Friday, May 25, 2012

ARWAAXDII BUKOOTAY

ARWAAXDII BUKOOTAY

Sida laga warqabo qofku wuxuu ka sameysan yahay labo qeybood oo kale ah jir iyo ruux. Jirku waa kan culeyska leh, daraaddiisna ay ku suurtowdo in jirku dhulka korkiisa ku ahaado, waa kan leh unugyada tirada badan oo daraaddood uu u yahay wax nool oo mar koraaya marna gaboobaya ugu dambaynna dhimanaaya oo baaba’aaya. Inta uu nool yahay jirku wuxuu leeyahay habab kale duwan oo uu ka sameysan yahay iskuna maamulo, haddii lagu soo duulana uu isku difaaco. Weerarrada ku yimaada jirka waxaan badidood u naqaan cudurro. Markay cudurradu haleelaan jirka wuxuu muujiyaa astaamo kale duwan. Mid kastoo ka mid ah astaamahaan waxaa lagu gartaa qaabka uu jirku u jirran yahay waxaanna ugu yeernaa cudur, xanuun ama jirro. Sidaas darteed, astaamaha jirradu waa qeylodhaan gargaar doon ah. Aadanuhu wuxuu u helay dhibabka la soo darsa hababka jirka dawyo uu wax uga qabto sida; daaweyn, daryeel iyo hawlo looga hortago weerarrada ku imaan kara qofka jirkiisa oo loogu yeero fayodhawr. In kastoo wali ay jiraan cudurro loo maaro waayay oo aan la heli daweyntooda, haddana badi waa laga adkaaday cudurradii la bartay. Waxaa dadaalladii badnaa ee ka dhanka ahaa jirrooyinka lagu gaaray in waayahaan cimridherersiga horumar laga sameeyo. Waxaa kaloo aad loo bartay waxyaalaha lagu dheefiyo jirka iyo kuwa waxyeellada u leh oo ay tahay in laga fogaado.

Dhanka kale, ruuxu waa tabarta nuuxinaysa oo hawlgelinaysa jirka awgeedna uu qofku ku noqdo mid ka awood badan abuuranayaasha kale ee uunka. Ruuxu waa qeybta qofka ee la aamminsan yahay inay markii ay kali noqoto ka madaxbannaan tahay xeerarka fiisikiska (physics) sida cufjiidka (gravity). Haddii jirku ahaa kan la falgala dhammaan walxaha uu ku garan karo shantiisa dareemayaal, ruuxu wuxuu la falgalaa dhammaan walxaha aan shanta dareemayaal lagu ogaan karin, kuwaan oo aan u naqaan daahsoonayaal (abstracts) sida; jaceylka, neceybka, baqdinta, samirka, maaminta/haaminta, aqoonta ama garaadka iwm.. Waxaa la leeyahay mar haddii ruuxu yahay qeybta qofka ee sii jiri doonta nolosha dambe ee waaritaanka waxa kaliya ee ruuxa la socon doona waa daahsoonayaashii uu la falgali jiray waayihiisii nolosha dhulka ee uu qofka hagi jiray. Meekhaanka ama martabadda nolosha waaritaanka qofkana wuxuu xiriir la yeelan doonaa falaaddadii daahsoonayaasha ee waayihii nolosha dhulka. 

Weyddiintu waxay tahay ruuxu sidii jirka oo kale cudurro ma ku dhacaan?
Jawaabtu waa haa, oo sidii jirka oo kale buu ruuxuna u bukoon karaa. Waxaa ka mid ah; garashoxumo, maaminxumo, falalxumo, xiqdi, xaasidnimo, balwado, maamulxumo, masayr, balaahood (balo-arag) iwm.. Qofkii ruuxiisu jirraday wuxuu la yimaadaa falal waxyeello badan u leh noolaha kale iyo naftiisaba. Halka haddii qofka jirkiisa in yar ka soo harto uu wali u kari karo waxtar loo aayo, qofka ruuxiisu jirrado isagoo jir ahaan dhan buu waxtarkii gabaa. Wuxuu noqdaa qof noloshiisu culeys ku tahay inta kale oo fayow. Sidii cudurrada jirka oo kale baa loola tacaalaa cudurrada nafta ama ruuxa, hase yeeshee sida kan hore kan dambe horumarku ma gaarin, sababtuna waa fahamka ruuxa laftiisa oo yar, ka dibna baxnaanintiisii baa sidaas ku yaraatay. Sidaas oo ay tahay waxaa jira habab la hubsaday oo haddii la raaco bukaankii ruux ahaaneed ku dawoobi karo ama fayodhawr ahaan loo adeegsan karo. Waxaa ka mid ah kuwaan dambe; xeerarka diinta iyo xikmadaha.

Takhaatiirtu markay daaweynayaan qofka buka oo daawooyinka u qoraan waxay tilmaamaan qorshaha daaweynta sida iyagoo sheega qaddarka daawo ee sida maalinlaha loo qaadanayo iyo inta la wadaayo qaadashada daawooyinka. Sidaas si le’eg baa cudurrada ruuxuna ugu baahan yihiin qorshe daaweyneed. Sida loogu dhibtoonayo haddii qaadashada daawada la tahan dhaafsho baa tan ruuxuna loogu dhibtoonayaa. Sida cudurradu uu leeyihiin kuwo faafa oo dad badan galaafta baa cudurrada ruuxuna u leeyihiin kuwo aafooyin keena oo dad badan saameeya.
Haddaba maanta shacabka Soomaaliyeed waa mid uu haleelay cudurro nafsaani ama ruuxaani ah oo baahsan. Waxay yihiin cudurrada nafsaaniga ee ku baahay ummaddda Soomaaliyeed kuwo aafo ah oo la isqaadsiiyay. Si loo sii garto cudurradaan aan ka soo qaadno tusaalooyinkaan muujinaaya astaamaha cudurrada ruuxaaniga ah:

