Friday, December 16, 2016

SINNAANTA (GABAY)....SAAHID QAMAAN



Saahid Qamaan oo gabyaagii waaweynaa ee Soomaaliyeed ka mid ahaa, gabayadiisana xikmad, murti iyo aragti dheer lagu yiqiin, baa gabaygaan madal shir lixaad lahaa ka dhex mariyey. Shirkaas waxaa looga arrinsanayey arrin nin madaxdii tolka ka mid ahaa oo lagaga cabanayey maamul xumo, caddaalad darro, cabsi gelin iyo cagajugleyn. Suldaankaas oo sida gabayga ka muuqata, kalsoonidii iyo maamuuskii la siiyay kibir iyo madax kor-u-taag ka qaaday, dadkiina markuu caddaalad-darro iyo sinnaan-la'aan ku maamulay, ayaa shirkaas duubkii madaxnimada lagaga xayuubiyey. Qamaan wuxuu ka mid ahaa guddigii ninkaas arrintiisa loo saaray; go’aankiina waxay ku sheegeen gabayo ay toddoba nin oo guddigii ka mid ahaa tiriyeen.

Gabayadaas oo dhammi waa isku wada ujeeddo, hase yeeshee,  xarafaha ayuun bay ku kala duwanaayeen. Gabaygu waxyaalaha uu muuujinayo waxaa marka la soo koobo ka mid ah:

- In sida qumman ee lagu dhaqmi karaa ay ku qotonto aqoon toosan, miyir, dulqaad iyo deggenaan.
- Awooddeeda inaan cidna ka tallaabsan karin, ruuxna wuxuu doono uusan maroorsi ku marsan karin.
- In dadka Soomaaliyeed iskaashi iyo wax-qaybsi weligoodba ku dhaqmi jireen.
- Caddaaladda iyo sinnaanta inay Soomaalidu weligeedba hidde u lahaan jirtay.

Qamaan wuxuu isagoo saaxiibkiis Dubbad Hiirad oo guddiga ka mid ahaa gabayna arrinka ka tiriyey ku halqabsanaya, yidhi:

Dubbadow nin maansada beryahan, maadin baan ahaye
Way iga madoobeyd halkiyo, maalintii Sirawe
Manjagooye siduu noogu dhacay, maagistii dhigaye

Ha yeeshee haddaan maago waan, maamiyaa gabaye
Murti iyo adaan kugu ogaa, miigganaan hadale
Iga maqal hal aan xalay mirkacay, ama la maansooday
Hadba waxa mudh soo oran adduun, hal aannu moogeyne

Waatii shir laynagu makalay, madansigii jaane
Maantana maxay noqon sidii, Maxammed loo yaabye
Afartaa madkeeyeye sidii, macallin maw sheegay

Mitan kalana waa wiilasheer, maanka laga qaaday
Hadday sado macaan tahay ninkii, maadiyaa cunaye
Nin mudmudey dharkayn hoosna maray, muruxyey shaalleeye
Miyir waxaad ku weydaan iswaal, ku ma mahiibtaane
Muslim ku ma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne
Muggi weel ma dhaafo e Allow, mooska yaan jebinin

Mitan kalena waa iniga iyo, mid iska sheeggayga
Hadday muruqa geeduhu go’aan, milayga jiilaala
Mahwiga ceel haddii loo kacoo, maalku ku arooro
Mataan waa ka qaybsada tolkii, midha wadaagaaye
Magansiin haddaan laygu siin, maax la dhuranaayo
Inaan malab rag kale loo shushubi, wax uga miideeyo
Oon meesha taagnahay anoon, muradna leefeynin
Oon weliba mood iyo salaan, u la maleegnaado
Oon maydhax aan igu xidhnayn, mayllimo u qaato
Saddex magac Allee xaajadaa, layma marinsiiyo

Masaw aabbahay iyo intaan, Magan ka soo gaadhey
Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi
Masa inaanu nahay oo tolnimo, meerto noo tahaye
Oon weliba kaga miilcaddahay, miidh-se diiddaniye
Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo
Ninkii aniga iga maarmi kara, u ma muraad yeesho 

