Wednesday, February 26, 2014

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniyiinta...Q.7aad

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniyiinta...Q.7aad

Amiir Nuur (Xiddiggii Arooryaad) iyo Ololihii Furashada Xabashida ee Labaad:
Sida lagu xusay Diiwaankii Futuux Al-Xabasha ee uu qoray Carab Fiqiih, wuxuu Xiddiggii Arooryaad ka soo jeeday tolka Marreexaan ee Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa diiwaankaas lagu sheegay in Axmad-Gureey abti u ahaa Amiir Nuur, marwadiisiina uu Amiirku dumaalay, waxaase baaritaanno kala duwan kadib la ogaaday in Imaam Axmad ahaa inan uu adeer u ahaa Amiir Nuur, iyadoo la cuskaday laba qodob oo si weyn ugu cad hab-dhaqan bulsheedka Soomaaliyeed, kuwaas oo ah; inaan wiil iyo abtigiis kala dumaalin iyo in dhaxalka saldanada lagu helo dhanka aabbaha. Waxaa kaloo la cuskaday taariikh afeedka soojireenka ah oo lagu muujiyo xiriirka dhalasho ama abtirsiinyo ee labadaas halyey ka dhexeeyay. Sidaas darteed, waxaa lagu wadaa in abtirsiinyahoodu ahaa sidaan:

1-  Imaam Axmad Ibraahim Hiraabe Mataan Ciis Axmad Maxammad Daa'uud
2- Amiir Nuur Yuusuf Mataan Ciis Axmad Maxammad Daa'uud.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Amiir guursaday marwadii caanka ahayd ee Batuula Dal-wadamara ee laga dilay Imaam Axmad-Gureey. Guurkaas kahor wuxuu Amiir Nuur Yuusuf kula wacatamay marwadiisii cusbayd; inuu madaxii Galawdiwoos labadeeda lugood hoostooda soo dhigi doono.

Waxaa Nuur Yuusuf loo doortay inuu noqdo amiir sannadkii 1550/1551-kii. Isla markiiba wuxuu bilaabay abaabullo iyo dhisitaankii ciidammada, wuxuuna arrimahaas waday muddo labo sano ah. Sannadkii 1554/1555-tii buu bilaabay olole ballaaran oo kadhan ahaa Xabashida iyo kuwii la safnaa. Wuxuu ahaa ololahaasi mid xooggan waxaana loo bixiyay: "al-Futuux al-Taani" oo macnuhu yahay; Furashadii Labaad. Markii hore, wuxuu ololalaha ku ekeeyay saldanadihii muslinka ahaa ee ay Xabashidu qabsatay sida; Baali, Hadiya iyo Fatagaar. 

Sannadkii 1559-kii baa ciidammadii Soomaalida iyo gaashaanbuurtii isaga hor yimaadeen goob ku tiil Fatagaar. Dagaalkii ka dhacay goobtaas oo ahaa mid ba'an waxaa lagu jabiyay gaashaanbuurtii, waxaana la waray askar badan oo Burtiqiis ahayd. Waxaa goobtii ka cararay Galawdiwoos oo ahaa markaas dhaawac, waase la soo qabtay isagoo nool. Sidii ballantu ahayd waxaa la soo jaray madaxiisii waxaana la soo hoos dhigay Dal-Wadamara.

Dal-Wadamara waxay timo ka soo jartay madaxeedii waxayna ku gunudday madaxii Galawidoos, kadibna waxay ka soo laalaadisay geed ku hor yiil gurigeeda hortiisa, si ay ugu ildoogsato. Waxaa la wariyay in madaxaasi surnaa geedkaas muddo labo sano ah, ilaa uu iibsaday nin ganacsade ahaa oo Maraykan ahaa.

Amiir Nuur Yuusuf wuxuu dagaalka waday muddo 12 sano ah, wuxuuna si xun u jabiyay gaashaanbuurtii wuxuuna gaaray meesha la yiraahdo Gibbi, wuxuuna halkaas ka yiri oraahda caanka noqotay ee "kafaa" oo uu ula jeeday; ka guulaysannay e, intaas ha naga ahaado dagaalkoodu.

 Intii uu ku sugnaa dalcadaha Itoobiya baa la soo wariyay in qawmiyadda Oromada oo waayahaas ka soo hayaantay dhanka Itoobiyada maanta ay culays soo saartay Harar. Markuu ku soo noqday Harar, wuxuu ku wareejiyay magaaladii darbiga caanka ah ee loo yaqaan Jugal sannadkii 1567-dii. Sababta uu darbiga ugu wareejinaayay magaalada waxay ahayd, Oromada oo go'doomisay magaaladii. Sidaas darteed, buu Amiir Nuur Yuusuf olole edbin ah ku qaaday Oromada oo markaas aan ahayn muslim. Wuxuu ololahaasi socday muddo 3 bilood ah. Markii uu ku soo noqday magaaladii Harar, wuxuu la kulmay dadkii oo uu ku baahay cudurka "Typhus". Isla cudurkaas buu u dhintay halyeygii weynaa sannadkii 1567-dii.