·       Qof aad sheeko wadaag tihiin baad oran: ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo xooluu tabcaday. Qofkii baa ku jawaabi; marwaduu qabo baa dadaashay ee hebelkaad sheegayso waxba kuma toornaadeen hadduusan heblo qabi laheyn. Mid kaloo agfadhiyaa oran; soo ma ogid inuu xoolaha xaaraan ku helay?
·        Mid baad ku oran; ninkii hebel ahaa waa dadaalay oo wax buu bartay, markaasuu ku jawaabi; waxbarasho maxay tari nimaan caqli laheyn?
·       Mid baad ku oran; xafladdii la qabtay hebel baa ka hadloo war fiican buu dadkii u gudbiyay, markaasuu ku jawaabi; war ma nin reer hebel ah oo waxsan sheegaad aragtay?  Mid baad ku oran; qolo hebel ama gobol hebel waa ismaamuleen oo wax lagu dayan karay sameeyeen, markaasuu ku jawaabi; faanka iyo tookhoodaa ku maan maraye cidna wax ma dheera. Mid baad oran; inanka hebel ah waa wiil firfircoon oo dadaal badan, markaasuu ku oran inta qoslo; abtigiis ma taqaan, war wiil waa abtigiise naga daa warka! Mid kalaad oran; reer hebel gabar wanaagsan baa u kacday, markaasuu oran; waxaad ogtahay yaraa, xaalkeeda hoose ma ka warqabtaa?
·       Mid baad oran; taariikhda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah nin hebel la oran jiray oo gobonnimada u soo halgamay, markaasuu oran; uu yaa ahaa? Adigii baa oran tol hebel buu ahaa, markaasuu oran oo ma qoladaaduu ahaa? Saad oran haa, markaasuu inta qosol la dhaco oran; alla faan badanaa!
·       Waxaad arki koox meel lagu qaxweeyo fadhida oo ku hareeraysan hal qof oo dhammaan ku qoslaaya iyagoo qofkii ku leh; sidii qoladaada maalintii dhaweyd looga adkaaday ma aragtay?   Waxaad arki koox lagu tiriyo kuwo wax bartay oo u xusulduubasya sidii qoladoodu uga heli laheyd dawlad qarameedka Soomaaliyeed wasiir cuslus sida kan maaliyadda sidii iyadoo wasiirku qoladooda wax gooniya uga keenayo dawladda. Isla kooxdaas baad arki iyagoo caraysan haddii wasiirkay rabeen waayeen oo leh; waxaani dawlad maaha, taageeradayadii waa kala noqonaynnaa.
·        Waxaad arki qofaf ku xiiqsan difaaca madaxa dalka oo hadduu saxan yahay ama gefsan yahay labadaba isku si’ u difaacaya sababtuna tahay wadaagga abtirsiinyo. Isla qofafkaas uusan halyeygoodu gefin waxay u tuumiyaan madaxda kale ee aysan abtirsiinyo wadaagin dhammaan wixii gefaf ah ama khalddamay.
·       Waxaad ka akhriyi wejiyada qofaf badan oo bulshada ka mid ah farxad markii tol Soomaaliyeed laga soo sheego dhibaatooyin sidii iyadoo arrinta dan ugu jirto. Waxaa kuu caddaan in wararka dareenka leh xiiso u leeyihiin inta badan bulshada, u riyaaqidda wararkaasna si weyn loo arki karo. Dhaqankaasi waa balaahood; waana u-durraamashada dadka shiddooyin iyo sharaf la’aan waana cudur nafsaani ah.  
·       Marka qof wax gaaraan sida jirro, maalbeel, dhimasho iwm. waxaad maqli kuwo leh; ilaahay waa caaddil degdeg buuna addoomihiisa uga abaalmariyaa waxay galabsadaan sidii iyagoo soo akhriyay kitaabkii weynuhu qofkaas wax ugu qoray.
·       In kastoo xilalka ama jagooyinka dawlad qarameedka, kooxaha loo xilsaaraa adeegyadoodu iyo waxtarkooduba dhexyaal u yihiin qaranka oo idil, haddana waxaad maalin walba arkaysaa in inta badan bulshadu u heellan tahay reer hebelnimada qofka xilqaaday oo laga filaayay u-adeegga danta guud. Arrinkaan oo aan tusaale u baahnayn ee si weyn loogu wada jeedo waa astaamo cudurro nafsaani ah oo baahsan. Haddii bulshadu fayowdahay lama soo mariyeen in xubnaha ka adeegaya dantooda guud lagu jimeeyo qolooyinkooda ka dibna sidaas loogu dhadhansado.
·       Dharaar noolba, markii aad la kulanto qof ama koox Soomaaliya oo sheekaynaya ka maqli maysid wax quluubta u roon ee waxaad maqli erayo ku salaysan; naceyb, caraatan kulul, digasho, dhoodid/shoolid beena iwm..

