Tuesday, October 8, 2013

Ma Ii Baaqday Sida Beel (hees)

Wiilka:
Ma og tahay
Biyiyo oon
Baahida kalgacalkaa
Beryahaan iga goysoo
Anna barashadaadii
Bidhan-aragga guudnimo
Baallaha uma dhaafee

Waxaad tahay boggaygiyo
Beerkiyo wadnaha oo
Nacab uga baqaayee

Gabadha:
Ma og tahay bad iyo webi
Adigoon dabbaal baran
Loomaba bareeree
Baahida kalgacalkuna
Taasay la baabtoo
Dadka laguma beeree

Ma ii baaqday sida beel
Baad iyo xareediyo
Loo helay barwaaqo

Wiilka:

Maxaan kaaga baaqdaa
Ama kaaga bayraa
Sow la ii ma kaa badin

Inan yahay nin bayr lihi
Runta lama bareeree
Bogan waa dantiisee
Anna sida ban-joog cawl
Casarkaan bannaanada
kaligay ka baaqaa

Waxaa tahay boggaygiyo
Beerkiyo wadnaha oo
Nacab uga baqayee

Gabadha:

Inan yahow basari iyo
Doqon baa nin beegsaday
Bar xun kaaga dhaqaaqdee
Ha ka baqin baraariyo
Mid uun baad ku soo bixi
Barashada qasaadhee

Ma ii baaqday sida beel
Baad iyo xareediyo
Loo helay barwaaqo

Wiilka:

Maxaan kaaga bayraa
Ama kaaga baaqdaa
Sow la iima kaa badin

Inan yahay bidhaan iyo
Qurux iyo baaxad dumar
Bilic baad u sidataa
Baashaada ila qabo
Bi'i waaye hawlaha 
Waa la iska baantaa


Waxaa tahay boggaygiyo
Beerkiyo wadnahoo
Nacab uga baqayee

Gabadha:
Way! laba boglayniyo
Arrimahoo ballaadhiyo
Taladaa igu baahdee
Aniguba bil iyo labo
Baaxaa-deg mooyee
Hurdo kama boganine


Ma ii baaqday sida beel
Baad iyo xareediyo
Loo helay barwaaqo

No comments:

Post a Comment