                 SHARRAXA ERAYADA
1- Dubbad Hiirad: waa saaxiibkii, waana nin gabyi jiray. 
2- Maadin: maagin, damcin, tirin, muujin.             
3- Sirow: waa goob dagaal ka dhacay magaceed.      
4- Manjagooye: waa dagaalka Sirow ka dhacay magiciisa.       
5- Maamiyaa: tiriyaa, curiyaa.            
6- Madansigii: goobtii.            
7- Jaan: baas.  
8- Makalay: diley, hodey.               
9- Maxammed: Sayid Maxammed (maantana maxay noqon arrintu, nin baa sidii Sayed Maxammed soo baxaye).           
10- Mitan: qodob, middaan iyada   ah, hadal kale.    
11- Sado: gibir ama canshuur saldano ama xoolo boqortooyada          la siiyo.  
12- Murud: in far dusheed lagu qaado.                   

XIGASHO:           
Suugaanta Dugsiga Sare/Fasalka 3aad  
Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta  
Xafiiska Manaahijta     
Muqdishow (1978)              

Thursday, October 6, 2016

MEECAAD (MA'AT)

Image result for ma'at goddess (Ma'at)     Image result for ma'at goddess    

                                               
                                                                                                                                                                      Erayga Meecaad wuxuu hadda Afka Soomaaliga ku yahay:
1-    Xiddigaha Cirirka la yiraahdo tan ugu dambeysa oo u dhexaysa tan la yiraahdo Rab Dambe iyo tan la yiraahdo Godinta.
2-    Wax cirib dambe oo wanaagsan leh; ka-soo-rayn oo lihiin wanaagsan leh.
3-    Waxaa dhaqan soojireen ahaa, in ninka ku guulaysta dagaal uu galay ama libin soo hoyaadshay uu madaxa ama timaha gashan jiray baal gorayo. Sidoo kale, gabadha gashaantida ah, ayaa iyaduna madaxa gashan jirtay, iyadoo siduu dhaqanku ahaa durraamanaysa aayo wanaagsan iyo guur lihiin dambe leh.
4-    Waa magac ilaa hadda wiilka loo bixiyo.
Dhanka kale, dhulkii fircoonnada waa Kemet e, Meecaad (Ma’at) wuxuu ahaa ama ay ahayd astaanta runta, dheellitirka, xeer-sugidda, dhaqanka-san, iyo garsoorka. Waxaa kaloo Meecaad loo haystay inay tahay ilaahadda kala hagta xiddigaha, xilliyada iyo hawlaha weynayaasha iyo geerileyda (mortals). Waxaa la rumaysnaa inay iyadu ka badbaadisay uunka qaskii dhacay markii isaga la uumay. Sida la rumaysnaa waxaa Meecaad kadhan ahaa Is-Feyd (Isfet)
Qoraallada ugu durugsan oo muujinaaya Meecaad waxay u muuqdaan in Meecaad abuurka iyo bulshada dunindaan iyo tan dambaba u tahay hal-tusaaleed, sidaas waxaa lagu xusay qoraallo laga helay xilligii Boqortooyadii Hore ee Kemet, waxaana qoraalladaasi yihiin kuwii Unas ee Haramka (ca. 2375 BCE iyo 2345 BCE).

Waayo kadib, markii uu hir galay dhaqankii laysku lammaanin jiray Eebbe dheddig iyo mid lab ah, waxaa Meecaad lammaane looga dhigay Dood (Thot). Mar haddii Meecaad ay door fiican ku lahayd abuuritaanka oo ay si joogta uga hor tagaysay in dunidu labanto, waxay hawsheedu noqotay inay miisaanto arwaaxda (souls) waaga aakhiro ama nolosha dambe. Baalka ay Meecaad haysato ee lagu sawiray meelo badan baa la rumaysnaa inay arwxaada ku dherariso ama ku miisaanto, sidaana waxaa lagu garan jiray ruuxa u gudbaya dhanka jannada iyo kaan u gudbayn ee ayaan-darraysta.

