CAABUDWAAQ
IYO JIDADKA SOO GALA
Dagaanka
Degmada
C/waaq ee maanta xarunta u ah degallada ku meersan waxaa magaalo ahaan la unkay
1959kii. Waxay ahaan jrtay ceel-biyood ilaa muddo aan la aqoon, lagana yaabee
in ciiddeeda dhismayaal hore ku duugan yihiin, waayo magaallada Dhabbad ee
agteeda ahba waxaa lagu arkay dhismayaal aasan oo waayo hore ah. Waxay qarka u
saaran tahay seeraha Kiilka Shanaad ee Itoobiya ee Soomaalidu degto. In kastoo
ay tahay magaalo-xoolaad, haddana waxay tahay goob ay soo galaan dhabbayaal
badan. Waxaa soo gala dhabbayaasha ka kala yimaada Gobollada Waqooyi ee Barbara
dekadda u tahay, Gobollada Bari ee Boosaaso dekadda u tahay, Gobollada
Koonfureed ee Muqdishow dekadda u tahay, Gobollada Galbeed oo ah dagaanno aad u
ballaaran oo dad badanina deggan yahay iyo kuwo kale.
Jidadka
isku dhaafa C/waaq iyo meesiyada la dhaqdo oo aad ugu badan nawaaxigeeda, waxay
ka dhigeen magaaladaas ganacsi ahaan mid istaraatiiji ah, intayse jirtay ma
helin hawlihii ka miradhalin lahaa meesha ay dhacdo. Waxaa sababaha loo aaneyn karaa arrimahaan;
- Intay jirtay magaaladu waxaa
colaad ba’ani ka aloosnayd dalalka Itoobiya iyo Soomaalia. Colaaddaasi waxay u
keentay Reer C/waaq dhiigbax badan oo la oran
karo meel kastoo kale oo S/liyeed waa ugu darrayd. Waxaa tusaale wacan u ah colaadihii sokeeye ee bilaabmay
70-aadkii; waxay jabhadihii u halgamaayay burburintii Dawladdii S/liyeed ee
iskaashiga la lahaa Itoobiya xigteysiiyeen dadweynihii ku noolaa aagga C/waaq
Dawladdii Dhexe ee S/liyeed. Sidaas darteedna wuxuu degaankaasi noqday yool la
wada toogto. Waxaa ugu darnaa gulufyadii dambe ee soo qaaday dhabbayaashii
C/waaq tii uu hoggaaminaayey Gen. Maxammad
F. Caydiid, waxayna malleeshiyaadkii uu looyaaminaayey sarkaalkaas sare ku
qaadeen daaqsatadii danyarta aheyd oo hore ugu daashay colaadihii badnaa,
weerarro ba’an oo isdabajoog ahaa iyagoo kaashanaayay hantidii ummaddii
S/liyeed oo xoogaggaasi kula wareegeen Muqdishow. Qorshihii malleeshiyaadkaasi wuxuu
u muuqday inay rabeen inay ka sifeeyaan dadkii degganaa aagga aan ka hadlaynno.
Weerarradaasi waxay wiiqeen noloshii degaanka oo idil.
- Dagaallada difaaca waxaa
inta badan ku luma xubnaha horyaalka ah ee bulshada. Sidaas darteed,
weerarradii baaxadda weynaa ee lagu soo qaaday aagga C/waaq waxay galaafteen
rag tiro badan oo wada firfircoonaa. Taasina waxay hoos u dhigtay kartidii
waxqabadka guud.
- Colaadihii dheeraaday waxay
geyeysiiyeen dadkii degaanku inuu kansho u waayo horumarinta nolosha iyo
xubnihii ku firfircoonaa ganacsiga oo ka qaxay degaanka iyo waliba macaashlayaashii
haray oo hantidoodii ku dhammaatay isdifaacii badnaa.
- Dhiillada ballaarina
waxay maanrogtaa dadka. Sidaas darteed, waxaa ku dhacay dadkaan ka hadlayno
isbeddel xoog leh oo xagga fikirka. Waxaa laga garan karaa arrintaas xubnaha
Reer C/waaq meelay joogaanba. Waxaa laga dareemi karaa taxaddar ama shaki badan
oo ay ka qabaan dhinac kasta ama qof walba xitaa isla xubnaha dagaankooda.
Waxaadna mooddaa inay ka gadmadeen hal-doorradii ku habboonaa hadba waagii la joogo.