Haddii aad u fiirsato tusaalooyinkaan soo taxnay iyo kuwo kaloo badan oo si fiican ugu dhabbagasho waxaa kuu soo baxaya in dadweynaha Soomaaliyeed ay haleeleen cudurro nafsaani ah oo ballaaran, intiisa badanna tahay bukaansocod aan garawsho ama daryeel haysan. Balse in badan oo mudan naxariis iyo dayactir la kulmaan xaarxaaro iyo xagashooyin.
Hadday ummaddu haysato caqiido suubban, leedahayna suugaan hodan ah oo xikmadahu ku hilan yihiin, maxay u fayo dhawri waayeen ama loogu dawoobi waayay?
Waa adag tahay weyddiintaas jawaabteedu oo malaha waxay u baahan tahay xeeldheerayaal kale duwan inay cilmibaaris qotodheer ku sameeyaan arrinka. Waxaase hubaal ah in tiro badan oo dadka Soomaaliyeed ahi seerayaashii qummanaa gooysay una tillaabtay aagagga gurracnaanta iyo qallooca. Sidaas oo ay tahay waxaa la malayn karaa;
Diintii la rabay in arwaaxda lagu daweeyo waxay u egtahay inuu dadkii ku sumoobay ka dib markii la dhaafshay doosaskii la rabay. Tusaale ahaan inan dhigta dugsiga hoose haddii la fariisiyo fasalka 4aad ee dugsiga sare oo lagu qasbo laguna jirdilo waa hubaal in inankaasi jaahwareer ku dhacaayo waxbarashadiina eedaayo oo ka cararaayo. Sidaas si le’eg baa loogu jirdilay dad badan casharro ay adag tahay inaan fahmaan. Waxaa kaloo jaahwareer ku sii riday markay arkeen wadaaddadii waligood culummada u ahaa oo la leeyahay waa gaalo oo qoorta la jaraayo. Waxay ku khalkhaleen markay arkeen qeyrooyin muslina oo wadaaddo tuxufihii xanbaarsan galayaan oo dadkii warjaafayaan. Waxay ku wareereen markay arkeen kii shalay lahaa ha la jahaado oo dad badan gubaabadiisii godka u galay oo maanta cadawgii lagu jahaadayay la saaxiiba oo la qoslaaya. Waxaa maankooda rogay markay arkeen asharaaftii la rumeysnaa inay qoyskii nabiga ka soo jeedaan dhawrsanaanna la bidaayay oo dhagarta iyo hantiboobka dhibco dheeri ah ku qaatay. Waxaa jahooyinkii isaga darmeen markay arkeen wadaad dareerinaaya aayado oo wacdi iyo waano la taagan oo wadaad kale leeyahay, gaalku waa beentiis. Waxaa maankooda gali waayay dhaqanka ah; waxaa aad la isugu hawlayaa dharka la qaadanaayo iyo sida timaha loo jaranaayo iyadoo ummaddii dhibaatooyin lixaad leh ku habsadeen oo si weyn u qaxayso, intii nolol ku gaartana magansanayso kuwii ay yiraahdeen ha lagu jahaado. Intii tahli wayday inay qaxdo tabar-darro awgeedna col iyo cadaawe isu horeynayaan. Haddii si kale loo yiraahdo waxay kuwii looga bisooday samatabixinta dadweynaha ka dhigeen dambeeddadii arrimaha horaaddadoodii.   
Waxaa arrinka loo sawiri karaa sidii takhaatiir cilmigii daaweynta ku wareertay oo wax isaga gadmadeen oo bukaankoodii kula dhexdhacay daawoqoris wada khalddan oo meesha kii bukay ka qaadan lahaa hal xabbo oo kiniini ah maalintii qaatay toban xabbo. Sidaas baa arwaaxdii bukootay oo samatabixinta u baahnayd ula kulantay daaweyn khalddan. Dhab ahaantii cilladdu daawada maahee waa hababka daaweynta. Dhanka kale, murtidii xikmadaha badnayd waxay noqotay midaan waxba tarayn dad dhimirgoror ku dhacay, oo miyaa murtiyi wax tari kartaa dad la madax qaaday? Waa maya oo horraantiiba waxaa mugdigii lagu dheelmay ku lumay miisaankii lagu beegi lahaa xumaha iyo kii samahaba. Ummad ay halbeegyadii ka lumeen sow maaha ummad dayowday oo dhankii u roonba ka hadaftay?
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u baahan yahay in la daaweeyo oo cudurrada ruuxaaniga ah laga dabiibo. Waxaase muhim ah inaysan takhaatiirta daaweyntu iyaga laftoodu bukin oo aysan madaxqufan, xilbalaqsi iwm. qabin oo uusan arrinku noqon bukaankii la ildarnnaa xanuun faafa oo takhtar u ah dhallaan hargabay. Waxaa kaloo muhiim ah, in xarunta  saldhigga u ah fayoraadinta aysan noqon mid ay ka cukan yihiin xanuunnada baabi’intooda lagu raadjoogo. Haddii goobihii ay ka soo faltamayeen daryeelayaashu noqdaan kuwii saldhigga u ahaa jirrooyinka la rabo in la dabargooyo dadaalkii la sameeyaaba sow noqon maayo mid lagu hungoobo?.  

Friday, May 18, 2012

DUMISTII SOOMAALIYA MAXAA LOOGU DAWGALAY ?


DUMISTII SOOMAALIYAA MAXAA LOOGU DAWGALAY?

Sidaan marar hore u xusnay waxay ummadda S/liyeed ka soo jeeddaa bahweynta kuush oo dhawr kun oo sano kahor u unuktay dunidaan waxyaabo badan oo ay  maanta dheefsato. Waxaa ka mida birta oo lafdhabar u ah sancada horreysa ee dunida maanta iyo farshaxanka sida; dhagax-qorista ama tan qoriga. Waxaa reer kuush weerarro ku hayay uumankii kale oo u hanqal taagayay barwaaqadii ay heysteen. Markii la jabiyeyna waxay u kale qaxeen goonyaha dunida oo u kale firdheen. Si loo ugaarsado oo awooddada loo sii wiiqana waxaa lagu sooci jiray astaamihii gaarka u ahaa sida, bir-aqoonta iyo farshaxannimada. Sidaas awgeed waxay ka fogaadeen barihii magaalooyinka waxayna qaayibeen xoolo dhaqasho. Waa sababtaas tan keentay baa la filayaa inay maanta dadka reer kuush badi yihiin raacato. Sidaas oo ay tahay waxaa tirmi waayay farsamooyinkii ay yaqaanneen qaarkood sida; bir-aqoonta, kabo-tolista iyo wax-xararka.

Xoogaggii colka ku ahaa reer kuush waxay keeneen aragti kale oo sii wiiqaysa maskaxdii halabuuri jirtay, waana in la yaso dadka farsama yaqaanka ah. Sidaas baa waxaa ku hirgalay dhaqan foolxun oo lagu la dagaallamayo waxyaqaankii saldhigga u ahaa horumarka iyo ilbaxnimada. waxaana wali ka sii jira S/liya dhaqankaas oo sii heeraya waxtarkeedii.

Waxaa kale oo ka dhex bilawday S/liya hawlo ka dhan ah waxgaradkii u taagnaa toosinta ummadda. Waxaa falalkaasi bilaabmeen waayihii uu gumeystuhu ku habsaday dhulalkii S/liyeed. Gumeystuhu wuxuu watay hannaan uu la yimid oo uu ku sandulleynayay dadka. Dhanka uu ka cabsi qabay mar walbana wuxuu ahaa halyaqaanki S/liyeed ee awoodi lahaa in dhaayaha dadka loo furo, laguna hago dh/dhaqaaq kadhan ah hannaanadii doolka ahaa. Si ayna taasi u dhicinna wuxuu gumeystuhu qaaday olole af iyo addina oo uu kale dagaalamayay waxyaqaankii S/liyeed. Wuxuuna bixiyay magacyo uu ku magac dilayo waxgaradkii. Waxaa tusaale noqon kara “MAD MULLAH” ama “Wadaadkii Waallaa” oo uu u baxshay Ingriisku halyeygii weynaa, abwaankii, Sayid Maxammad Cabdulle Xasan.

Waxaa xigtay marxalad kale oo bilaabantay xilliyadii maamullada iyo ururradii siyaasadeed dalka ka jireen. Hannaanadii siyaasadeed ee maxalliga ahaa waxay ku socdeen tubtii iyo tabtii dawladihii galbeedka Yurub ama waabka bariga Yurub. Hababkaas dalka lagu waday waxay ku dhisnaayeen qaabab uu ku qalooday shacabka S/liyeed, kumana lahayn cod yeelis ama diidmo ah.