In kasta oo uu Axmad-Gurey aad caan u noqday laguna meeleeyay heerka kowaad, haddana waxaa hubaal ah inuusan Amiir Nuur Yuusuf ka door yarayn, balse uu meelaha qaar dhibco dheeraystay. Sababtaan dambe awgeed baa la siiyay naanaysta: "Xiddiggii Arooryaad". 

Friday, February 21, 2014

Jimcihii Murugada (Baroordiiq)




Maanta oo ah 21-kii Febarwary, 2014-ka waxaa la soo tebiyay geeridii naxdinta badnayd ee Maxammuud Xirsi Cabdulle (Indhacase). Gawracatadii u heellanayd gumaadka iyo gabagabaynta ummadda Soomaaliyeed waxay maantana na weysiiyeen nin door waxtar u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa. Waxay na weysiiyeen aqoon-yahan dadaal badnaa. Gurigood ha ba’ee, waxay indhaha ka rideen ummad dhan oo uu hanadkaasi wax u ifin jiray. Gablamooyin, waxay gucun siibeen unuggii wanaagga iyo waxa-san.

In kastoo geeridu tahay midaan la gees marin karin, tahayna gunaanadka noole oo idil, in kastoo dadku xagga Eebbe ka yahay simane, haddana aadane ahaan noo kala door roon oo noo kala waxtarsan. Inteenna markaas noolna, qofkii wax-ku-ool ah oo naga baxaa wuxuu nagu yahay gamuun wadnaha nooga dhacay oo na naafeeyay. Taas dambe awgeed baan la gubanaynnaa oo la baroor diiqaynnaa.

Waxaan la sii guhaadoonaynnaa sida hoosaasinta leh ee uu nooga baxay nin doorkaasi. Bal eega xaruntii madaxtooyada oo la rabay inay noqoto meel ka gaashaaman weerar kasta baa si fudud loo soo haluushay oo dhexdeedii lagu warjaafay dadkii. Bal eega sida nacasnimada leh ee aan looga diyaar garoobin cadawga hareeraha jooga. Bal eega dawladnimada iyo madaxnimada aan tayada innaba lahayn oo dadkii lagu hoday.

Wasiir ku-sheegga Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa dhacdadaas xanuunka badan kadib yiri; duullaankaasi waa fashilmay, mas’uul dawladda ah oo ku dhintayna ma jiro. Marka uu saas leeyahay ma warmoogaa? Mise mas’uul wuxuu yaqaan hadba kii isaga jaadkiisa tayada xun ah?. Hadduusan sawirkaasi aqoon Indhacase, ha ogaado in uu  meesha ku baxay nin ka sarreeyay 100 noociisa ah, kana samo badnaa, kana lihiin roonaa.

Dhanka kale ee aan mar walba ku celceliyo waa; in laga quustaa dawladnimo Muqdishowda maanta ka dhalata, waana in aan lagu hodmin walalacda beenta ah ee darteed maalin walba na weysiinaysa xubnaheennii noogu waxtarsanaa. Haddii aannaan wax ku qaadan tan maanta dhacday iyo kuwii ka horreeyayba, sow ka liidan maynno lo’ –duurtii ama gisidii markii bahalku mid kala haraba iska buuflayn jirtay oo aan wax isbeddel ah samayn jirin. Show iyadaaba na dhaanta, illeyn wayba diddaaye!

Allaha haw naxariisto Maxammuud Xirsi Cabdulle

Thursday, February 20, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida Iyo Abasiiniya...Q.6aad

Geeridii Imaam Axmad-Gureey:

Haraagii ciidammadii Burtiqiiska iyo ciidammadii Imbaraadoor Gilawdiwoos ee dhuumaalaysiga ku jiray baa is aruursaday, iyagoo soo gurtay saanaddii iyo sahaydii u hartay ciidammadii Burtiqiiska ee la jabiyay. Waxay isaga hor yimaadeen is-bahaysigii iyo ciidammadii Soomaalida ee Axmad-Gureey hoggaaminaayay meeshii la oran jiray Wayne-Daga 21kii Abriil, 1543dii. Goobtaas dagaal buu ku shihiiday Imaam Axmad, kadib, markii ay haleeshay xabbad uu colkii Burtiqiisku ka soo riday qorigii la oran Muskeeti. Sida ay ku warrameen wariyaashii Burtiqiisku, markii hore Imaamku wuu dhacmay, wuxuuna u dhintay dhaawacaas.

