Markii
hore, Koonku wuxuu ahaa wax cantoobo dhan oo lahaa cufnaan iyo kulayl tahan
daafa oo aan la malayn karin. Markii da’da koonku kaliya ahayd 10-34 oo
ilmiriqsi (-0.0 000…..ilaa 34 eber) ayuu u qarxay si maskaxda ka wayn, wuxuuna
isku fidiyay xawli ka badan kan iftiinka, waxaana markaas uu is fidinaayay
weheliyay jawigii ku meersanaa, waxaana sidaan dhacday loo yaqaan fuuritaankii
(the inflation). Is la markii qaraxii waynaa dhacay wuxuu koonkii curtay is
fidiyay 90 jeer, isagoo ka soo ambaqaaday in ka yar atam, is la markiina noqday
cantoobo ama in gacan muggeeda.
Haddii
la tixraaco NASA, fuuritaankii kadib, is-fidintii koonku waa socotay, laakin si
ka xawli yar sidii hore, wuuna qaboobaayay, waxaana samaysmay walxaha.
Seddexdii daqiiqo ee ugu horreysay ee koonka waxaa abuurmay curiyaasha
iftiinka, waxaana abuuray habka samaysan-unugeedka Bugtii Waynayd (Big Bang
nucleosynthesis). Heerkulkii wuxuu ka soo qaboobay 100 noonnilloon (1032)
Kelfin ilaa 1 bilyan (109) Kelfin, waxaana is duqeeyay borotoonis
(protons) iyo niyuutaroonis (neutrons) oo sameeyay diyuutiruum (dieutrium) oo
noqday dhigga haydroojiinka (hydrogen). Badi diyuutiruumkii baa midoobay oo
markaas hilyuum (helium) noqday. Waxaa kaloo abuurmay in yar oo litiyuum
(lithium) ah.
Markay da’da koonku abbaaraha ahayd 380,000 sano iwm, aad iyo
aad buu u kululaa waxaana adkaa in iftiin ka soo baxo. Markaas kadib, ayaa
kulaylkii badnaa isku garaacay qurubyadii yaryaraa, waxaana sidaas ku samaysmay
wax carun u eg oo aad isugu cufanaa oo uu ku marnaa iftiin sidii ceeryaamada oo
kale ahaa.
380,000 sano kadib Bugtii Waynayd, walxihii waa qaboobeen
waxayna qurubyadii ama atammadii awoodeen inay qaabaysmaan waxaana sidaas ku
bilawday xilligii dib-isu-qaabaynta. Arrintaani waxay oodda ka soo qaadday
iftiinkii markii horoo Bugtii Waynayd dhacday abuurmay, kaasoo ilaa maanta laga
heli karo koonka isagoo kaah gasadeed hiryare kooniya (cosmic microwave
background radiation). Si kastaba ha ahaatee, markaan damboo la
tilmaamay kadib, koonkii wuxuu noqday mugdi waayo xiddigaha iftiinku ka yimaado
iyo waxyaalaha kaloo dhalaalaa wali markaas ma samaysmin.
400 milyan oo sano kadib Bugtii Waynayd, koonkii wuxuu bilaabay
inuu ka soo baxo mugdigii kooniga ahaa (cosmic dark ages). Intii xilligaas lagu
jiray oo dhammaa nus-bilyan sano ayaa waxay cuntubyo neef ahi isu habeeyeen si
ay u sameeyaan xiddigihii iyo diiillin-caanoodyadii ugu horreeyay.
Waxaa koonka jira awood lixaad weyn oo isu soo jiidda jirmiyada
ama qalfoofyada oo la yiraahdo cufjiid (gravity). Awooddaas baa waxay keentay
in is-fidintii koonku tartiib-tartiib hoos ugu dhacdo. Waxaase dhacday 5 ama 6
bilyan sano kadib, Bugtii Waynayd in awood kale oo la yiraahdo tamarta madow
(dark energy) oo aan si fiican loo fahmin dib u xoojiso is-fidintii koonka,
sidaan dambe oo ilaa maanta socota. Si ksataba ha ahaatee, 9 bilyan oo sano
kadib, Bugtii Waynayd ayaa waxaa samaysamay hab-qorraxeed-keenna (our solar system).
Bugtii Waynayd maahayn sida aan maanta qaraxa u naqaan, ee in
kastoo qarax magac ahaan la dhihi karo, haddana ma jirin jawi(space) markaas ee
markii qaraxu dhacay is-fidintii koonkuna bilaabatay baa jawigiina sidii isagoo
ahaa wax koonku huwaana la fiday, waxayna labadaasi noqdeen kuwo is wata. Marka
si kale loo yiraahdana, jawigii baa bilaabay is-fidinta, kadibna waxaa raacay
koonkii.