COLAADDA ITOOBIYA IYO
SHACABKA S/LI GALBEED
Waxaa
dagaanka C/waaq si aada u saameeyay loollanka Shacabka S/li Galbeed kula jiray
Gumeystaha Itoobiya, walina si weyn bay u jirtaa saameyntaasi. Waxaa dadka
dagaanka hal mar hareereeyay colaadihii sokeeye ee ba’naa iyo tan Itoobiya oo
waligeed aan arxan lahayn.
Waxaa
dadkaas la soo gudboonaaday inay la saftaan ururrada S/liyeed ee Itoobiya
dagaalka kula jira oo kolkaasna dhinac walba col uga yimaado iyo inay colaadda
Itoobiya ka gabbadaan, kolkaasna u muuqdaan kuwo gacansaar la leh nacabka
taariikhiga ah. Waxaa intaas u weheliya garawsho la’aanta Beelaha S/liyeed ee
waayahakan.
URURRADA MAGACA DIINTA
EE S/LIYEED
Waxaa
dh/dhaqaaq ka sameeyay C/waaq Ururkii magaca diinta watay ee Al-Itixaad
Al-Islaami 1990-aadkii, waxaana dadkii dagaanka iyo xubno ururkaasi ahi isku gacansaareen
magaalada gudaheeda. Waxay dadkii dagaanku oo khibrad ku yeeshay colaadihii garteen in ururkaas oo bilaabay la-loollanka
Itoobiya u keeni karo iyaga tirtirid dhammeystiran.
Markii
ay maxkamadihii Muqdishow midoobeen oo haddana si miyir la’aana dhinac walba
guluf u saareen, waxaa Reer C/waaq nasiib u heleen madax ka mid ah colalkii
maxkamaduhu soo abaabuleen wayna la wareegeen magaaladii. Waxaa isla markiiba
dh/dhaqaaq ka dhan ah bilaabay ciidammada Itoobiya oo aan masaafo ahaan fogeyn.
Reer
C/waaq oo ku ilhelay dhiillooyinkii badnaa ku ma dhiirran inay halabsadaan ururradii
magacyada kale duwan lahaa ee diinta ku halqabsaday. Sidaasi waxay Reer C/waaq
u keentay xoogaa xasillooni ah.
SUNNAH WAL JAMAACA
Culimmada
Sunnah Wal Jamaacah ee maalmahaan shirku uga socdo C/waaq waa culimmadii
dariiqooyinkii Suufiyadda S/liyeed ee soo jireenka ahaa. Waa culimmada loo
nisbeeyo baahintii diinta islaanka ee Geeska Afrika. Waxay ahaayeen kuwo mar
walba loo hayn jiray xurmo iyo tixgelinba. Waxay ahaayeen kuwo sumco wanaagsan
ku dhex leh bulsha-weynta S/liyeed. Waxay ahaayeen kuwo ula dhaqma shacabka si
deggan, waxayna muujiyeen dulqaad dhan walba ah. Waxay si xasilloon ula
falgaleen dhaqammadii hore ee Kuushta Bari oo dadka S/liyeed asal u ah. Waxay
is abaabuleen kadib, markii kooxo diimeedyadii mayilka adkaa xubnahooda
ugaarsadeen, tingureenna. Waxay u istaageen is-difaac, waxayna ku guuleysteen
inay cudud kula wareegaan Gobolka Galgaduud. Meelahay ka taliyeenna waxay ku
soo dabbaaleen xasillooni.
In
kastoo aan dadweynuhu ka qalooneyn dhaqammadooda iyo talooyinkooda, haddana
waxaa jira arrimo laga walwali karo;
1- Ururka Sunnaha Wal
Jamaacah waxaa ku bahoobay dhammaan dariiqooyinka Suufiyadda S/liyeed, waxaana
ka mid ah; Dariiqadda Qaadiriya, Dariiqadda Axmadiya iyo Dariiqadda Saalixiya.
Dariiqooyinkaas oo muddo dheer ka hawlagalaayay Geyiga S/liyeed marna ma yeelan
fikir mideysan. Marmar waa islaayeen sida Qaaddiriya iyo Saalixiya. Intaan
ognahay maanta waxay ku mideysan yihiin is-difaaca oo qura. Haddaba, hadday u
hawlgalaan arrimaha maamulka iyo siyaasadda, waxaa suurtogal ah inay laamo u
kala jabaan.
2- Sidaan ka barannay
Ururrada S/liyeed jaaday yihiinba, waxaa gabbaad ka dhigta dad leh ujeeddooyin
daahsoon sida; kuwo wata dano-qoleed oo annaani ah iyo jago-doon shakhsi ah ama
kooxeed ah. Dariiqooyinka suufiyadduna waa ugu nuglaan karaan ururrada dano
gaara lagu dhex wadan karo.