Waxaa lagu arkay sawirradii fircoonnadii, iyagoo xiran astaantii Meecaad oo ahayd baal laglaga dheer, waxayna sidaasi tusaysay sida fircoonku asba ugu hawlnaa xeerarka Abuuraha Weyn.
Meecaad waxay ahayd inay haqab tirto dadyowga kala geddisan oo danaha kala jeeda leh, si markaas looga badbaado qas ama qalalaase. Sidaas bay Meecaad u noqotay saldhigga xeerka Dhulkii Fircoonnada waa Kemet e. Xilli kasta oo ka mid ahaa waayihii Boqortooyadii Hore ee Kemet, boqorka markaas talinaayay wuxuu isku tilmaami jiray “Duqa Sare ee meecaadidda” kaasoo laabtiisa ay ku daahsoon tahay Meecaad.

Waxtarnimadii Meecaad cirkay isku shareetay waxayna gaartay dhammaan goonyaha jiritaanka sida, inay uunka u tahay dheellitir, inay isku xirto qeybaha sii-jiritaanka, inay maamusho xilliyada, inay kala hagto dhaqdhaqaaqyada uunka, inay siddo kalsoonida iyo samaha runtu u leedahay bulshada dhexdeeda iyo falgallada dhex-mara is la bulshada. Waxaa la rumaysnaa qaska ku dhaca uunku inuu saamayn toosa ku yeelanaayo arrimaha qofka sidoo kale arrimaha dalka. Waxaa ka soo horjeeday Meecaad, Isfeyd oo astaan u ahayd qaska, beenta iyo dirirta. 

Doorkii weynaa ee ay Meecaad lahayd, ka sakow, waxaa jiray xeerar si weyn door u ahaa sida; ku-dhaganaanta hiddaha, gaaritaanka sinnaanta iyo garsoor bulsheedka. Qoraal ku beegan xilligii Boqortooyadii Dhexe (2062 ilaa c. 1664 BCE) Eebbaha weyn baa ku dhawaaqay "Waxaan ka dhigay qof walba dhiggiisa oo kale". Meecaad waxay u sheegtay in hodanku caawiyo kuwa iyaga ka ayaan daran intii ay dhiig miiran lahaayeen. Qoraal laga helay xabaal horana wuxuu leeyahay: "Waxaan rooti siiyay kuwa gaajaysan, waxaan u xiray dhar kuwa qaawan, waxaan u ahaa sey marwo laga dhintay, waxaana aabbe u ahaa agoon”.

Waxaa maankii qofkii ka tirsanaa dhulkii fircoonnada ku tirnaa in Meecaad walxoo dhan isku guniddo kana yeesho majabayaal isku dhafan, uunka, dunida abuurriinka, dalka, iyo qofkaba, waxaa dhammaantood loo arkay qeybo ka mid ah suubbanayaasha ay dhalisay Meecaad. 

Laga soo bilaabo Boqortooyadii 5aad (c. 2510-2370 BCE) Xilsidihii mas’uulka ka ahaa caddaaladda waxaa loogu yeeri jiray Wadaadka Sare ee Meecaad. Xilliyo dambe waxay garsoorayaashu xiran jireen hummaagga Meecaad.

Xilliyadii Giriiggu qabsaday Masar, xeerarkii hore ee dhulku waxay ka barbar jireen kuwii ay Giriigguu la yimaadeen. Waxaa ka mid ahaa xeerarkii sii jiray; xuquuqda la dhawro ee dumarku ku dhex leeyihiin bulshada, kuwaas oo loo oggolaa inay u hawl galaan si ka madax bannaan ragga iyo inay haweenku yeelan karaan hanti ballaaran. Waagii Roomaanku qabsaday Masar waxaa dadkii lagu qasbay qaadashadii xeerarkii Room, waana laga tagay kuwii hore.
Haddaba sidaas bay Meecaad u ahayd astaanta isu-dheellitirnaanta, caddaaladda, iyo runta. Waxaa Meecaad muuqaal ahaan astaan looga dhigay gabar da’ yar (waa sidii Soomaalidii hasha ama gabadha astaan ahaan uga dhigtay xoriyadda).

