Friday, February 21, 2014

Jimcihii Murugada (Baroordiiq)




Maanta oo ah 21-kii Febarwary, 2014-ka waxaa la soo tebiyay geeridii naxdinta badnayd ee Maxammuud Xirsi Cabdulle (Indhacase). Gawracatadii u heellanayd gumaadka iyo gabagabaynta ummadda Soomaaliyeed waxay maantana na weysiiyeen nin door waxtar u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa. Waxay na weysiiyeen aqoon-yahan dadaal badnaa. Gurigood ha ba’ee, waxay indhaha ka rideen ummad dhan oo uu hanadkaasi wax u ifin jiray. Gablamooyin, waxay gucun siibeen unuggii wanaagga iyo waxa-san.

In kastoo geeridu tahay midaan la gees marin karin, tahayna gunaanadka noole oo idil, in kastoo dadku xagga Eebbe ka yahay simane, haddana aadane ahaan noo kala door roon oo noo kala waxtarsan. Inteenna markaas noolna, qofkii wax-ku-ool ah oo naga baxaa wuxuu nagu yahay gamuun wadnaha nooga dhacay oo na naafeeyay. Taas dambe awgeed baan la gubanaynnaa oo la baroor diiqaynnaa.

Waxaan la sii guhaadoonaynnaa sida hoosaasinta leh ee uu nooga baxay nin doorkaasi. Bal eega xaruntii madaxtooyada oo la rabay inay noqoto meel ka gaashaaman weerar kasta baa si fudud loo soo haluushay oo dhexdeedii lagu warjaafay dadkii. Bal eega sida nacasnimada leh ee aan looga diyaar garoobin cadawga hareeraha jooga. Bal eega dawladnimada iyo madaxnimada aan tayada innaba lahayn oo dadkii lagu hoday.

Wasiir ku-sheegga Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa dhacdadaas xanuunka badan kadib yiri; duullaankaasi waa fashilmay, mas’uul dawladda ah oo ku dhintayna ma jiro. Marka uu saas leeyahay ma warmoogaa? Mise mas’uul wuxuu yaqaan hadba kii isaga jaadkiisa tayada xun ah?. Hadduusan sawirkaasi aqoon Indhacase, ha ogaado in uu  meesha ku baxay nin ka sarreeyay 100 noociisa ah, kana samo badnaa, kana lihiin roonaa.

Dhanka kale ee aan mar walba ku celceliyo waa; in laga quustaa dawladnimo Muqdishowda maanta ka dhalata, waana in aan lagu hodmin walalacda beenta ah ee darteed maalin walba na weysiinaysa xubnaheennii noogu waxtarsanaa. Haddii aannaan wax ku qaadan tan maanta dhacday iyo kuwii ka horreeyayba, sow ka liidan maynno lo’ –duurtii ama gisidii markii bahalku mid kala haraba iska buuflayn jirtay oo aan wax isbeddel ah samayn jirin. Show iyadaaba na dhaanta, illeyn wayba diddaaye!

Allaha haw naxariisto Maxammuud Xirsi Cabdulle

No comments:

Post a Comment