Waxay kaloo ku warrameen war-tabiyaashii Burtiqiisku; Imaam Axmad, markii uu si weyn uga guulaystay xooggii Burtiqiiska, badi askartoodiina uu laayay wuxuu yareeyay tiradii ciidankii Cusmaaniyiinta ee gurmadka ahaa, wuxuuna ka soo reebay ilaa 200 oo nin. Isla markaasna wuxuu go'aansaday in inta lagu jiro xilliga roobka uu waabto meeshii la oran jiray Imfraas oo u dhaweyd Harada Tana.

Sida ay sheegeen wariyaashii la socday colkii Burtiqiisku, waxaa aad u calool xumaaday askartii Burtiqiiska kadib markii la dilay taliyahoodii, lana jaray badi ciidankoodii, waxayna go'aansadeen inay dhintaan ama u aaraan De Gama iyo raggiisii. Sidaas darteed, waxay markii horaba ku dareen ilaa 50 nin habartii Sabla Wingil waxaana lagu qariyay buurtii Yuhuudda ee ku tiil Amba Seel. 

Gaashaan-buurtii waxay ku jabiyeen ciidan fardooleey ahaa oo Soomaali ah Wogiira 13kii Bishii Labaad, 1543dii, waxayna goobtaas ku dileen Sayid Maxammad oo ahaa hoggaamiyihii ciidankaas. Kadib wxay g/buurtii u guratay dhankii ciidammadii Imaamku fadhiyeen, markay gaareen aaggiina meel u dhow bay ka waab samaysteen. Galawdiswoos wuxuu ka maagtay in weerar la qaado isagoo ka dhur sugaayay 50kii nin ee ku maqnaa habartii Sabla Wingil. Wuxuu Castanhose xusay in 50-kaas nin ka waxtarsanayeen 1000 nin oo ka mid ahaa Malleeshiyadii Xabashida ee uruuriska ahayd.

Ciidammadii G/buurtu waxay awoodeen inay gooyaan dhabbayaashii sahaydu u soo maraysay ciidammadii Imaam Axmad, laakiin ciidankii Imaamku wuxuu dilay taliyihii ciidammadii Xabashida oo la oran jiray Asimaaj Kiflo. Markii la dilay Xabashigaas bay ku sigteen in ciidammadii kala yaacaan. Sidaas darteed buu Galawdiwoos go'aansaday in weerar la qaado, sidaas bayna ku bilaabatay goobtii dagaal ee Wayne-Daga. Bilawgii dagaalka waxaa la jabiyay G/buurtii Xabashida iyo Burtiqiiska, waxaase kala firdhiyay xooggii Soomaalida ciidan Fardooleey ahaa oo G/buurtu lahayd. Waxaa markaas kadib, duullaan soo qaaday ciidan uu hoggaaminaayo Imaam Axmad laf ahaantiisii iyo wiil uu dhalay oo ka dhinac dagaallamaayay, waana markaan marka xabbaddu ka haleeshay Imaamka xabadka/shafka.

Wariyaashii Burtiqiisku siyaalo kala duwan bay u sheegeen qaabkii uu Imaamku u shihiiday, Castanhose wuxuu ku celceliyay in dableydii Burtiqiisku aqoonsaday Imaamka kadibna ay dabkoodii ku kulmiyeen, sidaasna ay xabbaddu ku haleeshay halyeygii weynaa.  

Ninkii la oran jiray John Bermudez isagu wuxuu yiri; John/kii Kastiillo baa markuu arkay Imaamka oo dagaallamaya is madax maray kadibna isku sii daayay dhankii Imaamka, waxaase isla markiiba dilay raggii Imaamka. Markaas kadib buu yiri Bermudez waxay dableydii Burtiqiisku ku wada shiisheen qoryahoodii oo dhan Imaam Axmad.

Waxaa kaloo jirtay sheeko la wariyay, sida lagu tiraabayna; wuxuu Galadiwoos ballan qaaday in uu walaashi siin doono ninkii soo dila Imaam Axmad, madaxiisana u keena. Waxaa markaas kadib keenay madaxii Imaamka askari Xabashi ah, waase lagu diiday sheegashadiisii, sababta oo ahayd baa la yiri, Imaamku dhaawac buu ahaa markuu Xabashigu dul tagay. Sidaas darteed, naagtii la ballan qaaday lama bixin.

Sida ay ku warrameen nimankii Burtiqiiska ahaa ee ka sheekeeyay dhacdadii uu ku shihiiday Imaam Axmad Ibraahim; waxaa goobtii dagaalka ka baxday marwadii Imaamka ee la oran jiray Batuula Dal-wada-Mara oo ay la socdeen ilaa 40 dableey ah, waxayna aadeen Harar, laakiin waxaa goobtii lagu qabtay wiil ay dhashay oo la oran jiray Maxammad. Waxay kaloo nimankaasi sheegeen in markii la dilay Imaam Axmad, uu ciidankiisii niyad jabay kana gurtay goobtii dagaalka ee Weyna-Daga.




