Tuesday, February 17, 2015

Rucubta Naasaha (hees)

Af walba oo aadane ku hadlo wuxuu ka koobmaa erayo. Eray walba wuxuu leeyahay macne aan dhiggiisu lahayn, marka oraah uu ku jiro la yiraahdana, waxay oraahdaasi tilmaantaa macne gaar ahaaneed. Haddaba, haddii eray ka lumo afka waxaa lumay macne iyo wax-cabbir aan beddel loo helayn. Mar hadduu lumo eraygii oo kale dib loo ma helo, sidaasna waxaa ku libdha qeyb door ahayd oo afkaas ka tirsanayd. Haddii maalin uun cidi isu xilsaarto noolaynta iyo baadigoobka erayadii lumay ee afka, halka laga doonaayo oo la abbaarayo waa maansada oo ah hawdka ama xaska laga dhex-heli karo baadidii luntay. Sidaas darteed, ayaan ugu dadaalnaa qoritaanka maansada sida heesaha iwm. waxaa arrinkaas nagu darraaba qaar aan garan wuxuu afku yahay iyo culayska uu leeyahay. Si aad wax uga ogaato erayada maansada ku kaydsan ee ay adag tahay in meel kale laga helo, bal eeg heestaan iyo erayadeeda:

In kastoon ribbadayoo
Ruux is-barashadeennii
Waran laba-riddaala
U soo ramiyay caashaqa
Rugo-gelinta sheekada
Run iyo been midkay tahaan
Kala raadinaayee
Anba guurka waan rabay
Ha yeeshee ragragashiyo
Waxa raagaa rag ku ma sama

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Jiilaal rindiidsaday 
Rogmashada abaaraha
Ishkin riiray mooyee
Labo-raafle joogsaday
In kastoo nin reer-cadihi
Loxos-rogasho badan yahay
Waxaa ruqadda weydda a
Rugta looga dhaanshaa
Marka Rahanku cirir-da'
Rimmayda kuu tiirinnine

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Eraydad:
1- Ribbadayoo: fashilmayoo, ii socon wayday.
2- Labo-riddaale: labo jeer is la gacantii lagu tuurayay laga rido.
3- Ramiyay: tumista birta si loo adeegsado.
4- Ragragasho: digasho lagu fogaado oo faan ku jiro.
5- Rantaayoo: ramasho waa jaceylka dheeriga ah ee hooyadu ilmaheeda u muujiso iyadoon ka ag dhaqaaqayn oo hadba ursanaysa ama leefleefaysa. Halkaan kalgacal dartiis kaa tagi waayaa.
6- Reemaa: cod jaceyl ama xanuun keeno, guux, jibaad, talal.
7- Rucubta: cuntub ubaxa ama miro ah oo isku duuban ama wixii qaabkaas leh. Halkaan naasaha oo rucub ama shucub u eg.
8- Rakaadda: rakaaddu waa marka labaad ee xoolihii la waraabiyay haddana la waraabiyo. Halkaan; kugu celceliyaa.
9- Rindiidsaday: gawdiidsaday, habsaday. 
10- Rogmasho: kulaylka badan oo roga biyaha iwm ee la karkariyo. Halkaan kulka abaaraha ama dhibabkooda.
11- Ishkin riiray: waa neef geela ama lo'a oo aan dhalin oo aad u cayilay.
12- Labo-raafle: labada qalbac ee qoobka naflayda qaar sida ariga.
13-Nin-reer-cadihi: ninka dhaqda xoolaha sida riyaha iyo geela.
14- Loxos: meesha cusub ee markaas la dagay. Loxos-rogasho waa beddalashada hadba meeshii la dagay.
15- Ruqadda: caato awgeed la kici waayday.
16- Rahan: waa doogga badan ee uu keenay roob xooggan oo da'ay.
17- Tiirinnine: wax lagu toosinaayo wax kale si uusan u dhicin. Halkaan xoojin. 
17- Cirir: xiddigo dayuxu ag maro oo ku beegan xilliga diraacda. Cirir-da' waa roobkii da'a xilligaas. 

Friday, February 6, 2015

Bugtii Waynayd "The Big Bang" ..cashar


Sannadkii 1920-kii ayaa nin xiddigayahan ahaa oo la oran jiray Edwin Hubbal ogaaday inuusan koonku ahayn mid taagan kadib markuu ku eegay waynaysada fogaanta,  markaasna uu arkay diillin-caanoodyo sii socda oo sii durkaaya oo waliba xawli ku socda. Waxaa sidaas ku caddaatay in koonku fidaayo, waxayna arrintaasi curisay Aragtida Bugta Wayn oo ah tan koonku ka dhashay.

