Wednesday, October 30, 2013

SHIN (Shen)

SHIN (Shen)

Kartuuje
Shin
Af Soomaali:
1-     Xilliga ama goorta aan kala dhimmanayn ee ahaantoodu sugnaatay.
2-     Sidka uurleyda ee ebyada intii abuurriin ahaan loogu tala galay. Waxaa la yiraahdaa ilmihii dhashay ma dhammaysan shinkiisii ama bilihiisii. Sidaas darteed, shinku asal ahaan waa wixii dhammays ah oo aan kala dhimmanayn ama aan si qumman oo ebyoon u qaabaysnayn.

Dhulkii Fircoonnada (Kemet):
Masaaridii hore uma aysan arag uunku inuu yahay waxyaalo la isku kabay oo sidaas ku ahaaday uun ama adduun, waxayse u arkeen adduunku inuu ka soo jeedo walax qaybsamay, walaxaas oo markii hore ahaa wax si aada u midaysan ama isugu cufnaa. Waxay qabeen in waxyaalaha jira oo dhan ay ka yimaadeen hal wax, markii dambana wax kastaba wuxuu dhalay waxyaalo kale, sidaasna waxaa ku ahaaday sii-qeybsankii waxyaalaha. Tusaale ahaan, waxay rumaysnaayeen in mugdiga uu dhalay iftiinku, dhulkuna dhalay cirarka. Marka lagu eego aragtidaas waayaheedu aadka u fog yihiin aragtiyada cusub, waxaan arkaynnaa in fikirkii Reer Kemet ahaa, isla fikirka maanta la qabo ee ah; Bugtii Weynayd (Big Bang). Bugta Weyn oo ah aragti aan da’ weynayn waxaa lagu rumaysan yahay in uunku markiisii hore ahaa hal walax oo aad iyo aad isugu cufnaa, kadibna uu dhacay qarax baaxaddiisu aad iyo aad u weynayd, markaas kadibna wax walba oo maanta uunka jiraa ka samaysmeen firirkii Bugtii Weynayd. Haddaba sheekaada abuurriinka ee dadkii Kemet waxay ka bilaabataa ahaade aad u baaxad weyn, kaasoo isku soo koobay in le’eg mugga aadanaha.  Arrinku wuxuu la mid yahay ma-dhammaatada (infinity) casriga ah, taasoo ah in xubinta wax walba ugu weyn aan lagu jimayn karayn tiro, weynaanta tahan dhaafka awgeed.
Farta summadleyda (The hieroglyph) xubinta wax walba ugu weyn waxay ahayd “Shen- Ring” ama Garangarta Shinka, taasoo meelo ka mid ah qoraalladii Xabaal-Magguureedka (Pyramid) lagu tilmaamay qaab wareegsan oo laga sameeyay xarig si laba laaban loo galoolay oo afafka la isku xiray, kadibna sameeyay diillin toos u jiidan oo ku xiran goobaabadii ama xariggii la galoolay. Macnuhu wuxuu ka soo jeedaa dhammaan inta qorraxdu goobaabto ama xayndaabto. 

Qormadii ugu horreysay waxaa lagu arkay dhari khamriga lagu shuban jiray oo ku beegan waayihii Boqortooyadii Bilawga  oo ku aaddan 3,100 MH. Laga soo bilaabo waayihii Boqortooyadii Afraad ee xilligii Boqor Sino-fure (Sneferu (2575tii ilaa 2575tii), waxaa qoraallada loo adeegsaday garangar la kala jiiday ama la dheereeyay oo loogu yeero Kartuuje “cartouche”. Waxaa loogu tala galay garangartaas la dhuubay in lagu xardho magaca boqorka, mar dambana waxaa loo adeegsaday ku-xardhidda labo ka mid ahaa magacyadii shanta ahaa ee boqorka. Mid ka mid ahaa labadaas magac waxaa dhaqan ahayd in lala xiriiriyo Eebbe qorraxeedkii Re.
Garangartaan ku meersan magaca waxay muujinaysay in boqorku yahay tusaale-qorraxeed nool isla markaasna uu maamulo dhammaan inta qorraxdu ku meersan tahay oo macnuhu yahay wixii jiroo dhan.
Waxay kaloo loola jeeday Garangarta Shinka ahi inay ka dhawrto magaca boqortooyada iyo boqorka laf ahaantiisaba mugdiga iyo qaska ma-jirayaasha ka baxsan goobaabinta qorraxda. Arrinkaani wuxuu ka dhigan yahay sida waayahan loo rumaysan yahay in noloshu kaliya ka jirto gudaha meel xayndaaban sida maqaarka ama darbiga unugga, kaas oo nolol-laha unugga ka ilaaliya waxyeellada dibadda ka imaan karta. 
Ilaalin-faleedkaan duugga ahi si wacan bay u shaqaysay, waayo waxay dhawrtay magacyadii markii horaba loogu tala galay inay dhawrto. Waxaa goobaabooyinka la yiraahdo Kartuuje lagu arkay qeyb kasta oo ka mid ah dhagaxa qormooyinka ee la yiraahdo “Rosetta Stone”  waana taas midda u fududaysay wax-baarayaashii kala ahaa Ã…kerblad (1802dii) ee Reer
Iswiidhan, Thomas Young (1814tii) ee Ingiriiska ahaa, iyo aqoon-yahankii Jean François Champollion (1822dii) ee Faransiiska ahaa, inay helaan furayaashii far-astaameedkii caanka noqday. Waxay arrintaan dambe horseedday in la garto falalkii fircoonnada iyo waxyaalihii jiray waayahoodii. 