Friday, February 14, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.5aad

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya.. Q. 5aad

Gurmadyadii Burtiqiiska iyo Dilkii Christophe De Gama
Markii ay dhabowday burburintii Abasiiniya ee Imaam Axmad Ibraahim, wuxuu haraagii Xabashidu qeylodhaan u diray xooggii waagaas ugu itaal roonaa Reer Yurub waa Burtiqiiska e. Waxaa dhambaal-side ka ahaa qeylodhaanta John Bermudez oo ay Xabashidu ka dhigatay duq sare oo xagga diinta ah "Patriach". Waxaa kaloo ugu baaqay dawladdii Burtiqiiska inay u gurmato Abasiiniya, Wadaadkii Sare ee Masiixiyadda waa Boobkiiye.

Haddaba bishii labaad ee sannadkii 1541dii baa waxaa ka soo dagay Musawac oo ku taal Badda Cas ciidan xooggan oo uu hoggaaminaayay Christopher De Gama oo uu dhalay badmareenkii Vasco De Gama, ahaana sarkaal sare. Waxaa duullaankii sii raacay labo nin oo kala ahaa; John Bermudez iyo Miguel De Castanhose, iyaagana sidaan u soo warramay:

Waxay ciidammadii doolka ahaa iyo kuwii Imaamku ku kulmeen meesha la yiraahdo Jarti ee u dhexaysay Anasa iyo Harada Ashinge 16kii Abriil, 1542dii.
Wuxuu yiri Kastanhose; Boqorkii Saylac oo wata ciidan fardooleey ah oo ilaa 300 ah iyo koox ciidan luga baa soo fuulay buur noo dhaweyd iyagoo na kor meeraayay. Waxay ciidammadaasi siteen seddex calan; labo cadcad oo ay ku sawiran yihiin dhawr dayax oo gudguduudan iyo mid guduudan oo leh dayax cad, calammadaasina mar walba waa wehelin jireen, waxayna u ahaayeen astaan lagu garto. Kadib markii labadii col is dhaafsadeen farriimo isna dul meereen baa De Gama bilaabay weerar, isla markaasna wuxuu waabiyay weerarro is daba joog ahaa oo ka imaanaayay dhankii Soomaalida. Intii uu socday mid ka mid ahaa weerarradii la is dhaafsanaayay baa xabbad wiifto ah ku dhacday Imaam Axmad, markaas kadibna ciidammadiisii dhabarkay jeediyeen, hase yeeshee, waxay isku aruursadeen daanta, dhinaca kale ee wabiga. Maalmihii xigay waxaa la soo xoojinaayay ciidammadii Imaamka. De Gama markuu qiiimeeyay xaaladda wuxuu go'aansaday inuu weerar qaado, wuxuuna ciidankiisii u habaysnaa qaabkii Afar Geesta (tab dagaal oo hore) wuxuuna bilaabay weerar. In kastoo ciidammadii Soomaalidu si daran u dagaallameen, haddana baaruuddii madaafiicda ee Burtiqiiska baa fardahoodii ku qaloodeen wayn dideen. Wuxuu Kastanhose ku calaacalay; haddaan markaas haysan lahayn ilaa 100 nin oo fardooleey ah, waxaan gaari lahayn guul dhammaystiran.

Wuxuu De Gama ka helay gurmad Bahar Negus Yishaq oo ahaa guddoomiyihii gobolkii Bahar Medir (Ge'ez) ee Tigreega. Yishaq wuxuu ka mid ahaa tiro yarayd oo wali daacad u ahayd Imbaraadoorkii Abasiiniya ee la jabiyay, halka in badan ku caasiyeen intuu socday Ololihii Weynaa ee Axmad-Gurey.

Gaashaanbuurtii waxay u kaceen dhankii koofureed oo ahayd halkii ciidammadii Soomaalidu u gurteen. Toban cisho kadib buu muuqday saldhiggoodii, waxaase baajiyay weerar la qaado xilligii roobka oo bilawday, wuxuuna De Gama qaatay taladii habartii laga dilay Lebna Dengel ee ahayd Sabla Wingil, taas oo ku talisay in la dego xilli-roobeedkaan meesha la yiraahdo Wofla oo ka tirsanayd dhulka Tigreega, halka Imaam Axmad degay buurtii la oran jiray Soobil.