Markii hore, Koonku wuxuu ahaa wax cantoobo dhan oo lahaa cufnaan iyo kulayl tahan daafa oo aan la malayn karin. Markii da’da koonku kaliya ahayd 10-34 oo ilmiriqsi (-0.0 000…..ilaa 34 eber) ayuu u qarxay si maskaxda ka wayn, wuxuuna isku fidiyay xawli ka badan kan iftiinka, waxaana markaas uu is fidinaayay weheliyay jawigii ku meersanaa, waxaana sidaan dhacday loo yaqaan fuuritaankii (the inflation). Is la markii qaraxii waynaa dhacay wuxuu koonkii curtay is fidiyay 90 jeer, isagoo ka soo ambaqaaday in ka yar atam, is la markiina noqday cantoobo ama in gacan muggeeda.

Haddii la tixraaco NASA, fuuritaankii kadib, is-fidintii koonku waa socotay, laakin si ka xawli yar sidii hore, wuuna qaboobaayay, waxaana samaysmay walxaha. Seddexdii daqiiqo ee ugu horreysay ee koonka waxaa abuurmay curiyaasha iftiinka, waxaana abuuray habka samaysan-unugeedka Bugtii Waynayd (Big Bang nucleosynthesis). Heerkulkii wuxuu ka soo qaboobay 100 noonnilloon (1032) Kelfin ilaa 1 bilyan (109) Kelfin, waxaana is duqeeyay borotoonis (protons) iyo niyuutaroonis (neutrons) oo sameeyay diyuutiruum (dieutrium) oo noqday dhigga haydroojiinka (hydrogen). Badi diyuutiruumkii baa midoobay oo markaas hilyuum (helium) noqday. Waxaa kaloo abuurmay in yar oo litiyuum (lithium) ah.

Markay da’da koonku abbaaraha ahayd 380,000 sano iwm, aad iyo aad buu u kululaa waxaana adkaa in iftiin ka soo baxo. Markaas kadib, ayaa kulaylkii badnaa isku garaacay qurubyadii yaryaraa, waxaana sidaas ku samaysmay wax carun u eg oo aad isugu cufanaa oo uu ku marnaa iftiin sidii ceeryaamada oo kale ahaa.

380,000 sano kadib Bugtii Waynayd, walxihii waa qaboobeen waxayna qurubyadii ama atammadii awoodeen inay qaabaysmaan waxaana sidaas ku bilawday xilligii dib-isu-qaabaynta.  Arrintaani waxay oodda ka soo qaadday iftiinkii markii horoo Bugtii Waynayd dhacday abuurmay, kaasoo ilaa maanta laga heli karo koonka isagoo kaah gasadeed hiryare kooniya (cosmic microwave background radiation).  Si kastaba ha ahaatee, markaan damboo la tilmaamay kadib, koonkii wuxuu noqday mugdi waayo xiddigaha iftiinku ka yimaado iyo waxyaalaha kaloo dhalaalaa wali markaas ma samaysmin.

400 milyan oo sano kadib Bugtii Waynayd, koonkii wuxuu bilaabay inuu ka soo baxo mugdigii kooniga ahaa (cosmic dark ages). Intii xilligaas lagu jiray oo dhammaa nus-bilyan sano ayaa waxay cuntubyo neef ahi isu habeeyeen si ay u sameeyaan xiddigihii iyo diiillin-caanoodyadii ugu horreeyay.

Waxaa koonka jira awood lixaad weyn oo isu soo jiidda jirmiyada ama qalfoofyada oo la yiraahdo cufjiid (gravity). Awooddaas baa waxay keentay in is-fidintii koonku tartiib-tartiib hoos ugu dhacdo. Waxaase dhacday 5 ama 6 bilyan sano kadib, Bugtii Waynayd in awood kale oo la yiraahdo tamarta madow (dark energy) oo aan si fiican loo fahmin dib u xoojiso is-fidintii koonka, sidaan dambe oo ilaa maanta socota. Si ksataba ha ahaatee, 9 bilyan oo sano kadib, Bugtii Waynayd ayaa waxaa samaysamay hab-qorraxeed-keenna (our solar system).

Bugtii Waynayd maahayn sida aan maanta qaraxa u naqaan, ee in kastoo qarax magac ahaan la dhihi karo, haddana ma jirin jawi(space) markaas ee markii qaraxu dhacay is-fidintii koonkuna bilaabatay baa jawigiina sidii isagoo ahaa wax koonku huwaana la fiday, waxayna labadaasi noqdeen kuwo is wata. Marka si kale loo yiraahdana, jawigii baa bilaabay is-fidinta, kadibna waxaa raacay koonkii.