Marmar, marka uu ducaynaayo qof waayeel ah oo Soomaali ah, waxaa erayadiisa ka mid ah; Balo ka xayndaaban, haddii ducadaas lagu muujiyo sawirna, waxay noqonaysaa in wixii loo ducaynaayay goobo la dhex geliyo. Sidoo kale, erayada xero, sarsar iyo xayndaab waxay muujinayaan isla ujeeddadii Reer Kemet waayo hore ka tageen.

Wednesday, October 23, 2013

AADAN-DINIX XASAN KOOSHIN IYO DABEEBIHIISII

Image result for old men of ancient Somalia
lama hubo in Adan ku jiro


AADAN-DINIX XASAN KOOSHIN
IYO
DABEEBIHIISII

Suugaanta S/liyeed waxay caan ku tahay quruxda erayada loo adeegsado iyo miisaanka loo yeelo meerisyada maansada. Waxaase dhammays ka dhigi kara ujeeddada loo curiyay iyo sida maansadaasi qasadkii ugu tiraabtay. Waxaan aragnay maansooyin qaab wacan leh oo erayo quruxsan loo kaashaday, hase yeeshee aan lahayn qasad toolmoon. Waxaa jira maansooyin dhan kastaba ka dheellitiran oo inta dheeh wanaagsan loo yeellay, haddana qasad weyn loo marshay. Waxaa ka mida maansooyinkaas tan aan halkaan ku faaqidaynno oo uu tiriyay nin la dhihi karo marka la dhuuxo tixihiisa waxaa dheeri u ahaa fikir falsafadeed ka xeelad dheeraa ficii waayihiisa noolaa iyo in badan oo waayihii ka dambeeyay hal abuurtay. Ninka aan ka hadlayno waa Aadan-Dinix Xasan Kooshin Ugaas Diini oo aabbaaraha noolaa labo qarni kahor, wuxuuna ku noolaa dhulkii Ximan la oran jiray oo maanta ka tirsan gobolka Galgaduud ee Soomaaliya. In kastoo ay luntay badi maansadiisii qoraal la’aanta iyo xilli-fogaanta awgeed, tuducyo jarjaran oo laga hayo baa halbeeg ugu filan abuurta ninkaas iyo baaxadda garaadkiisa iyo waliba culayska tixihiisa.

DAGAAL SOKEEYE IYO AADAN-DINIX:
Jifadii Aadan iyo Jifo ay dad isu xigeen baa collowday oo uu dhex maray dagaal muddo dheer socday. Muddadii colaaddaasi socotay Aadan wuxuu u taagnaa afhayeenka jifadisii, waana siduu ahaan jiray maansayahan kastaba. Haddaba Aadan oo galay sannad 80-aad oo timihu deeb ka caddaadeen, dhabarkuna gotay, dhaqaaquna gaatin-socod yahay, dhegihiina cuslaadeen, jirkuna haryuubmay, indhihiina arag gaabsheen oo tukubaya, socotana ahaa baa ku soo baxay degmo dagtay dhawaan. Wuxuu jeedaaliyay geed dahara oo raggii degmadu ku shirsan yahay. Xaggii geedka buu u daqaqamay. Markuu geedkii gaaray buu dareemay in degmadu tahay tii utuntu ka dhexaysay oo aan is-bixini waayahaas dhex ool. Aadan wuxuu garwaaqsaday inuusan cago meel ku gaarayn, sidaas awgeed waxay dani tiri inuu geedkii gees ka fariisto. Ragga geedka gabran waxay u badnaayeen barbaar hanaqaadday intii colaaddu jirtay oo maysan garanayn muuqaalkiisa, waxaase dhallaankuba ku hadaaqayay magaciisa iyo gabayadiisii. Waxaa geedka wax ka fadhiyay nin waxgarad ahaa abbaanduulana u ahaa jifadiisa waa Cali-Baso Ducaale Warfaa oo si wacan u garanayay Aadan-Dinix iyo culayska garaad iyo dadnimo ee uu meesha la fadhiyo. Cali wuxuu ka codsaday dhallintii la joogtay in odoga biyo iyo caano loo geeyo. Markii uu biyihii cabbay, caanihiina dhamay baa Cali-Baso hadal bilaabay oo isagoo xiganaaya kaftan hore looga soo wariyay Aadan-Dinix oo ahaa: haddii nala qabto ciddayadaan sheegannaa, haddiise ilma adeeraday la qabto qolooyin kalay ku tawawacaan baqdin darteed yiri: Aadanow maanta yaad sheegan lahayd? Aadan wuxuu la soo booday: waxaan sheegan lahaa inaan ahay Aadan Xasan Kooshin Diini (Aadan-Dinix). Dhallintii umalka colaaddu gubaayay oo ashqaraartay, filanna wayday odaygii ugu weynaa cadawgoodu inuu iska fadhiyo geedkii ay waabteen, baa Si habi-la’aana u la soo hanfaday hootooyinkoodii, waxaasee hor-istaagay Cali-Baso oo yiri: ninkii awowgi dili lahayow, dil maanta Aadan-Dinix. Cali-Baso tawaan buu u lahaa bixinta Aadan, wuxuuna foodinayay waxaysan dhallintu foodinayn. Markay dhallintii hakatay baa la sooyaamay, waxaa la dareemay in Aadan giddigood awowe u yahay, colaaddu reerka ay dhex taallana sullankood yahay. Waxaa bilaabmay muusannow, qoomamo iyo calaacal. Xaaladdii geedku markay xasishay baa Aadan laga codsaday inuu tiriyo tix tolka asaayuhu dhex yaal ku heshiiyo. Aadan-Dinix oo garwaaqasanaa dhallinta gabran geedku inay tahay mid caan ku ah kaftanka iyo ka-maadeynta golayaasha baa ka yar maagtay codsigaas, asaagoo leh nin la qabtaan ahay waxaan maanta ku hadlaa waa taawo fulay oo ididiiladiisu tahay ha lagu baxsho.