Sida ay ku warrameen nimankii Burtiqiiska ahaa ee ciidankooda la socday, Imaam Axmad-Gurey wuxuu gartay in guusha dagaalku ku xiran tahay hubka la kala wato, asagoo garwaaqsaday hubka culus oo Burtaqiisku watay. Wuxuu markaas kadib ka codsaday walaalihiisii muslinka ahaa gurmad.

Haddaba sida uu xusay nin la oran jiray Abbi Joshim Li Grand; waxaa Imaamkii soo gaaray ilaa 2000 oo qori oo Muskeeti ahaa iyo 900 oo nin oo ciidammadii Cusmaaniyiinta ka mid ahaa. Markuu helay taakulayntaas wuxuu weerar culus ku soo qaaday saldhiggii ciidammadii Burtaqiiska dhammaantoodna goobtaas buu ku laayay, aan ka ahayn 140 nin oo markaas habartii Sabla Wingil meel kale ku ilaalinaayay. Waxaa si xun loo dhaawacay Da Gama, wuxuuna ku dhuuntay kaymaha isagoo ay weheliyaan tobaneeyo nin, waxaase soo helay koox ilaalo ahayd oo ka tirsanayd ciidankii Imaamka, waxayna u soo taxaabeen bartii taliska ee Imaamka. Markii la horkeenay Imaam Axmad, waxaa lagu yiri haddii aad islaamka rumayso waa lagu badbaadinayaa, asna wuxuu ku jawaabay: " la ii ma soo dirin si aan diintiinna u qaato ee waxaa la ii soo diray si aan idiin la dagaallamo", kadibna goobtii baa isaga iyo intii la socotayba lagu jaray.





Monday, February 10, 2014

Daallo (hees)

Alle haw naxariistee, C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) waxaan ku naaneysi karnaa Maanso-yahankii kalgacalka. Marka la dhuuxo heesihiisii iyo gabayadiisii jaceylka ama jamashada waxaa kugu dhalanaysa lahasho iyo qalbiga oo ku la lulma boholyow. Bal eeg heestaan uu ku male-awaalay gabar ballan la lahayd inan ay is rabeen amaba is janteen, oo ballantii ku imaan waayay gaadiid-la'aan awgeed. Gabadhii waxaa ku dhacay qulub nafsaani ah, wayna tallantay. Dhammaadkii waxay dareentay inaysan cillad kale jirin ee saboolnimadu keentay imaansha-la'aanta gacaliyaheeda, waxayna u maansootay sidaan:

Socotoo qundhacadii
Fadadkii mugdiga siday
Shucaacii sagootiye
Waa saacad iyo labo
Intaan saadinaayee
Naf sidkani ma samirtaa
Ma sugtaa sadkeed maqan?

Ma yaqaanno suuraha
Beentiyo sasabadee
Ma anigaan waqtiga sugin
Mise waayahaa sida
Kaan sugaayey yaw baxay?
Murugadaan i saaqdiyo
Laabtaan ka sare kacay
Yaw sababa boholyada?

Maxaa laxaw i saanyaday
Seddexdiyo shan iyo toban
Dayaxii ma soo baxay
Nafta sooftay ee maqan
Anoo sabadaw yuurara
Kaahiisii may simay?

Ballantii ma siiddeyn
Seef wacadkii kuma jarin
Ma illaabin samihii
Saaka aannu dhigannee
Ma gaadiid socdaan jirin
Hubiyoo ma seexane
Basaskiyo Sitaydii
Salka meeluu dhigiyo
Sare-joog ka la' yahay?

Haddii aan kalagacal solin
Laxaw saaftay mayracan
Maa kuwa tagsigu sido
Uga soo degaan qaar?
Sabuulkiyo beeraha
Sunta caashaqa bixisiyo
Sadarada jaceylka
Ee laabta ugu siman
Haddii uu mid sidan laa
Aragtida u suura
Sidaa uma ay dhaafeen

Waa saboolka caadadi
Gefka uu sameeyee
Ma samraa sidii roon
Is-rabuhu maysa seegee?

Friday, February 7, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.4aad

MILICSIGA LOOLLAMMADII BADNAA  EE
SOOMAALIDA IYO ABASIINIYA Q.4aad
 
 
DIB-U-HABEYNTII DALKA IYO KACAANKII AXMAD-GUREY
Dalkii waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, qalalaase iyo kala- qeybsanaan. Qoyskii Wali Asmac ee talada hayey oo ay taageersan yihiin badi qolooyinkii Soomaaliyeed waxay noqdeen dhinac u janjeera sidii dhaqanku ahaan jiray. Dhinac kale waxaa noqday garaadyo dagaalyahanna ah iyo amiirro ciidanka ah. Kuwaan dambe oo lagu sheegay magacyo badan sid; Askar-Baxar, Malasay, Heegan iyo Geesi waxay hoggaansheen dhaqdhaqaaq kacaana. Seddex wiil oo uu dhalay Suldaan Maxammad baa midba markiisa ugu jiray loollan ka-dhan ahaa mucaaradkii. Waxay dagaallamaanba waxaa taladii la wareegay Garaad Aabuun (1520-25), wuxuu sameeyay dib-u-heshiisiin, wuxuuna taladii la wadaagay Suldaan Abuu Bakar. 

