Thursday, July 14, 2016

Faallaynta Maqaalkii Sidii Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya

Bishaan Toddobaad 1-deedii, 2016-ka, waxaan boggaan Tusmaaleey ku soo bandhignay maqaal tixraacayay xogo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sidii ay Itoobiya ugu lug lahayd burburintii J D Soomaaliya. 

Sida ku cad xogahaas wuxuu loollan ba'an ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya laga soo bilaabo 1950-aadkii (boqollaal sanaa colaaduhu jireen). Loollankaasi wuxuu ku salaysnaa gobolkii Soomaali Galbeed ama Ogadeeniya (sida dadka qaar ugu yeero) ee gumaystayaashii reer Yurub ugu deeqeen Itoobiya. Arrintaas gaboodfalka waxay u keentay Ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyin lixaad leh oo ilaa hadda socda. 1960-kii markii ay dhalatay Jumhuuriyaddii Soomaaliya, tan iyo waagaas waxaa qorshe-hawleedyadii kowaad ee xukuumadihii Soomaaliya kamid ahaa, sidii qeybihii Soomaaliyeed ee la gumeysaanaayay loo xorayn lahaa. Labadii xukuumadood ee Soomaaliyeed ee mid rayidka ahayd, midna ciidanka, ku ma ka la tagsanayn siyaasadihii gobolladii Soomaaliyeed ee maqnaa. Waxay labaduba qaadeen tillaabooyin dibbolomaasiyeed oo xoog lahaa iyo dagaallo xoogganaa oo looga gol lahaa xorayntii dadkii Soomaaliyeed ee la gumaysanaayay. Xukuumaddii kacaanka ahayd ee uu hoggaaminaayay J/le M S Barre waxay qaadday ololayaal xagga dibbolomaasiyadda iyo dagaalkii weynaa ee 1977-dii. Waxay si aada oo qar-iska-tuurnimo ku jirto isugu dayday xorayntii gobolkii Soomaali Galbeed. Qamaarkii siyaasadeed (political gambling) ee taliskii kacaanka baa sababay burburkii dawlad qarameedkii Soomaaliyeed. 

Arrinta gobolladii Soomaaliyeed ee maqnaa kaliya maahayn qodob ku weynaa siyaasiyiintii S/liyeed ee wuxuu ahaa qodob ku cuslaa dadweynaha S/liyeed oo idil. Waxay arrintaasi tiiraanyo iyo walbahaar ku abuurtay quluubta Soomaaliyeed. Waxaa dadka S/liyeed dulqaad u yeelan waayay sidii foosha xumayd ee loo jarjaray dhulalkiisa oo loo ka la qoqobay dadkiisa iyo dhibabkii dilalka, dhaca iyo kufsiga lahaa ee sida joogtada loogu dhaqaayay dadweynihii hoos joogay dawladihii kalee lagu callaalay.

Dhanka kale, Itoobiya waxay samaysay wax kasta oo ay isku difaaci kartay, iyadoo u aragtay colaadihii kadhanka ahaa, in tii Soomaaliya ugu daranayd ama qatarsanayd. Waxay adeegsatay xeerarkii siyaasadeed ee gumaystayaashii hore ugu hiillin jiray u sameeyeen Afrika iyo kuwii UN-kaba. Waxay sidii dhaqanka u ahayd beer-laxawsatay xoogaggii reer galbeedka iyo kuwii reer barigaba iyo Israa'iiliinta oo ay iyagana Abasiiniyiintu isku lifaaqaan. Waxaa ugu darnaa tabihii ay adeegsatay, tii markii hore boqortooyadii Xayle Salaase habaysay ee u kaydsanayd si ay u noqoto, tabta ama xeeladda ugu dambaysa ee Itoobiya u adeegsan doonto Soomaaliya. Tabtaasi waxay ahayd in dhammaan Dawlad Qarameedkii Soomaaliya la tirtiro oo ifkaba laga waayo Dawlad S/liyeed. Sida ay Itoobiya qiratay qorshahaas waxaa meelmarintiisa la bilaabay 1977-dii markii Soomaaliya weerartay iyada. Aaladihii Itoobiya u adeegsatay burburintii ay u hawlgashay waxaa kamid ahaa kooxo ama ururro S/liyeed.

Haddaba, iyadoo ay si fiican u muuqato sababtii abuurtay colaadihii lagu hoobtay ee labada dal dhex-maray iyo tabihii ay isu adeegsadeen, waxaa mugdi weyn ku jira ujeeddooyinkii jabhadihii ama kooxihii Soomaaliyeed ee la soo saftay Itoobiyadii qorshaheedu ahaa baabi'intii iyo tirtiriddii jiritaankii dawlad qarameedkii Soomaaliya. Mar haddii ay Itoobiya caddaysatay inuusan marna qorshaheeda ku jirin in xukuumaddii Soomaaliya lagu beddelo mid iyada gacansaar la leh, maxay arkayeen kooxihii ama jabhadihii ka qeybqaatay burburintii dawladnimadii Soomaaliya?

Saraakiishii iyo aqoon-yahannadii wax ku bartay canshuurtii danyartii S/liyeed ama wax ku bartay magaca ummadda S/liyeed sidee ugu dhiirradeen inay hubka qaataan oo la soo duulaan cadawgii qorshahiisu ahaa tirtiriddii dawladnimadii S/liyeed? Haddii Itoobiya caddaysatay inaysan kooxihii la safnaa la doonayn inay xukunkii dalka la wareegaan, maxay ahayd iyaga dantii ugu jirtay kaqeybgalkii ololayaashii kadhanka ahaa dalkoodii hooyo? 

Hoggaamiyaashii kooxihii S/liyeed ee la soo saftay Itoobiya, ma waxaa ka caqli batay kuwii iyaga dhiggooda ahaa ee Itoobiya? Hadday si ka loo dhan wax u garan waayeen, maxaa maankooda ka tiray wixii labada dal ka dhexeeyay iyo waddaniyaddii Soomaaliyeed ee dhiigga badan loo qubay? 

Mise waxaysan ka la garanayn dawlad ama state (dal mad/bannaan oo leh kaabayaal, calan iyo seerayaal la aqoonsan yahay) iyo xukuumad/talis (kooxda maamusha dawladda)? Hadday rabeen inay talada ka tuuraan M S Barre, maxay u baabi'iyeen unugyadii dawladnimadada, maxayse uga talagaleen qorshihii Itoobiya ee burburinta ku salaysnaa? Hadday ka la sooci kari waayeen, talis iyo dawlad (state) maxay mugdiga ugu guureen?

Hadday kooxahaasi ku dhaceen debin qarsoonaa, halgankoodiina kaliya horseeday guushii cadawga iyo burburintii ba'nayd ee dalkoodii hooyo, maxay tahay mudnaanta la siiyaa xubnihii kooxahaas? Haddii falalkoodii lagu miisaamo waddaniyadda, miyaysan ku sifoobayn qaran-dumisyo ka mudan dalkooda ciqaabo culculus? Mise nuxurkii waddaniyadda baaba ka tirmay quluubta Soomaaliyeed?  

Waxaa su'aalahaas jawaabahooda laga jeeqaaqayaa waxyaqaanka Soomaaliyeed ee maankiisu madaxbannaan yahay oo isagoo xor ah ka la sooci kara qummanaanta iyo qaldanaanta. Waxaa garran iyo garowshiiyo looga fadhiyaa xubnihii ka tirsanaa ururradii burburinta iyo kuwii taageersanaa. 