Haddii la dooc doociyay laguna celceliyay codsigii baa Aadan tiriyay tix jabaqdeedu gabi walba ka yeedhay, waxaana ka mid ahaa meerisyadaan:

Nin toogtay nimay toogtiis qaddayiyo, nimay u toostaaba
Ninna looga ma turahayn, warmihii Riibi noo tumaye
Intii wiil dhashaa tabar galaa, taaha la hayaaye
Haddii aan tol ina kala qabtiyo, taamo gacal weynay
Isku tiinbannoo haddaan, tima-dhaw joognaaye
Laba toolin baa taagan, ari tubti abidkoode
Taabkii gadaan oon lay is la qaban, loo ma taag helo e
Tusmadii maran waxaa ka la taga, bahalkii taagnaaye
Dhul tarraray rag waa toli karaa, taako labadeede 
May is tufnaa waa innagii, tiirriga ahayne?

Markuu tiriyay tixdaas gabayga ah baa dhallintii geedka gabranayd qosol jagac la tiri iyagoo ku minqaxaaya; “ odagu waa baqay”, waa tii uu ka dabeebanayaye, markiiba Aadan wuxuu la soo booday:

Inaan tawawacayiyo haddaad, taawo fule moodday
Nafta tacaddigeedaan arkiyo, agabli'day taale
Tubtu ilallaahi haddaan, toobad soo celine
 
Si kastaba ha ahaatee, tixdaas uu Aadan-Dinix tiriyay baa colaaddii tolkii isku ibtiloobay ku dhammaatay.

Mar kale oo Aadan ka dareemay qolo la siman qoladiisa madaxtaag iyo tookh buu tiriyay tix mudan in lagu xardho darbiyada sharafta kowaad ee maansada S/liyeed, waxaana ka mid ahaa tuducyadaan:

Marka hore Turgi, turuqyo weyn maahi
Ha yeeshee haddii lay isu tago, lay ma tabar dhaamo
Culimmada tanbiihiga weynee, tahajudka maahi
Ha yeeshee kulaan salaad tukado, toobad ma illaawo
Gobannimo haddii loo tartamo, tiikso ma iraahdo
Ha yeeshee haddii la abtirsado, ku takoor maahi 
Warmahayga inaan dhiig ka tiro, u ma tumaalaysan
Ha yeeshee nimaan ii tureyn, ka ma taxniigoodo
Mar kale oo Aadan uu u quus dhabayey qolo kale oo ifafaalo colaadeed ka muuqday wuxuu tiriyay tix aan ka haynno meerisyadaan:

Dadka yaad dhoob u fisheen, keesa dhagaxa
Yaan dhiig hillaaciyo lahayn, dhibicyo soo daata
Kan dheer haddii la is la dhaco, yaan u dhimanaynin?

AADAN-DINIX IYO BAROORDIIQ:
Raacatada S/liyeed waxaa caado u noqday nin la dilay iyo nin loogu aaro. Haddaba Aadan tixdaan wuxuu tiriyay mar la dilay rag xigtadiisa ka mid ahaa oo siduu ku ahaa uu ku muujiyay maansadiisa:

Daarood Ismaaciil miyaa ku ballamay, inuu na kala boobo 
Biciidyahan Ibraahim miyaa, waran bilawgii leh
Beeraha miyaa lagu jarjaray midaan, ku beer haadnay*1
Xaggana ma bakaar kalaa, baabah laga yeelay*2
Awal baan biciidyo ahaa, ina bah gooniyaade
Tonbaakh bunjiya kuma helin, badashaadii Diini……
…………………………………………………………………………………………………
Reer Khalaf burgoow waa innagii, baarranka ahayne
Wax dhan baan baarqabkiin qabannoo, bixin u siidaynnay
Inaad haadka noo baatushaan, waa abaal ba’aye 
Wallee bilaash nooga baxe, labada buurbuuran
Ama kuwaan baroortood la dayn, Baqalyada u loognay


Markuu Aadan tiriyay tixdaas baroordiiqda ah baa jifadiisii duullaan bixisay oo waxaa la galay degmadii dakanaha qabtay. Waxaa la wariyay in degmadaas laga dilay rag badan, lo’ badanna laga soo qaaday, kadib Aadan wuxuu tiriyay gabay digasho ahaa:

Halkii gulufku sookaha ku maray, Dhuqur ma seexdeene
Waa sidaan ahaa markaan sidsiday, Yuusuf iyo Nuure
Ku sawlaxa ragoow wiilkuu,  waa saxalkiiye ……………………..
Warma suubanleeyey markay, godol siyaaxaysay
Asii geeseheedii sinnaa, samansabdha aad moodday 
Maxammuud Saleebaan hadday, qaylo wada saabtay
Sacna idinkaan wadin asaan, nabad salaamoobin
Saan-dibeec haddaad uga tagteen, waa site hagaagay…….

