Thursday, September 17, 2015

QARANKA SOOMAALIYEED IYO DASTUURKA CUSUB


Dal kasta wuxuu u baahan yahay sharci lagu agaasimo arrimihiisa, mana dhici karto in dal yeesho habab siyaasadeed oo aan loo dejin xeerar wax lagu sooro.

Dalalka qaatay habka loo yaqaan fedaaralka ee maantana Soomaaliya loo miihaalayo, waxaa mid walba loo jaangooyay xeerar si gaara loogu tixgeliyay abuurta dhulkeeda iyo dadkeeda. Xeerarka la rabo in Soomaali lagu maamulana waa inay ku qotomaan ka-baaraanddeg xeel dheer oo aad loogu fiirsaday siyaalaha iyo meelaha Soomaaliyeed. 

ka dib markaan dulmaray qeybo ka mid ah dastuurka cusub, gaar ahaan meelo aan is leeyahay waa ubucda ama unugga arrimaha Soomaaliyeed ayaan mooday dan wax-ka-dhahooda;

Cutubka 1aad
Q.5aad-Afka Rasmiga ah

(1) Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga oo ka kooban; Maxaa tiri, Maay-arti iyo Carabi sida ku cad jadwalka.

Sida culummada afafku ku qeexeen Af Soomaaligu waa af madaxbannaan oo ka tirsan afafka Reer Xaam kana sii ah kuwa Kuushta Bari, wuxuuna ka mid yahay afafka ugu da' weyn dunida. Waxaa la qoray sannadkii 1972dii, wuxuuna noqday afkii rasmiga ahaa ee Dawladdii JDS. Waxaa kamid ah lahjadihiisa; Maay, Banaadiri, Gobollada Dhexe, Waqooyi, Galbeed, Reer Bari iyo qaar kale.

Afka Carabigu wuxuu ka mid yahay afafka Reer Saam, waxaana ku hadla dad ka badan 300 oo malyan. Afkaasi wuxuu ka ahaa dhaqankii JDS afka labaad ee dalka. Waxaa maanta ku hadla Afka Carabiga dalal badan oo kala leh lahjado, haddana dal walba afkiisa rasmiga ah waa Af Carabiga qoran oo aan wada naqaan. Marna la is ku ma qaldin afka rasmiga ah iyo lahjadihiisa. 

Haddaba, sidee Carabigu u noqon karaa qeyb ka mid ah Af-Soomaaliga? Sideese la isugu maldihii karaa sidii iyagoo is leh?.
Maxaa keenay in lahjadaha Af Soomaaliga la yiraahdo waa qeybo afka kamid ah, miyeysan aheyn is la afkii?

Waxay u eg tahay in afkii waligii ahaa astaanta midnimada Soomaaliyeed, kali ahaantiisa su'aal la geliyay oo sidii wax kastoo kalaba la isugu qabsaday loo muujiyey mid la isku haysto. Haddii sida qumman wax loo wado waa in la yiraahdaa: " Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Af-Soomaaliga, qoraal ahaanna waa kii la dhaqan geliyay 1972dii", dastuurkana laga daayo mugdiga.

Q. 8aad
Muqdisho oo loo yaqaan Xamar waa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamka Magaalo-madaxdu ay ku leedahay qaab-dhismeedka federaalka ee jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

Marka dhinacyo badan laga eego Muqdishow ma noqon karto magaalo-madax. Waxaa habboon in qodobkaan la beddelo oo laga dhigo: " Waxaa xaruntii Dawladda Fedaraalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya loo gartay si ku-meel-gaar ah _____. Markii la dhiso Dawladaha Fedaraalka ayaa waxaa la abuuri doonaa guddi ka kooban dawladihii la dhisay, waxayna soo magacaabi doonaan Xarunta Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana ansixin doona Golaha Barlamaanka ee Dawladaha Fedaraalka". Marka la tixgelinaayo danaha Soomaaliyeed guud ahaan waa in Xaruntu noqoto magaalo ka madaxbannaan dawladaha fedaraalka ah, balse ay noqoto mid leh maamul gaar u ah.

Cutubka 2aad Jinsiyadda
Q. 10-aad
(1) Jinsiyadda Soomaaliyeed waxaa lagu heli karaa dhalasho ama Soomaaliyeyn

Q. 12-aad
(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga jinsiyadda, xaq ayuu leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn.