Sannadkii 2014-kii ayaa culimada sayniska ee Xarunta Jaamacadda
Haarfar (Harvard-Smithsonian Center ) ee dhanka cilmi-xiddigoodku waxay
sheegeen inay ka dhex-heleen gasada hiryaraha-kooniga astaan yar oo laga yaabo
inay noqoto caddayntii kowaad ee hirar-cufjiideedka oo loo haysto inay ahaayeen
kuwii qarxiyay Bugtii Waynayd. Arrinkaan dambe si aada ayaa looga dooday walina
way socotaa dooddu.
Da’da koonka waxaa hilaaddii lagu sheegaa 13.8 bilyan oo sano,
ku dar ama ka jar 130 milyan oo sano, halka hab-qorraxeedku uu jiro 4.6 bilyan
oo sano. Qiyaasahaan waxaa lagu ogaaday markii la cabbiray cuf-awoodeedka
koonka iyo samayska walaxa ama curiyaha. Ogaanshahaani wuxuu awood u siiyay
cilmibaarayaasha inay xisaabiyaan sidii ay is-fidintii koonku u dheeraynaysay.
Marba hadday hanteen waxbaarayaashu ogaalkaas, waxaa u suurtowday inay
goor-sheegta dib u celiyaan oo ay dib u baaraan markay Bugtii Waynayd dhacaysay. Kahor
30 sano, waxay la ahayd xiddig-yahannada in koonku dhammaantiis ka koobmo
atamyada caadiga ama waxa loogu yeero baryoonig "baryonic matter".
Hase yeeshee, waayahaan dambe, waxaa isa soo taraaya caddaymo muujinaaya in
inta badan waxyaalaha uu koonku ka samaysan yahay aan la arki karin.
Waxaa
dhabowday in atammadu kaliya yihiin 4.6% samayska koonka, 23% walaxa madow (dark matter), kaasoo
ay u badan tahay inuu ka koobmo hal ama ka badan oo qurubyo atamka ka sii
yaryara oo si taagdaran u la falgala walaxa caadiga, iyo 72% oo ah tamarta
madow, taas oo sida muuqata wadda xawaaraha
is-fidinta koonka.
Sida
ay qabto NASA waxyaalaha atam-leyda ahi ee aan naqaan ee koonku 75% waa
haydrojiin, halka hiliyuumku uu yahay 25%, iyadoo curiyaasha culculus ee koonku
yihiin ino aad u tiro yar..
Qaabka
uu koonku leeyahay wuxuu ku xiran loollanka ka dhexeeya xadka is-fidintiisa iyo
dhufashada cufjiidka oo isaguna ku xiran yahay cufnaanta walxaha koonka.
Haddii
cufnaanta koonku tahan dhaaf noqoto, qaabku koonku wuxuu noqonayaa qoolaab
togane ah oo xiran. Taas macnaheedu waa; fallaarihii iftiinka ee barbar-roorka
ahaa markii hore waxay noqonayaan kuwo
isu soo dhawaada, marka dambana is jara kadibna ku soo noqda meeshay ka
ambaqaadeen. Haddii koonku sii jiro muddo ku filan, siday qabto NASA, koonku ma
noqonaayo ma-dhammaade, haddana wuxuu noqonayaa midaan lahayn meel uu ku
dhammaado, sida bedka qalfoofka kubbadaysan uusan ahayn ma-dhammaade, haddana
uusan u lahayn meel la sheego oo uu ka bilawday. Koonku mar buu joojin doonaa
is-fidinta wuxuuna bilaabi doonaa inuu isagu isku dhex-dumo taaas oo lagu magacaabo
Hoobashadii Waynayd “Big Crunch”
Haddii
cufnaanta koonku ilaa xad yar tahay, koonku wuxuu noqonayaa mid qaabkiisu furan
yahay oo leh qoolaab tabane ah oo hummaaggiisu u eg yahay kan kooraha. Haddii
sidaan dambe dhacdo wuxuu koonku noqonayaa midaan isku guntanayn, waligiisna is
fidin doonaa.
Waxaa caddaatay in koonku is fidinaayo oo
waliba si xawaare leh isu fidinaayo, awoodda wadda oo sababaysa xawaarahana waxaa
loogu yeeray; tamarta madow (black energy), tamartaas oo ah dhakafaarka maanta ugu
wayn ee cilmiga sayniska haysta. Wuxuu saynisku rumaysan yahay wuxuu taaban karo ama caddayn karo, wuxuu gabo inuu gartana wuxuu ugu yeeraa dhakafaar ama mugdi amase madow, waxayse dhabtu tahay, koonka waxaa maamula Eebbaha Wayn, isagaana bilaw iyo dhammaad maareeya, innaguna aadane ahaan aqoonteennu way kooban tahay, sidaasna waxaa noo sheegay abuuraheenna itaalka weyn.
No comments:
Post a Comment