Tixdaas oo la yiraahdo Sitaaley waxaa la wariyay inay ka badnayd 30 bayd, ha yeeshee in kooban baa laga hayaa.

Hakaaleey:
waxaa la wariyay inuu Aadan ogaaday jifadiisii oo ku tashatay inay dhacdo qoysas laga itaal roonaa oo degmada Aadan la yiillay. Arrintaas gabyaagu waa ka gadooday oo si aada buu isugu dayay inuu hor-istaago, waase laga dhego-adaygay. markuu tabar kale waayay buu kaashaday dabeebihiisii wuxuuna yiri;

Lix hal oo hako ah oon arkay
Baan la hawo gaabsaday

Hako waa walaalo is-huray
Oon haybna wada sheegan
Oon loo harreemeyn
Ninkii yaraha heeshooba

Hako waa haleelada dhashay
Oo hiinsi laga waayay
Oon loo hambeyneyn
Ninkii bidixda haaneeday

Hakana waa wallaahida
Hirta iyo hibada loo yeeshay
Oo wiilka hooyadi ka go’in
Ku hillin naaskeeda

Hakoo waa arlada hoolantay
Oo haragga weydeed ah
Oon meel loo hiraadiyo
laheyn ………………   (ma dhamma)

Aadan-Dinix iyo Wiil uu Adeer u ahaa:
Maalin baa Aadan iyo wiil uu adeer u ahaa wada raaceen geeloodii. Maalintaas waxaa lugu guda jiray bil-soon. Haddaba wiilkii baa wuxuu adeerki u soo xigay hal oo caanihii u keenay. Aadan wuxuu wiilkii u sheegay inuu soomman yahay. Wiilkii oo malaha aan wax wara ka heyn soon wuxuu yahay, baa yiri; adeeroow soon muxuu yahay? Wuxuu Aadan wiilkii u sheegay in soonku yahay tiir ka mid ah diinta islaanka. Wiilkii wuxuu haddana yiri; adeeroow maxaa laga helaa soonka? wuxuu kolkaas Aadan yiri; jannadaa lagu galaa. Wiiklii baa su’aal ku ceshay oo yiri; adeeroow maxaa jannada laga helaa? Markaasaa Aadan ku yiri, waxaa laga helaa caano iyo biyo qabow ( malaha waa siduu ku fahamsiin karay)
Wiilkii baa su’aal kale ku ceshoo, wuxuu yiri; adeeroow caanaha jannadu, miyay ka macaan yihiin caanaha hasheenna Qadow?
Aadan kolkaasuu tiriyay tix ay intaani naga soo gaadhay:

Qiso nimaan laheyn Faaraxow, qawlki baa ba’aye
Qurqurada macaan caanaha, kula qaboobaaday
Naftu quudka waa jeceshahay, waa la qoonsadaye

Qadadii bil-soon la cunay, qoomamaa xigiye
Qaddarullaahi maantay dhacdoo, la is qabriyo iilka
Waa la isu soo qubi naflihii, kala qarsoonaaye

Waa la qaawan yahay oon wax baa, la isku qabaneyne
Qorraxdaa la soo dhigahayaa, qaanso boqonkeede
Dhididkii ka soo qubanayaa, qariyay uunkiiye

Qarannimo ma joogtiyo, anaa qolo leh maantaase
Qaaddirow jannada ha iga qadin, kuu ma qiil dhigane

Aadan tixihiisu waxay u badnaayen dabeebo ku dhisnaa caqliyayn, tix kasta oo uu tiriyayna waxaa laga dareemayaa garaad ifaaya. Inuu ahaa sama-doone u dooda wanaaggana waxaa laga garan karaa tuducyadaan ka mid ah gabay uu tiriyay Faarax Xasan-Dhiillo Cali (Afcad):

Ina Karaar sow ka ma duddayn, Doh iyo Laasoole
Wuxuu sii durkaba Reer Warsame, sow Heema ka ma daadan
Docmo sow ma tagin Aadan-Dinix, wuxuu dabeeb-taaba
Aniguna dabbaashii bartoo, doontu ii xirane
Dafo sow ma cunin heemiskii, la isku daba joogay?


*1- Ninka la dilay waa Galaw Cabdalla……Max’uud Kooshin oo ahaa nin door. Isagoo safara baa lagu dilay dhulka Dhoobaweyn ee ku yaal daanta wabi Shabeelle .

*2- Ragga la jaray waa toddobo nin oo isku jifo hoose ahaa oo si xul ah loo dilay, waxaana ka mid ahaa Nuur-Xaad Cabdille Xasan iyo Yuusuf-Orod-dheer Cabdille Xasan