3- Marka uu urur yeesho
hannaan siyaasadeed waxaa abuurma ururro col u ah. Sidaas awgeed, waxaa laga
yaabaa inuu Ururka Al-Sunnah Wal Jamaacah geliyo dadka degaanka ay u taliyaan
dagaallo lagu hoobto.
4- Iyo kuwo kale.
Maxaa la gudboon Reer
C/waaq?
Marka
hore, waxaa Reer C/waaq muteysteen ammaan ku beegan martigelinta walaalahooda
S/liyeed ee Shirka maalmahaan socday. Marka xiga waxaa ku habboon inay si qoto
dheer u fakaraan, sii arkaanna danahooda iyo danaha ummadda S/liyeed guud
ahaan, qodobbadaan iyo kuwo la jaadka ahna tixgelin siiyaan;
1-
Waa
inay sii wadaan siyaasaddooda ku wajahan Itoobiya, kana fogaadaan iskudhac
labada dhinac ah. Sababtuuna waa
gacalkaa gacamo u waa.
2- Waa inay ka fogaadaan
ururrada hubeysan ee geyiga ka jira. Ururradaasi waxay u keeni karaan dagallada
burbur iyo barakac ballaaran oo ay uga bixi karaan dadka aagga C/waaq degaankoo
dhan.
3- Maamul kastoo oo laga
sameynaayo aagga waxaa habboon in lagu qotomiyo hababka dhaqanka iyo kuwa
maamullada casriga ah oo wadajira. Marna ma habboona in hab-kooxeed maamul lagu
dhiso.
4- Dadka S/liyeed wuxuu u
sameysan yahay hab-beeleed. Marka colaadahana habkaas bay u abaabulmaan. Habka
nabadda ee saldhig fiican lehina isla sidaas buu ku fariisan karaa. Sidaas
darteed, waxaa dawga toosan ee dabiiciga ahi noqonayaa in Dadka aagga C/waaq,
markay tahay maamul maxalli ah ka mid noqdaan Dawladda Buuntu “Puntland State ”. Qodobkaan oo dadka qaar ka keeni
karo muran aan xujo fiican laheyn, waa mid istaraatiiji ah oo door u noqonaaya mustaqbalka
C/waaq gaar ahaan dhanka ganacsiga iyo ammaanka. Horumarka Reer C/waaq wuxuu ku
jiraa gobollada dekadaha leh.
5- Waa in Reer C/waaq
heshiis nabadgelyo la galaan dhammaan beelaha S/liyeed ee walaalaha ah, si
markaas dhulkoodu horumar u sameeyo isla markaasna dalkoo dhan xasillooni u
helo.
6- Waayahan dambe, waxaa aad u muuqday
kaladambeyn iyo istixgelin la’aan baahsan oo ka dhex muuqda bulshada Reer
C/waaq. Waxaa habboon inay arrintaas ka koraan oo yeeshaan qaab talawadaag ah.
Waa inay ka koraan qofka ra’yigiisa, lagu weeraraayo oo ay u gudbaan dulqaad
iyo talada toosan oo aan la seegin. Waa inay joojiyaan muranka oo u gudbaan
hababka doodda suubban.
7- Waxaan ka barannay
Sooyaalka siyaasadda S/liyeed, in hal qof rabitaankiis, danahiisa, dookhiisa,
hinaasihiisa iyo jeclaantiisa loo lumiyo deegaan dhan danihiisa. Arrimahaas waa
in lagu baraarugsanaadaa, mar walbana dhankii loo guuraayo lagu foodiyaa danaha
dagaankoo dhan.
8- Waxaa marar badan
colaadaha qabiiliga ah saldhig u ah daaqa iyo ceelasha. Maadaama xaaladaha
degaannadu isdhalan rogayaan, waxaa habboon in degaankaan ka hadlaynno loo
sameeyo soohdimo, si markaas ay u sahlanaato maamulka dadka iyo degaanka.
Arrintaan dambe waxay dan ugu jirtaa qeybaha degaannadaan mawduuca.
Ugu
dambeyn waxaa ku habboon Reer C/waaq inaysan aayahooda cidna ku hallayn. Hadday
ka maqnaadaan jaangoynta arrimahoodana waxay noqon doontaa inay masiirkooda ka
sugaan gacamaha asaaggood.
No comments:
Post a Comment