Waxaa lagu sandulleeyay dadka S/liyeed waxayna sinji iyo sawrac midna u lahayn. Waxaa loogu daray loona abaabulay inay raacaan wax aysan nuxurkooda aqoon. Waxaa lagu dhex waday in la tinguro ay-yaqaankii kala garan lahaa habboonaha iyo ma-habboonaha. Waxaa lagu dhex waday in la magac dilo abyaqaankii garan ogaa danta dadka iyo dalka. Waxaa lagu dhex waday cabburinta cod kasta oo ka duwanaa kan maamulka ama madaxda sare. Waxa kaliya ee laga rabay dadka waxay ahayd taageero aan weyddiin lahayn. Waxaa lagu dirqiyay shacabka S/liyeed inuu madiiddin u noqdo danta ama damaca hal qof amase koox yar. Waxay siyaasadihii jiray dhex galeen hab-dhaqameedyadii guunka ahaa ee qolooyinka S/liyeed ee kale dambeynta soo-jireenka lahaa, waxaana loo rogay ururro ku loollama siyaasado aysan hidde u laheyn. Oday dhaqameedkii xulkiisa tolku muddo ka baarandagi jiray oo garaadkiisa la dhudhumin jiray, waxaa lagu xulay sida uu u taageersan yahay hoggaanka siyaasadeed ee markaas jira ama taageerada ay ka rabaan kooxo dano gaara leh. Sidaas waxaa ku hirgalay afgambi gun iyo baara oo ku dhacay hab-dhaqameedyadii sooyaalka ahaa. Sidaas waxaa ku qarsoomay codkii waxgaradka, sidaasna waxay ku noqotay bulshada S/liyeed midaan lahayn garaad wax toosin kara,  meel walbana waxaa is qotomiyay qataarro loogu dawgalay danta guud iyo tan gaar ahaaneedba.

Haddii markab gaambinaya badweynta, uu ka xumaado Jiheeyuhu “Compass”,  wuxuu ku habaabaa badaha, hadduu iska socdana waxaa dhammaada shidaalkii, wuxuuna noqdaa mid wakiya oo mawjaduhu hadba dhan u waldaamiyaan. Waxaa sidaas u ekaatay ummadda S/liyeed markii uu ka lumay garaadkii hagi jiray oo kale hagaajin jiray.

Sidaas darteed, waxaa Soomaaliya dumiyay la-dagaallankii waxgaradka ee sida habeysan loo  burburinayay muddada dheer. Waxaa burburiyay ku-biimeyntii ummadda hadba ayjad aan la hubin waxtarkeeda ama wax-dhimaalkeeda. Miriqshaanleyntaasi waxay kentay in shacabka S/liyeed galo jaahwareer la kale sooci waayo xumaha iyo samaha. Jaahwareer la kale sooci waayo qummanaha iyo qaldanaha. Waxaa lumay xeer kasta oo ay ummaddu wax ku beegi jirtay. Waxaa lumay tixgelin kasta oo la siin jiray samawadaheeda.

Wuxuu eebbaha weyni marar badan noo sheegay in dadka intiisa badan aysan aheyn waxgarad, wuxuuna ku toosiyay eebbuhu hadalkiisa dadka intiisa waxyaqaanka ah (ulil albaab) ama basiirada leh.
Sidaas waxaan ku garan karnaa in haddii dadka laga dhex waayo waxgaradkiisa, aysan jirin doonin cid laga la hadlo. Ummad laga waayay cid laga la hadlo , waa sidii waxaan jirin, waana sidii axad nool oo aan madax ku ool!


Monday, May 14, 2012


GEDO IYO SANAAG WAA LABO GOBOL OO S/LIYEED OO KALA GEESA OO ISU GEDO DHAW

Labada gobol ee Gedo iyo Sanaag waxay ka mid ahaayeen 3dii gobol oo S/liya ugu waaweynaa. Waxaa labadooduba eebbe ku mannaystay dagallo dabeecado kala jaada leh oo wada carrasan ah. Kan hore wuxuu dhacaa koonfta galbeed ee dalka, kan dambana wuxuu dhacaa waqooyiga bari ee isla dalka. Labadaas gobol oo la oran karo waa kuwa ugu billicsan S/liya waxaa ka mida dhalannadooda  kala jaadka ah: 

GEDO: 

1-Gawraar: waa dhul kaymo leh oo meesiyada S/lidu raacato  ku dhaqmi og yihiin

2-Diirhara: dhul ciid cas oo raamo leh amase cammuud. Dhulkaan waa dhul hawd ah oo xoola dhaqatadu ammaanto, wuxuuna door weyn u leeyahay geela oo Gedo si weyn looga dhaqdo loogana tixgeliyo.

3-Shaway:  Bannaano iyo buuro gaagaaban oo arigu ku dhaqmi og yahay

4-Adabla' ;  Darar/Saro; waa dhul leh buuro waaweyn oo qaarkood leeyahay dul fidsan oo la dagi karo oo loogu yeero Dullo. Dhulkaani waa mid bilicsan oo haddii la hormariyo ku habboonaan kara dalxiiska, oo dunida maanta noqon kara il dhaqaale oo wacan.

5-Daawo: waa dhul leh geed hoosaad iyo kaymo goosgoos ah, waxaana si wacan ugu dhaqmi kara xoolaha nugulka ah, wuxuuna noqon karaa dhul beereed.

6-Garbo: waa dhul dooxooyin ah oo biyo leh, wuxuuna ku wacan yahay Ariga iyo beeraha.

7-Gogol: waa dhul fidsan oo biyuhu ku soo aruuraan, kuna wanaagsan beerashada.

8-Gubbo: waa dhul risku ku badan yahay oo Idihu si wanaagsan ugu dhaqmi karaan.

9-Farcaddo: waa dhul cadduun didib ah leh


SANAAG

1-Sool: waa dhul oommane ah oo meesiyada la raacdo ku dhaqmi karaan.

2-Xadeed: waa dhul  bannaano ah oo risku ku badan yahay, waana dhul idiha si xooggan loogu dhaqo.

3-Dhagax-labagood: waa dhul dooxooyin iyo buuro goosgoos ah leh, wuxuuna ku wacnaan karaa duunyada iyo dalagyadaba.

4-Gebi: Dhulkaani waa mid wacdaro gooniya leh, waa dhul boholo aad iyo aad u waaweyn leh oo haddii aad gasho maalmo ku socon karto. Boholakani waxay leeyihiin biyo durdur ah, waxaana la yaab leh in inta hoos loogu dhaadhaco hogaggaan la degi karo, iyadoon dadka dusha sare marayaa ku arki karin. Sow ma noqon karo dhul ku wanaagsan in mararka colaadaha iyo musiibooyinka kalaba ay jiraan laga dhigto gabbaad?

5-Booxaar:waa dhul guuyadu ku dhaqanto.

6- Bocaado: waa dhul biyo leh oo tayo wacan leh oo beer iyo duunyo dhaqashaba ku habboon.

