Sunday, October 6, 2013

Kala Labo Ahaadee (hees)

Waxaan labo lagdoodoo
Hadba lar igu meeraba
Imminkaan ladaayaa
Libta iyo adkaanshaha 
La iskuma halleeyee
Waa layr adduuniye

Shalay oo luggooyiyo

Liibaanta maanti
Kala labo ahaadee

Sida labida dhaadheer

Ama laan dabayleed
Wixii aan ligligan jiray
Lahashada harraadkiyo
Luunkii i gawracay
Ka ladaabtay raaxee


Shalay oo luggooyiyo
Liibaanta maanti
Kala labo ahaadee

Lafta kii i jabiyee

Liqi waayay oontee
Igu labakaclayn jiray
Layr caafimaad baa
Wixii aan lur soo maray
Lubbigayga maydhee


Shalay oo luggooyiyo
Liibaanta maanti
Kala labo ahaadee




No comments:

Post a Comment