Thursday, February 20, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida Iyo Abasiiniya...Q.6aad

Geeridii Imaam Axmad-Gureey:

Haraagii ciidammadii Burtiqiiska iyo ciidammadii Imbaraadoor Gilawdiwoos ee dhuumaalaysiga ku jiray baa is aruursaday, iyagoo soo gurtay saanaddii iyo sahaydii u hartay ciidammadii Burtiqiiska ee la jabiyay. Waxay isaga hor yimaadeen is-bahaysigii iyo ciidammadii Soomaalida ee Axmad-Gureey hoggaaminaayay meeshii la oran jiray Wayne-Daga 21kii Abriil, 1543dii. Goobtaas dagaal buu ku shihiiday Imaam Axmad, kadib, markii ay haleeshay xabbad uu colkii Burtiqiisku ka soo riday qorigii la oran Muskeeti. Sida ay ku warrameen wariyaashii Burtiqiisku, markii hore Imaamku wuu dhacmay, wuxuuna u dhintay dhaawacaas.

Waxay kaloo ku warrameen war-tabiyaashii Burtiqiisku; Imaam Axmad, markii uu si weyn uga guulaystay xooggii Burtiqiiska, badi askartoodiina uu laayay wuxuu yareeyay tiradii ciidankii Cusmaaniyiinta ee gurmadka ahaa, wuxuuna ka soo reebay ilaa 200 oo nin. Isla markaasna wuxuu go'aansaday in inta lagu jiro xilliga roobka uu waabto meeshii la oran jiray Imfraas oo u dhaweyd Harada Tana.

Sida ay sheegeen wariyaashii la socday colkii Burtiqiisku, waxaa aad u calool xumaaday askartii Burtiqiiska kadib markii la dilay taliyahoodii, lana jaray badi ciidankoodii, waxayna go'aansadeen inay dhintaan ama u aaraan De Gama iyo raggiisii. Sidaas darteed, waxay markii horaba ku dareen ilaa 50 nin habartii Sabla Wingil waxaana lagu qariyay buurtii Yuhuudda ee ku tiil Amba Seel. 

Gaashaan-buurtii waxay ku jabiyeen ciidan fardooleey ahaa oo Soomaali ah Wogiira 13kii Bishii Labaad, 1543dii, waxayna goobtaas ku dileen Sayid Maxammad oo ahaa hoggaamiyihii ciidankaas. Kadib wxay g/buurtii u guratay dhankii ciidammadii Imaamku fadhiyeen, markay gaareen aaggiina meel u dhow bay ka waab samaysteen. Galawdiswoos wuxuu ka maagtay in weerar la qaado isagoo ka dhur sugaayay 50kii nin ee ku maqnaa habartii Sabla Wingil. Wuxuu Castanhose xusay in 50-kaas nin ka waxtarsanayeen 1000 nin oo ka mid ahaa Malleeshiyadii Xabashida ee uruuriska ahayd.

Ciidammadii G/buurtu waxay awoodeen inay gooyaan dhabbayaashii sahaydu u soo maraysay ciidammadii Imaam Axmad, laakiin ciidankii Imaamku wuxuu dilay taliyihii ciidammadii Xabashida oo la oran jiray Asimaaj Kiflo. Markii la dilay Xabashigaas bay ku sigteen in ciidammadii kala yaacaan. Sidaas darteed buu Galawdiwoos go'aansaday in weerar la qaado, sidaas bayna ku bilaabatay goobtii dagaal ee Wayne-Daga. Bilawgii dagaalka waxaa la jabiyay G/buurtii Xabashida iyo Burtiqiiska, waxaase kala firdhiyay xooggii Soomaalida ciidan Fardooleey ahaa oo G/buurtu lahayd. Waxaa markaas kadib, duullaan soo qaaday ciidan uu hoggaaminaayo Imaam Axmad laf ahaantiisii iyo wiil uu dhalay oo ka dhinac dagaallamaayay, waana markaan marka xabbaddu ka haleeshay Imaamka xabadka/shafka.

Wariyaashii Burtiqiisku siyaalo kala duwan bay u sheegeen qaabkii uu Imaamku u shihiiday, Castanhose wuxuu ku celceliyay in dableydii Burtiqiisku aqoonsaday Imaamka kadibna ay dabkoodii ku kulmiyeen, sidaasna ay xabbaddu ku haleeshay halyeygii weynaa.  

Ninkii la oran jiray John Bermudez isagu wuxuu yiri; John/kii Kastiillo baa markuu arkay Imaamka oo dagaallamaya is madax maray kadibna isku sii daayay dhankii Imaamka, waxaase isla markiiba dilay raggii Imaamka. Markaas kadib buu yiri Bermudez waxay dableydii Burtiqiisku ku wada shiisheen qoryahoodii oo dhan Imaam Axmad.

Waxaa kaloo jirtay sheeko la wariyay, sida lagu tiraabayna; wuxuu Galadiwoos ballan qaaday in uu walaashi siin doono ninkii soo dila Imaam Axmad, madaxiisana u keena. Waxaa markaas kadib keenay madaxii Imaamka askari Xabashi ah, waase lagu diiday sheegashadiisii, sababta oo ahayd baa la yiri, Imaamku dhaawac buu ahaa markuu Xabashigu dul tagay. Sidaas darteed, naagtii la ballan qaaday lama bixin.

Sida ay ku warrameen nimankii Burtiqiiska ahaa ee ka sheekeeyay dhacdadii uu ku shihiiday Imaam Axmad Ibraahim; waxaa goobtii dagaalka ka baxday marwadii Imaamka ee la oran jiray Batuula Dal-wada-Mara oo ay la socdeen ilaa 40 dableey ah, waxayna aadeen Harar, laakiin waxaa goobtii lagu qabtay wiil ay dhashay oo la oran jiray Maxammad. Waxay kaloo nimankaasi sheegeen in markii la dilay Imaam Axmad, uu ciidankiisii niyad jabay kana gurtay goobtii dagaalka ee Weyna-Daga.




No comments:

Post a Comment