Wuxuu Carab-Fiqiih oo qoray buuggii Furashada Xabashida xusay in xilligaan dambe uu dalkii Awdal noqday mid qasan, musuqmaasuq, burcad-jideed iyo falal kaloo xunxunba ay ku bateen. Xubnihii qaddarinta bulshada ku lahaa waxay marar badan isku dayeen dhexdhexaadin. Kala-aammin -baxii dhinacyadii is hayey awgeed wax qabsoomay ma jirin.

Iyadoo xaaladda dalku murugsan tahay baa waxaa ka dhex muuqday bulshadii wiil dhallinyaro ah oo la oran jiray Axmad Ibraahim Garaad oo ka soo jeeday galbeedka Harar. Axmad wuxuu hoggaanshay kacdoon ka-dhan ahaa taliskii suldaankii dalka sannadkii 1526kii. Ka dib markuu la galay dagaallo badan suldaankii iyo taageerayaashiisii, ugu dambeyn wuxuu guuleystay sannadkii 1527kii. Kooxdii kacaanka dhalisay ma ay rabin jagada suldaanka, balse waxay doonayeen jago si toosa ula falgelaysay ka-hortaggii Abasiiniya. Jagadaas oo laga dilay Garaad Maxfuud. Jagadii suldaannimada waxay u daayeen Abuu Bakarkii la dilay walaalki Cumardiin. Si kastoo ay aheyd inta badan taladii dalka waxay gacanta u gashay Imaam Axmad Ibraahim (Gurey). Waxaa mansabka imaamnimada u doortay culamadii Harar.  Axmad-Gurey isku heyb ma aheyn qoyskii talada kala dhaxli jiray ee Reer Wali Asmac, waxayse ahaayeen tol guud. Axmad wuxuu guursaday gabadhii kartida badneyd ee Garaad Maxfuudkii la dilay. Gabadhaas oo loo qoray magaceeda Bati Del Wadambra, waxay u egtahay inuu magacuu ahaa Batuula Dal-Wada-Mara. Waxay wacad kula gashay Axmad inuu u aaro aabbaheed. Waxay gabadhaas caan ku aheyd iyadoon ka hari jirin colalka. Waxay guubaabo la daba taagneyd ciidammadii Soomaalida. Waxaa dhici jirtay in la xanbaaro markay socon kari weydo.
 
Abasiiniyiintu waxay sheedda ka daawanaayeen dhacdooyinkii siyaasadeed ee Awdal, kamana gaabin inay ka faa’iideystaan. Waxay labo weerar oo daran ku qaadeen degmooyin ahaa galbeedka Harar, halkaas oo ay hanti badan ka dhaceen.

Dhibabkii uu keenay dagaalkii sokeeye iyo weerarradii Xabashida ee cuslaa waxay abuureen jawi soo dhaweenaayey isbeddel cusub iyo hoggaamin cusub. Axmad wuxuu ahaa inan ku habboonaa xaaladdii dalku ku sugnaa. In kastoo uu ahaa inan da’ yar, abuurtiisii gaarka aheyd iyo dadnimmadiisii baa horseedday inuu noqdo hoggaamiye mideeya dadkiisii.

Wuxuu dib-u-habeyn xooggan ku sameeyay ciidankii iyo hab-maamuleedkii dalka. Xeeladaha dagaal ee uu soo kordhiyay waxaa ka mid ahaa: waayihii hore Soomaalidu difaac kama geli jirin meelaha ay xoreeyaan. Wuxuu Imaam Axmad baddalay arrintaas, wuxuuna meel walboo la qabto u yeelay ciidan difaaca, kuna sugnaada goobtaas. Waxaa la illaaway khilaafyadii hore, waxayna xitaa xubno ka mid ahaa dhinacyadii ka-dhanka ahaa noqdeen taageerayaashiisii ugu adkaa. Wuxuu isku wareejiyey saraakiil, garaaddo iyo dagaalyahanno lagu kalsoonaa.
 
Marka loo eego ciidammadii Abasiiniya, wuxuu ciidankiisu ahaa mid kooban, wuxuuse ahaa ciidan ay ka go’neyd guul ama geeri janno lagu gaaro. Asagoo hoggaaminaaya ciidammadaas Soomaaliyeed ee niyadda sare ku dagaalamaayey buu bilaabay 1527kii dagaal jihaada oo aan hore loo arag. Wuxuu dhabarka ka jabiyey awooddii ciidan ee Abasiiniya bishii Maaris 1529kii. Maalintaas waxaa dhacday goobtii dagaal ee weyneyd ee Shimbira kore. Goobtaasi waxay 40 mayl ka xigtay buurta Etotto (halka maanta ay Addis Ababa tahay) dhanka Koonfur-Bari.