   

Maalin xumi waa hartaa, taariikh xunse ma harto

  

Friday, July 1, 2016

Sidii Ay Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya (laga soo minguuriyay xog laga helay W.A. Dibedda ee Itoobiya)

Sidii Ay Itoobiya Uga Qeybqaadatay Burburintii Soomaaliya

Waxaa laga soo minguuriyay oo laga soo afnaqay, xogo qarsoodi hore u ahaa oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, uuna dhawaan soo bandhigay sarkaal Itoobiyaan-ihi




Sookoobid
Markii Siyaad Barre ku duulay Itoobiya 1977-dii,
 waxay xukuumaddii millatariga ahayd ee Dergigu
 meelmarisay siyaasado looga dan lahaa wiiqitaankii
 iyo kaladaadintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya. 
Qorshuhu ma wada ahayn nadiif laakiin wuxuu ku 
salaysnaa barnaamijyo kahortaga oo markii hore uu 
dajiyay maamulkii boqortooyada ee Xayle Salaase. 
Jabkii ciidammadii Soomaaliya ka soo gaaray
 dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) wuxuu

 xanbaarsanaa ifafaalayaal muujinaayay burburkii
 dawladdii Soomaaliyeed iyo wiiqitaankii awooddii
 Siyaad Barre, laakiin burburintii Soomaaliya waxay
 ka loo burburisay Geeska Afrika dhammaantiis. Maqaalkaani wuxuu xusayaa jawaabtii Itoobiya ka bixisay kacdoommadii Soomaalida, gaar ahaan, wuxuu xoogga saarayaa hawlgalladii Dergigu sameeyay si loo joojiyo tillaabooyinkii halista ahaa ee Soomaaliya. Xogo hore qarsoodi u ahaa oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya baa falanqayntaan ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda ee Itoobiya loo adeegsaday.
Xiriirkii Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid murugsan oo dhibab xanbaarsan tan iyo markii ay midoobeen labadii qeybood ee Soomaalidii Ingiriiska hoos joogtay iyo tii Talyaaniga hoos joogtay 1960-kii. Inta badan xiisadaha iyo afgaranwaaga waxaa keenayay Soomaliya oo rabtay inay midayso qeybihii dhulalka Soomaalida loo qeybshay iyo Itoobiya oo ay ka go’nayd inay ka hortagto halista arrintaani u leedahay: siyaalihii Soomaaliya doonaysay hadday hirgalaan waxay Itoobiya waayi lahayd 1/5 (shan meeleedow hal meel dhulka Itoobiya).
Siyaasadihii Itoobiya ee ka dhanka ahaa Soomaaliya waxay dhammaantood ku salaysnaayeen arrintii Soomaali Weyn. Soomaaliya ku ma qancin oggolaanshihii ay Itoobiya oggolaatay midayntii labadii qeybood iyo yagleeliddii Jumhuuriyaddii Soomaaliya 1960-kii iyo qoraalladii lagu habeynaayay seerayaashii Jumhuuriyaddii cusbayd, waxna ka ma beddelin colaadihii Soomaalida ee kadhanka ahaa Itoobiya. Kadib 1960-kii waxay Soomaalidu bilawday weerarro xagga diblomaasiyadda oo ay ku doonaysay dhulalkeedii maqnaa, waxayna taasi sii xumaysay xiriirradii labada dal. Iskudhacyadii 1960-aadkii ee xuduudka ee soo noqnoqday, iyo dicaayadihii kululaa ee kadhanka ahaa Itoobiya ee Muqdishow laga baahinaayay, waxay caddeeyeen mawqifyada kamadambaysta ee siyaasiyiintii Soomaaliya. Waxay ka loo xukuumaddii Muqdishow soo dhaweysay kooxo mucaarad ku ahaa Itoobiya, waxayna si cad u la safatay dagaal-yahannadii xornimo-doonka ahaa ee Erratariya iyo Tigrey – kuwaan dambe waxay cadaadis joogta ahaa uga hayeen Itoobiya dhanka waqooyiga, halka Soomaalidu dhanka koonfureed ka cadaadinaysay. Faragelintii dawladihii shisheeyaha ahaa, colaadda Soomaaliya-Itoobiya (Talyaani, UK, USA, USSR, iyo MASAR) waxay sii xumaysay xiisadihii, ugu dambaynna waxay dhex-tiimbisay Geeska Afrika dhibabkii Dagaalkii Qaboobaa.
Laga soo bilaabo 1969-kii, waxay Itoobiya noqotay siyaasad ahaan mid go’doonsan. Sannadkaas baa waxaa dhashay xukuumado colaadinaayay Itoobiya oo kacaan ahaa; Suudaan (bishii Shanaad), Liibiya (Sagaalaad), iyo Soomaaliya (Tobnaad). Xukuumadihii Numeyri, Qadaafi, iyo Barre waxay awoodahoodii u adeegsadeen siyaalo kadhan ahaa danihii Itoobiya sanooyinkii soo aaddanaa, waxaase ugu darnaa halistii Soomaaliya oo u muuqatay mid soo dhaw. Dadaalladii xukuumaddii boqortooyada – ilaa afgambigii Dergiga ee 1974-tii – waxay ahaayeen kuwo ku kooban in qatartii Soomaaliya lagu xakameeyo in awooddii Muqdishow loo gacangeliyo kooxo iyo qofaf taageersan Itoobiya. Waxaa lagu dadaalay in xiisadaha la qaboojiyo markay talada la wareegaan kooxaha siyaasadahoodu dabacsan yihiin ama ka duwan yihiin sidii soojireenka ahayd Sida; M X Ibraahim Cigaal, waxaase siyaasadihii Itoobiya lama-huraan u noqday kalaqeybintii Soomaalida ee ku qotontay qabiilka taasoo sii ka la fogeynaysay bulshooyinkii Soomaaliyeed. 
Markii talada uu la wareegay Barre mawqifkii ku aaddanaa Soomaali Galbeed (Ogaadeen) wuxuu si muuqata u noqday mid colaadeed. Sida ay muujinayaan warqado ku kaydsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, waxaa laga ma maarmaan noqday in la qaado tillaabooyin culculus sida in la xiro xuduudka iyo dhiirrogelinta kacdoonnadii Hargeesa, kuwaasoo looga jeeday in lagu cadaadiyo taliskii Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu dadaalay in lagu xakameeyo dawladdii Soomaaliya hab-dibbolomaasiyeedka, iyadoo la tixraacaayo mabaadi’da Ururka Midowga Afrika (OAU). Qodobbadii ugu door roonaa oo ay adeegsatay xukuumaddii boqortooyadu waxaa kamid ahaa; xushmayntii seerayaashii isticmaarku ka tagay iyo inaan la faragelin arrimaha dawladaha kale.
Markii hore, Dergigu wuxuu doonay isu soo-dhawaanshaha xukuumaddii Siyaad Barre. Iyadoo ku hubaysan awooddii ciidan ee Soofiyeedka iyo kaalmo xagga dibbolomaasiyadda waxay Soomaaliya la soo banbaxday colaad halisa. Waxaa intaas sii dheer, waxaa goonyaha dalkoo dhan ka kacay dh/dhaqaaqyo xornimo-doona oo kalago’-raadisa, kuwii hore u jirayna waxay sii xoojiyeen weerraradoodii markii uu Dergigu talada la wareegay. Jabhaddii Xoraynta Dadka Erratariya (EPLF), Jabhaddii Xoraynta Dadka Tigreega, Jabhaddii Xoraynta Orommo, Jabhaddii Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF), iyo Jabhaddii Xoraynta Soomaali Abbow (SALF) dhammaantood waxay bishii ugu horraysaba la falgaleen ciidankii Dergiga, iyagoo si aada uga qeybqaatay xasillooni-la’aantii dalka Itoobiya. Xaqiiqdii ahayd in Soomaaliya, sida Suudaan oo kale qaadatay siyaasadii taageeraysay kooxahaas – iyadoo siinaysa gabbaad nabadgelyo iyo sidoo kale taageeritaan xagga qalabka iyo waliba dhiirrogelin xooggan – waxay horseedday in xukuumaddii millateriga ahayd ee Itoobiya ka la qeybsanto. Maadaama dalku siyaalo badan oo ka la duwan halis ugu jiray, hoggaamiyaashii Dergiga qaarkood gaar ahaan Teferi Bante, waxay ka maagteen inay afcolaadeed ku la hadlaan Muqdishow. Laakiin is la markii 1977-dii ciidankii Soomaaliya ku duulay