Friday, October 18, 2013

Dhool Guyeey (dhaanto)

Dhawr saniyo bilaan
Kaa dhur sugaayayoo
Dhulka ma dhigo dhaban
Dheelalow baa i dilay

Dhafaruurta iyo sidii 
Hohob la dhilay
Dhankaagay 
Indhuhu dhawrayaan
Dhool guyeey

Dhoollo ka-qosolkaad
Igu dhaawacdaye
Alla dhool guyiyey
Maxaan dhuux garaacmayaa

Dhex-yar dhuubooy
Dharaartaan kulannay baa
Lay dhadhamiyoo
Layga dhagay qalbiga

Dharkaad xiratiyo
Boqorkiyo dhaclaha
Markaan dhawraa
Jaceylkaagu igu dhibcaa

Dheeha marriin dhalaalka ah
Dhal gobeedey markaan
Ku dhugtaan dheygagaa

Dhabtii caashaqaagaa
I dhalan rogaye
Geeri-go'an dhasheedaay
Ammaan kuu dhintaa?

Dhakafaarkii jaceylkaan 
La dhuubtayoo
Dhadhamada la'aantaa 
Ma dhuunyan karo

Dhankii Laago-hiddaan
Kaa baafiyayoo Dhuxun
Iyo adaan kaaga imid Dhanaan

Dhaxamaha dartaa
Kama Dheelmadee
Dhex-yar dhammays tiraneey
Soo dhawow

No comments:

Post a Comment