Tuesday, April 4, 2023

Maqaadiirta Eebbahay haddaad, Muran ka keenayso
Oo aad moodday ruux kale inuu, maammullada haysto
Muslinimada aad sheegatiyo, magacu waa beene

Mar baad dunida miid iyo karuur, malab ka leeftaaye
Marna dacar iyo kharaar sun baa, laga maggawshaaye
Mugdigiyo caddada waxa ka dhigay, waa masalo weyne
Mahad weeye Eebbahay wixii, aad ka mudataaye
Mar haddaad ka iimaan xun tahay, meeriska iyo qaybta
Marinkaad ku joogtaaba waa, kii munaafaqa e .....
Cali Cilmi Afyare