Waxay ila tahay inaysan dood lahayn xiriirka ka dhexeeya, waxa Soomaalida maanta erayga Meecaad u taqaan iyo wixii dadkii Kemet u haysteen. Waxaa cad in dhaqankii Meecaad ee hore iyo kan hadda ahba ay hal meel ka soo wada jeedaan iyo in isirkii dhulkii Kemet ee duugga ah iyo bulshooyinka reer Kuush ee hadda joogaa ay isku isir yihiin.

Monday, September 19, 2016

Maalintii Murugada Badaha Soomaaliyeed

Waxaan uga tacsineynayaa shacabka S/liyeed guud ahaan ayaandarrooyinka taxanaha ah ee muddooyinkaan dambe dul-habsaday oo ay ugu dambeysay tan ku saabsan xadeynta badaha S/liyeed ee ay Dawlad Qoleedka S/liyeed wax ka abuurtay. Waxaan si gaara ugu tacsineynayaa Bahdii Badda S/liyeed oo in badani naftooda u hurtay u adeegga badaha S/liyeed, waliba kaadirkii bad-aqoonka ahaa oo aan hubo inay aad uga murugeysan yihiin jahliga lagu maamulay badahay garashada u lahaayeen.


Qeexid Fudud

Sida aan ka maqallay ergaygii aan la mahadin ee lagu sheegay wasiirka ee wax ka saxiixay heshiiska madow ee lala galay keenya, in uu saxiixay isla-oggolaan (memo.).  Hase yeeshee ma sheegin waxa la is la oggolaaday nuxurkooda. Waxay aheyd in memo/gu leeyahay lifaaq. Waxay markaas u fasirmaysaa inay dawladda Kenya iyo cidaha caawiyaa ay soo dhammeystireen qoraalkii lagu ballamay in dal walba u gudbiyo Hey’adda Soohdimaha badaha ee dalalka adduunka ee loo qabtay 13-kii bishii 5-aad, 2009kii. Halka dhanka S/liyeed aan waxba ka diyaarsaneyn.

Waxaa cad in dhanka S/liyeed uu oggaaladay qorshe habeysan oo Keenya u adeegaya, kana daboolan indhaha Soomaalida. 
Saldhigga cabbirka soohdin badeedka, waxaa ka mid ah in diillin gudban laga xarriiqo meesha ugu hooseysa xeebta la rabo in la qeexo xadka baddeeda. Ka dib lagu qotomiyo diillin, tan hore la sameyneysa xagal 90 darajo ah, markaasna dhererka diillintii qotontay laga mala-awaalo xadkii la rabay. Tan hadda la filaayo in dunida laga hirgashana waa 350 mayl badeed.

 Labada dal ee Keenya iyo S/liya waxay leeyihiin xeeb isku taxan oo ku dhereran badweynta Hindiga. Wuxuu qofkii ku safra xeebtaas ama khariiddadda si wacan u dhuuxaa arkayaa in baxaaliga labada dal xeebahoodu kala duwan yahay. Tan Keenya ayaa dhulka sii gashan.
Waxay tahay, marka la hadoodilaayo qorshaha xadeynta labada soohdimood, in diillimaha gudban ay noqdaan barbarro (parallel). Haddaysan noqon dhinacroor, waxaa hubaal ah inay kuwa qotomaa oo cabbirkii la rabay lagu beegayo ay isgoyn doonaan. Waxaa dhici karta in diillinta qotonta ee Keenya ay soo abbaarayso dhanka soohdinta badda S/liyeed. Sidaasna ay labadii qotontay isku jaraan gudaha xad-badeedka S/liyeed, halkaasna lagu waayo hanti qaran. Arrintu sidaas waa ka sii adkaaneysaa oo qoraallo sharciyeeyadu waxay guud ahaan leeyihiin murugsanaan aqoon gaar ahi ka adeegi karto.  