Waxaa habboon ama tahayba in Q.10-aad sidaan loo qoro: " waxaa jinsiyadda Soomaaliyeed lagu heli karaa dhalasho, waxaana Soomaali ah qof kasta oo ku dhashay Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya, qof kastoo ku dhashay qeybihii Soomaaliyeed ee ay tilmaamaysay Xiddigtii Qaranka Soomaaliyeed iyo qof kastoo ku abtirsida qolooyinka Soomaaliyeed ee dega dagallada Soomaalida meeluu yahayba.

Waxaa kaloo habboon in meesha laga saaro Q.12-aad. Xilligaan ma qummana in lagu daro dastuurka qodob ka hadlaya Soomaaliyeyn, waayo maanta la ma joogo heer aan hanannay dalkeennii iyo arrimihiisii, waxaana qodobkaani horseedi karaa cillado aan la maareyn karin. Waxaa Soomaaliyeynta laga hadli karaa mararka dambe ee dastuurka dib loo eegayo. Waxaa la oggolaaan karaa kaliya degganaansho iyo wakaalasho is la socota, iyadoo qofka shisheeyaha ah la siinayo sharci degitaan hadduu yeesho qof u dhashay dalka oo xilkas ah oo wakiisha una qoolnaan doona xaaladaha la-dajiyaha.

Marka la qeexayo u-dhalashada Dalka Soomaaliya waa in la raacaa habkii soo-jireenka ahaa ee uu dadka Soomaaliyeed isku aqoonsan jiray; wuxuu qofku Soomaali yahay, hadduu yahay ina hebel, hebel, hebel oo reer hebel ah. Waa inaan lagu khaldamin siyaalaha ummadaha kale isku aqoonsadaan. Tusaale ahaan, nin ku dhashay Caabudwaaq, hadduu tago Gedo oo isa sheego, waxaan muran laheyn inuu si toosa uga mid noqonaayo degaankaas. Sidoo kale, nin ku dhashay Wardheer wuxuu xujo la'aan degayaa ama ka talin karaa Puntland. Waxaa tusaale kale ah nin ku dhashay Qallaafe oo qolodiisu deggan tahay Hiiraan si toos ah buu u noqonayaa Reer Hiiraan markuu doono. Nin aabbihi iyo asaguba ku dhasheen Saylac baa madax ka noqon kara Jabuuti. Eegey, u dhalashada dalku ku ma xirnaan meel ee waxay ku xirnaatay abtirsiinyo. Baxaaliga hab-bulsheed ee sooyaalkaa iyo qoondaynta Eebbaa sidaas ahe, miyaa la is qasbayaa?

Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu u qeybsamaa qolooyin, waxaana dhammaanti isku xira seddex xarig:
1- Xigaal: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka aabbaha, waana xarig dheer.
2- Xasabo: xariggaani waa kan abtirsiinyaha dhanka hooyada, waana xarig dheer.
3- Xidid: xariggaani waa kan guurka, waana xarig xoojiya is-haysashada Bulshada Soomaaliyeed aadna u bila wada noolaanteeda.

Waxaa dadka Soomaaliyeed leeyahay dhaqan isu guurguura oo hadba meeshii nolol ka jirto ayuu isugu tagaa, mana lahaan jirin seerayaal kale qoqoba. Kala-oodkii uu ku sameeyay gumaystahana waxaa loo qaatay xeyndaabyo beena ama dhalanteed ah. Xayndaabyadaas baana saldhig u ah dhibabka tirada badan ee maanta haysta ummadda.

Sidaas darteed, Dadka Soomaaliyeed maahan dad kala noolaan kara ama kala maarma. Seeriyaasha lagu qasbayna ma noqon, mana noqon doonaan kuwo hirgala. Haddii Gidaarkii Baarliin kala hayn waayay Dadkii Jarmalka, waa in la ogaadaa inaan lagu kala qoqobi karin Soomaali diillimo shisheeye xarriiqay. Haddaba si arrinta Soomaaliyeed u cagodhigato waa in dhabta hoos loo eegaa.

