Tuesday, March 28, 2017

Abaaraan Baaqanayn iyo Beekhaamin-La’aan Joogta




Abaaraha ka dhaca Soomaaliya waa kuwo soo rogaalceliya ama soo noqnoqda. Waxaa wali jabaqahoodii sii yeerayaan abaarihii waaweynaa ee geyiga Soomaalida ka dhacay sida; Xaaraamo-Cuna (1913), Haarriya, Gaadda-Weyna, Ruuga, Harga-Cuna, Mug-Weyn, Baastaaley iyo Dabadheer (1973). Xilligaan la joogo waxaa ka jira dhammaan dagallada Soomaalidu degto abaar ba’an oo meesiyadii la dhaqan jiray baabi’isay, sidaas darteedna, dadkii ku tiirsanaa xoolaha gayeysiiyay diihaalka oonkiyo gaajada.
In kastoo abaaruhu hubaashii yihiin kuwo aan baaqanayn ee soo noqnoqoda, haddana maamullada iyo daweynihu ka ma gaashaantaan dhibabkooda ama xitaa wax uun dadaala ama kutalagala la ma sameeyo. Sidaasi waxay keentay in markii abaari soo barraahsataba qeylodhaantu wildhato oo dibad iyo gudana loo tebiyo. Waxay noqatay bulshadii Soomaaliyeed mid mar walba u baahan in dibadaha looga soo gurmado oo gargaar joogta u baahan. In kastoo baaxadda abaarihii la soo darsay ummadda Soomaaliyeed, dhab ahaantii keeneen baahi aysan isaga filnaan karin, haddana waxaa dhab ah, inaysan is la ummaddu lahayn dadaallo iyo tabo looga gol leeyahay iska-samatabixinta abaaraha iyo u-tooghayntooda. Waxyaalaha la samayn kara waxaa kamida:
1-    Beekhaaminta Dhulka:
·       Joojinta jaridda dhirta si uusan dhulku u xaalufin (deforestation). Sababta ugu weyn ee dhirtaa loo jaraa waa dhuxusha, haddaba, haddaan marka hore la helin beddalkii dhuxusha ama tamarta dhuxusha laga helo, suurtogal maahan in hadal dhirtu ku badbaaddo, iyadoo waliba baahida tamartu sii kordhayso maadaamo dadku badanaayo. Waxaa dhuxusha la shito beddali kara digada ama saalada xoolaha oo haddii loo hawlgalo si dhoqso ah dhuxusha looga maarmi karo.

·       Nasinta dhulka (range restoration); waxaa dhacda in xooluhu hadba dhinac u guuraan oo dhulka ka dhigaan miday daaqaan iyo miday qoobka mariyaan, sidaasna dhulkii ku noqdo mid si tahan dhaafa loo daaqo (overgrazing) iyo mid qoobka ku waxyeelloba. Arrintaan waxaa wax looga qaban karaa dhul -daaqsidmeedka oo la maamulo oo siday mar ahaan jirtay la sameeyo xirmooyin daaqa ka caaggan xilliga roobka.

·       Nabaad-guurka ciidda (soil erosion); markii ay xoogaystaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa dhacaya nabaadguur, haddii aan wax laga beddelin sida wax u socdaanna waxaa hubaala in dhulku isu rogi doona lama-degaan (desert).

2-    Beekhaaminta Biyaha:
·       Biyaha roobka waa in la kaydshaa (rainwater harvesting). Waa in la helo siyaalo  jaban oo biyo badan loo kaydin karo, waxaana tusaale ahaan, la sameyn karaa meelaha godan oo biyuhu ku aruuraan ama balliyada oo loo hubeeyo si aysan biyuhu uga gudbin ama dhulku u liqin.

·       Biyayowga togagga oo aad u badan aadna u khasaara waa in loo sameeyaa biyoxireenno badan. Waxaa kamida biyoxireennada la samayn karo (subsurface dams); ceelal laga dhex qodo togagga inta ay qallalan yihiin, kuwaas oo markii togaggu guraan loo baxsado biyahooda.

