Tuesday, February 17, 2015

Rucubta Naasaha (hees)

Af walba oo aadane ku hadlo wuxuu ka koobmaa erayo. Eray walba wuxuu leeyahay macne aan dhiggiisu lahayn, marka oraah uu ku jiro la yiraahdana, waxay oraahdaasi tilmaantaa macne gaar ahaaneed. Haddaba, haddii eray ka lumo afka waxaa lumay macne iyo wax-cabbir aan beddel loo helayn. Mar hadduu lumo eraygii oo kale dib loo ma helo, sidaasna waxaa ku libdha qeyb door ahayd oo afkaas ka tirsanayd. Haddii maalin uun cidi isu xilsaarto noolaynta iyo baadigoobka erayadii lumay ee afka, halka laga doonaayo oo la abbaarayo waa maansada oo ah hawdka ama xaska laga dhex-heli karo baadidii luntay. Sidaas darteed, ayaan ugu dadaalnaa qoritaanka maansada sida heesaha iwm. waxaa arrinkaas nagu darraaba qaar aan garan wuxuu afku yahay iyo culayska uu leeyahay. Si aad wax uga ogaato erayada maansada ku kaydsan ee ay adag tahay in meel kale laga helo, bal eeg heestaan iyo erayadeeda:

In kastoon ribbadayoo
Ruux is-barashadeennii
Waran laba-riddaala
U soo ramiyay caashaqa
Rugo-gelinta sheekada
Run iyo been midkay tahaan
Kala raadinaayee
Anba guurka waan rabay
Ha yeeshee ragragashiyo
Waxa raagaa rag ku ma sama

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Jiilaal rindiidsaday 
Rogmashada abaaraha
Ishkin riiray mooyee
Labo-raafle joogsaday
In kastoo nin reer-cadihi
Loxos-rogasho badan yahay
Waxaa ruqadda weydda a
Rugta looga dhaanshaa
Marka Rahanku cirir-da'
Rimmayda kuu tiirinnine

Sida ramag gu' roob badan
Nirgaha geedo rays liyo
Ruun caleen le loo dhigay
Miyaan kugu rantaayoo
Hadba kugu dul reemaa
Mise rucubta naasahaan
Hadba soo ruxaayoo
Qosol kugu rakaadaa?

Eraydad:
1- Ribbadayoo: fashilmayoo, ii socon wayday.
2- Labo-riddaale: labo jeer is la gacantii lagu tuurayay laga rido.
3- Ramiyay: tumista birta si loo adeegsado.
4- Ragragasho: digasho lagu fogaado oo faan ku jiro.
5- Rantaayoo: ramasho waa jaceylka dheeriga ah ee hooyadu ilmaheeda u muujiso iyadoon ka ag dhaqaaqayn oo hadba ursanaysa ama leefleefaysa. Halkaan kalgacal dartiis kaa tagi waayaa.
6- Reemaa: cod jaceyl ama xanuun keeno, guux, jibaad, talal.
7- Rucubta: cuntub ubaxa ama miro ah oo isku duuban ama wixii qaabkaas leh. Halkaan naasaha oo rucub ama shucub u eg.
8- Rakaadda: rakaaddu waa marka labaad ee xoolihii la waraabiyay haddana la waraabiyo. Halkaan; kugu celceliyaa.
9- Rindiidsaday: gawdiidsaday, habsaday. 
10- Rogmasho: kulaylka badan oo roga biyaha iwm ee la karkariyo. Halkaan kulka abaaraha ama dhibabkooda.
11- Ishkin riiray: waa neef geela ama lo'a oo aan dhalin oo aad u cayilay.
12- Labo-raafle: labada qalbac ee qoobka naflayda qaar sida ariga.
13-Nin-reer-cadihi: ninka dhaqda xoolaha sida riyaha iyo geela.
14- Loxos: meesha cusub ee markaas la dagay. Loxos-rogasho waa beddalashada hadba meeshii la dagay.
15- Ruqadda: caato awgeed la kici waayday.
16- Rahan: waa doogga badan ee uu keenay roob xooggan oo da'ay.
17- Tiirinnine: wax lagu toosinaayo wax kale si uusan u dhicin. Halkaan xoojin. 
17- Cirir: xiddigo dayuxu ag maro oo ku beegan xilliga diraacda. Cirir-da' waa roobkii da'a xilligaas. 

No comments:

Post a Comment