Itoobiya waxaa si aada isu beddelay xiriirkii labada dal. Markii awooddii US ee taagdarraysay gobolka la waayay, Dergigii awgiis, Siyaad Barre wuxuu qalab mug leh iyo kaalmo ciidanba ka helay labadii xoog oo waaweynaa iyo Dawladaha Khaliijka wuxuuna sidaas ku xoojiyay awooddiisii ciidan. Taageeradii Soofiyeedka ee u wareegtay Addis Ababa waxay siyaalo ka la duwan awood u siisay Dergigii, si kastaba ha ahaatee, markii dagaalladii ka dhex-dhacay Dergiga gudihiisa ay aammusiyeen codadkii maslaxo-raadiska ahaa, oo sidaas, awooddii Dergiga ee dibeddu ku xoogaysatay oo siyaasadihiisii gudahana la adkeeyay waxaa Iyana xoog yeelatay kahortaggii qatartii Soomaaliya. Wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-dii, wuxuu Dergigii qaayibay siyaasado looga gol lahaa burburintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya oo dhammaystiran, wuxuuna sidaas ku dhaqangeliyay istaraatiijiyad xukuumaddii boqortooyada u ahayd “qorshe diyaarsan oo kamadambaysa”. Kadib 1977-dii, xitaa markii la waday wadahadalladii nabadeed iyo dadaalladii dib-u-heshiisiinta, Itoobiyadii Mingiste waxay u aragtay sida ugu roon inay ahayd kaladaadintii ama burburintii Soomaaliya oo dhammaystiran.
Maqaalkaani wuxuu qaadaa-dhigayaa xiriirradii Som-Itoobiya intii Dergigu talinaayay, gaar ahaan sannadihii ka dambeeyay Dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogadeen) ilaa 1991-dii. Waxaan tixraacaynnaa xogo markii hore qarsoodi u ahaa Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya si aan markaas u muujinno siyaasadihii iyo barnaamijyadii ay meelmarisay Xukuumaddii Itoobiya. Xogahaani in kastoo ay hal dhinac ka soo jeedaan, oo aysan dhammaystirnayn, haddana waxaan ka ogaan karnaa hawlihii kadhanka ahaa Soomaaliya oo ay Itoobiya ku foognayd. Waxaa ka loo ku cad xogahaan in xukuumaddii Itoobiya ay halis ka dareemaysay darisyo ka loo col u ahaa, sida Suudaan iyo Jibuuti iyo in siyaasaddii kaladaadinta (burburinta) lagu jeediyay dawlaadahaasna. Seddexdii dawladood ee ka la ahaa, Soomaaliya, Suudaan, iyo Jibuuti waxaa loo arkay kuwo hurinaaya colaaddii Erratariya – waa qodobka sii xoojiyay jawaabtii Itoobiya. Sidaas darteed, dhaqankii Itoobiya ee kadhanka ahaa Soomaaliya maahayn mid gooniya ee wuxuu kamida ahaa barnaamij ballaaran oo Dergigu ka dhigtay siyaasaddiisa arrimaha dibedda. Haddaba, in kastoo xogohaani ay iftiiminayaan sidii Dergigu u maamulay siyaasaddiisii arrimaha dibedda, haddana ma xusayaan loollammadii hubaysnaa ee ka jiray gudaha dalka Itoobiya. Waa in maanka lagu hayaa intii ay Itoobiya maleegaysay xeelado ay ku waxyeellaynaysan xukuumaddii Muqdishow, waxaa iyadana loollan siyaasadeed oo adag ku la jiray Erratariya iyo Tigrey. Ugu dambayntii, in kastoo ay dadaalladdii xukuumaddii Dergiga ee kadhanka ahaa Soomaaliya ay miro dhaleen, haddana waxay kari wayday inay iska caabbiso loollammadii gudaha dalka.
Dagaal iyo nabad
In kastoo barnaamijkii Soomaali Weyn, uu soo banbaxay dhammaadkii 1950-aadkii, wuxuu labalixaadasay markii uu talada la wareegay Maxammad Siyaad Barre sannadkii 1969-kii. Qalalaasihii ka dhacay Itoobiya, kacaankii bishii Sagaalaad ee 1974-tii iyo awood-marnaantii dhacday, waxay dhiirrageliyeen Soomaaliya sidii ay u qabsan lahayd Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogadeen). Kooxihii reer guriga ahaa ee WSLF iyo SALF, ayaa loo adeegsaday inay horkacaan qorshihii lagu qaban lahaa Ogaadeeniya, Bali, Arsi, iyo qeybo Sidaamo ah si ay uga mid noqdaan “Soomaali Weyn.” Madaxdii Dergigu way ka warqabeen in Siyaad Barre uu xoojinaayay weerarradiisii Itoobiya laga soo bilaabo horraantii bishii 7-aad, 1974-tii, tusaale ahaan, sida la sheegay waxaa jiray 44 guluf oo ka soo gudbay xadka Soomaaliya, kuwaasoo ka faa’iidaystay iskacaabbin-la’aantii dhankii Itoobiya, waxayna awoodeen xubno Soomaaliya inay weeraraan gudaha durugsan ee Itoobiya sida Dhurwaale oo aagga Qabridaharra. Way ahayd in xukuumaddii Itoobiya ka walwasho; Soomaaliya oo qaadday tillaabooyin toosa oo ay kor ugu qaadaysay awooddeedii ciidan, iyadoo xeryo tababbar u samaysay xoogaggii kadhanka ahaa Itoobiya (Erratariyiin, Cafar, reer Baali, iyo Ogadeen), iyadoo ku dhaqaaqday baahinta barnaamijyo dicaayada oo ay ku taageeraysay dadkii Soomaaliyeed ee Soomaali Galbeed, iyo iyadoo isugu keentay ciidankeedii seeraha (gaar ahaan, Dogob oo ka tirsan Qabridaharre).
Wadahadal nabadeed oo lagu qabtay Addis Ababa bishii Kowaad, 1976-dii oo dhexmaray Jenaraal Teferi Bante (oo markaas ahaa guddoomiyaha Dergiga) iyo Jeneraal Barre, isu ma soo dhawayn labadii dhinac. Sidii hore u dhacday intii Imbaraadoor Xayle Salaase talada hayay, Itoobiya waxay soo jeedisay suurtogalnimada lakoonfederaal-noqoshada Soomaaliya, inay Soomaaliya joojiso ololayaasha ay ku summadayso inay Itoobiya tahay “Gumeyste Madow”, iyo inay Soomaaliya u soo celiso diyaaraddii xadkeeda ku dhacday iyadoo miriqshaanlayn tababbareed samaynaysa. Barre, wuu ka maagtay maslaxaddii, wuxuuna tilmaamay suurtogalnimada konfederaalnimada iyo in taliskiisu doonayo wanaajinta xiriirrada Itoobiya. Markii ay falanqaysay siyaasadda Soomaaliya, xukuumaddii Itoobiya waxaa u soo baxday in Soomaaliya maaggan tahay dagaal oo aysan danaynayn waxyaalo kale. “Iyadoo rumaysan in wixii weynaa ee Itoobiya ka dhacay inuu horseedi karo arrimo dagganaansho-la’aana,”waxay falanqayntii Itoobiya bishii Kowaad 1976-dii ku gunaanadday, “marka la eego ujeeddooyin dhuleedka Soomaaliya, ma jiri karo waqti uga habboon oo ay gaari karaan higsigooda.”
Bartamihii sannadka, ciidammo-soodhoobkii xuduudka ee Soomaalidu waa sii socday, kacdoonnadii Harar, Baali , iyo Siidaamo kor bay u kaceen. Soomaalidu waxay ka loo aad u xoojisya dicyaadahay ka dhex-fidinaysay Soomaalida Itoobiya. Halkaan markay marayso, madaxdii Itoobiya waxaa u caddaatay in dagaal la isu caddaystay uusan baaqanayn. Sidaan hore u soo sheegnay, loollammadii ka dhex-jiray gudihii Dergiga waxaa ka dhashay hiyikac xooggan oo kadhan ahaa Soomaaliya. Kacdoommadii iyo isreebreebkii madaxdii Dergiga waxaa ka soo baxay in Mengistu mayalkii talada qabsado, iyadoo markaas xubnihii sarsare ee Dergiga jagooyinkoodii laga xayuubshay, oo uu ku jiray guddoomiyihii, Teferi Bante. Dilkiisii bishii labaad 1977-dii, wuxuu awooddii talada oo dhan gacanta u geliyay kooxdii kacaan-yahanka ahayd, waxaana halkaas ku dhammaatay muddo hoggaamintii dalku walaahow ku jirtay, is la markaasna waxaa laga adkaaday kooxdii rabtay inay heshiis meel dhexe la isugu imaanayo Soomaaliya lala galo.