·       Dhulka aad loo jaray dhirta, marka roobku da’o waxay biyaha rogmanayaa nabaadguurshaan ciiddii. Si uusan dhulkaasi u noqon gabiib maran oo aan waxtar lahayn waa in la helo qaab lagu badbaadinaayo nafaqada ciidda, sida xannibyo loo sameeyo ciidda guurguuraysa.

·       Biyaha ceelasha dhaadheer sida kuwa riigagga/matoorradu aalaa waa qaali. Waxaa habboon in la helo qaab jaban oo biyaha dhulka ku jira bannaanka loo keeni karo.

3-    Calafka Xoolaha:
Waxaa doqonnimo weyn ah in meesiyada la dhaqdo oo nolosha dadka miyi iyo magaalaba ku tiirsan tahay dheeftooda lagu halleeyo xilliyada roobka oo marar badan yaraada amaba la waayaba. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in xoolaha loo abuuro calaf oo waliba si aada loo beero calafyada xoolaha. Waxaa degaannada Soomaalidu leeyihiin cawsas nafaqo wanaagsan leh oo haddii la beero ama la xannaaneeyo ku filnaan kara dheefinta xoolaha. Waxaa ka loo jira calafyo dalal kala ka baxa oo Soomaaliyana lagu abuuri karo, sida cawska caanka ee Suudaan (Sudan grass). Waa in la helaa ganacsato badan oo ku hawlan beerista calafyada xoolah iyo hey’do dawladeed oo ku foogan meelmarinta barnaamijyada calafka xoolaha.

4-    Isu-Dheellitirka Tirada Xoolaha Qoysku Dhaqdo iyo Awooddiisa Dhaqasho:
Waxaa aad loo og yahay raacatada Soomaalida in qaarkeed yeelato xoolo tiro badan, sida tirooyin aryo ah, fadhiyo lo’a iyo kadimo geela, haddana is la qoysaskaas waxay noqdaan kuwo aan dhaqaalo ahaan isku filnayn. Xilliyada roob-la’aantana qoysaskaasi aad bay xoolaha ugu dhibtoodaan.

Haddaba, haddii xoolaha nacfiga laga helaa dabooli waayo baahida qoyska iyo kharashyada is la xooluhu keenaan, badnaantooduna hawkar badan tahay sow sidaas ka ma roona, dhaqashada xoolo kooban oo dheef fiican leh oo kharashkooduna yar yahay?

5-    Kaalinta Maamul-Dawladeedka:
In kastoo Dalka Soomaaliya yahay dal si weyn ugu tiirsan xoolaha la dhaqdo, haddana arrintaas la ma siin culayskay lahayd. Waxay ahayd in tusaale ahaan, wasaaradda ugu dhaqaale badan noqoto wasaaradda horumarinta miyiga, laakiin waxaa laga dhigay midda ugu liidata, wasiirkii loo magacaabana waxaa loo arkay mid meel cidla’ lagu tuuray.  
Gabagabo:
Oraah caana ayaa waxay ahayd; “daaweynta waxaa ka roon kahortagga.”  Waa is la siidiiye, marka la tixraaco sooyaalka cimilada geyiga Soomaalida waa hubaal in xilli abaarihi soo beegan yahay gooray ahaataba. In marka abaartu timaaddo la balwo ama la argagaxo waxaa ka roon in laga tabaabusheysto.
Waxaa dhab ah, in cimiladii adduunyadu is beddeshay, sidaas darteedna ay habboon tahay in isbeddelka cimilada lala falgalo. Hadday waa ahaan jirtay in, inta la guuro lagu furo ruuman cosob leh, sidaasna daaqsato lagu ahaado, arrimihii waa is beddeleen.
Waxaa ka loo dhab ah, in tirada dadka adduunku si xawli ah u kordhayso, sidaas darteedna baahida dhul wax laga soo saaro maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayso. Arrintaan dambe awgeed, waa in qoyska guuraa noqdo deggane yeesha qeyb dhulka kamida xoolihiisana u beera calaf ama dheeftay ku noolaan lahaayeen.  