Monday, October 21, 2013

Ababkii Jaalle Maxammad Siyaad Barre Iyo Kacaankii Oktoobar


Image result for mohamed siad barre

Ababkii Jaalle Maxammad Siyaad Barre Iyo Kacaankii Oktoobar


 Max’d Siyaad Barre abkowgiis Cabdulle Yuusuf waxaa lagu dilay dagaal sokeeye, awoowgi Barre Cabdulle Yuusuf-na isna waxaa lagu dilay dagaalladii sokeeye isagoo madi ahaa. Wuxuu markaas Barre ifka uga tagay 7 nin oo kala ahaa:
1-Xasan Barre Cabdulle oo lagu dilay dagaalkii ba’naa ee Qaranro-Balo ee dhex maray dh/dhaqaaqii Daraawiish iyo xoogaggii ka soo horjeeday, wuxuuna ahaa Darwiish.
2-Muuse Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalladii Daraawiish, isagoo Darwiish ahaa.
3-Xirsi Barre Cabdulle waxaa lagu dilay dagaalkii Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya 1936dii isagoo ah askari Talyaani ahaa.
4-Siyaad Barre Cabdulle waxaa lagu dilay Mirrig abbaartii 1926-kii wuxuuna ka mid ahaa kacdoonkii Fallaago oo ka hor yimid gumeystihii Talyaaniga.
 5-Faarax-Madow Barre Cabdulle waxaa lagu dilay degaanka Wardheer isagoo socoto ahaa, waxaana loo dilay dakane qabiil.
6-Max’uud Barre Cabdulle wuxuu ku dhintay dhulka GEDO tii allaana u timid.
7-Jaamac Barre Cabdulle tii allaa u timid, wuxuuna dhintay abbaartii 1938dii isagaana ugu dambeeyay ilma Barre.
M S Barre wuxuu ku dhashay sida loo badan yahay aagga Laas Gacal oo ka mida degaanka loo yaqaan Ceel Gaab oo maanta ka tirsan degmada Shilaabo ee Dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya la hoos geeyay. Wuxuu dhashay abbaartii 1915/1916kii. Anigaan erayadaan qoraya, waxaan ku dhashay qiyaastii meel u jirta Shilaabo 10 Km, haddana waxaa ii diiiwaan gashay inaan ku dhashay degmada Dhuusamareeb, waayo waxaa laga baqayay in aan dugsiga la ii oggolaan anoo aan Jumhuuriyadda ku dhalan awgeed…isla sidaas si u eg baa laga yaabaa in J/lle M S Barre loo diiwaan gashay inuu ku dhashay Gedo. Arrintaan godobteeda waxaa leh gumeystihii dagallada S/liyeed ka la qoqobay oo gayeysiiyay beelihii reer guuraaga ahaa khalal nololeed.
Si kastaba ha ahaatee, hooyadi Shaqlan Warfaa Maxammad wuxuu aabbihii ka dumaalay adeerki Xasan-Weyne Barre, iyadoo laba gabdhood oo hal hameyn Abris ku dilay waa dambe dhulka Gedo u leh. Waxay hooyadi aabbihi u dihatay laba gabdhood oo kala ahaa, Faadumo Siyaad Barre oo u dad dhashay Cali Dhoorre Muuse iyo Xaliimo Siyaad Barre oo dad dhashay Cali-Nuur Aadan Sanyare iyo Aw Cali Cumar. Waxaa ka loo la dhashay laba gabdhood oo ka la ahaa, Fadumo Siyaad Barre oo u dad dhashay Faarax Max’d Ciise-Gurey iyo Xaliimo Siyaad Barre oo u dad dhashay Jaamac Xirsi. Gabdhaha la dhashay M Siyaad lababa waa isku magac.
Markii la jabiyay dh/dhaqaaqii gunnima-diidka ahaa ee Daraawiisheed oo jifada M S Barre ee reer Kooshin Ugaas Diini badi ku tirantay iyadoo Daraawiish la safnayd iyo waliba in ka loo tira badan oo tokiisa Mareexaana, kuna dhinteen Daraawiish rag reer Barre ah ayaa qoyskii Siyaad Barre iyo qoysas kalaba u qaxeen dhulka Gedo oo markaas dagal nabada ahaa, waagaasna dhabarkaa lagu siday Max’d, hooyadina waxay dhimatay isagoo wali cunug aan weynaan ah.
Aabbihi ayaa dib ugu soo noqday dhulkay hore uga guureen, wuxuuna soo gaaray qeybo ku harsanaa oo reer Barre Cabdulle ahaa. Wuxuu la kulmay kacdoonkii Fallaago oo uu hoggaaminayey Naa’ib Cumar Samatar Rooble, wuuna ku biiray kacdoonkaas. Markii Siyaad la dilay oo Max’d wali wiil yar yahay ayaa adeerki Jaamac Barre dib ilma Siyaad ugu soo celiyay dhulkii Doh, Ceel Gaab iyo G/gaduud oo ay hore u dagi jireen. Dhulkaan baa Max’d ku qaan gaaray, wuxuuna ka qortay askarta Talyaaniga Baladweyn 1936-dii, wuxuuna kamid noqday “Corpo Zaptie, Polizia Africana Italiana”, wuxuuna galay dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya.
Markii la qabsaday Itoobiyana waxaa loo soo beddalay Xaafuun oo maxaabiistii dagaalka ee Xabashida oo ka shaqaynaysay warshaddii Milaxa ee Xaafuun horjooge ka noqday. Xanuun lagu sheegay Riyaax baa ku dhacay ka-dibna waxaa loo soo gudbiyay Xamar.
Markii uu geeriyooday adeerradi kii ugu dambeeyay waa Jaamac Barree, yahayna wali inan da’ yar baa dani ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto dhulkii miyiga oo uu oday u noqdo agoontii iyo xaasaskii badnaa ee reer Barre Cabdulle. Wuxuu markaas ka dumaalay adeerki Jaamac, Faadumo Aw Muuse fiqi oo hore u dhashay Cabdi-Dhuux Jaamac Barre iyo Ashkiro Jaamac Barre.
Abbaaraha laba sano ayuu u xoojinayay agoomihii reerkooda. Isagoo markaas dhawr iyo labaatan jir ah buu ka noqday mas’uul, reer ballaaran, waxayna noqotay bilawgii xilqaadnimadiisa, kadib wuxuu dib ugu noqday askartii. Intii uu ka soo maqnaa agoomihii ayaa la dhacay duunyadoodii.
Maxamed Siyaad wuxuu u yeeray nin adeer labaad u ahaa oo wadaad ahaa, odayna u noqday xaasaskii iyo agoomihii reer Barre, lana oran jiray Aw-Nuur Cali-qaal Yuusuf, wuxuuna M Siyaad u dhiibay lacag uu rabay inuu ku caynsho agoomihii la dhacay. Aw-Nuur oo lacagtaas ka soo qaaday Baladweyn baa lagu dilay safarkaas aano qabiil awgeed, waana laga furtay wixii uu siday.
Markii dib Ingriisku u qabsaday Soomaaliya oo ku beegnayd ragaalkii dagaalkii labaad ee dunida waxaa M Siyaad loogu diray Kenya waxbarasho. Markii uu soo dhammeystay tababarkii “African rifles at Kabetti, Kenya” wuxuu ka mid noqday Laanta Gaarka ah ee Booliskii Isticmaarka Ingriiska “The Special Branch of the British Colonial Police” oo xilkii kale wareegtay “Corpo Zaptie”. Halkaan wuxuu ku gaaray darajadii ugu sarreysay.
Markii 1949-kii Soomaaliya loo oggolaaday Talyaanigu inuu gaarsiiyo Xornimada, waxaa M S Barre lagu abaal mariyay labo sano oo waxbarasho ah, wuxuuna galay kuliyadda “Carabinieri Police College of Italy”. Kadib markii u ka soo noqday Talyaaniga wuxuu Muqdishow ku qaatay waxbarasho dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadda iyo maamulka. Waayo kadib, wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee u dallaca sarkaal buuxa, waxaana laga dhigay taliyaha Booliska ee gobolka Banaadir.
1958-dii baa la dhisay Booliska Soomaaliya, Siyaadna wuxuu gaaray Sarreeye Guuto “Brigadier General”. Markii Abriil, 1960-kii la unkay Xoogga dalka Soomaaliyeed/XDS, wuxuu Siyaad noqday ku-xigeenka Taliyaha XDS. 1965tii markii uu dhintay taliyhii XDS S. G Daa’uud, wuxuu Siyaad oo ah Sarreeye Gaas noqday Taliyaha X D S ”Commander in Chief of Somali army