Waxaa goobtaas Abasiiniyiinta hoggaamminaayey boqorkii Dawit II ama Lebna Dangel ee doolka ahaa, laguna koolkoolin jiray ambasa seged oo macnaheedu yahay ‘kii libaaxyadu isu hoogaamin jireen”. Dagaalkii goobtaas ka dhacay oo la oran karo waa kii taariikhda, dagaal dhex mara Soomaali iyo Abasiiniya ugu darraa, Waxaa la wariyey in ciidanka Soomaalidu ahaa ilaa 12,000 oo nin oo luga iyo 560 fardooley ah, waxaana uga dhintay ilaa 5,000 oo nin. Dhanka Abasiiniya tiradu waxay aheyd in dhan toban jibbaar tiradii Soomaalida, waxaana uga dhintay ilaa 10,000 oo nin. Waxaa si qeexan uga warramay Shihaabudiin Axmad Bin Cabdulqaadir oo lagu naaneysi jiray Carab Fiqiih, dhalasho ahaanna ahaa Yamani, goobjoogna ka ahaa dagaallo badan,  qoreynna buugga Fatuux Al-Xabasha.
 
Imaam Axmad wuxuu u diyaariyey ciidankiisii goobtii Shimbare Kore sidatan: wuxuu dhinaca midig xijiyey beesha Xarle Koombe, dhinaca bidix wuxuu ku aaddiyey qolooyinka kala ah: Geri Koombe, Marreexaan, Yabarre (Madigaan), Harti oo ahaa dadkii reer Mayd, Jiraan Koombe, qolada Masaar iyo Barsuub’, mid walbana waxaa hoggaaminaayey garaadkoodii,  dhexdana wuxuu u soocay rag xooggan oo ku caan ahaa dagaalyahannimo, asagaana kooxdaas hoggaamiyey…..fiirri bogga 76aad ee "the conquest of Abyssinia".
Sannadkii xigay dagaalkii Shimbira Kore waxaa dagaalladii soo galay qolooyinka Gurgure, Habar Magaadleey, Bartire, Hawiye iyo Gaatur.
 
Waxaan halkaan ugu xusnay qolooyinka S/liyeed ee ka qeybgalay dagaalkaas, si aan u muujinno inuusan islaan ku dhammeyn meesha ee Soomaali oo kaliya ay dhinca islaanka ka soo jeedday. Waayo dalladda Soomaali waxaa harsada qolooyin midoobay, xuska doorkay taariikhda ku lahaayeenna waxay taageeraysaa sheegashada S/liyeed guud ahaan.  


Abaabulkii ciidammada, guubaabooyinkii badnaa, dh/dhexaadintii qolooyinkii S/liyeed, u-ergeyntii reeraha S/liyeed iyo ducooyinkii Axmad- Guray, waxay muujinayaan inuu ahaa Soomaali dhalad ah. Taas oo beeneynasa wararka kutiri-kuteenka ah ee lagu sheego carab ama Itoobiyaan. Kaba sii darane, qaar baa qoray inuu ahaa wacal ay kala dhaleen dhillo Soomaaliyeed iyo baadari Amxaara……aflagaadadaas waxay u dhigantaa:  ‘libaax halgaadna lala gaari waa, habaarna wax looga qaadi waa”.  Kuwaan dambe waxay dilayaan sumacaddiisa iyo inaysan Soomaali aheyn qaran heybtiisa u taagnaa ama u istaagi kara. Waxaa kaloo caawinaya dicaayadda shisheeyaha jifaajiriqsiga qabiiliga ah ee S/liyeed ee kala jiidaanaya dhalashadii halyeygaas gundhigga u ah waddaniyadda S/liyeed guud ahaan. Wuxuu ka weynaa hal qolo, balse wuxuu ka weynaa qawmiyadda Soomaaliyeed idilkeed. Wuxuu la meel yahay ragga sida; Salaaxudiin Al-Ayuubi. Haddiise loo buko in la ogaado qoladiisa S/liyeed, intaan muran aan xujo laheyn lagu daalin, ma la eego raadkiisii?. In kastoo aan meelna lagu sheegin si toosa jifadiisii, baahi la’aan awgeed, waxaa si weyn loo sheegay xigtadiisii, meeshuu ku dhashay iyo ciddii degganayd. Iyadoo waayahaas xukunka dalku ahaa qaab boqortooyo waxaa si toosa loo sheegay ninkii dhaxlay taladii dalka, isla ninkaas baana dumaalay marwadiisii caanka aheyd. Labadaan qodob oo dambe baa ku filan ogaanshaha qoladiisa S/liyeed.   
 