Wuxuu weerarkii Soomaalidu bilawday seddex bilood kadib dhacdooyinkii Dergiga, markaas oo ku began bishii Shanaad 1977-dii. Waxay xoogag taageersan ciidankii Soomaaliya (inta badan WSLF) weerareen dhabbaha tareenka ee Ito-Jibuuti, waxayna awoodeen inay gacanta ku dhigaan 60% Ogadeeniya. Ugu dambayn, 23-kii bishii Toddobaad 1977-dii, waxaa xuduudka ka soo gudbay cutubyo Xoogga Dalka Soomaaliyeeda (XDS), oo ay kaalmeynayeen baabuurta gaashaaman iyo diyaarado waxayna bilaabeen dagaal weyn. Ciidammadii soo duulay waxay weerareen Dhagaxbuur, Qabridaharre, Wardheer, iyo Godey. Si ay u qariso duullaankay ku soo qaadday dawlad madaxbannaan, waxay Soomaaliya tiri; dagaalku wuxuu ka dhexeeyaa Itoobiya iyo WSLF.
Siyaalihii jiray waxay Itoobiya ka dhigeen midaan difaaceeda ku filnayn. Baahidii weynayd ee ay u qabtay inay hesho gargaar degdeg ah oo xagga ciidanka iyo qalabkaba ah si ay uga badbaaddo halistay ku jirtay baa aakhirkii si dhaqso leh Dergigii isugu tuuray gacmihii USSR, Kuubba, iyo Koonfurta Yemen, dhammaadkiina iyagaa Itoobiya badbaadshay. Guud ahaan, arrintaas waxay hagaajisay hummaaggii siyaasadeed ee Dergiga, kooxdii millateriga ahaydna mayalkii taladay xagsatay. Ugu dambayntii dagaalkaasi wuxuu noqday mid Mengiste u wanaagsan, dhanka kalana wuxuu Soomaaliya iyo Barraba u noqday nasiibdarro. Jabkii wuxuu Soomaalida u keenay jaahwareer, riyadii Soomaali Weyn oo beenowda, iyo jabkii oo u horseeday Soomaaliya kacdoommo iyo gadoodyo baaxad weyn leh.
Markii ay Itoobiya heshay taageeradii ballaarnayd dagaalkii way ku guulaysatay. Waxaa xigay inay is la markiiba bilawday barnaamij loo qorsheeyay in lagu carqaladeeyo waxyeellana loogu geysto Jumhuuriyaddii Soomaaliya. Dhinaca kale, xukuumaddii Siyaad Barre waxay gashay wadahadallo daba dheeraa oo saldhiggoodu xagga Dergiga ka ahaa tab-xeeladeed – halka dhanka kale, Dergigu la bilaabay wadahadallo qarsoon xubno ku sugnaa Soomaaliya oo loo filaayay inay is-bahaaysi la yeeshaan Itoobiya. Guud ahaan ujeedka Itoobiya maahayn in Siyaad Barre lagu beddelo xubno saaxiibbo ah mana ahayn in xubnahaas lagu hubsado talada Soomaaliya, laakiin ujeedku kaliya wuxuu ahaa in la burbursho oo awood-la’aan laga dhigo Jumhuuriyaddii Soomaaliya. Halkaan waxaa laga doonayay, xitaa haddii si buuxda loo taageero kooxihii mucaaradka ahaa, inaysan la wareegin taladii dalka, saaxiibbana la sii ahaan Itoobiya. Dh/dhaqaaqyadii xagga dibbolomaasiyadda ee waayahaas Itoobiya wadday waxaa looga gol lahaa in lagu qariyo hawlgalladii burburinta ee socday. Dhib kasta oo xagga dhaqaalaha, siyaasadda, ama nafsaaniga oo loo geystay xukuumaddii Siyaad Barre waxaa loo hawlgalay intii ka dambaysay Dagaalkii Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya). Mucaaradnimadii ka bilaabatay gobolkii waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyo markii dambe koonfurta, si buuxda ayaa looga faa’iidaystay.
Is la Markii Dagaalku Dhammaaday Kadib
In la waayo heshiis iyo afgarad wax looga qabto wixii laysku hayay waxaa sabab u ahaa labada dhinac oo mawqifyadooda canaad iyo madaxadayg ku dheehnaayeen. Soomaalidu waxay ka dhigtay mushkiladda bishii Siddeedaad 1977-dii iyo bishii Kowaad 1978-dii mid caalamiya, iyadoo arrinta horgeysay Golaha Amniga, iyadoo sidaas kaga xeelad roonaatay Itoobiya oo go’aansatay in dadaalkeeda dibbolomaasiyeed ku ekaado OAU-dii. Soomaaliya waxay rajaynaysay in UN-ku go’aansado in ciidammo la geeyo aaggii laysku hayay, halka Itoobiya ay doorbidday urur goboleedka iyo tillaabo millatari haddii loo baahdo.
Caro-qarameedkii ka dhalatay guulihii lixaadka lahaa ee bilawgii uu Xooggii Dalka Soomaaliyeed (XDS) gaaray ayaa Dergigii ka fogeeyay wax kastoo suurtogal ahaa oo nabad lagu gaari karay. In la iska caabbiyo duullaanka iyo in dib loo hantiyo dhulalkii uu XDS qabsaday baa ahaa qodobbada kowaad, sidaas darteedna, xitaa dadaalladii Afrikaanka dhinac baa layska dhigay. Go’aannadii Guddigii Xafiisyada Wanaagsan ee OAU (bishii Siddeedaad 1977-dii, Toddobaad 1978, iyo Lixaad 1980-kii) ee aan laga fiirsan baa sii kordhiyay caradii laga qaaday duullaankii Soomaalida oo la go’aansado in Jumhuuriyaddii loo ciqaabo “dambigii weynaa.” Qodobbadii la soo jeediyay sida in la dhawro seerayaashii isticmaarku ka tagay iyo sidoo kale inaan lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo midnimada xubnihii OAU-da oo u hiillinaayay Itoobiya, ku ma filnayn jawaab ahaan dharbbaaxadii Soomaalidu ku dhufatay Itoobiya. Go’aannadii OAU-da ee Soomaaliya diidday waxay xoojiyeen qorshihii aargoosiga ee Dergigu maanka ku hayay. Go’aankii OAU-da ee 1980-kii ee qiraayay in Gobolkii Ogadeen yahay qeyb kamida Itoobiya wuxuu guul weyn oo xagga dibbolomaasiyadda u soo hoyayay Itoobiya. Haddana waxaa dhab ahayd in arrintaasi dhacday kagadaal sheegashadii Soomaaliya in xuduudkeeda la soo galay (27-kii bishii Shanaad iyo 17-kii bishii Toddobaad 1980-kii) sidaas oo garbinaysay Itoobiya. Kulankii Nayroobi ee OAU-da oo dhacay 24–27-kii bishii Lixaad 1981-dii, wuxuu qaayibay go’aannadii guddigii OAU-da ee Addis Ababa ee ku aaddanaa isafgaranwaaga Ito-Soomaaliya. Waxaa garabsocday dhexdhexaadinno isxilqaan ku dhisnaa oo ay wadeen Madagaskar, Yugaandha, iyo Talyaaniga oo dhammaantood guuldarraystay. Bilawgii oggolaanshihii Itoobiya fikradihii nabadda, marba haddii lagu wada hadlaayo daladda OAU-da iyo dawladaha xubnaha ka ah, waxaa si dhoqso ah u beddelay guulihii xagga dagaalka oo ay ka soo hoysay Soomaaliya. Markaas kadib, wuxuu Dergigii bilaabay in isagu yeeriyo wax kastoo laysku dayo.
Markii, bishii Afraad 1978-dii, Talyaanigu sheegay inay doonayaan inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac, waxaa loo sheegay shuruudo cadcad oo kulkulul: waxaa ku jiray shuruudahaas in Soomaaliya is la markaba shuruud-la’aan ku dhawaaqdo inay joojinayso siyaasaddeeda is-fidinta ku dhisan ee wajahan Itoobiya, Kenya, iyo Jibuuti; in Soomaaliya si rasmi ah u oggolaato mabaadi’da OAU-da iyo UN-ka, xeerarkii, iyo go’aannadii; in Soomaaliya si rami ah u ballanqaaddo, inay waligeed, dhawri doonto heshiisyada caalamiga iyo sidoo kale mabaadi’da, inaan dawladuhu xoog isu adeegsan; iyo in oggolaato inay iyadu Itoobiya u magdhawdo qasaarihii ay dagaalka ku gaarsiisay.