6-Buur: dhulka buuralayda ee Sanaag waa dhul bilicsan oo indhadaraandar leh, waxaana ka mida buurta Daalo iyo fiiqa ugu dheer Soomaaliya oo idil waa Suurad e.
Buurahaasi waxay leeyihiin dabeecad-dhuleedyo kale geddisan, waxaan ka mida magacyada loo yaqan; Macag iyo Madar oo ah meelo biyuhu ku soo hoobtaan, Aaroor, Cayow iyo Raacin.

Dhulka Sanaag waa dhul taariikhiya oo tolka degaa uu si wanaagsan uga muuqday  taariikhda s/liya. Wuxuu tolkaas ugu badan degaankaas leeyahay taariikh isimeedka ugu dheer tolalka S/liyeed (sidaan u maqallay). Waxaa ka taliyay ilaa iyo afar iyo labaatan isin, oo uu ugu horreeyay Xasan Dhiidhiin, uguna dambeeyay isinka maanta ka taliya oo ah Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Max’uud.
Waxaa ugu caansan isimaddaas Suldaan Max’d Cali Shire Cawl oo la yiri gumeystihii Ingriisku wuxuu u soo jeediyey inuu noqdo Suldaanka guud ee gobollada Waqooyiga S/liya. Waxaa kaloo dhulkaas mar ka soo baxay nin hal adag oo horjooge ka noqday qolo ka mida tolka Warsangaliga oo la oran jiray Dhahar oo nin alle caasiya oo malaha haladeygga ninkaasi ka yaabiyay yiri:(wixii Dhahar yiri; allaa yiri).

Sidoo kale gobolka Gedo oo inta badan uu dego tolka Sade Daarood, waxaa uu taliyay isimo magac ku leh hab beeleedyada S/liya, oo uu ka mid ahaa uguna caansanaa ugaas Xirsi ugaas Max’d oo waayihii dawladdii Talyaanigu dalka S/liya ka arriminaysay ku koolkoolisay ugaaska ugaasyada, waxaana ilaa maanta jira madallo dalka Talyaaniga ah oo ugaaskaas sawirkiisu suran yahay. Gedana ma Dhahar la’ayn!


Friday, May 11, 2012

WAAYIHII MUQDISHOW




WAAYIHII MUQDISHOW


In kastoo aan si toosa loogu xusin Muqdishow sheekadii per-plus of Erythraean sea (waa sheeko Giriig ah oo aan la aqoon cid qortay, lase filaayo in la qoray bilawgii Taariikhda Masiixiga), haddana waxay sheekadaasi qiraysaa in xeebaha Soomaaliya uu ka jiray ganacsi xoog leh, waxaana ay xustay sheekadu waxyaabaha laga dhoofin jiray dhulka S/liyeed, waxaana ka mid ahaa badeecooyinkaas; qorfe, maydi, qolafka qubada iyo addoon tayo wanaagsan leh.

Muqdishow waxaa lagu xusay qarnigii 16aad sheekada la yiraahdo Chronica dos Reyes del Quiloa oo uu si kooban u qeybay Joao de Barros oo Bortuqiis ahaa. Waxay ku tiraabtay sheekadu in dadkii ugu horreeyay ee Muqdisho yagleelay ay u yimaadeen dhulka Sofala (ka mida Moosambiig) dahab-goobitaan. Ma cadda taariikhda xilligu, waxase la filayaa inay u dhexeyso qarnigii 10aad ilaa 12aad. Markaani waa marka ganacsiga dahabka Sofala ay ku kaliyeysatay Kilwa (maanta ka mida Tansaaniya).

Ma jiraan wax muujinaya in Muqdishow hal geeddi oo qaxooti carbeeda uu aasaasay, waxaase jira hayaanno qaxootiya oo kale geddisan oo yimid Muqdishow, waqtiyo kale duwan. Mid ka mida hayaannadaas Carbeed wuxuu ku beegan yahay xilligii lagu loollamayey khaliifaddii Karmatians, wuxuuna geeddigaasi ka soo hayaamay Al-Ahsa oo ku tiil khaliijka Carbeed. Malaha isla waayahaas baa kooxo faarissinihi waa reer Iiraane u soo hayaameen Muqdishow, sidaasna waxaa lagu sheegay qoraallo laga helay degaanno ka tirsan Shiraz iyo Naysabur oo ku beegan xilligii guyaashii dhexe (middle ages).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa qarnigii 10aad Muqdishow ka abuurmay isbahaysi ka kooban 39 qolo; 12 reer oo Muqri ah, 12 Jiidaati ah, 6 Caqabi ah, 6 Ismaaciili ah iyo 3 Cafiifi ah. Ka dib markii ay hanteen heybad xagga diinta ah, waxay qolada Al-Qaxdaani  ka yeesheen qolooyinkii kale saldanad culamonnimo ku dhisnayd ‘ulama dynasty’. Waxayna sharaf u yeesheen in qaalliga mar walba iyaga laga doorto.

Nuskii dambe ee qarnigii 12aad baa Abu Bakar B. Fakhar Al-Diin ka unkay Muqdishow saldanad dhaxaltooya ah oo cuskanaysay awoodda reeraha al-Muqri. Wuxuu suldaanku yeeshay sharafta inuu qaalli u sameeyo magaalada.
Sannadkii 1322-3dii suldaanku wuxuu ahaa Abu Bakar B. Maxammad. Waagaas buu ku qoray magaciisa hal bilyan oo lacag quruuraxa hase yeeshee aan lahayn mansab. Waxaa Muqdishow soo booqday dalmareenkii Ibnu Batuuta. Markaas oo uu talada hayey Abu Bakar B. Cumar. Waayahaan ku beegan qarnigii 14aad iyo 15aad ee ay talada hayaan reer Fakhar Al-Diin waxay Muqdishow gaartay heerar barwaaqo iyo ladnaan leh.

Waxaa Muqdishow lagu xusay qoraallo uu sameeyay boqorkii Xabashida (Abyssinia), boqor Zare’a Ya’kob  oo la yiraahdo Mashafa Milad, waana markii uu ka warramayey dagaallo ku dhex maray isaga iyo xoogag muslina meesha la yiraahdo Gommad ee ka tirsanayd Dawaara.

Qarnigii 16aad baa taladii Muqdishow waxaa la wareegay saldanadii Mudafar (Muzaffar), oo la sameysatay iskaashi saldanad kale oo awood ku lahayd dhulalka gudaha ah waana saldanadii Ajuuraan. Waxaase iskaashigaasi burburiyay qolooyin raacato ah oo ka tirsanaa reerka Hawiye. Waxay qoladaan dambe Muqdishow ka go’doonsheen dh/dhaqaaqii ganacsiga ee gudaha, sidaas bayna magaaladii ugu hoobatay baaba’ dhanka dhaqaalaha ah.