Si kastaba ha ahaatee,  wuxuu ku matalay carab Fiqiih ciidankii Abasiiniya ee goobtii Shimbira Kore biyo daada oo rogmaanaaya ama sidii ayax geeddiya oo kale, wuxuuna Axmad mar u dhawaaqay ciidankiisii, isagoo leh; “ha fiirinnina ciidanka cadawga ee dhulka fiiriya”. Malaha wuxuu ka yaabay in tiradooda awgeed ay cabsi gasho raggiisii.  Si kastoo ay aheyd waxaa guushii raacday ciidammadii Soomaaliyeed.Waxaa dagaalku bilawday barqadii waxayna Abasiiniyiintu dhabarka jeedsheen casarkii, ilaa habeynkiina firirikoodii baa la ugaarsanaayey.Waxay goobtaasi noqotay bartii kala-rogmadka guushii Soomaaliyeed iyo jabkii weynaa ee Abasiiniya. Waxaa halkaas lagu qurjaray madax badan oo Xabashi ah.

 Waxay aheyd goobtii labaad ee sida dhammeyska ah loogu quusiyey Abasiiniya goobtii Amba Sel oo ku aaddaneyd 28kii Okt. 1531dii. Waxay aheyd goobtii u dambeysay oo ciidan Abasiiniya ahi u istaako isdifaac illinada Aqsum, waana lagu jabiyey. Imam Axmad wuxuu cagta marshay dhammaan xoogaggii Abasiiniya oo idil, 7 duullaan oo calculus iyo 3 olole oo waaweyn ka dib,  wuxuu dhammeystiray furashadii Abasiiniya sannadkii 1535tii.


 Markii la dilay boqorkii Lebna Dengel ee is maahuurin jiray waxaa dhaxalkiisii qaatay wiilkiisii Gawaldewos oo noqday sidii burcad, kuna dhuumaaleysta buuraha Amxaara, ka dib markii la jaray dhammaan raggiisii. Waxaa la wariyey in ciidankii u haray markaas uu ahaa 70 askari oo kaliya.

Aragtida masiixiga ah ee ku saabsan dh/dhaqaaqii Furashada Xabashida ee Axmad-Gurey looyaamiyey ee oraneysa inuu ahaa mid diini ah oo mutuxan ama ahaa dhulfidsi, gar maaha, waayo Axmad wuxuu la koray colaad soo jireen aheyd oo Abasiiniya bilawday, mar walbana dhulfidsi ku jirtay. Wuxuu marag u ahaa weeraradii ba’naa ee Abasiiniya ee dalkiisa iyo darxumadii la baday dadkiisii. Isaga laf ahaantiisu bilawgii wuxuu ahaa askari ka mida ciidankii Garaad Aabuun, wuxuuna soo galay dagaallo lala galay Abasiiniya oo uu ku soo caanbaxay. Sidaas darteed, olalihii weynaa ee Axmad Ibraahim Garaad wuxuu ku qotomay is-difaac. Waxaa kaloo daliil u noqon kara arrintaas, inuu ku ekeeyay markii hore ololayaashiisii dhulalkii koonfureed ee ay degganaayeen dadyowgii muslinka ahaa ee hore loo qabsaday.

Ninka la yiraahdo Paul B. Henz wuxuu qoray in qof kastoo masiixiya oo  deggan dalcadaha Itoobiya uu dhageystay yaraantiisii sheekooyinkii Gurey. Wuxuu isna boqor Xayle Salaase ku qoray Xusuus-Qorkiisii “ waxaan marar badan la kulmay reer tuulaad deggan Waqooyiga Itoobiya oo tilmaamaya meelihii ahaa magaalooyin, qalcado iyo mawlacyo uu burburiyey Gurey. Markay tilmaamayaan waxaad mooddaa in arrimahaasi dhaceen shalay”.

Raggaasi, marna ma ay xusin inta qolo S/liyeed ee ay Abasiiniya liqday oo aan maanta qofna laga hayn, ma ay xusin inta qolo S/liyeed laan aheyd oo maanta qoysas ka joogaan, ma ay xusin inta magaalo cammirrayd oo ay boqorradii Xabashidu burburiyeen oo aan maanta hal guri ka taagneyn. Ma ay xusin inta hanti nool iyo mood leh oo ay boobeen.  Ma ay xusin inta gobol oo ay furteen, una qaateen lahaansho abida.
Waxaa yaab leh, waxaa la hirgashay in Soomaali dhulfidsi ku jirtay oo iyadu aheyd tii is fidineysay, halka ay iyadu aheyd tii la riixaayey oo la cabburinaayey.