Markii dagaalkii dhammaaday, Soomaaliya waxay sii wadday weerarro xagga dibbolomaasiyadda oo ay ku fongoraysay Itoobiya. Dhanka Afrika, waxay beegsatay dawladihii u janjeeray xagga dawladaha reer galbeedka, iyadoo carrabka ku adkaynaysay dhaqanka cadaadinta ku dhisan ee Itoobiya, ee ay taageerayaan Ruushka iyo Kuubba, ee kadhanka ahaa xoogaggii gobonnimo-doonka ahaa ee gobolka. Iyadoo codkeeda gaarsiinaysa UN-ka, USA, Yurubta Galbeed, Shiinaha, iyo dawladaha Carabta, waxay barnaamijkeeda dicaayadda xoog ku saartay sidii loo heli lahaa dadaallo loo dhan yahay oo looga hortagaayo is-fidintii shuuciyadda, xasuuqa Itoobiyo ku waddo dadeynaha ku dhibaataysan Geeska Afrika. Is la markaas, waxay Soomaaliya bilawday inay u dhawaato hoggaamiyaasha dawladaha hantiwadaagga (Cali Naasir-kii Koonfurta Yemen, Didier Ratsiraka-hii Madagaskar, Jaadali Binjadiid-kii Aljeeriya, iyo Erich Honecker-kii J D ee Jarmalka) si loo fududeeyo isusoo-dhawaanshaha iyada iyo Itoobiya iyo USSR. Waxaa Itoobiya farxad geliyay dhammaan madaxdaasi waxay Soomaaliya ku la taliyeen inay marka hore oggolaato shuruudihii Itoobiya kahor, intaan la yeelan wadahadal jaaduu yahayba. Warqaddii Siyaasadeed ee Itoobiya ka diyaarisay arrintaas waxay ku muujisay inay aad uga taxaddaraan dawladaha saaxiibada ahi soodhawaanshaha Soomaaliya kuna sugnaadaan mawqifyada ay hadda taagan yihiin. Waxaa warqaddaas lagu sheegay in kastoo Soomaaliya ku adkaysanayso inay beddeshay siyaasaddeedii arrimaha dibedda ee ku saabsanaa kahari-la’aanta sheegashooyin-keedii dhulfidsiga ahaa, haddana wali waxay ku cad yihiin Qodobka 16-aad ee distoorkeeda cusub, oo ay ku dhigan tahay:
Iyadoo u qaadaysa waddooyin nabadeed waxay J D ee Soomaaliya gacan ka geysan doontaa xoraynta dhulalka Soomaaliyeed ee gumeysiga ku jira iyo waxay dhiirrin doontaa in dadka Soomaaliyeed khiyaarkooda ku midoobaan.
Siday Itoobiya u aragtay xiriirrada iyada Soomaaliya waxay u sii iftiintay kadib kulankii 1986-kii Jibuuti ku dhex-maray Mengistu and Siyaad Barre. Qiimayntii uu sameeyay guddigii arrintii wadahadalka Itoobiya u xilsaartay waxay noqotay in laga feejignaado heshiiska nabadda ee Soomaaliya. Waxaa loo arkay nabadda Soomaaliya mid kumeelgaara ayna u qarsoon tahay waqti-gadasho ay uga gol lahayd inay waqti u hesho burburinta xoogaggii mucaaradka ku ahaa ee soo kordhaayay (markaas oo jabhadihii SSDF iyo SNM ay guulo gaareen) iyo inay dib u noolayso dhaqaalaheedii sii hoobanaayay si ay markaas ay awooddeedi millatary dib ugu noolayso. Ma jirto Xukuumad Soomaaliyeed oo si kulatalgal ah uga haraysa dhulka ay sheeganayso, waa sidii lagu gunaanaday warbixintii siyaasadeed, waana in loo arkaa bay tiri warbixintu nabadda Soomaaliya rabto nabadayn kumeelgaara. Waxaa la soo jeediyay in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay yeesho qodobbo yaryar intii laga la hadlin qodobbada asaasiga, macnuhu wuxuu ahaa in laga wada hadlo arrinta seeraha ama xuduudka. Waxaa looga jeeday sidaan, in Soomaaliya lagu jujuubo aqoonsiga seeraha adduunku aqoonsan yahay ee labada dal.
Intii ay socdeen kulammadii seddexda ahaa ee ugu horreeyay ee Guddi Wasiireedkii Gaarka ee Ito – Soomaaliya (6–9 bishii Shanaad 1986-dii, Addis Ababa; 23–26 bishii Siddeedaad 1986, Mogadishu; iyo 1–3 bishii Afraad 1987-dii, Addis Ababa), waxay Soomaaliya si joogta u diidaysay in laga wada hadlo arrintii xuduudka. Taas beddelkeeda waxay Soomaaliya soo jeedisay in ciidammada laga wada raro seeraha labada dal iyo colaadaha in la joojiyo. Wadahadalladii waa is xireen. Markaas kadib, wasiirkii arrimaha dibedda ee Itoobiya Berhanu Bayeh, ayaa soo saaray war-murtiyeed uu ku muujiyay qodobbadii laga wada hadlaayay seddexdii kulan iyo mucdii wadahadalka wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay in lagu guuldarraysto kulammadaas. Wuxuu sheegay in sababta keentay in lagu barriiqdo kulammada ay ahayd Soomaaliyoo diidday in laga wada hadlo arrinta xuduudda, isagoo ka digay haddii ay wax ka dhacaan xudduudka, in Soomaaliya mas’uul ka noqon doonto.
Iyadoo Taliskii Itoobiya garanaayay inuusan jirin siyaasi Soomaaliyeed oo faragelinaya arrinka seeraha/xuduudka, haddana dhinicii kale, Siyaad Barre wuxuu aad u quudarraynaayay in la joojiyay dhaqdhaqaaqyada xuduudka ee kooxihii mucaaradka ahaa sida SSDF iyo SNM. Soomaaliya waxaa si xooggan oo joogta ahayd cadaadis ugu hayay kooxihii ka soo horjeeday, cadaadisyadaas oo ka darnaa kuwii haystay Dergiga, waxayna falgalladii firfircoonaa ee dhex-maray Itoobiya, SSDF iyo SNM noqdeen kuwo dhibaateeya taliskii Barre. Dhinaca kale, kaalmadii Soomaaliya siinaysay kooxihii mucaaradka ahaa ee waqooyiga Itoobiya gaar ahaan EPLF, waxtar u ma noqon. Dicaayadihii xafiiskii EPLF ee Muqdishow ku ma noqon Dergigii wax buuq ka badan. Waxaa intaas dheer, WSLF iyo SALF wixii dagaalka ka dambeeyay way taagdarreeyeen. Kan hore wuxuuba noqday hawlgab dhammaadkii 1980-kii  kadib markuu labo u kala jabay; Jabhaddii Xoraynta Ogadeeniya (ONLF) oo ka hawlgalaayay Kuwayd baa mid ahaa. In kastoo qeybo ONLF ahi  ay mar dambe awoodeen inay u soo dusaan Ogadeeniya, haddana hawlahoodii ma keenin dhibab badan. Sidaas darteed, qalabkii wadahadalka ee Siyaad Barre wuxuu ahaa midaan xoog lahayn.
Taas baa muujinaysa sababtii M/weyne Barre uu u codsaday kulan kale, kaas oo la isugu yimid Jibuuti bishii Seddexaad 1988-dii. Muddadii seddexda beri ahayd (bishii Seddexaad 20–22), waxay hoggaamiyaashu si adag uga doodeen faa’iidooyinka wadahadalladu labada dhinac u leeyihiin, iyadoo aysan muuqan wax horumara oo la samaynaayo. Mengistu wuxuu aad uga shakisanaa ujeeddada kulankaan kale, si kastaba ha ahaatee, kulankii afraad waxaa isugu yimid guddigii gaarka ahaa ee wadajirka ahaa waxaana lagu qabtay Muqdishow “taariikh ay labada xukuumadood ku heshiiyeen.” Qorsho-hawleedkii ay labada dhinac ku heshiiyeen kulankaan qodobkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa; “tixgelinta kahadalka arrinta xuduudka labada dal.”