Waxay aheyd, in si khilaaf looga fogaado labada dal ee wadaaga xeebtu ay mid walba soo naqshadeyso hindisaheeda xadeynta badda, ka-dibna ay is barbar dhigaan naqshadahooda, is lana oggolaadaan arrintoo la turxaan bixiyey. Taas baana la oran karaa memo. la wada saxiixay. 
Waxaan filayaa in ardayga ka gudbay dugsi hoose, garan karo xiriirka ka dhexeyn kara diillimaha gudban iyo kuwa qotoma, waa maade waa tan xulka dawladda isku sheegtay midnimo qaran ay ku rambastay. 

Ma Dawlad Qarameed baa (Nation State), mise waa Dawlad Qoleed (Clan State)?

Waxaa Dawlad Qarameed lagu qeexaa inay tahay tan u adeegta danta guud ee qaran. Xubnaha ka adeegaya dawladdaasna waxay noqonayaan kuwo lagu soo dhisay qaran-yahannimo la hubiyey. Tan Dawlad Qoleedku waxay noqoneysaa mid u kale adeegta qolooyinka isu muujiyey dawladnimo. Xubnaha loo xulaana waxay noqonayaan kuwo tolnimo lagu soo doortay. Haddaba waxaad mooddaa in shacabka S/liyeed sharciyey wasiir toleed la rooraya wadaan iyo dhure uu ceelka dawladnimo tolkiis kaga waraabiyo……bal waxaan is badnay eega!

Fiirog
Kaadirkii badda S/liyeed ee in badan ka sarreeyay dhigankiisa Keenya, wuxuu sii kala lahaa takhasusyo. Dhanka aqoonta hindiseynta badda (ocean graphic knowledge)  oo ah kan muranku ka joogo rag baa noo lahaa.
Anigase qoray qoraalkaan kooban waxaa la ii tababaray farsamada qalabka maraakiibta, waxaana uga diiwaan gashaana Wasaaraddii Gadiidka Badda Chief Engineer. 

Wednesday, September 14, 2016

QARANKA, QOLADA IYO DIINTA


QARANKA, QOLODA IYO DIINTA

Xilliyadii badnaa ee ummadda S/liyeed ku dhaqneyd dhulalkeeda, waxay arrimaheeda ku maareyn jirtay xeerar aan inta badan qorneyn ee ahaa kuwo la isu meeriyo oo wiilba abkiis ka dhaxlo. Xeerarkaasi waxay ahaayeen kuwo ku cukan xikmado iyo waayo-aragnimo la aruurshay.

Diinta islaanka oo waa hore soo gaartay geyiga S/liyeedna si wanaagsan bay u la falgashay u lana dhaqantay. Dadka S/liyeed oo u yiil hab-beeleed ma laheyn xeer guud oo wada kulmiya, balse qolo walba waxay laheyd xeerar u gaar ahaa. Meelaha qaarna waxaa jiri jiray xeerar guud oo qabta tol guud oo jifooyin ku kulmaan. In kastoo qolooyinku kale xeerar ahaayeen, haddana lagu ma kale fogeyn qodobbada xeerarkaas waayo dadkoo dhan baa ahaa isku isir astaan walba wadaaga. Sidoo kale beelahoo dhan baa ahaa kuwo duddo ah oo xiriirro dhaqan iyo dhiigba leh joogto uga dhexeeyay. Waxay awoodeen beelahaasi inay noloshooda ku xasiliyaan xeerarkaaas ay sameysteen. Haddii arrin ugub ahi soo korodho waxaa la is la oggolaa in waxgarad ay u la baxeen Xeer-Beegti ay kabaan xeerarkii hore. Sidaasna waxaa lagu heli jiray xeerar la socda waqtigii la joogaba. Ilaa xilligaan la joogo, waxaa inta badan ka la haga qolooyinka S/liyeed xeerarkii awoowayaasha sida xeerarka magta ama diyada oo si kastoo loo kale qoqobay dadweynaha S/liyeed wali u ah gundhigga maareynta noloshiisa.

