Erayga
NAX wuxuu Afka Soomaaliga ku yahay:
1-
La-jeclaysashada
qofka wax wanaagsan, iyadoo laga xanuunsanayo dhib haysta. Waa samata-bixinta
qof naftiisa ay haleeshay cillad, xanuun, dan-darro, iwm. Sidoo kale waa
u-durraamashada qofka aayo wanaagsan iyo siyaalo ka roon siduu maalintaas ku
sugan yahay.
Haddii
eraygaas laga dhigo NAAX wuxuu noqonayaa fal amar ah oo qofka lagu faraayo inuu
tusaale ahaan jirkiiusu baaxad yeesho. Waa isla sidiiye, waxaa qofka
naaxitaanka la faray loo durraamanayaa inuu fayoobi dhammays tiran helo oo uu
ladnaan ku noolaado.
2-
Waxaa
ilaa maanta astaanta NAX oo ka samaysan ul madaxeeda laga dhigay qaab qoolaab
ah, dhinaca hoose ee qaabkaasna is-dhaaf ama isku-tillaab lagu sitaa degaannada
Soomaalida meelo ka mid ah (aniga laftaydaa arkay).
3-
Dareemitaanka walwal iyo cabsi kadis ah.
Waxaa loo adeegsadaa fal ahaan sida; naxay, naxday, nixisay iyo naxeen. Magac
marka loo adeegsadana waa naxis ama naxitaan.
Dhanka dhulkii fircoonnada
waa Kemet e, waxaa habboon inaan
marka hore sheegno in aqoon-yahannadii reer galbeedka ahaa ee turjumay afkii
hore ee Kemet ee summadaha ku qotomay
waa hieroglyphics e, ay la kulmeen
dhib si ay u fahmaan afkii hore ee dalkaas, sababta ugu weyn waxay ahayd
afkaasi qoraal ahaan ma lahayn shaqallo ee dhammaantiis wuxuu ahaa shibanayaal.
Waxaa kaloo dhibabkay la kulmeen ka mid
ahaa, xarfaha afafkay ku hadlayeen aqoon-yahannadu kuma jirin xarafka X
oo aad ugu badnaa afkii Reer Kemet.
Sidoo kale, kuwaas wax turjumay ma aysan aqoon afafka la bahda afkii
fircoonnada. Sidaas darteed, waxay eraygii Xda u qoreen ama ugu dhawaaqeen H,
waxay kaloo sameeyeen, maadaama qoraalladii Reer kemet ka tageen shibbanayaal ahaayeen, in siday doonaan ama ay la
noqotay u dhex geliyeen shibbanayaashii shaqallo. Waxay kaloo ka tageen
shaqallada dhaadheer oo ku badnaa afkaas hore oo aan ka hadlaynno. Tusaale
ahaan eraygii asalkiisu ahaa NAX oo afkii summadaha ahaa loo qoray NX, waxay
kuwii wax turjumay u qoreen NH, sababtana kor baan ku sheegnay. Markaas kadib
shaqallo iyo male-awaal bay ku dareen waxayna ka dhigeen Ankh.
Haddaba NAX ama Ankh
waa maxay?
Waa astaan aad caan u
ah oo ah ul si gaara loo qoray, taasoo afka hore la soo qoolaabay, kadibna
qoolaabka afkiisa isku-tillaab laga dhigay oo haddana inta hoose ul toosan laga
dhigay (fadlan eeg sawirrada).
Waxay astaantaasi in
badan lagu arkay xabaalihii hore ee dadkii Kemet.
Marar badan waxaa la arkay sawirrada ilaahyadii dadkaas oo faraha ku sita
astaanta, iyagoo dadkii dhintay ee u gudbay nolosha dambe aad mooddo inay ku
noolaynayaan maydadkooda. Waxaa kaloo la arkay iyadoo ay boqorradu ama dadka
caadiga ahba xiran yihiin ama sitaan astaantaas, waana isla sida ilaa maanta,
dhaqanka Soomaalidu u adeegsado xirsiga ama qardhaasta, kaas oo ilaa imminka
qofka qoorta loo suro, gacanta, lugta ama dhabarka. Waxaa sidaas ku cad in
dhaqankaas duugga ahi wali xaggeenna ku nool yahay. Waxaa qardhaas loola jeedaa
kasamatabaxa dhibabka iyo in qofku fayoobi helo.