Badmareenkii caanka ahaa ee Vasco da Gama oo ka soo noqday safarkiisii ugu horreeyay ee Hindiga baa Muqdishow weeraray sannadkii 1499kii kumase guuleysan qabsashadeeda. Sidoo kale sannadkii 1507dii baa burcadkii naakhuude Da Chuna (Bortuqiis) ku guuldarreystay inuu qabsado Muqdishow. 1532dii baa Estavao da Gama waa wiilkii Vasco De Gama e, u yimid magaalada si uu doon uga iibsado.

Sannadkii 1585tii baa Muqdishow waxaa hareereeyay awood-badeed ay lahayd Imbaradooriyaddii Cusmaaniyiintu (Ottoman Empire) oo uu madax ka ahaa Amiir Cali Bey, markaan magaaladu waa isu dhiibtay waxayna aqoonsatay heybadda Cusmaaniyiinta, waxaase 1587dii soo dhigtay xeebaha raxan maraakiib dagaala oo gaamura Bortuqiiska. Bortuqiiska wuxuu ku soo celiyay awooddiisii xeebaha Bariga Afrika. Way ka gaabsadeen inay weeraraan Muqdishow waxayse caradii kula dhaceen Faza (agagaarka Laamo), halkaas oo ay ku gawraceen dad aad u fara badnaa, waxayana ku gubeen ilaa 10,000 oo geed oo naarajiin ah.

Cali Bey wuxuu sannadkii 1589kii la yimid xeebaha ilaa 5 doonyood, wuxuuna mar labaad ku dhawaaqay talada cusmaaniyiinta ee xeebaha Bariga Afrika, waxaase isla markiiba jabiyay Bortuiqiiska halkaas oo isaga laf ahaantiisa lagu qabtay Mombaasa, loogana masaafuriyay Lisboon. Waagaas baa u dambaysay weeraradii Cusmaaniyiinta ee xeebahaas. Sidaas oo ay tahay waxaa Muqdishow ka soo saaray lacag quruuraxa oo maar ka sameysan tiro aan ka yareyn illa 12 xaakin.

Sannadkii 1700 baa raxan maraakiib  dagaala oo Ingriisihu dul hogatay marsada Muqdishow, dhulkase u ma dhaadhicin.

Markii Cummaaniyiinta carbeed ka qabsadeen Bortuqiiska Mombaasa 1698dii waxay kaloo qabsadeen Muqdishow iyo magaalooyin kale oo xeebaha, waxayna haysteen muddo aan la aqoon, waxaase markii dambe la faray inay ka guuraan dhulalkaas waana yeeleen. 


Si kastaba ha ahaatee, Muqdishow waxaa ka bilaabmay dagaallo sokeeye oo magaaladii u qeybshay laba dhinac waana Xamar-Weyne iyo Shangaani. Waxaa ka soo gurmaday Afgooye (Geledi) saldanad awood lahayd, waana Saldanadii Gelediga (Gheledi Sultanate). Sida la wariyay wuxuu la yimid suldaankii Geledigu ilaa 8000 oo nin oo ciidana. Markaas waxaa Muqdishow ku  bilowday ku-soo-qulqulkii reer guuraaga. Reerihii isku hayay labadii dhinac ee Muqdishow iyaguna waxay bilaabeen inay magacyadooda rogaan; Caqabi waxay noqdeen reer Shiikh. Jiidaati waxay noqdeen Shaanshi. Cafiifi waxay noqdeen Gudmana. Muqri waa Qaxdaanigiiye waxay noqdeen reer Fiqi

Waxaa qarnigii 18aad soo weeraray Muqdishow qolo raacato ah oo la yiraahdo Daarandoolle oo ka tirsanaa reerka Abgaal ee Hawiye, wayna qabsadeen magaaladii. Duqoodii sare ee lahaa magaca Imaam wuxuu saldhig ka dhigtay Shangaanni.   

Sannadkii 1823kii ayaa Sayid Saciidkii reer Cummaan isku dayay inuu ku hareeyo heybaddiisa Muqdishow, kadib markuu xiray labo nin oo magac lahaa. Sannadkii 1843dii bay ahayd markii ugu horreysay ee uu awoodo Sayid Saciid inuu u magaacabo magaalada xaakin, wuxuuna wakiishay xaakin reer gurigii ka mid ahaa. Ugu dambeyn 1870-88dii bay ahayd markii ugu horreysay oo ay xeebihii Banaadir u gacangalaan taliskii Cummaaniyiinta, waxaana markaan suurtageliyay wiilkii Saciid ee ahaa Barqash. Ragaalkii qarnigii 19aad baa gumeystuhu Talyaanigu kale wareegay Cummaniyiinta xeebaha Banaadir, waxayna taasi ahaatay bilawgii gumeynta Muqdishowdii da’da weynayd.

Sannadkii 1960kii baa Muqdishow loo gartay inay u noqoto caasumad labadii dhinac ee S/liyeed ee xornimada qaatay, waxaana loo saaray taajka qaranka S/liyeed dhammaanti. Waxay u noqotay hooyo qeybihii S/liyeed ee aan wali xorta noqon, waxayna u noqotay barta ay ku soo hirtaan oo hiil iyo hooba ka helaan. Waxaa la isugu geeyay awooddii S/liyeed oo idil, waxayna gaartay horumarkii ugu sarreeyay taariikhdeeda. Waayahaas ay bilicda iyo baaxadda hanatay, waxaa la siiyay naanaysyo ay ka mid ahayd; Luulkii Badweynta Hindiga, Caasumaddii ugu nadaafad badnayd dawladaha Carabta iyo tii ugu nabadgelyo badnayd.

Taangiyada maanta, hadba dhan u jibaaxaya jidadkii Xamar, madaafiicda iyo hoobiyaasha ku dul hooray xaafadihii bilicda badnaa, dhufaysyada laga dhex qotay kulliyadihii iyo fariisinnadii ciidankii qaranka S/liyeed ee heybadda lahaa, burburka baaxadda weyn ee gaaray magaaladii, xasuuqa iyo barakaca loo geystay dadkii, waa murugada qofka S/liyeed ee dareen fiyow leh, waxaase waaga baas u baryay Muqdishow 1991dii. Markaas oo S/lidii gadoodday burburisay dawladdii u ahayd balagga qeybaha qaranka S/liyeed oo idil. Markaas oo ay kuwii gadooday faagteem magaaladii guunka aheyd oo ay ka tirtireen raadadkii ilbaxnimada iyo nolosha oo idil, una rogeen  boholo-tuug iyo buulal jaan. Markaas oo ay boqollaal kun oo qof ka qaxeen magaaladay dhiseen, una dagaageen goonyaha dunida oo idil. Markaas oo ay kala kulmeen faracyadii isbahaysigii u horreeyay ee bud-dhigga u ahaa ilbaxnimadii Muqdishow tacaddigii ugu sarreeyay ee aadane la mariyo.