Soo-Faalalkii dalalkii gumeystaha ahaa oo ku sandulleeyay dadkii S/liyeed xeerarkay wateen waxay u keeneen dadkii S/liyeed arrimo ugub ah oo aan Xeerbeegtidii loo oggolaan ku-kabista kuwoodii hore. Waxaa sidoo kale ahaa dawladihii reer guriga ahaa oo iyaguna keenay xeerar aan lagu kabin kuwii dhaqanka loo lahaa. Waxaa la is ku garab waday labadaas xeer oo midna la is la oggolaa, midna qasab ahaa.

Waxay xeerarkaasi noqdeen kuwo mar walba is hardiya oo dhibaatooyin badan ka yimaadaan. Waxaa tusaale ah; askari dawladeed baa hawlgal ku dilay nin. Qoladii ninkii la dilay markay aqoonsato qolada askariga, waxay duqeydii kii la dilay iyagoo raacaya sidii ay ahaan jirtay u gogol dhigtaan qolodii askariga, iyagoo doonaya mag ama qisaas. Markay qoladii askarigu ku dacwido in askari dawladeed dhibka geystay, garowsho ku ma helaan, waayo xeerarkay is la oggolaayeen askariba ku ma jirin.

Waxaa tusaale kale ah; waxaa dhaqan aheyd in raggoo idil yahay qooroole wada siman. Haddii la dilo nin yar iyo nin weynna, ay isku mag ahaayeen. In kastoo ragga qaar sida, isinka iyo abwaanku ay lahaayeen tixgelin gaara, haddana badi raggu waa sinnaa. Waxaa marar badan dhacay in la dilo nin jago sare ka haya hababkii dawladnimada sida; wasiir, agaasime, dhakhtar, injineer, sarkaal iwm. Kadib, qoladii dhibbanuhu waxay ku qanci waayeen mag nin caadi ah ama inay u qasaastaan ninkoodii midaan la darajo aheyn, dhinicii ka lana ka garaabi waayo, waayo waxaan ku jirin xeerarkii soo jireenka ahaa jagooyinka cusub. Waxaa wali ka socda S/liya in loogu aaro nin la dilay nimaan dhib geysan, loolase jeedo in looga gamo’ kii hore loo dilay. Arrimahaasi waxay abuureen fidno aan la afmeeri karin oo guurtidii qolooyinku siday u kale furdaamin laheyd garan weydo.

Dhanka diinta islaanka oo S/lida soo gaartay is la qarnigay soo baxday una qaadatay hab hal faham leh oo aan kale laheyn laamo, waxaa dhawaan soo kordhay mad-habo ama dariiqooyin kale oo wata fasirro kale duwan oo waliba iyagii qudhoodu is burinaayaan ama is jarayaanba. Diintii waayo badan qolooyinka S/liyeed u aheyd tixraaca ugu dambeeya ama gabbaadka ugu dambeeya oo ay ku kale qancin jireen waxay noqotay mid iyadii loo soo bandhigo hab cusub oo lagu wada qaloodo. Haddii dhambaalkii diintu ahaa hab nabadeed iyo mid maanka dadka gasha, waxay maanta noqotay in qofkii oo sheeganaya islaannimo lagu xukumo gaalnimo iyo madaxoo la jaro.