Sannadkii 2014-kii ayaa culimada sayniska ee Xarunta Jaamacadda Haarfar (Harvard-Smithsonian Center ) ee dhanka cilmi-xiddigoodku waxay sheegeen inay ka dhex-heleen gasada hiryaraha-kooniga astaan yar oo laga yaabo inay noqoto caddayntii kowaad ee hirar-cufjiideedka oo loo haysto inay ahaayeen kuwii qarxiyay Bugtii Waynayd. Arrinkaan dambe si aada ayaa looga dooday walina way socotaa dooddu.

Da’da koonka waxaa hilaaddii lagu sheegaa 13.8 bilyan oo sano, ku dar ama ka jar 130 milyan oo sano, halka hab-qorraxeedku uu jiro 4.6 bilyan oo sano. Qiyaasahaan waxaa lagu ogaaday markii la cabbiray cuf-awoodeedka koonka iyo samayska walaxa ama curiyaha. Ogaanshahaani wuxuu awood u siiyay cilmibaarayaasha inay xisaabiyaan sidii ay is-fidintii koonku u dheeraynaysay. Marba hadday hanteen waxbaarayaashu ogaalkaas, waxaa u suurtowday inay goor-sheegta dib u celiyaan oo ay dib u baaraan markay Bugtii Waynayd dhacaysay. Kahor 30 sano, waxay la ahayd xiddig-yahannada in koonku dhammaantiis ka koobmo atamyada caadiga ama waxa loogu yeero baryoonig "baryonic matter". Hase yeeshee, waayahaan dambe, waxaa isa soo taraaya caddaymo muujinaaya in inta badan waxyaalaha uu koonku ka samaysan yahay aan la arki karin.

Waxaa dhabowday in atammadu kaliya yihiin 4.6% samayska koonka, 23% walaxa madow (dark matter),  kaasoo ay u badan tahay inuu ka koobmo hal ama ka badan oo qurubyo atamka ka sii yaryara oo si taagdaran u la falgala walaxa caadiga, iyo 72% oo ah tamarta madow, taas oo sida muuqata wadda xawaaraha  is-fidinta koonka.

Sida ay qabto NASA waxyaalaha atam-leyda ahi ee aan naqaan ee koonku 75% waa haydrojiin, halka hiliyuumku uu yahay 25%, iyadoo curiyaasha culculus ee koonku yihiin ino aad u tiro yar..

Qaabka uu koonku leeyahay wuxuu ku xiran loollanka ka dhexeeya xadka is-fidintiisa iyo dhufashada cufjiidka oo isaguna ku xiran yahay cufnaanta walxaha koonka.

Haddii cufnaanta koonku tahan dhaaf noqoto, qaabku koonku wuxuu noqonayaa qoolaab togane ah oo xiran. Taas macnaheedu waa; fallaarihii iftiinka ee barbar-roorka ahaa  markii hore waxay noqonayaan kuwo isu soo dhawaada, marka dambana is jara kadibna ku soo noqda meeshay ka ambaqaadeen. Haddii koonku sii jiro muddo ku filan, siday qabto NASA, koonku ma noqonaayo ma-dhammaade, haddana wuxuu noqonayaa midaan lahayn meel uu ku dhammaado, sida bedka qalfoofka kubbadaysan uusan ahayn ma-dhammaade, haddana uusan u lahayn meel la sheego oo uu ka bilawday. Koonku mar buu joojin doonaa is-fidinta wuxuuna bilaabi doonaa inuu isagu isku dhex-dumo taaas oo lagu magacaabo Hoobashadii Waynayd “Big Crunch

Haddii cufnaanta koonku ilaa xad yar tahay, koonku wuxuu noqonayaa mid qaabkiisu furan yahay oo leh qoolaab tabane ah oo hummaaggiisu u eg yahay kan kooraha. Haddii sidaan dambe dhacdo wuxuu koonku noqonayaa midaan isku guntanayn, waligiisna is fidin doonaa.
Waxaa caddaatay in koonku is fidinaayo oo waliba si xawaare leh isu fidinaayo, awoodda wadda oo sababaysa xawaarahana waxaa loogu yeeray; tamarta madow (black energy), tamartaas oo ah dhakafaarka maanta ugu wayn ee cilmiga sayniska haysta. Wuxuu saynisku rumaysan yahay wuxuu taaban karo ama caddayn karo, wuxuu gabo inuu gartana wuxuu ugu yeeraa dhakafaar ama mugdi amase madow, waxayse dhabtu tahay, koonka waxaa maamula Eebbaha Wayn, isagaana bilaw iyo dhammaad maareeya, innaguna aadane ahaan aqoonteennu way kooban tahay, sidaasna waxaa noo sheegay abuuraheenna itaalka weyn.