KACAANKII OKTOOBAR
Intii u dhexeysay 1960 iyo 1969-kii waxaa dalka ka talinayay dawlad rayid ah oo qaab doorasho talinta ku heli jirtay, hase yeeshee, waxaa jiray xisbiyo aad iyo aad u tira badnaa oo ku dhisnaa hab qabiil. Arrintaas waxay dalka geyeysiisay qulub siyaasadeed iyo dabac hannaankii hoggaaminta dalka. Waxay arrintu murugtay markii Okt. 1969-kii lagu toogtay Madaxweynihii dalka Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake magaalada Laascaano.
Haddaba Okt.21, 1969kii oogtii hore ayaa ciidammadii qalabka siday isku gadaameen barihii doorka ahaa ee dawladdii, waxayna xabsiga u taxaabeen badi madaxdii sare ee Taliskii dalka.
Labaatan sarkaal oo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa iyo 5 sarkaal oo booliska ka tirsanaa ayaa S.G Max’d S Barre ku hagay afgambi aan dhiig ku dadaan (bloodless coup d’tat) ama la yiri waa Tawraddii Caddayd. Waxay golihii sare ee kacaanku oo markaas isku magacaabay SRC (Somali Revolutionary Council) laaleen distoorkii dalka, waxay xireen golihii shacabka (council of parliamentarians), waxay maanaceen xisbiyadii siyaasadda, maxkamaddii sarana way tireen, dalkiina waxaa dib loogu magacaabay Jumhuuriyadda Dimuqraadiga ee Soomaaliya (Somali Democratic Republic…SDR).
Saraakiishii kacaanka hoggoominaysay waxay taariikhda ku xarriiqeen in Kacaankaas noqdo kii 3aad ee ugu weynaa kacaannadii geyiga Soomaliya ka curtay. Waxay muujiyeen firfircooni, waxayna jaangooyeen qorshayaashii siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka wax looga qaban lahaa. Waxay qaadeen ololayaal waxqabad leh oo dhan kasta oo nolosha dadka Soomaaliyeed taabaneysay. Waxaa mudan in la xuso mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso oo xubno badan ee dadka S/liyeed ah oo aan hore u lahayn xirfado w/soo-saar lagu tababaray, arrintaan oo door weyn u lahayd dalka. Sidoo kale waxaa dalka laga hirgaliyay mashaariic badan oo dardartay u fulayeen mar Soomaaliya u ekaatay dal ka ruqaansanaya fadhiidnimmadii dunida seddexaad.
1974-tii waxaa Jaalle M Siyaad oo markaan ah Guddoomiyihii Golaha Sare ee kacaanka iyo M/weynihii dalku la saxiixday dalkii Midowga Soofiyeedka ee itaalka lahaa heshiis mug weyn. Isla sannadkaas wuxuu Siyaad saxiixay xubin-ka-ahaanshaha Soomaaliya Jaamacadda Carabta. Haddana isla sannadkaas wuxuu Siyaad noqday Guddoomiyaha Uruka Midowka Afrika.
Saraakiishii firfircoonayd ee kacaanka horseedka ka ahayd waxay si is-dabajooga ugu baaqayeen himmiladay la doonayeen horumarinta dalka iyo barnaamijyadii hanuuninta dadweynaha oo tubtay rabeen ku duwayayay bulshada S/liyeed.
1972-dii ayaa meel fagaaraha ee dad badani isugu soo baxay waxaa khudbad taariikhi ah ka jeediyay J/lle Max’d S Barre, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in markii ugu horreysay afka Soomaaliga la qoray, laguna qoray xuruufta Laatiinka. Intii uu khudbaddiisa waday ayaa wax dul heehaabay fagaarihii, raxan diyaarado ah oo ka tirsanaa Ciidankii Cirka Soomaaliyeed oo daadinayay dhambaallo tusaaleynaya sida farta cusub loo qoray. Maalintaasi waxay bog cusub u furtay guud ahaan taariikhda S/liyeed, waxayna ahaatay astaan mar walba lagu garan doono w/qabadkii kacaankii libineed iyo sharaf ku lammaansanaan doonta magaca J/lle Siyaad.
Si farta cusub loo hirgaliyo ayaa waxaa lagu booriyay shaqaalihii dawladdu inay galaan imtixaanno lagu hubinayo inay barteen farta. Sidoo kale, waxaa dalkoo idil laga joojiyay sannad dugsiyeedkii 1974-1975tii laba fasal mooyee, waxaana dhammaan ardaydii dugsiyada dalka loo baaliyay inay dadkooda ka hammuun tiraan wax-qorista iyo wax-akhriska. Abaabul heer qarana oo aad u ballaaran baa la galay.
Waxaa jid walba ku baxay gaadiid sida guutooyin arday ah oo u ambabaxay goob kasta oo beel Soomaaliyeed taal, miyi iyo magaalaba. Waxaa dalkii oo idil ka oogmay kacdoon waxqabad leh, waxaana hal-hays noqotay BAR ama BARO; oo loola jeeday haddaad taqaan wax qorka Bare noqo, haddaadan aqoonna imminka baro.
Hal sano kadib, markii uu dhammaaday olalihii weynaa, waxaa dadkii Soomaaliyeed ee in yar wax qori jirtay, mar qura intii badnayd isu rogtay dad wax qori kara, akhriyina kara. Horumarkaas degdegga ah ee la yaabka leh wuxuu ahaan doonaa mid raadkiisu qoyanaado inta qaran S/liyeed jiro. Loogama harin qoristii farta intaase, waxaa la diyaariyay eray-bixinta culuumta kala geddisan ee dugsiyada lagu dhigto oo si aad ugu habboon loo habeeyay, waxayna arrintaasi hirgashay ilaa manhajyada dugsiyada sare.