Kulankaas afraad waxaa lagu qabtay Muqdishow horraantii bishii Afraad 1988-dii. Iyadoo cuskanaysa heshiiskii Jibuuti, Itoobiya waxay soo bandhigtay qormadii wadahadalka iyo qormo ku saabsan hagaajinta xiriirka labada dal. Qodobkii ku saabsana calaamadinta xuduudka si ku talagal ah baa loo qormadii wadahadalka looga tiray, laakiin waxaa lagu daray qodob faraayay guddigii gaarka inay tixgelin siiyaan arrinta xuduudka mustaqbalka dhaw. Heshiiskii hagaajinta xiriirka labada dal ee lagu saxiixay Muqdishow waxaa loo arkay guul weyn oo dibbolomaasiyadeed oo Itoobiya u soo hoyatay. Oggolaanshihii Soomaaliya in heshiiska lagu xiriiriyo mabaadi’dii OAU-da, gaar ahaan faqradii ka hadlaysay dhawritaanka madaxbannaani-qarameedka dal kastoo xubin ka ah OAU-da iyo midnimadiisa, waxaa markaas loo qaatay in Soomaaliya ka hartay siyaasaddeedii hore. Middaan waxaa loo macnaystay in Soomaaliya oggolaatay Warfaafintii Qaahira ee 1964-tii ee lagu sharciyeeyay xuduudihii isticmaarka iyo xeerintii kalfadhigii siddeedaad ee OAU-da ee lagu qiray in Ogadeeniya tahay qeyb kamida Itoobiya. Waxaa intaas ka sii muhimsanaaa, kutalagalkii Soomaaliya inay isugu yeerto guddigii gaarka si ay arrintiii xuduudka kahadalkeeda u tixgeliso mustaqbalka dhaw, kaliya maahayn guul xagga siyaasadda oo Itoobiya heshay ee waxay kaloo ahayd guul xagga sharciga. Waxaa heshiiskii hagaajinta xiriirka labada dal lagu xusay qodobbo doora ahaa, sida inaan dalna dalka kale arrimihiisa gudaha faragelin (Qodobka II) iyo inaan la samayn hawlo burburin iyo qas ah (Qodobka VI).
Tillaabooyin baa is la markiiba la qaaday si loo dhaqangeliyo heshiiskii. Guddi ka kooban saraakiil ciidan oo sarsare ayaa la faray inay duljoogtayn ku sameeyaan kala-rarka ciidammada xuduudka Ito-Soomaaliya. Intii u dhexeysay bishii Afraad iyo tii Shanaad 1988-dii, guddigii wuxuu ebyay hawshii loo xilsaaray. Waxaa xigay in si tafatiran loo bilaabay diyaargarawgii is-dhaafsiga maxaabbiistii dagaalka – hawshaas oo Guddigii Caalamiga ahaa ee Laanqayrta Cas ka socday uu soo jeediyay intii la waday wadahadalladii bilawga ahaa ee 1984-tii. Dhanka Itoobiya, tillaabooyinkaas la qaaday dhammaantood waxay u ahaayeen kuwo libineed, laakiin guusha dibbolomaasiyeed ee ugu weynayd waxay ahayd in Soomaaliya la geliyay wadahadal dabadheer iyadoo dhinaca kale ay ka socotay hawshii burburintii Jumhuuriyaddii Soomaaliya.
Soomaaliya Burburinteedii (Kaladaadinteedii)
Dadaalladii Itoobiya inay qas iyo iskahor-imaadyo ka dhex-abuurto Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa kooxo caraysan waxay soo bilaabmeen xilligii boqortooyada. Kacdoonno badan, rabshadihii la xiriiray doorashooyinka, iyo afgambiyadii Soomaaliya dhammaan waxaa gadaal ka riixaayay talisyadii Itoobiya. Kacdoonkii bishii Labo iyo Tobnaad 1961-dii wuxuu ahaa tusaale, markaas oo lagu tuhmay Itoobiya inay ku lug lahayd iskudaygii saraakiil Xoogga Dalka Soomaaliyeeda oo reer waqooyi ahaa, inay la wareegaan magaalooyin doora, kadibna dalka kala jaraan. Kaydka warqadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya waxay muujinayaan doorkii Itoobiya ku lahayd sidii loogu qancin lahaa siyaasiintii Hargeesa inay diidaan qorshihii lamidawga koonfurta, aasaaskii 1966-dii Ururkii Xoraynta Soomaaliya (NSLM) iyo abuuritaankii Iskaashada Qaxootiyada Koonfurta Soomaaliya (SSRA) – NSLM-du waxay ka koobnayd qeybo gadoodsanaa oo ka tirsanaa qolada Isaaq ee reer waqooyiga, halka SSRA-tu ka koobnayd xubno caraysnaa oo Hawiye iyo Raxanweyna oo reer koonfureed ahaa.
Jaahwareerkii siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya kadib markay ku jabtay dagaalkii Ogadeeniya wuxuu si fiican ugu gogolxaaray meelmarintii siyaasaddii burburinta ku dhisnayd ee Itoobiya. Iskudaygii afgambigii 1978-dii ee Muqdishow, iyo xaaladdii degdegta ahayd ee la soo rogay bishii Tobnaad 1980-kii, ayaa si fiican u muujinaaya qalalaasihii siyaasadeed ee Jumhuuriyadda ka jiray muddadii dagaalka ka dambaysay. Tillaabooyinkii cadaadiska lahaa ee Siyaad Barre ka qaaday markii hore qolooyinka Majeerteen iyo Isaaq, iyo markii dambe (horraantii 1980-aadkii) Hawiye, waxay horseedeen caro ballaaran oo ay Itoobiya ku awoodday inay ka faa’iidaysato.
Taageeradii ay Itoobiya siinaysay xoogaggii diiddanaa Siyaad Barre waxay xoogaysatay bartamihii 1980-aadkii. Iskudaygii wadajirka ahaa ee Ito – Koonfurta Yemen ee la doonaayay in lagu mideeyo Jabhaddii Badbaadinta Soomaaliya (SSF), Xisbigii Shuuciga Soomaaliya (Jabhaddii Xoraynta Dimuqraadiga Soomaaliya), iyo Xisbigii Shaqaalaha Soomaaliya wuxuu ahaa tillaabo muhim u ah ololaha. Abuuritaankii SNM ee London bishii Seddexaad 1981-dii wuxuu si gaara muhim ugu ahaa dhisitaankii shabakadda mucaaradka. Itoobiya waxay samaysay wax kasta oo ay kari kartay sidii ay isugu keeni lahayd mucaaradka iyo sidii ay ugu midoobi lahaayeen lahalgankii taliskii Siyaad Barre. Dhinacyadii Itoobiya saamaynta ku yeelatay waxaa ku jiray kooxo fadhigoodu ahaa London, New Delhi, Moscow, Bucharest, Jarmalkii Galbeed, Rome, iyo Cadan.
Laxiriirkii SNM waxaa la siiyay ahmiyad gooniya. Si kasta oo ay ahaayeen ujeeddooyinkii ku qornaa distuurkii SNM, oo sheegayay; inay dhawrayaan midaynta Soomaali dhammaanteed iyo midnimada iyo madaxbannaanida Jumhuuriyaddii Soomaaliya iyo kaalmaynta dhammaan dadka xornimo-doonka si ay u gaaraan katalinta aayahooda, xornimo-siyaasadeed iyo madaxbannaani, haddana Itoobiya waxay go’aansatay inay ku la jirsato SNM halgankii kadhanka ahaa Siyaad Barre. Bishii Lixaad 1983-dii buu dhaqdhaqaaqa si adag loogu dhidbay Itoobiya, iyadoo hoggaamiyaashii siyaasadeed iyo ciidan ee dhaqdhaqaaqa iyo waliba hoggaamiyaashii lajaadka ahaa sida G/Sare Cabdullaahi Yuusuf-kii SSDF ee soo fakaday kadib afgambigii dhicisoobay bishii Afraad 1978-dii oo loo magacaabay hoggaamiyaha ciidanka ee SSDF dhammaantood waxaa loo oggolaaday dhaqdhaqaaq madaxbannaan. Iyadoo aad loogu guulaystay siyaasaddaan burburinta sannadihii 1980-aadkii, saraakiishii Itoobiya waxay la ahaatay inaysan haba yaraatee wax uga kordhayn wadahadal nabadeed oo dambe oo ay la yeeshaan Siyaad Barre. Meel kale, waxay siyaasaddii burburintu ka hirgashay Suudaan, iyadoo kaalmo dibadeed la siiyay dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ahaa ee Suudaan. Markii Dergigii cadaadis siyaasadeed oo xooggan dalka gudihiisa uga yimid, wuxuu sii kordhiyay siyaasadihiisii weerarka ahaa ee arrimaha dibedda. Laakiin waxaa mudan in la xuso taageeradii la siinaayay kooxihii Soomaaliya marna loo la ma jeedin sidii loo abuuri lahaa hab-siyaasadeed kale ee kaliya waxaa loo la jeeday in Barre lagu wiiqo.
Gacantii birta ahayd ee Siyaad Barre ku qabtay qolooyinkii Majeerteen iyo Isaaq intii u dhaxeysay 1978 ilaa 1988-dii waxay wax u dhintay taageeradiisii dadweynaha Soomaaliyeed. Sidaas darteed, hagaajintii xiriirkii labada dal ee bishii Afraad 1988-dii waxba ka ma beddelin xoogaggii siyaasadeed ee Soomaalida, waxayse wax tartay Itoobiya iyadoo xoojisay siyaasaddeedii burburinta ku dhisnayd ee ku wajahnayd Soomaaliya. Sidii uu yiri David Rawson, SNM waxaa lagu abaalmariyay “laankuruusarro (landcruisers), madaafiic, iyo hubabka darandoorriga u dhacaa” waxaana loo diray waqooyiga Soomaaliya si ay weerar ugu qaadaan kaabayaashii dawladda. Iyadoo waqooyigu gacantii Barre ka baxay, halkaasoo mucaaradnimadii Isaaqa iyo Hawiyuhu ay wax weyn ahayd una shaqaysay dantii Itoobiya, taakulayn tabeedkii la siiyay jabhadahoodii hubaysnaa-na waxay culays ka qaadday Dergigii oo markaas ay ku soo fool lahaayeen loollamo xooggan. Wixii ka dambeeyay1988-dii, dadaalladii Itoobiya waxay ku foognaayeen sidii loo midayn lahaa SNM iyo SSDF. Waxaa kaloo jirtay, in lala xiriiray kooxo qoleed mucaarad ahaa oo ku sugnaa koonfurta Soomaaliya.45