Muqdishow oo mar la oran jiray Sarabbuun mar walbana aheyd magaalo wadajir loo dhisay oo loo deggan yahay, hooggeedu wuxuu bilawday markii qolo isa siisay kuna xalaaleysatay hantidii intii kale. Muqdishow wuxuu magaceed ba’ay marki qolo ka dhigatay dhufeys xujo ku ah dawladnimadii Soomaliyeed. Ooraah caalami ah baa tiraahda ‘ummad walba hankeeday haabataa’. Waxay Soomaali midnimo iyo muunad lahayd markay laheyd han sarreeya, waa markay laheyd hanka Soomaali Weyn. Waxaa hooggeed yimid markii hankeedu noqday tuulo, magaalo iyo gobol. Luufluuftadaas baan ka ladi la’nahay. Waxaan gaarnay heer aan ilmeyn weynno, illeen waxaa ooya qof ididiilo leh oo caymo u muuqato!





Friday, May 4, 2012

WAAYIHII SOOMAALIYA/BARAAWE


WAAYIHII SOOMAALIYA/
BARAAWE

Baraawe waa magaalo guun ah oo ku taal dhul xeebeedka koonfureed ee Soomaaliya. Magaaladu waxay ahaan jirtay magaalo horumarsan oo barwaaqaysan iyo xarun door ah oo ka mid ah xarumihii waaweynaa ee Geeska Afrika. Waxay dad badan qabaan inay u ahaan jirtay geyiga oo dhan xarun ganacsi waxayna si weyn ugu tiirsanaan jirtay dalagyada beeraha iyo kalluumaysiga.
Socotadii Shiinaha iyo waayahannaba waxay dhigeen qoraallo kooban oo ku saabsan magaalooyinkii xeebaha Koonfurta Soomaaliya sida Cadale, Baraawe, Kismaayo, Marka, iyo Muqdishow. Waxay waayahannadu isku raacsan yihiin in laga soo bilaabo sannadkii 1400 M.D/A.D ay raxan maraakiib ahi imaan jirtay marsooyinka koonfureed ee Soomaaliya Sida Baraawe.
Sida laga soo xigtay socotadii Shiinaha waxaa magaalada dhinac walba uga wareegsanaan jiray xayndaab. Waxay kaloo sheegeen in guryaha dhismahooda loo adeegsan jiray dhagax iyo laban. Safarradii Shiinuhu waxay keeni jireen badeecooyin sida; dharka xariirta ah, agabka cunnada, bariis, iyo jaadad kale duwan oo dhar ah. Waxay safarradaasi la noqon jireen badeecooyin macaash badan lahaa sida;  haragga shabeelka, haragga libaaxa, foolka maroodiga, xabko iyo hu’ ka samaysan maqaarka duurjoogta.
In kasta oo aan si fiican loo hubin yagleeliddii Magaalada Baraawe haddana waxaa lagu hayaa taariikh-afeedka in markii ugu horreysay uu degay meeshay hadda magaaladu tahay nin la oran Aw-Cali iyo qoyskiisii oo ka soo guuray dhulka miyiga ah.  Aw-Cali wuxuu degay meel kayn ah oo u dhexaysay dhulka carro guduudda iyo deexda.
Horraantii sannadkii 900 M.D/A.D kahor intuusan Aw-Cali degaanka samaysan wuxuu sahamiyay dhul ballaaran oo u dhexeeyay Goobweyn iyo Baraawe.  Aw-Cali wuxuu goobaayay dhul ku habboon degaanka reerkiisa. Wuxuu la dhacay neecawda macaan ee xeebta Baraawe, wuxuuna isla markiiba hawlgeliyay xigtadiisii. Sidaas baa Aw-Cali ku geedqaaday degalkii noqday markii dambe magaalada Baraawe. Waxaa kaloo taariikh-afeedka lagu xusaa in kahor yagleeliddi Aw-Cali ee Baraawe uu Tolka Tunnida ah oo Aw-Cali ka soo jeeday degganaa dhulalka miyiga ah ee ku dhaw Baraawe.   markii Aw-Cali qummaati u degay Baraawe waxaa ku biiray degmadii kooxo kale oo Tunni ah kuwaas oo ka soo guuray dhulalka miyiga iyo xeebaha.
 Qolo kale oo la oran jiray Gaala Warday oo uu u talin jiray boqorkii Baraawit ayaa ahayd kooxdii labaad oo ku soo guurta Baraawe. Waayahanno badan baa rumaysan in magaca Baraawe ka soo jeedo magacii boqorkaas.  Labadii qolo ee Tunni iyo Gaala Warday waxay wada galeen heshiin meelmar ahaa ilaa 300 sano.
Inkastoo si weyn loo rumaysan yahay in kooxdii ugu horreysa ee degta Baraawe ay ahayd Tunnida haddana waxaa kaloo la rumaysan yahay in iyaga laftoodu markii hore ka soo hayaameen Adari (Harar) kuna soo furteen Qaraw oo u dhawayd Wabiga Ganaane. Waagaasi wuxuu ku beegan yahay abbaaraha 891 M.D (Masiixiga Dabadi). Intaysan ku furin Baraawe waxay degeen meel la yiraahdo Kooyaama oo Kismaayo u dhaw.  Waxay isla markiiba bilaabeen geeddigii dhanka Baraawe, waxaase waayahannada qaar leeyihiin; Tunnidu waxay aagga degganaayeen kahor sannadkii 800 M.D. Kahor geeddigoodii dhanka Baraawe waxay ku hakadeen meel lagu magacaabo Jaamboo waxayna u kale jabeen labo kooxood. Kooxdii kowaad oo ka koobnayd jifooyinka Goygaal iyo Daktira waxay goosatay inay dhinac qaaddo badweynta Hindiga. Kooxdii labaad oo ka koobnayd jifooyinka Daafarad, Werile, iyo Hajuwa waxay go’aansadeen dhabbayaasha dhulalka gudaha ah.
Kadib markii ay ku wada noolaayeen xasillooni muddo 300 oo sano ah, labadii qolo ee Gaala Warday iyo Tunnida wax ka dhex bilaabmay dagaallo, waxayna dagaalladaasi socdeen muddo dheer. Mar dambe ayaa labadii qolo waxay heshiis ku gaareen Jumbo oo hadda Goobweyn ah. Waxaa la isku afgartay in Tunnidu degto dhanka galbeed ee wabiga, Gaala Wardayduna degto dhankiisa bari. Labadaas aag waxaa la oran jiray Diillin Tunniyeed iyo Diillin Gaaleed. Waxaa kaloo dhulka loo sii kala qeybiyay seddex aag; aagga Gaala Warday, aagga Tunni iyo aagga aan la kala lahayn oo loo daayay daaqsatada. Sidaas baana degaanku u habaysnaa ilaa la soo gaaray xilligii gumeystayaasha.
