Friday, February 14, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.5aad

Milicsiga Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya.. Q. 5aad

Gurmadyadii Burtiqiiska iyo Dilkii Christophe De Gama
Markii ay dhabowday burburintii Abasiiniya ee Imaam Axmad Ibraahim, wuxuu haraagii Xabashidu qeylodhaan u diray xooggii waagaas ugu itaal roonaa Reer Yurub waa Burtiqiiska e. Waxaa dhambaal-side ka ahaa qeylodhaanta John Bermudez oo ay Xabashidu ka dhigatay duq sare oo xagga diinta ah "Patriach". Waxaa kaloo ugu baaqay dawladdii Burtiqiiska inay u gurmato Abasiiniya, Wadaadkii Sare ee Masiixiyadda waa Boobkiiye.

Haddaba bishii labaad ee sannadkii 1541dii baa waxaa ka soo dagay Musawac oo ku taal Badda Cas ciidan xooggan oo uu hoggaaminaayay Christopher De Gama oo uu dhalay badmareenkii Vasco De Gama, ahaana sarkaal sare. Waxaa duullaankii sii raacay labo nin oo kala ahaa; John Bermudez iyo Miguel De Castanhose, iyaagana sidaan u soo warramay:

Waxay ciidammadii doolka ahaa iyo kuwii Imaamku ku kulmeen meesha la yiraahdo Jarti ee u dhexaysay Anasa iyo Harada Ashinge 16kii Abriil, 1542dii.
Wuxuu yiri Kastanhose; Boqorkii Saylac oo wata ciidan fardooleey ah oo ilaa 300 ah iyo koox ciidan luga baa soo fuulay buur noo dhaweyd iyagoo na kor meeraayay. Waxay ciidammadaasi siteen seddex calan; labo cadcad oo ay ku sawiran yihiin dhawr dayax oo gudguduudan iyo mid guduudan oo leh dayax cad, calammadaasina mar walba waa wehelin jireen, waxayna u ahaayeen astaan lagu garto. Kadib markii labadii col is dhaafsadeen farriimo isna dul meereen baa De Gama bilaabay weerar, isla markaasna wuxuu waabiyay weerarro is daba joog ahaa oo ka imaanaayay dhankii Soomaalida. Intii uu socday mid ka mid ahaa weerarradii la is dhaafsanaayay baa xabbad wiifto ah ku dhacday Imaam Axmad, markaas kadibna ciidammadiisii dhabarkay jeediyeen, hase yeeshee, waxay isku aruursadeen daanta, dhinaca kale ee wabiga. Maalmihii xigay waxaa la soo xoojinaayay ciidammadii Imaamka. De Gama markuu qiiimeeyay xaaladda wuxuu go'aansaday inuu weerar qaado, wuxuuna ciidankiisii u habaysnaa qaabkii Afar Geesta (tab dagaal oo hore) wuxuuna bilaabay weerar. In kastoo ciidammadii Soomaalidu si daran u dagaallameen, haddana baaruuddii madaafiicda ee Burtiqiiska baa fardahoodii ku qaloodeen wayn dideen. Wuxuu Kastanhose ku calaacalay; haddaan markaas haysan lahayn ilaa 100 nin oo fardooleey ah, waxaan gaari lahayn guul dhammaystiran.

Wuxuu De Gama ka helay gurmad Bahar Negus Yishaq oo ahaa guddoomiyihii gobolkii Bahar Medir (Ge'ez) ee Tigreega. Yishaq wuxuu ka mid ahaa tiro yarayd oo wali daacad u ahayd Imbaraadoorkii Abasiiniya ee la jabiyay, halka in badan ku caasiyeen intuu socday Ololihii Weynaa ee Axmad-Gurey.

Gaashaanbuurtii waxay u kaceen dhankii koofureed oo ahayd halkii ciidammadii Soomaalidu u gurteen. Toban cisho kadib buu muuqday saldhiggoodii, waxaase baajiyay weerar la qaado xilligii roobka oo bilawday, wuxuuna De Gama qaatay taladii habartii laga dilay Lebna Dengel ee ahayd Sabla Wingil, taas oo ku talisay in la dego xilli-roobeedkaan meesha la yiraahdo Wofla oo ka tirsanayd dhulka Tigreega, halka Imaam Axmad degay buurtii la oran jiray Soobil.

Sida ay ku warrameen nimankii Burtiqiiska ahaa ee ciidankooda la socday, Imaam Axmad-Gurey wuxuu gartay in guusha dagaalku ku xiran tahay hubka la kala wato, asagoo garwaaqsaday hubka culus oo Burtaqiisku watay. Wuxuu markaas kadib ka codsaday walaalihiisii muslinka ahaa gurmad.

Haddaba sida uu xusay nin la oran jiray Abbi Joshim Li Grand; waxaa Imaamkii soo gaaray ilaa 2000 oo qori oo Muskeeti ahaa iyo 900 oo nin oo ciidammadii Cusmaaniyiinta ka mid ahaa. Markuu helay taakulayntaas wuxuu weerar culus ku soo qaaday saldhiggii ciidammadii Burtaqiiska dhammaantoodna goobtaas buu ku laayay, aan ka ahayn 140 nin oo markaas habartii Sabla Wingil meel kale ku ilaalinaayay. Waxaa si xun loo dhaawacay Da Gama, wuxuuna ku dhuuntay kaymaha isagoo ay weheliyaan tobaneeyo nin, waxaase soo helay koox ilaalo ahayd oo ka tirsanayd ciidankii Imaamka, waxayna u soo taxaabeen bartii taliska ee Imaamka. Markii la horkeenay Imaam Axmad, waxaa lagu yiri haddii aad islaamka rumayso waa lagu badbaadinayaa, asna wuxuu ku jawaabay: " la ii ma soo dirin si aan diintiinna u qaato ee waxaa la ii soo diray si aan idiin la dagaallamo", kadibna goobtii baa isaga iyo intii la socotayba lagu jaray.





No comments:

Post a Comment