Monday, October 14, 2013

Xilliyada Soomaalida


                             Xilliyada Soomaalida

Sannadka Soomaalidu, sannadkaan waa 3982 SS, waxaa loogu yeeri jiray Nayruus, wuxuuna ka koobnaa 365 maalmood oo sidaana:

1-     Xagaa: 
B)-Samoole oo 31 maalmood ah. 
T)-Bil-karameed oo 30 maalmood ah. 
J) Warare oo 31 maalmood ah.

2-     Dayr: 
B)-Harraad oo 30 maalmood ah. 
T) Gudbane oo 31 maalmood ah. 
J) Dambasame oo 30 maalmood ah.

3-     Jiilaal: 
B) Diraac oo 30 maalmood ah. 
T) Xays oo 30 maalmoo ah. 
J) Toddob oo 31 maalmood ah.

4-     Gu’:
 B) Seermaweydo oo 30 maalmood ah. 
T) Cawl oo 30 maalmood ah. 
J) Diri-sagaal oo 31 maalmood ah.

Dayaxa: dhulkuu ku wareegaa dayaxu wuxuuna ku dhammaystiraa wareeggiisa 30 maalmood. Labo maalmood waa dibbad oo lama arko, 28ka kalana waa muuqdaan, waxayna Soomaalidu u qaybisay sidaan:

1-      7 maalmood wuxuu ku jiraa hogga la yiraahdo Faraaci (magaca xiddigga uu ag joogo).

2-     7 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Naar (magaca xiddigga uu ag joogo)

3-     6 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Cirir (magaca xiddigga uu ag joogo)

4-     4 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Dirir (magaca xiddigga uu ag joogo)

5-     4 maalmood wuxuu ku jiraa hogga Daalalo (magaca xiddigga uu ag joogo)


Magacyada Bilaha:                                  Magacyada Maalmaha

Ingiriis           Somali                                  Carabi                Somali

January         Bil-kowaad                          Axad                     Case
Febuary         Xigto                                      Isniin                    Lamme
March             Seddexa                               Talaado               Sade
April               Abraar                                  Arbaco                Carte
May                  Riyaale                                Khamiis              Uguux
June                 Idaale                                 Jimce                  Agaax
July                  Carfoon                              Sabti                   Agaali
August             Tukuba
September     Dhaafa
October          Nasteexo
November      Asli
December       Cifadda

No comments:

Post a Comment