Friday, February 7, 2014

Loollammadii Badnaa ee Soomaalida iyo Abasiiniya Q.4aad

MILICSIGA LOOLLAMMADII BADNAA  EE
SOOMAALIDA IYO ABASIINIYA Q.4aad
 
 
DIB-U-HABEYNTII DALKA IYO KACAANKII AXMAD-GUREY
Dalkii waxaa ka dhacay dagaal sokeeye, qalalaase iyo kala- qeybsanaan. Qoyskii Wali Asmac ee talada hayey oo ay taageersan yihiin badi qolooyinkii Soomaaliyeed waxay noqdeen dhinac u janjeera sidii dhaqanku ahaan jiray. Dhinac kale waxaa noqday garaadyo dagaalyahanna ah iyo amiirro ciidanka ah. Kuwaan dambe oo lagu sheegay magacyo badan sid; Askar-Baxar, Malasay, Heegan iyo Geesi waxay hoggaansheen dhaqdhaqaaq kacaana. Seddex wiil oo uu dhalay Suldaan Maxammad baa midba markiisa ugu jiray loollan ka-dhan ahaa mucaaradkii. Waxay dagaallamaanba waxaa taladii la wareegay Garaad Aabuun (1520-25), wuxuu sameeyay dib-u-heshiisiin, wuxuuna taladii la wadaagay Suldaan Abuu Bakar. 

Wuxuu Carab-Fiqiih oo qoray buuggii Furashada Xabashida xusay in xilligaan dambe uu dalkii Awdal noqday mid qasan, musuqmaasuq, burcad-jideed iyo falal kaloo xunxunba ay ku bateen. Xubnihii qaddarinta bulshada ku lahaa waxay marar badan isku dayeen dhexdhexaadin. Kala-aammin -baxii dhinacyadii is hayey awgeed wax qabsoomay ma jirin.

Iyadoo xaaladda dalku murugsan tahay baa waxaa ka dhex muuqday bulshadii wiil dhallinyaro ah oo la oran jiray Axmad Ibraahim Garaad oo ka soo jeeday galbeedka Harar. Axmad wuxuu hoggaanshay kacdoon ka-dhan ahaa taliskii suldaankii dalka sannadkii 1526kii. Ka dib markuu la galay dagaallo badan suldaankii iyo taageerayaashiisii, ugu dambeyn wuxuu guuleystay sannadkii 1527kii. Kooxdii kacaanka dhalisay ma ay rabin jagada suldaanka, balse waxay doonayeen jago si toosa ula falgelaysay ka-hortaggii Abasiiniya. Jagadaas oo laga dilay Garaad Maxfuud. Jagadii suldaannimada waxay u daayeen Abuu Bakarkii la dilay walaalki Cumardiin. Si kastoo ay aheyd inta badan taladii dalka waxay gacanta u gashay Imaam Axmad Ibraahim (Gurey). Waxaa mansabka imaamnimada u doortay culamadii Harar.  Axmad-Gurey isku heyb ma aheyn qoyskii talada kala dhaxli jiray ee Reer Wali Asmac, waxayse ahaayeen tol guud. Axmad wuxuu guursaday gabadhii kartida badneyd ee Garaad Maxfuudkii la dilay. Gabadhaas oo loo qoray magaceeda Bati Del Wadambra, waxay u egtahay inuu magacuu ahaa Batuula Dal-Wada-Mara. Waxay wacad kula gashay Axmad inuu u aaro aabbaheed. Waxay gabadhaas caan ku aheyd iyadoon ka hari jirin colalka. Waxay guubaabo la daba taagneyd ciidammadii Soomaalida. Waxaa dhici jirtay in la xanbaaro markay socon kari weydo.
 
Abasiiniyiintu waxay sheedda ka daawanaayeen dhacdooyinkii siyaasadeed ee Awdal, kamana gaabin inay ka faa’iideystaan. Waxay labo weerar oo daran ku qaadeen degmooyin ahaa galbeedka Harar, halkaas oo ay hanti badan ka dhaceen.

Dhibabkii uu keenay dagaalkii sokeeye iyo weerarradii Xabashida ee cuslaa waxay abuureen jawi soo dhaweenaayey isbeddel cusub iyo hoggaamin cusub. Axmad wuxuu ahaa inan ku habboonaa xaaladdii dalku ku sugnaa. In kastoo uu ahaa inan da’ yar, abuurtiisii gaarka aheyd iyo dadnimmadiisii baa horseedday inuu noqdo hoggaamiye mideeya dadkiisii.

Wuxuu dib-u-habeyn xooggan ku sameeyay ciidankii iyo hab-maamuleedkii dalka. Xeeladaha dagaal ee uu soo kordhiyay waxaa ka mid ahaa: waayihii hore Soomaalidu difaac kama geli jirin meelaha ay xoreeyaan. Wuxuu Imaam Axmad baddalay arrintaas, wuxuuna meel walboo la qabto u yeelay ciidan difaaca, kuna sugnaada goobtaas. Waxaa la illaaway khilaafyadii hore, waxayna xitaa xubno ka mid ahaa dhinacyadii ka-dhanka ahaa noqdeen taageerayaashiisii ugu adkaa. Wuxuu isku wareejiyey saraakiil, garaaddo iyo dagaalyahanno lagu kalsoonaa.
 
