Friday, October 11, 2013

Had Iyo Jeer (hees)

Hogashoo onkodaysa
Bay hillaacdayoo
Waw harraadanooo
Handadayey

Hiyiga kaan ku hayey 
Baan la hadlayaa
Had iyo goor 
U heesayaa

Had iyo jeer waa 
Lay hor keenayaa
Had iyo jeer 
Hummaaggiisaan arkaa

Waan ka hurdi waayay
Hameyn iyo dharaar
Waan ka harsan waayay
Hameyn iyo dharaar

Sidii hayaan 
Hir doog le arkayoo
Biyo u han qaaran oo
Haan iyo hayin waayay 
Handadayey,

Haddii aan waayo
Waan hubaa inaan 
U hiloobayoo
Hurdaba seexanayn

Hameyn iyo dharaar
Had iyo jeer 
Jaceylku way hayaa
Hirtaayadaan hirtaa

Waan ka hurdi waayay
Hameyn iyo dharaar
Waan ka harsan waayay
Hameyn iyo dharaar

Hubaal naftaydu 
Way ku hawaawidaa
Hadimadaan qabiyo
Heerkaan joogo
Waaba kaan lahaa
Si ay u hanato bay naftu
Hawl kasta u mari
Haddana waa kan 
Hadal ila hor jeegee

Had iyo jeer 
Heshiiskiisaan rabaa
Had iyo jeer 
Harraad waw qabaa

Waan ka hurdi waayay
Hameyn iyo dharaar
Waan ka harsan waayay 
Hameyn iyo dharaar

No comments:

Post a Comment