Sunday, October 13, 2013

War-san iyo Weer-san (hees)

Hadba walalacdaadii
La ii kaa wirwiriyoo
Wanaag iyo kalgacal
La iigu kaa waryey
Walbahaare jacayl
Baa i waraabiyee
Wajigana xishood
Kaa waabtayey

War-san iyo weer-san
Ii soo waceey
War-san iyo weer-san
Kuu soo wacnee

Naftu waalalowdoo
Kaa daba warraaqdoo
Waqalkii cirkaa
I dul waabanoo
Wadiiqada halmaamoo
Waaga tiigsadee
Weynahaan baryee
Is ma weyno ee

War-san iyo weer-san
Ii soo waceey
War-san iyo weer-san
Kuu soo wacnee

No comments:

Post a Comment