Marka loo eego ciidammadii Abasiiniya, wuxuu ciidankiisu ahaa mid kooban, wuxuuse ahaa ciidan ay ka go’neyd guul ama geeri janno lagu gaaro. Asagoo hoggaaminaaya ciidammadaas Soomaaliyeed ee niyadda sare ku dagaalamaayey buu bilaabay 1527kii dagaal jihaada oo aan hore loo arag. Wuxuu dhabarka ka jabiyey awooddii ciidan ee Abasiiniya bishii Maaris 1529kii. Maalintaas waxaa dhacday goobtii dagaal ee weyneyd ee Shimbira kore. Goobtaasi waxay 40 mayl ka xigtay buurta Etotto (halka maanta ay Addis Ababa tahay) dhanka Koonfur-Bari.

Waxaa goobtaas Abasiiniyiinta hoggaamminaayey boqorkii Dawit II ama Lebna Dangel ee doolka ahaa, laguna koolkoolin jiray ambasa seged oo macnaheedu yahay ‘kii libaaxyadu isu hoogaamin jireen”. Dagaalkii goobtaas ka dhacay oo la oran karo waa kii taariikhda, dagaal dhex mara Soomaali iyo Abasiiniya ugu darraa, Waxaa la wariyey in ciidanka Soomaalidu ahaa ilaa 12,000 oo nin oo luga iyo 560 fardooley ah, waxaana uga dhintay ilaa 5,000 oo nin. Dhanka Abasiiniya tiradu waxay aheyd in dhan toban jibbaar tiradii Soomaalida, waxaana uga dhintay ilaa 10,000 oo nin. Waxaa si qeexan uga warramay Shihaabudiin Axmad Bin Cabdulqaadir oo lagu naaneysi jiray Carab Fiqiih, dhalasho ahaanna ahaa Yamani, goobjoogna ka ahaa dagaallo badan,  qoreynna buugga Fatuux Al-Xabasha.
 
Imaam Axmad wuxuu u diyaariyey ciidankiisii goobtii Shimbare Kore sidatan: wuxuu dhinaca midig xijiyey beesha Xarle Koombe, dhinaca bidix wuxuu ku aaddiyey qolooyinka kala ah: Geri Koombe, Marreexaan, Yabarre (Madigaan), Harti oo ahaa dadkii reer Mayd, Jiraan Koombe, qolada Masaar iyo Barsuub’, mid walbana waxaa hoggaaminaayey garaadkoodii,  dhexdana wuxuu u soocay rag xooggan oo ku caan ahaa dagaalyahannimo, asagaana kooxdaas hoggaamiyey…..fiirri bogga 76aad ee "the conquest of Abyssinia".
Sannadkii xigay dagaalkii Shimbira Kore waxaa dagaalladii soo galay qolooyinka Gurgure, Habar Magaadleey, Bartire, Hawiye iyo Gaatur.
 
Waxaan halkaan ugu xusnay qolooyinka S/liyeed ee ka qeybgalay dagaalkaas, si aan u muujinno inuusan islaan ku dhammeyn meesha ee Soomaali oo kaliya ay dhinca islaanka ka soo jeedday. Waayo dalladda Soomaali waxaa harsada qolooyin midoobay, xuska doorkay taariikhda ku lahaayeenna waxay taageeraysaa sheegashada S/liyeed guud ahaan.  


Abaabulkii ciidammada, guubaabooyinkii badnaa, dh/dhexaadintii qolooyinkii S/liyeed, u-ergeyntii reeraha S/liyeed iyo ducooyinkii Axmad- Guray, waxay muujinayaan inuu ahaa Soomaali dhalad ah. Taas oo beeneynasa wararka kutiri-kuteenka ah ee lagu sheego carab ama Itoobiyaan. Kaba sii darane, qaar baa qoray inuu ahaa wacal ay kala dhaleen dhillo Soomaaliyeed iyo baadari Amxaara……aflagaadadaas waxay u dhigantaa:  ‘libaax halgaadna lala gaari waa, habaarna wax looga qaadi waa”.  Kuwaan dambe waxay dilayaan sumacaddiisa iyo inaysan Soomaali aheyn qaran heybtiisa u taagnaa ama u istaagi kara. Waxaa kaloo caawinaya dicaayadda shisheeyaha jifaajiriqsiga qabiiliga ah ee S/liyeed ee kala jiidaanaya dhalashadii halyeygaas gundhigga u ah waddaniyadda S/liyeed guud ahaan. Wuxuu ka weynaa hal qolo, balse wuxuu ka weynaa qawmiyadda Soomaaliyeed idilkeed. Wuxuu la meel yahay ragga sida; Salaaxudiin Al-Ayuubi. Haddiise loo buko in la ogaado qoladiisa S/liyeed, intaan muran aan xujo laheyn lagu daalin, ma la eego raadkiisii?. In kastoo aan meelna lagu sheegin si toosa jifadiisii, baahi la’aan awgeed, waxaa si weyn loo sheegay xigtadiisii, meeshuu ku dhashay iyo ciddii degganayd. Iyadoo waayahaas xukunka dalku ahaa qaab boqortooyo waxaa si toosa loo sheegay ninkii dhaxlay taladii dalka, isla ninkaas baana dumaalay marwadiisii caanka aheyd. Labadaan qodob oo dambe baa ku filan ogaanshaha qoladiisa S/liyeed.   
 