Friday, September 11, 2015

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

CAABUDWAAQ IYO JIDADKA SOO GALA

Dagaanka
Degmada C/waaq ee maanta xarunta u ah degallada ku meersan waxaa magaalo ahaan la unkay 1959kii. Waxay ahaan jrtay ceel-biyood ilaa muddo aan la aqoon, lagana yaabee in ciiddeeda dhismayaal hore ku duugan yihiin, waayo magaallada Dhabbad ee agteeda ahba waxaa lagu arkay dhismayaal aasan oo waayo hore ah. Waxay qarka u saaran tahay seeraha Kiilka Shanaad ee Itoobiya ee Soomaalidu degto. In kastoo ay tahay magaalo-xoolaad, haddana waxay tahay goob ay soo galaan dhabbayaal badan. Waxaa soo gala dhabbayaasha ka kala yimaada Gobollada Waqooyi ee Barbara dekadda u tahay, Gobollada Bari ee Boosaaso dekadda u tahay, Gobollada Koonfureed ee Muqdishow dekadda u tahay, Gobollada Galbeed oo ah dagaanno aad u ballaaran oo dad badanina deggan yahay iyo kuwo kale.

Jidadka isku dhaafa C/waaq iyo meesiyada la dhaqdo oo aad ugu badan nawaaxigeeda, waxay ka dhigeen magaaladaas ganacsi ahaan mid istaraatiiji ah, intayse jirtay ma helin hawlihii ka miradhalin lahaa meesha ay dhacdo. Waxaa sababaha loo aaneyn karaa arrimahaan;

-     Intay jirtay magaaladu waxaa colaad ba’ani ka aloosnayd dalalka Itoobiya iyo Soomaalia. Colaaddaasi waxay u keentay Reer C/waaq dhiigbax badan oo la oran karo meel kastoo kale oo S/liyeed waa ugu darrayd. Waxaa tusaale  wacan u ah colaadihii sokeeye ee bilaabmay 70-aadkii; waxay jabhadihii u halgamaayay burburintii Dawladdii S/liyeed ee iskaashiga la lahaa Itoobiya xigteysiiyeen dadweynihii ku noolaa aagga C/waaq Dawladdii Dhexe ee S/liyeed. Sidaas darteedna wuxuu degaankaasi noqday yool la wada toogto. Waxaa ugu darnaa gulufyadii dambe ee soo qaaday dhabbayaashii C/waaq tii uu hoggaaminaayey Gen. Maxammad F. Caydiid, waxayna malleeshiyaadkii uu looyaaminaayey sarkaalkaas sare ku qaadeen daaqsatadii danyarta aheyd oo hore ugu daashay colaadihii badnaa, weerarro ba’an oo isdabajoog ahaa iyagoo kaashanaayay hantidii ummaddii S/liyeed oo xoogaggaasi kula wareegeen Muqdishow. Qorshihii malleeshiyaadkaasi wuxuu u muuqday inay rabeen inay ka sifeeyaan dadkii degganaa aagga aan ka hadlaynno. Weerarradaasi waxay wiiqeen noloshii degaanka oo idil.

-     Dagaallada difaaca waxaa inta badan ku luma xubnaha horyaalka ah ee bulshada. Sidaas darteed, weerarradii baaxadda weynaa ee lagu soo qaaday aagga C/waaq waxay galaafteen rag tiro badan oo wada firfircoonaa. Taasina waxay hoos u dhigtay kartidii waxqabadka guud.

-     Colaadihii dheeraaday waxay geyeysiiyeen dadkii degaanku inuu kansho u waayo horumarinta nolosha iyo xubnihii ku firfircoonaa ganacsiga oo ka qaxay degaanka iyo waliba macaashlayaashii haray oo hantidoodii ku dhammaatay isdifaacii badnaa.

-     Dhiillada ballaarina waxay maanrogtaa dadka. Sidaas darteed, waxaa ku dhacay dadkaan ka hadlayno isbeddel xoog leh oo xagga fikirka. Waxaa laga garan karaa arrintaas xubnaha Reer C/waaq meelay joogaanba. Waxaa laga dareemi karaa taxaddar ama shaki badan oo ay ka qabaan dhinac kasta ama qof walba xitaa isla xubnaha dagaankooda. Waxaadna mooddaa inay ka gadmadeen hal-doorradii ku habboonaa hadba waagii la joogo. 