Sida uu qabo Gerullo oo dhawr buug ka qoray taariikhda dhulka Banaadir, Tunnidu waxay ahayd dadka ugu badan aagga.
Horraantii 1281 M.D ayaa qoloda Biidda doonyo uga soo hayaantay Jasiiradda Carabta oo degtay Baraawe. Labadii qolo ee Tunnida iyo Gaala Wardaydu way soo dhaweeyeen. Si bulshada cusub isu afgarato waxay wada meelmariyeen afka la yiraahdo Chimbalasi oo erayadiisu ka kooban yihiin lahjadaha Tunnida, lahjadda Maay, iyo Maxaa. Wuxuu afkaani ku dhaw yahay afka Sawaaxiliga ee looga hadlo meelo bariga Afrika ah.
Biiddada waxaa ku xigay qolada Xaatimi oo iskeentay 1481 M.D. waxay qolodaan dambe ka soo hayaantay Yeman. Waxay Xaatimigu markii hore u jeedeen Andulus oo ku tiil Isbayn, waxaana ka dhashay shiikhii caanka ahaa Sheik Muhidiin Bin Arabi Tai iyo Mohamed Bin Sa'eed Bin Muslim oo wiilkii Muxyadiin ahaa.
Sannadkii 1506 M.D ayaa ciidan dhan 1000 nin oo Bortuqiis ah duullaan ku soo qaadeen Baraawe iyagoo rabay inay qabsadaan magaalada. Dadkii degaanku waxay si adag u difaaceen magaaladii wuxuuna dagaalku socday seddex maalmood. In kastoo Bortuqiisku ku dagaallamaayay hub cusub haddana reer gurigii dhulku isago ku dagaallamaya mindiyo, fallaaro, iyo waraf buu iska caabbiyay nacabkii soo tallaabay. Waxaa la rumaysan yahay in reer gurigii dalka dagaalkaas uga dhimatay ilaa 1500 oo nin. Ciidammadii Bortuqiisku waxaa la wariyay inay haweenkii degaanka ku sameeyeen kufsi baaxad leh. 
Sannadkii 1673 M.D ayaa koox kale oo la yiraahdo Asharaaf ka soo guurtay Muqdishow degtayna Baraawe. Waxaa kaloo jiray qolo la yiraahdo Omar Baa Omar oo iyana ka soo hayaantay Yeman oo soo degtay magaalada. Waxaa soo raacay qolooyinka aan xusnay oo iyana aagga wax ka deganaa qolooyin Baantuu ah oo isla sidii wali Wabiga Shabeelle jiinkiisa ugu sugan.
Qolooyinkii Xaatimi iyo Biidda waxay ku bahoobeen magaca Labada Tol, waxayna la sii bahoobeen Tunnida. Waxay Tunnidii iyo Laba Tol wada samaysteen isbahaysi xooggan ilaa ay si weyn u xidideen. Biiddadu waxay isku jaal noqdeen Jifada Goygaal ee Tunnida, Xaatimiguna Jifada Daktira.
Waxaa halkaan ku mudan in lagu xuso inaysan Baraawe ahayn meel hal qolo deggan tahay, balse waa magaalo ay degeen dadyow meelo kala duwan ka yimid, kadibna samaystay Afka/Lahjadda Jimbalaasi (Chimbalazi), waxayna isu yaqaannaan Waatuu Wa Miini ama Dadkii Baraawe oo qeyb waxtara ka ah Qaranka Soomaaliyeed.
Sannadkii 1873dii, Baraawe waxay hoostimid taladii Sultan Barqash Bin Said. Waxaa suurtogeliyay arrinkaan odoyaashii degaanka oo oggolaaday taladii Barqash. Suldaan Barqash wuxuu u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Sansibaar nin wadaad ahaa oo reer Baraawe ahaa oo la oran jiray Sheik Mohidin Bin Sheik Abdullah.
Sannadkii 1874tii ayaa Khidwiyin/kii Masar qabsaday Baraawe iyadoon dhiig ku daadan, hase yeeshee, waxaa xukunkiisii magaaladu ku ekaa seddex bilood iyo toban maalmood. Waxaa qabsashadaan gadaal ka riixaayay Ingiriiska oo doonaayay inuu joojiyo ka-ganacsiga addoonta ee Barqasha oo ka jirtay Bariga Afrika. Waqti ku beegan Ciid-Al-Adxaa ayaa barqash dib ula wareegay magaaladii kadib markii Khidwiyin banneeyay.
Sannadkii 1893dii ayaa Baraawe waxaa la wareegay Dawladdii Talyaaniga kadib wadahadal jiitamay oo dhexmaray Duqowdii Banaadir, Suldaankii Sansibaar iyo Talyaaniga. Isla sannadkaas baa Sheik Faqi Bin Haaji Awisa Hassan Al-Dacfaradi aaday Sansibaar, wuxuuna soo saxiixay heshiiskii Talyaanigu kula wareegi lahaa degaanka Baraawe. Duqowdii degaankii Banaadir oo oggolaaday in Talyaanigu la wareego talada dhulkooda, iyagoo xeerinaayay awoodda ciidan ee Talyaaniga oo haddii la isku taago keeni kartay khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah.
Baraawe waxay saldhig u ahaan jirtay waxbarashada diinta islaamka, waxaana wadaaddo sare noqday arday ka soo aflaxday dugsiyadeeda sida; Sheik Aweys Al-Qadiri,  Sheik Nuurani Bin-Ahmed Sabir, Sheik Kassim Al-Barawa, Sheik Hajji Sadiq,Sheik Moalin Nur Hajji Abdulkadir, Sharif Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sheik Omar Hiraale, Sheik Mohamed Gaduudow.
Waxay kaloo Baraawe ka soo jeeday labadii halgame ee kala ahaa Abduikadir Sheik Saqawadiin  iyo Mohamed Osman Baarbe. Waxay raggaasi ka mid ahaayeen 15kii xubnood ee gundhigay Ururkii horseeday Madaxbannaanida Soomaaliya.

Xigasho:  Mohamed Kalif Babou
         The Modern History of SomaliLand by I.M. Lewis
The Shaping of Somalia by Lee V Cassanelli
The Story of Somalia by Shariif Aydrus