Waqtigaan, siyaasaddii Itoobiya waxay gaartay horumar la taaban karay. Heshiiskii iskaashi ee bishii Tobnaad 1988-dii  dhex-maray SNM iyo SSDF (oo midaynaayay malleeshiyaadkii hubaysnaa oo tiro ahaan gaarayay 60 kun oo qof), iyo go’aankii SNM ee ahaa inay hesho heshiis dhex-mara koonfurta iyo waqooyiga oo ku saabsan fedaarlnimo xooggan oo labada dhinaca ama “Somaliland” oo go’da waxay si weyn u waxyeellaysay taliskii Barre. Hawlgalladii guulaystay ee labada jabhadood ka sameeyeen waqooyiga iyo koonfurta, iyo qalalaasihii siyaasadeed ee Muqdishow gudaheeda baa aakhirkii door weyn ku yeeshay hoobashadii Xukuumaddii Soomaaliya. Xitaa Itoobiya waxaa u suurtowday inay ka soo shukaamiso Jeneraal Maxammad Faarax Caydiid, oo markii dambe noqday hoggaamiyaha Aqalkii Soomaaliya ee Midaysnaa (USC), oo tiro ahaan u badnaa qolada Hawiye, jagadiisii ahayd safiirkii Soomaaliya u fadhiya New Delhi ragaalkii1988-dii. In kastoo gulufyadii SNM ee bishii Shanaad 1988-dii aysan u guulaysan sidii la filaayay, haddana bishii Kow iyo Tobnaad ee is la sannadkaas, kooxihii dagaallamaayay waxaa u suurtogashay inay qabsadaan dhawr magaalo oo waqooyiga Soomaaliya oo istraatiijiya oo ay ku jireen Hargeesa, Burco, iyo Delbis, iyo inay kala jaraan isgaarsiintii iyo iisu-socodkii gaadiidka ee gobolka oo idil. Guulahaan waxaa xigay guulo kale oo laga gaaray xagga koonfurta, halkaas oo xoogaggii ay Itoobiya taakulaynaysay (Hawiye; Habar Gidir; Sacad ahaa) ay weerarro ku qaadeen kaabayaashii dawladda si ay u burburiyaan. Taakulayntii xagga sahayda ee Itoobiya siinaysay SNM aad bay muhim u ahayl. Xogtii sahanka ee ku saabsanayd dhankii dhaqdhaqaaqa iyo ujeedkii Xooggii Dalka Soomaaliyeed waxaa si joogta loogu gudbinaayay saldhigyadii jabhadaha.
Xukuumaddii Soomaaliya way ka warhaysay taageerada waxayna ka keentay cabasho iyo Itoobiya inay jabisay heshiiskii 1988-dii. Bishii Shanaad 1989-kii, hal sano kadib saxiixii heshiiska, waxay Soomaaliya qaadday weerar xagga dibbolomaasiyadda oo ay ku eedaynayso Itoobiya inay caawinayso SNM, SSDF, iyo, wixii ka dambeeyay bishii Shanaad 1989-kii, Dhaqdhaqaaqii Askartii Ogadeen (markii dambe loogu yeeray – SPF) oo uu hoggaaminaayay S. Guuto Cumar Jees. Waqtigaan, taliskii Barre wuu furfurmaayay wuxuuna taagnaa heer kaladaadasho. Guulihii millateri ee SNM ka keentay waqooyiga Soomaaliya bartamihii – 1989-kii, waxaa xoojinaayay taakulayntii fiicnayd ee Itoobiya siinaysay kooxihii jabhadda, taas oo door weyn ku yeelatay riditaankii Barre.
Markii uu labalixaadsaday qalalaasihii Soomaaliya, Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya waxay samaysay saadaalin ay ku oddorostay waxyaalaha dhici kara ee soo aaddan. Afar waxyaalood baa la is la gartay oo mid walba ku qotontay danta Itoobiya inta wiiqidda Soomaaliya socoto. Tan kowaad waxay ahayd in Xukuumaddii Barre wadahadallo jiitamaaya lala galo, iyadoon la soo qaadin calaamadinta seeraha labada dal iyo iyadoo la iska deynaayo laxiriirkii tooska ahaa ee kooxihii mucaaradka si markaas loo sugoo loo arko halka ay ku biyoshubtaan dhacdooyinka dagaalka sokeeye ee waxyeellada badnaa. Tan labaad waxay ahayd in lagu cadaadiyo Xukuumaddii Barre inay in badan ka oggolaato arrintii xuduudka iyo in dib loo bilaabo wadahadalladii iyadoo laga sii qaadaayo halkii heshiiskii hagaajinta xiriirka ee 1988-dii uu maraayay. Markii la tixraaco heshiiskii labada dal waxay ahayd in Itoobiya joojiso taageeradii ay siinaysay kooxihii mucaaradka ahaa iyo inay Itoobiya dhanka Jumhuuriyadda la safato. Maamuuskii dhawaan Kenya la yeelatay Soomaaliya ee ku saabsanaa seeraha labada dal oo tan hore oggolaatay seeraha labada dal baa waxaa loo arkay mid arrintaan ididiilo u abuuraysa. Tan seddexaad waxay ahayd in taliskii Siyaad Barre laga badbaadsho dhibkii ku soo fool lahaa iyo in loo farageliyo siyaasadihiisii si Itoobiya waxtar u leh. Fikraddaan waxaa loo soo qaaday iyadoo laga yaabay inay suurtogal ahayd in awoodda talada dalka ay la wareegto xukuumad Itoobiya uga sii daran tii Barre – iyadoo laga baqaayay in xagjirro Muslina ama Ogadeena ay la wareegi karaan awooddii Muqdishow. Fikirkaan waxaa ansixiyay gaashaanbuurtii Itoobiya waa Soofiyeedkee. Tan afraad waxay ahayd, marba haddii dhicitaankii Barre yahay midaan baaqanayn, Itoobiya waa inay ka aqoonsataa kooxihii mucaaradka ahaa kuwa si cad u fahmaaya oo xushmaynaaya danaheeda mustaqbalka. Sidaan waxay xaqiijin kartaa in Itoobiya ka hortagto in kooxo xagjira ama Itoobiya-diida awoodda Muqdishow hantiyaan taas oo yarayn karta in dagaal kale oo labada dal dhex-maraa dib u qarxo.
Gunaanad
Khiyaarradii la soo jeediyay kan dambay oggolaatay Xukuumaddii Itoobiya. Safaaraddii Itoobiya ee Muqdishow waxaa la faray inay ka shaqayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas. Codsigii Siyaad Barre ee bishii Kowaad 1990-kii, si loo dhammeeyo arrinkii xuduudka oo Itoobiya u xiri lahayd xuduudaheeda is la markaasna u joojin lahayd taageeridii mucaaradka si cad baa loo diiday. Sidaas darteed, C/maan Axmad Cali (hoggaamiyihii SNM ee waqooyiga), Faarax Caydiid-kii USC (aagga Muqdishow), iyo Cumar Jees-kii SPF (aagga Kismaayo iyo Baydhabo oo xagga koonfurta) baa kamid ahaa xoogaggii mucaaradka ahaa ee la doortay oo ay Itoobiya taakulaysay. Waxaa farxad Itoobiya geliyay kooxahaas ay taageeraysay waxay inta badan gacanta ku dhigeen meelahay ka hawlgalayeen markii la gaaray bishii Siddeedaad 1990-kii. Guushii oo u muuqatay awgeed, waxay Itoobiya ka shaqaysay carqaladaynta iskudayadii u dambeeyay ee Barre waday si heshiis nabadeed loo gaaro: markaas oo Masar, Talyaani, iyo Kuwayd qorsheeyeen in shirweyne lagu qabto Qaahira bishii Labo Tobnaad 1990-kii, dibbolomaasiyaddii Itoobiya-na waxay xaqiijisay inuusan mid kamida kooxii ay taageeraysay ka qeybgalin shirkaas.
Dagaalkii sokeeyee ka qarxay Muqdishow ragaalkii bishii Labo Tobnaad 1990-kii iyo hoobashadii taliskii Barre ee xigay waxaa loo arkay guul xagga dibbolomaasiyadda oo Itoobay gaartay. Laakiin maxaa xigoo dhici doona? 