COLAADDA ITOOBIYA IYO SHACABKA S/LI GALBEED
Waxaa dagaanka C/waaq si aada u saameeyay loollanka Shacabka S/li Galbeed kula jiray Gumeystaha Itoobiya, walina si weyn bay u jirtaa saameyntaasi. Waxaa dadka dagaanka hal mar hareereeyay colaadihii sokeeye ee ba’naa iyo tan Itoobiya oo waligeed aan arxan lahayn.
Waxaa dadkaas la soo gudboonaaday inay la saftaan ururrada S/liyeed ee Itoobiya dagaalka kula jira oo kolkaasna dhinac walba col uga yimaado iyo inay colaadda Itoobiya ka gabbadaan, kolkaasna u muuqdaan kuwo gacansaar la leh nacabka taariikhiga ah. Waxaa intaas u weheliya garawsho la’aanta Beelaha S/liyeed ee waayahakan.

URURRADA MAGACA DIINTA EE S/LIYEED
Waxaa dh/dhaqaaq ka sameeyay C/waaq Ururkii magaca diinta watay ee Al-Itixaad Al-Islaami 1990-aadkii, waxaana dadkii dagaanka iyo xubno ururkaasi ahi isku gacansaareen magaalada gudaheeda. Waxay dadkii dagaanku oo khibrad ku yeeshay colaadihii garteen in ururkaas oo bilaabay la-loollanka Itoobiya u keeni karo iyaga tirtirid dhammeystiran.

Markii ay maxkamadihii Muqdishow midoobeen oo haddana si miyir la’aana dhinac walba guluf u saareen, waxaa Reer C/waaq nasiib u heleen madax ka mid ah colalkii maxkamaduhu soo abaabuleen wayna la wareegeen magaaladii. Waxaa isla markiiba dh/dhaqaaq ka dhan ah bilaabay ciidammada Itoobiya oo aan masaafo ahaan fogeyn.

Reer C/waaq oo ku ilhelay dhiillooyinkii badnaa ku ma dhiirran inay halabsadaan ururradii magacyada kale duwan lahaa ee diinta ku halqabsaday. Sidaasi waxay Reer C/waaq u keentay xoogaa xasillooni ah.

SUNNAH WAL JAMAACA
Culimmada Sunnah Wal Jamaacah ee maalmahaan shirku uga socdo C/waaq waa culimmadii dariiqooyinkii Suufiyadda S/liyeed ee soo jireenka ahaa. Waa culimmada loo nisbeeyo baahintii diinta islaanka ee Geeska Afrika. Waxay ahaayeen kuwo mar walba loo hayn jiray xurmo iyo tixgelinba. Waxay ahaayeen kuwo sumco wanaagsan ku dhex leh bulsha-weynta S/liyeed. Waxay ahaayeen kuwo ula dhaqma shacabka si deggan, waxayna muujiyeen dulqaad dhan walba ah. Waxay si xasilloon ula falgaleen dhaqammadii hore ee Kuushta Bari oo dadka S/liyeed asal u ah. Waxay is abaabuleen kadib, markii kooxo diimeedyadii mayilka adkaa xubnahooda ugaarsadeen, tingureenna. Waxay u istaageen is-difaac, waxayna ku guuleysteen inay cudud kula wareegaan Gobolka Galgaduud. Meelahay ka taliyeenna waxay ku soo dabbaaleen xasillooni.

In kastoo aan dadweynuhu ka qalooneyn dhaqammadooda iyo talooyinkooda, haddana waxaa jira arrimo laga walwali karo;

1-  Ururka Sunnaha Wal Jamaacah waxaa ku bahoobay dhammaan dariiqooyinka Suufiyadda S/liyeed, waxaana ka mid ah; Dariiqadda Qaadiriya, Dariiqadda Axmadiya iyo Dariiqadda Saalixiya. Dariiqooyinkaas oo muddo dheer ka hawlagalaayay Geyiga S/liyeed marna ma yeelan fikir mideysan. Marmar waa islaayeen sida Qaaddiriya iyo Saalixiya. Intaan ognahay maanta waxay ku mideysan yihiin is-difaaca oo qura. Haddaba, hadday u hawlgalaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, waxaa suurtogal ah inay laamo u kala jabaan.

2-  Sidaan ka barannay Ururrada S/liyeed jaaday yihiinba, waxaa gabbaad ka dhigta dad leh ujeeddooyin daahsoon sida; kuwo wata dano-qoleed oo annaani ah iyo jago-doon shakhsi ah ama kooxeed ah. Dariiqooyinka suufiyadduna waa ugu nuglaan karaan ururrada dano gaara lagu dhex wadan karo.