Dadyowga reer
gabeedka ah oo waayahaan hoggaamiya aqoonta iyo ilbaxnimadu, hadday doonayaan
inay si wanaagsan u fahmaan astaanta aan ka hadlaynno, oo ay doonayaan inuu
siduu ahaa magacu u gartaan, waa inay dhabta u soo noqdaan, taasoo ah inay
oggolaadaan in dadkii Kemet ee hore
iyo kuwa Reer Kuush oo ay Soomaalidu ka mid tahay ay isku isir iyo afba yihiin,
bartaanna afka Soomaaliga, isla markaasna ay u weyneeyaan siday u weyneeyaan
raadadkii iyo dhaqammadii dhulkii fircoonnada.
Sida uu qabo ninka la yiraahdo David P.
Silverman astaantii Nax ama Ankh
waxaa adeegsaday kooxihii Qudbiyiinta (Copts) ee Masiixiyadda qaatay, waxayna
dhaqankii Nax ku baahiyeen dunidii Masiixiyadda diinta ka dhigtay, sidaas bayna
ku dhaqan gashay isku-tillaabta (cross) caanka ee Masiixiyaddu.
Waxaa kaloo in
halkaan lagu xuso mudan in taariikhda qoran marka la eego, dhaqanka ah in Eebbe
kaliya la rumaysto, waxaa bilaabay fircoonkii caanka ah waa Akhaten (magacu
asalkiisu waa Aq iyo Caddiin oo macnuhu afka Soomaaliga ku yahay; kii u oommanaa
Eebbaha Caddiin ama Cadde). Wuxuu boqorkaasi ama fircoonkaasi qaatay magaca
Eebbe inuu yahay Cadddiin (Aten). Wuxuu ku boorriyay dadka inay ka tagaan
caabudaadda ilaahyada kale duwan oo uu markaas duq sare u ahaa Ammuun, isla
markaasna ay rumaystaan in Eebbe mid yahay, yahana Caddiin uuna ka dambeeyo
qorraxda dhalaalka weyn (wali magacaas wuxuu ku nool yahay afka Soomaaliga
waana Caddo oo qorraxda magacyadeeda ka mid ah). Muddadii uu talinaayay
fircoonkaasi waxaa la-fircoon ahayd ama la-boqorad ahayd gabadhii magaceedu aadka
u sare maray waa Nefertiti (Naf-Riddadii). Fircoonkaas aad baa dadkii Reer
Kemet uga hor yimaadeen, gaar ahaan wadaaddadii macbadyada Ammuun oo awood sare
lahaa. Markuu dhintay Aq-Caddiin (Akhaten), waxaa la burburiyay dhaqankii
caabudaadda hal Eebbe waxaana lagu noqdya dhaqammadii hore. Waxaa kaloo mudan
in la xuso, qabriga kaliya oo isagoo aan wax laga qaadin ama aan la labin oo la
helay oo fircoon lahaa inuu ahaa kii wiilkii Aq-Caddiin ee ahaa Daad
Aq-Caddiin (Tut Akhaten). Waxaa la rumaysan yahay in qofkii ugu horreeyay oo
dhaqanka Nax soo rogaa inuu ahaa Aq-Caddiin ama Daad (Tut).
Ugu dambayn, cid wadata ujeeddooyin kale mooyee, ila ma aha, in cidina
muran gelinayso xiriirka ka dhexeeya dhaqammadii duugga ahaa ee Reer Kemet iyo kuwa Soomaalida,
sidoo kalana isirnimada is raacsan ee labadaas dadyow.
No comments:
Post a Comment