Thursday, January 24, 2019

Al-Ibaadiya (الاباضية)


Image result for ibadiyah prayers 

                                   Al-Ibaadiya (الاباضية)


Waa mad-habad ama dariiqo kamida diinta islaamka. Sida taariikh-yahannadu qabaan waxay soo ifbaxday sannadkii 650 MD ama 20 sano geeridii Nabiga kadib, waxaana lagu tiriyaa inay ka horreysay mad-habadaha sunniga iyo shiicada-ba.
 In kastoo Ibaadiyiintu ay aad u diidaan, waxay markii hore kamid ahayd dhaqdhaqaaqii al-Khawaarij, waxaana ka soo jabiyay dh/dhaqaaqaas Cabdullaahi ibnu Ibaad (عبدالله بن اباض التميمي) oo magaciisa wali ay wadato dariiqadaasi. Markii hore fikrad-diimeedka Ibaadiyadu waxay ka soo baxday Basrah, waxaana saldhiggeeda lahaa Jibriil ibnu Seyd oo ka soo jeeday magaalada Niswa ee maanta ka tirsan Cummaan. Dh/dhaqaaqa Ibaadiyadu wuxuu kamid ahaa kooxihii ka soo horjeestay xukunkii Khaliifkii 3-aad,  Cusmaan ibnu Cafaan gaar ahaan qeybtii dambe ee xukunkiisa, waxayse diiddanaayeen dilistiisii. Waxay ka loo diideen fikradihii xagjirka ahaa ee Khawaarijta, sida dilistii Khaliifkii 3-aad iyo rumaysnaantii in dhammaan muslimiinta iyaga ka fikrad duwan ay yihiin gaalo. Waxay ka loo Ibaadiyiintu diideen Khaliifkii 4-aad, Cali ibnu Daaliba, gaar ahaan Goobtii Dagaal ee Sifiin kadib iyo taladii Amawiyiinta, waxayna ku doodeen in loo noqdo sidii islaamku ahaa kahor qilaafkii ba’naa ee burburiyay wadajirkii muslimiinta. 
Waxay Ibaadiyiintu bilaabeen kacdoon hubeysnaa sannadkii 740-kii, waxaase xoog dhammaa 4000 oo nin ka la hortagay Marwaan ibnu Max’d ibnul Xakam oo kamid ahaa khulafadii Ummawiyiinta. Wuxuu Marwaan II ka xaaqay Ibaadiyiintii Maka iyo Sancada Yeman, ugu dambayntiina wuxuu ku hareereeyay Shibaam oo dhacda galbeedka Xadarmawt. Dhibabkii ka aloosmay Siiriya markii dambe baa ku qasbay Ummawiyiinta inay heshiis la galaan Ibaadiyiinta, waxaana kuwaan dambe, loo oggolaaday inay ka sii jiraan Shibaam, waxayna canshuurta siinaayeen ilaa afar qarni Talisyadii Ibaadiyada ee Cummaan. Hoggaamiyihii Ummawiyiinta ee la oran Xajaaj ibnu Yusuf markuu talinaayay, wuxuu soo dhaweystay Ibaadiyiinta, wuxuuna ka dhigtay aalad looga hortago Khawaarijtii aadka u fogeyd. Hase yeeshee, Jaabir ibnu Seyd baa mar amray in la dilo dhuhleeye u shaqeynaayay Xajaaj ibnu Yuusuf, kadibna dilkaasi wuxuu horseeday xirxirid badan oo Ibaadiyiinta loo geystay iyo in qaar badan u qaxaan Cummaan, waxayna Ibaadiyiintu qarnigii 8-aad ku yeesheen Cummaan awood muuqata oo gaartay heerka imaamnimada (إمامة).
Meesha xuddunta u ah Ibaadiyiinta waa cummaan. Waxaa ka loo dariiqadaas laga raacsan yahay dalalka Waqooyiga Afrika sida, Aljeeriya, Tuniisiya iyo dalalka Bariga Afrika sida Sansibaar/Tansaaniya.

Waxay rumeysan yihiin Ibaadiyiintu:
1-   In Ilaaha Weyn uusan dadka muslimiinta ah is tusi doonin Maalinta La Yoobsan Yahay (Qiyaamaha), waxayna aragtidaas la wadaagaan Shiicada, halka Sunnigu rumaysan yahay in Eebbe musliminta u muuqan doono Maalinta Qiyaamaha.

   2-   In Qur’aanka goor, gooraha kamid la abuuray, waxayna arrintaas ka mideysan yihiin Muctisilada (لمعتزلة) halka sunnigu qabo in qur’aanku yahay mid waligii jiray, maadaama uu yahay hadalkii Eebbaha Weyn ee waligiis jiray.

3-   In hab-tilmaameedka Qur’aanka ee xagga Ebbe, uu yahay hab-tusaaleed, ee uusan marna ahayn tilmaamid toosa. Waxay aragtidaas la wadaagaan Shiicada iyo Muctasilada.

4-   In wax walba ku xiran yihiin iraadada Eebbe, waxay ka la mid yihiin Ashcariyiinta (الأشاعرة).

5-   Inaysan shardi ahayn in dhammaan muslimiintu yeeshaan hal hoggaamiye. Haddii la waayo hoggaamiye ku habboon hoggaaminta, waxay muslimiintu is ka dhex xulayaan qofka ugu roon xagga hoggaaminta. Qodobkaan, waxay Ibaadiyiiintu uga duwan yihiin Sunniga oo rumeyan khaliifnimo iyo Shiicada oo rumeysan imaamnimo. Sidaas darteed, Ibaadiyiintu markay joogto hoggaaminta ummadda, waxay rumeysan yahay in la xusho qofka wax hoggaaminaaya, waxayna diiddan yihiin habka kala-dhaxlidda hoggaaminta ummadda.

6-   Inaysan shardi ahayn in hoggaamiyaha muslimiintu ka soo jeedo Qureesh waa qoladii Nabi Max’d e (csws), taas waxay uga duwan yihiin Shiicada oo rumeysan in hoggaamiyaha ama imaamku ka soo jeedo qoyskii Nabigii Suubbanaa.

7-   In xaaladaha qaarkood lagu dhaqmi karo Qarsoodi ama Kitmaan (كتمان).

Ibaadiyiinta waxaa lagu bartay dulqaad ay u leeyihiin mad-habadaha iyo diimaha kale, waxayna rumaysan yihiin in xiisadaha lagu dhammeeyo degganaan iyo dagaal-la’aan, mar walbana la cuskado caqliga oo la xeeriyo danta guud. Ibaadiyiintu waa dh/dhaqaaq waa hore soo ifbaxay, sidaas darteedna, waxaa lagu tiriyaa in aragti-diimeedkoodu aad ugu dhaw yahay fasiraaddii dhabta ahayd ee Caqiidada islaamka.

Waxaa ka loo dhaqammadooda kamida inaan salaadda Jimcha la tukan, haddii uusan magaaladaas ama meeshaas ka talinayn imaam caaddil ah. Waxaa lagu gartaa Ibaadiyiinta, markay tukanayaan gacmaha oo ay siiddaystaan, sidaas bayna salaadda ku dhammaystaan.

Dadka maanta aadka loo yaqaan oo Ibaadiga waxaa kamid ah; Suldaan Qaabuuska ka arrimiya Cummaan.