Intii ay Soomaali dawlad laheyd iyo ka-horba waxaa jiray hammi ku fog dadka Soomaaliyeed oo idil oo ku beegnaa dhulkii Soomaaliyeed ee gumeystuhu kala qoqobay, waxaana ugu darnaa qeybtii Soomaali galbeed ee gumeystaha madow ee Amxaaradu ka talineysay. Dawlidihii Soomaaliyeed waxay ka mid aheyd arrintaasi ajandooyinka kowaad. Haddaba, Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka S/liyeed ee la abuuray 1976dii golihiisii dhexe ee J/lle Siyaad ka ahaa Xogyaha Guud baa ansixiyay in XDS gacan siiyo Jabhadihii xornimo-doonka ahaa ee Soomaali Galbeed oo intii muddo ahba loollan adag kula jiray taliskii Amxaarada.
Wuxuu XDS galay dagaallo aad u culus, waxaana caan noqday goobo-dagaal sida; Godey iyo Jigjiga oo gaashaan-qaadka S/liyeed ku muujiyay karti dagaaleedkiisa dabiiciga ah iyo tan la bartaba. Waxaa muddo yar ku guuleystay XDS oo xoreeyay badi dhulalkii S/maali G/galbeed, kadib markuu Amxaarada ku jabiyay goob walbaba. Dagaalkaas waxaa galay qaranka S/liyeed oo idil dawlad iyo dadba. Waxaa mudan in la xuso Suugaantii dagaalka ee sida talantaaliga ah uga baxaysay Radio Muqdisho taas oo aan ka awood yarayn holaca baaruudda. Suugaantuna sideedaba waayihii kacaankay u kobocday si aan hore loo arag, loogana sheekayn.
Waxaase xagal daaciyay guushii cimriga oo uu haleelay qaranka S/liyeed,  J/lle Siyaadna ka ahaa halyeygii dumayay ololahaas, Xoogaggii ugu itaal roonaa dunida ee Ruush iyo Maraykan oo mar qura iyagoon waxba hore ugu heshiin intii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee Isbahaysyada NATO iyo WARSOW, si taariikhda yaab ku leh ugu heshiiyay inay Soomaali weyn kala dhantaalaan. Waxaa dawladdii Soomaaliyeed si cad oo handadaad wadata loogu sheegay inay kala baxdo dhulkii Soomaali G/beed ciidammadii xoreeyay.
Si muruga leh buu M/weyne Siyaad u amray in laga soo baxo dhulalkii geesiyada S/liyeed xoreeyeen oo diricyadu u qubeen dhiig badan. Waxaa la wariyay inay ahayd, in XDS si la is la oggolaa oo nidaamsan uga soo guuro goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase taas rogay cadawgii gudaha oo u beddalay in si dalanbaabi ah looga soo baxo.
Waxaa jabay hankii weynaa ee shacabka Soomaaliyeed ee si joogta ah ugu haliilayay haabashada Soomaali weyn….waxaa jabay hankii halyeeyadii qaranka ….waxaa dumay dhaqaalihii dalka oo si hagar la’aana loogu huray baadi-goobkii Soomaali weyn. Iyadoo daqarkii weynaa ee gaaray Soomaaliya aan wali la dhayin, tawstii ku habsatay ummadda iyo dawladdana lala liicayo ayaa si la ma filaan ah, xubno xoogga dalka ka tirsanaa u maleegeen afgambi dhicis noqday 1978dii.
Afgambigaasi wuxuu horseed u noqday fidnadii ka hurtay dalkii mar hugunkiisa laga maqlay hareeraha dunida oo idil, dhammaadkiina ka dhigay Soomaaliya meel aan dawlad lahayn oo dawanka madfaca iyo dananka rasaasta Aakaha uun laga maqlo …mullaaxdii kacaanku u diiray Shacabka S/liyeedna ku aasay dambas.
Baadi-goobkii Soomaali weyn ee kacaankii Oktoobar uu horseedka ka ahaa ma wada hungoobin ee waxaa xurnimadii haleelay Jubuuti Juun 27, 1977dii. Waa loo marag doorkii Dawladdii S/liyeed iyo Shacabka S/liyeedba ku lahaayeen guushaas soo hoyatay.
Maalintii, 1991dii kacdoonkii qaran dumiska ahaa ee maangaabka S/liyeed ka taliyay dumiyay taliskii dalka, J/lle Siyaadna ka baxay Xamar, ma jirin dawlad waxtar leh oo la sheego ee waxaa jiray qalfoof dawladeed oo aan ficil nool lahayn….waxay dawladdii iyo madaxdeeduba u ekaayeen kuwo xawli dheer ku orday oo xuurtadii markaan la xiiqsan, waxayna xoogaggii riday qalfoofkaas noqdeen sidii Haarreey duulaysa oo waxay aragtaba leefaysa, ilaa dalkii oo idil noqday la-ma-degaaan iyo lafo wada qayaxan.
Aarkii la ganay iska ma huleelin ee wuxuu ka soo jeestay GEDO, isagoo wali gaylamaya…dhulkii isagoo gabana uu u qaxay buu haddana u qaxay isagoo guxushaa gaboobay ah. Wuxuu u qumay iska-difaacii xoogaggii u haliilayay dhiiggiisa iyo kan tolkiisaba….Markii dambana wuxuu dumay guluf lixaad leh oo uu damacay in uu ku soo ceshado heemiskii laga tuuray. Arrintaan dambe ma suurtoobin oo waxaa dhagar iyo dhabar-wareen ka yimid xubno ka tirsanaa cududduu ku tiirsanaa.
J/lle Max’d S Barre, wuxuu dhammaadkii magan u noqday Nayjeeria oo si wacan loogu marti galiyay …ilaa uu ku geeriyooday magaalada Laagoos Jan 2, 1995tii. Gadaashi, Soomaaliya waxay ku sidbatay haadaan dheer oo ba’ iyo hoog leh, waxayna tabaysaa halyeyo u kacoo wax uun ka caynsha…malaha waxay tabaysaa; hal-abuurkii iyo hawlkarnimadiisii …malaha waxay tabaysaa madiixiisii iyo maxaa wacaydii.

