marin kartaan cabsida Eebbe iyo falalka wanaagsan.
Xusuusnaada
inaad maalin hor imaan doontaan Ilaahiin kana jawaabi doontaan falalkiinnii. Ha
ka habaabina jidka toosan markaan tago.
Dadow, Ma
jiri doono nabi ama rasuul gadaashay imaan doona, mana jiri doonto diin
gadaashay dhalan doonta oo sabab wanaagsan leh. Sidaas darteed, dadow garo
erayadaan idiin soo gudbiyay. Waxaan idiin dhaafay labo waxyaalood; Qur’aanka
iyo tusaalahayga waa sunnadee, haddii aad raacdaan kuwaas waligiin ma habaabi
doontaan.
Dhammaan
intii i dhageysatay ha u gudbiso erayadayda kuwa kale, waxaana suurtowda in
kuwa ugu dambeeya ee maqla erayadayda ay noqdaan kuwo ka fahmi og kuwii tooska
ii dhagaystay. Ilaahow marag ka ahoow inaan dhambaalkaagii gaarsiiyay
dadkaagii."
No comments:
Post a Comment