Si kastaba ha ahaatee,  wuxuu ku matalay carab Fiqiih ciidankii Abasiiniya ee goobtii Shimbira Kore biyo daada oo rogmaanaaya ama sidii ayax geeddiya oo kale, wuxuuna Axmad mar u dhawaaqay ciidankiisii, isagoo leh; “ha fiirinnina ciidanka cadawga ee dhulka fiiriya”. Malaha wuxuu ka yaabay in tiradooda awgeed ay cabsi gasho raggiisii.  Si kastoo ay aheyd waxaa guushii raacday ciidammadii Soomaaliyeed.Waxaa dagaalku bilawday barqadii waxayna Abasiiniyiintu dhabarka jeedsheen casarkii, ilaa habeynkiina firirikoodii baa la ugaarsanaayey.Waxay goobtaasi noqotay bartii kala-rogmadka guushii Soomaaliyeed iyo jabkii weynaa ee Abasiiniya. Waxaa halkaas lagu qurjaray madax badan oo Xabashi ah.

 Waxay aheyd goobtii labaad ee sida dhammeyska ah loogu quusiyey Abasiiniya goobtii Amba Sel oo ku aaddaneyd 28kii Okt. 1531dii. Waxay aheyd goobtii u dambeysay oo ciidan Abasiiniya ahi u istaako isdifaac illinada Aqsum, waana lagu jabiyey. Imam Axmad wuxuu cagta marshay dhammaan xoogaggii Abasiiniya oo idil, 7 duullaan oo calculus iyo 3 olole oo waaweyn ka dib,  wuxuu dhammeystiray furashadii Abasiiniya sannadkii 1535tii.


 Markii la dilay boqorkii Lebna Dengel ee is maahuurin jiray waxaa dhaxalkiisii qaatay wiilkiisii Gawaldewos oo noqday sidii burcad, kuna dhuumaaleysta buuraha Amxaara, ka dib markii la jaray dhammaan raggiisii. Waxaa la wariyey in ciidankii u haray markaas uu ahaa 70 askari oo kaliya.

Aragtida masiixiga ah ee ku saabsan dh/dhaqaaqii Furashada Xabashida ee Axmad-Gurey looyaamiyey ee oraneysa inuu ahaa mid diini ah oo mutuxan ama ahaa dhulfidsi, gar maaha, waayo Axmad wuxuu la koray colaad soo jireen aheyd oo Abasiiniya bilawday, mar walbana dhulfidsi ku jirtay. Wuxuu marag u ahaa weeraradii ba’naa ee Abasiiniya ee dalkiisa iyo darxumadii la baday dadkiisii. Isaga laf ahaantiisu bilawgii wuxuu ahaa askari ka mida ciidankii Garaad Aabuun, wuxuuna soo galay dagaallo lala galay Abasiiniya oo uu ku soo caanbaxay. Sidaas darteed, olalihii weynaa ee Axmad Ibraahim Garaad wuxuu ku qotomay is-difaac. Waxaa kaloo daliil u noqon kara arrintaas, inuu ku ekeeyay markii hore ololayaashiisii dhulalkii koonfureed ee ay degganaayeen dadyowgii muslinka ahaa ee hore loo qabsaday.

Ninka la yiraahdo Paul B. Henz wuxuu qoray in qof kastoo masiixiya oo  deggan dalcadaha Itoobiya uu dhageystay yaraantiisii sheekooyinkii Gurey. Wuxuu isna boqor Xayle Salaase ku qoray Xusuus-Qorkiisii “ waxaan marar badan la kulmay reer tuulaad deggan Waqooyiga Itoobiya oo tilmaamaya meelihii ahaa magaalooyin, qalcado iyo mawlacyo uu burburiyey Gurey. Markay tilmaamayaan waxaad mooddaa in arrimahaasi dhaceen shalay”.

Raggaasi, marna ma ay xusin inta qolo S/liyeed ee ay Abasiiniya liqday oo aan maanta qofna laga hayn, ma ay xusin inta qolo S/liyeed laan aheyd oo maanta qoysas ka joogaan, ma ay xusin inta magaalo cammirrayd oo ay boqorradii Xabashidu burburiyeen oo aan maanta hal guri ka taagneyn. Ma ay xusin inta hanti nool iyo mood leh oo ay boobeen.  Ma ay xusin inta gobol oo ay furteen, una qaateen lahaansho abida.
Waxaa yaab leh, waxaa la hirgashay in Soomaali dhulfidsi ku jirtay oo iyadu aheyd tii is fidineysay, halka ay iyadu aheyd tii la riixaayey oo la cabburinaayey.
 

No comments:

Post a Comment