Thursday, March 9, 2017

Dawlad iyo Xukuumad



Dawlad (state): waa eray Afka Carabiga ka soo jeeda, waxaana Afka Soomaaliga lagu oran karaa; dal. Dawlad ama dal waa dhul weyn ama yar oo leh seere la aqoonsan yahay, calan, madaxbannaani kooban ama buuxda iyo dad deggan dhulkaas. Waxaa dhici karta in dalku ka koobmo dalal ama dawlado ku midoobay hal hab sida kan fedaraalka, markaasna dalalku waxay yeelanayaan madaxbannaani kooban. Dalalka haysta madaxbannaani dhammaysa waxaa loogu yeeraa: “sovereign states”.
Waxaa jira aragtiyo ka la duwan oo ku soo saabsan qeexitaanka dawlad/dal (state), waxaana kamida:
1-   26-kii bishii 12-aad, 1933-dii waxaa shirweyne lagu qabtay magaalada Montevideo ee Dalka Uruguay, kaas oo loo baxshay; Shirweynihii Montevideo ee Xuquuqaha iyo Waajibaadyada Dawladaha. Waxaa shirweynahaas la is la gartay in xeer caalami ahaan, loo baaahan yahay in dawladdu leedahay: dadweyne joogta, dhul qeexan, talis (xukuumad) iyo awood ay dawladaha kale heeshiisyo ku la gali karto.

2-   Aragtidii Max Weber: urur siyaasadeed ku qasban hoosjoogidda talis awooda inuu si sharciya xoog ugu dhex adeegsado dhul la yaqaan.    
In kastoo marar badan loo adeegsado erayga dawlad halkii xukuumadda, haddana mucda laba eray waa ka la duwan yihiin
Xukuumad (government): in kastoo dad badan markay Afka Soomaaliga ku hadlayaan ama qorayaan eraygaas Carabiga adeegsadaan, haddana waxaa  eraygaas Afka Hooyo lagu oran karaa; talis ama maamul. Talis/maamul waa agaasinka arrimaha dawladda ama dalka, bulsho meel joogta iwm. Marka laga hadlaayo agaasinka ama maaraynta dawladda waxaa maamulku ka koobmaa seddex laamood; xeerdejin (legislation), fulin (executive) iyo garsoor (judiciary). Marka si kale loo yiraahdo xukuumaddu waa awoodda dawladda ama dalka siyaasadaha u dhigan meelmarisa waana awoodda samaysa siyaasadahaas laftooda.
Laanta xeerdejintu waa golaha xildhibaannada e, iyagaa dejiya xeerarka dalka lagu dhaqaayo ama ansaxiya. Laanta fulintuna way meelmarisaa iyadoo adeegsanayasa hab kasta oo lagu fulinaayo hab-dhaqameedyadaas. Laanta garsoorku waa tan isha ku haysa hawlaha labada qeybood oo kore, waana tan ka dhawrta xeerarka jawrfallada, is la markaasna hubisa inaan sharciga dalka madax iyo minjo dhinacna ka weynaan.
Maamulka dawladdu ama dalku waa xubno dadweynaha dalka kamida oo loo xilsaaray inay agaasimaan arrimaha dawladda, waxaana shaqaysiiyay is la dadweynaha dalka.
Marka si kale loo yiraahdo; haddii qoys meel deggan oo hanti fiican haysta uu u baahdo shaqaale wuu qortaa shaqaalahaas, markuu doonana shaqada wuu ka eryaa, sida marka shaqaaluhu dayaco hawshii loo idmaday ama uu xado. Haddaba dadweynuhu iyagaa qorta shaqaalihii u adeegi lahaa, hadday xadaan ama dayacaan hawshana wuu eryayaa.