Warbixintii Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya, Dr Asmamaw Qelemu, wuxuu muujiyay seddex madmadow oo suurtogal ah oo ku soo fool lahaa Jumhuuriyadda: dagaalka sokeeye oo sii xoogaysta sababtoo ah inay adag tahay inay jabhaduhu midoobaan oo hal urur sameeyaan; Soomaaliya oo u ka la go’da seddex xukuumadood: Somaliland (Qoloda Isaaqa), Muqdishow iyo agaggaarkeeda (Hawiye), iyo koonfurta Soomaaliya (SPM, Ogadeen); ama abuuritaanka seddex dawladood oo fedaraala oo ka kooban gobolladaas. Mid kastooy noqoto buu yiri, Asmamaw Qelemu Itoobiya waxay ku gaartay ujeed-keedii siyaasadeed ee ahaa burburinta iyo wiiqitaanka Soomaaliya. Hawsha noo dhimman waa sidii loo xaqiijin lahaa in xubnaha awoodda Soomaaliya hayaa ay dhammaantood noqdaan kuwo raacsan Itoobiya. Faalladii u dambaysay ee Asmamaw Qelemu, wuxuu ku gunaanaday “…“… ዋና ውጉ ዳይ ከእ ንግ ዲህ አስ ጊሶ ማሊ ያአ ትኖ ርም”” [waxa muhimka ahi waa Soomaaliya waa halis hadda ma jirto].
Warkaas libinta xanbaarsanaa iyo farxaddii la muujiyay waa dhicisoobeen. Kaliya afar bilood kadib, Dergigii isna wuxuu noqday midaan jirin, Aakhirkii waxaa ka tanbatay oo xukunkii ka riday jabhado ka la duwan oo intii tobaneeyo sano ah uu iska waabinaayay. Waa dhici kartaa in Dergigii uu jabiyay Soomaaliya, laakiin Jabhadihii gudaha Itoobiya baa aakhirkii Dergigiina jabiyay. Waxaa caddaatay, burburintii Soomaaliya ee Itoobiyadii Dergigu ku qamaartay inay ahayd istaraatiijiyo lagu qasaaray, iyadoo ay dib ka caddaatay, waayo dhinaca u daran ee wali xukuumadihii talada Itoobiya la wareegay uu loollanku uga socdaa waa dhinaca koonfur-bari. Xitaa kadib dhicitaankii Dergiga, Itoobiya waxay wali kharash badan ku bixisaa istaraatiijiyaddii “burburinta” Soomaaliya.