TARANTII MAX’D SIYAAD BARRE:
Max’d Siyaad Barre wuxuu ahaa nin madi ah oo wax raga ayna la dhalan, wuxuuna guursaday dhawr dumar ah oo u dhalay 8 raga iyo 12 gabdhood, waa intii hanaqaadaye. Dumarkuu guursaday iyo intay u dhaleen waa sidatan:
1-Faadumo Aw Muuse Fiqi oo u dhashay; Shamhaad M Siyaad, GS Cali M Siyaad (Shigshigow) iyo GS Shire M Siyaad.
2-Khadiijo Macallin Ismaaciil oo u dhashay; SG Maslax M Siyaad, GS Xasan M Barre (Rubeeti), Dr. Cabdullaahi M Siyaad, Canab M Siyaad iyo Cosob M Siyaad.
3-Falxado Gurrac oo u dhashay Faadumo M Siyaad.
4-Maryan Xasan oo u dhashay Suuban M Siyaad.
5-Dalaayad Xaaji Xaashi Jaamac-Gari oo u dhashay; Guuleed M Siyaad, Diiriye M Siyaad, Ayaanle M Siyaad, Xaawo-Luul M Siyaad, Deeqo M Siyaad, Shamso M Siyaad, Ijaabo M Siyaad, Haweeya M Siyaad, Hodan M Siyaad iyo Ladan M Siyaad.
6-Waxaa jirtay marwo kale oo u dhaxday J/lle Siyaad oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo Ibraahim Ciise Cabdi oo waayihii dambe ee uu GEDO ku sugnaa uu guursaday,waxna isuma aysan dhalin.