3-  Marka uu urur yeesho hannaan siyaasadeed waxaa abuurma ururro col u ah. Sidaas awgeed, waxaa laga yaabaa inuu Ururka Al-Sunnah Wal Jamaacah geliyo dadka degaanka ay u taliyaan dagaallo lagu hoobto.

4-  Iyo kuwo kale.

Maxaa la gudboon Reer C/waaq?
Marka hore, waxaa Reer C/waaq muteysteen ammaan ku beegan martigelinta walaalahooda S/liyeed ee Shirka maalmahaan socday. Marka xiga waxaa ku habboon inay si qoto dheer u fakaraan, sii arkaanna danahooda iyo danaha ummadda S/liyeed guud ahaan, qodobbadaan iyo kuwo la jaadka ahna tixgelin siiyaan;

1- Waa inay sii wadaan siyaasaddooda ku wajahan Itoobiya, kana fogaadaan iskudhac labada dhinac ah. Sababtuuna waa gacalkaa gacamo u waa.

2-  Waa inay ka fogaadaan ururrada hubeysan ee geyiga ka jira. Ururradaasi waxay u keeni karaan dagallada burbur iyo barakac ballaaran oo ay uga bixi karaan dadka aagga C/waaq degaankoo dhan.

3-  Maamul kastoo oo laga sameynaayo aagga waxaa habboon in lagu qotomiyo hababka dhaqanka iyo kuwa maamullada casriga ah oo wadajira. Marna ma habboona in hab-kooxeed maamul lagu dhiso.

4-  Dadka S/liyeed wuxuu u sameysan yahay hab-beeleed. Marka colaadahana habkaas bay u abaabulmaan. Habka nabadda ee saldhig fiican lehina isla sidaas buu ku fariisan karaa. Sidaas darteed, waxaa dawga toosan ee dabiiciga ahi noqonayaa in Dadka aagga C/waaq, markay tahay maamul maxalli ah ka mid noqdaan Dawladda Buuntu “Puntland State”. Qodobkaan oo dadka qaar ka keeni karo muran aan xujo fiican laheyn, waa mid istaraatiiji ah oo door u noqonaaya mustaqbalka C/waaq gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Horumarka Reer C/waaq wuxuu ku jiraa gobollada dekadaha leh.
 
5-  Waa in Reer C/waaq heshiis nabadgelyo la galaan dhammaan beelaha S/liyeed ee walaalaha ah, si markaas dhulkoodu horumar u sameeyo isla markaasna dalkoo dhan xasillooni u helo.

6-   Waayahan dambe, waxaa aad u muuqday kaladambeyn iyo istixgelin la’aan baahsan oo ka dhex muuqda bulshada Reer C/waaq. Waxaa habboon inay arrintaas ka koraan oo yeeshaan qaab talawadaag ah. Waa inay ka koraan qofka ra’yigiisa, lagu weeraraayo oo ay u gudbaan dulqaad iyo talada toosan oo aan la seegin. Waa inay joojiyaan muranka oo u gudbaan hababka doodda suubban.

7-  Waxaan ka barannay Sooyaalka siyaasadda S/liyeed, in hal qof rabitaankiis, danahiisa, dookhiisa, hinaasihiisa iyo jeclaantiisa loo lumiyo deegaan dhan danihiisa. Arrimahaas waa in lagu baraarugsanaadaa, mar walbana dhankii loo guuraayo lagu foodiyaa danaha dagaankoo dhan.

8-  Waxaa marar badan colaadaha qabiiliga ah saldhig u ah daaqa iyo ceelasha. Maadaama xaaladaha degaannadu isdhalan rogayaan, waxaa habboon in degaankaan ka hadlaynno loo sameeyo soohdimo, si markaas ay u sahlanaato maamulka dadka iyo degaanka. Arrintaan dambe waxay dan ugu jirtaa qeybaha degaannadaan mawduuca.

Ugu dambeyn waxaa ku habboon Reer C/waaq inaysan aayahooda cidna ku hallayn. Hadday ka maqnaadaan jaangoynta arrimahoodana waxay noqon doontaa inay masiirkooda ka sugaan gacamaha asaaggood.