Saturday, October 5, 2013

Indho Deero Leeyey (hees)

Ilkaha u eg daruurtee
Cirridkaaga dugulka
Mawluhu ku daahiyo
Dibnaha dhuxusha mooddee
Marmar dib uga feyddiyo
Sanqaroorkaan soo degay
Indho deero leeyey

Daymada xishoodka le

Markaad luqunta dadabtaa
Durba la igu didayaa
Oo layga darayaa
Indho deero leeyey

Dumar ugu fil rooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu mataalyey
Da'da tii toddobiyo toban
Guga loogu darayey
Indho deero leeyey

Dib timaha u dhacay iyo

Diillimaha dhabarkiyo
Garbahoo dhan daadiyo
Sida dixida xaadda
Deyriwaa qadaadkiyo
Sunniyaasha duugga
Caman doonbir leeyey

Daymada xishoodka le
Markaad luqunta dadabtaa

Durba la igu didayaa
Oo layga darayaa
Indho deero leeyey

Dumar ugu fil rooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu mataalyey
Da'da tii toddobiyo toban
Guga loogu darayey
Indho deero leeyey


Markaad socodka damacdee

Deganida tillaabada 
Miisaanka lagu daray
Laafyaha la daawado
Dadku waxay yiraahdaan;
May daarin ciiddee
Daa'uus la moodyey

Daymada xishoodka le

Markaad luqunta dadabtaa
Durba la igu didayaa
Oo layga darayaa
Indho deero leeyey

Dumar ugu fil rooneey
Dayax shan iyo tobanaay
Dahab lagu mataalyey
Da'da tii toddobiyo toban
Guga loogu darayey
Indho deero leeyey

No comments:

Post a Comment