Aqoonyahankii S/liyeed oo la rabay inuu is ku xiro ummaddiisa iyo nolosha waayahan dambe, wuxuu duuduub u tufay hab-qoleedkii iyo xeerarkoodiiba wuxuuna ku tilmaamay dib-u-dhac ay tahay in laga gudbo, haddana dadweynihii u ma keenin hab dheellitiran oo ay fahmi karaan qolooyinku oo ay uga maarmaan kuwoodii hore. Si yasid ku jirto buu aqoonyahan u la cabeebay aragtidiisa aan fal-tusaaleed dhab ah laheyn. Wuxuu ku celceliyey, bal daya sida Waqooyiga Ameerika looga hormaray amaba Reer Yurub u hormareen, bal daya sida dunida ilbaxa ahi u dhaqanto. Wuxuu yiri oo yiri S/lida qabiilkaa dib u dhigay, qaran iyo qabiilna is ku meel ma gali karaan. Waa su'aale, hadday S/lidu waligeed qolo-qolo aheyd, walina tahay qaran ma noqon karto miyaa?
Maya, iyadoo qabiillo ah bay qaran wanaagsan noqon kartaa. Hab-qoleedkana dambi uusan galin baa dusha laga saarayaa. Madaxnimo-doonkii waalnaa iyo shahaadooyinkii la eeday baa jaahwareerka keenaye, magaca koox dad ah oo reer hebel ah (qabiil) waxba ma dhimin.  

Odaygii S/liyeed ee dhaqankiisa ku dhaadan jiray, qolo-diidnimadu ma gelin mana geli karin. Wuxuu qabaa in qofkii sheegta S/li ay la ma huraan tahay inuu sheego qolada uu S/li ka yahay. Wuxuu qabaa inaan gabadhiisu guursan karin nimaan qolodiisa S/liyeed la aqoon oo aan waliba wadan odoyaal loo-qaateen ah oo marag fura.

Dhanka kale, wadaadkii la yimid dariiqooyinka cusub, hab-qoleedkii soo ma dhaweyn, waayo diintii qarniyaal badan lagu dhaqmaayey baa hadda gado cusub ka soo baxeen sinnaba loo fahmi waa. Markii laga maagtay sidaasna waxay isu rogtay colaad iyo dhiillooyin culus.

Waxaa ka loo yimid isbeddello xoog leh oo ay keentay nolosha casriga ah. Waxaa arrintaasi ku timid qolo kastoo S/liyeed. Waagii hore oo hab-qoleedka iyo xeerarkiisa si fiican loogu dhaqmi jiray, waxay xubnaha qoladu ahaayeen kuwo wacyigood siman yahay oo in la kale garaad roon yahay, ha joogtee, aan la kale aqoon badnayn. Waxaa maanta dhacday in is la xubnihii qoladu kale aqoon bataan dhan walba. Waxaa dhacday in xubno badan ku firiraan goonyaha dunida oo afaf iyo aqoonno kale jaada yeeshaan, is la markaasna dhaqankii heybta wataan. Waxaa maanta aad u adag in ilmo adeerradii inta shiraan is ku si wax u arkaan, is lana jaan qaadaan. Haddii arrimahaani ugub noqdeenna xeerbeegtidii ku ma kabin xeerarkii sooyaalka. Sidaas waxay keentay qolo-qolo ha joogtee, inaan jifadii hoose laheyn hannaan ay is ku fahanto.

Waxgaradkii ama guurtidii ku hawlnaan jiray xeeraynta arrimuha oo si weyn loo cadaadiyay waxay gabeen inay xitaa kabmihii dhaqanka ahaa sameeyaan. Maanta xeerarka lagu socdaa waa kuwii duugga ahaa oo aan indhawaalaba la kabin.

 Sidee habbooneyd?

Waxaa aheyd in aqoonyahanka guud iyo kuwii hoggaanada dawladeed wadayba ay u kuurgalaan dhaqammadii ummaddooda, cilmibaaris xoogganna sameeyaan, ka-dibna u hawlgalaan siday xeerarkii beelaha u mideyn lahaayeen, si markaas ay u noqdaan xeerar qaranka iyo qoladuba ku dhaqmi karaan, noqdaanna kuwo dhinac walba uu ansixiyo. Jid maaheyn in la dumiyo tiirarkii ay ummaddu qarniyaal ku soo moodday lagana dhigo waxaan jirin, laguna magmakeeyo kuwa ugub ah oo in la qaate daaye aan la is la fahminba.

Dhanka diinta oo waayahan dhib weyn ka jiro, waxay aheyd in wadaadka cusub oo fasiraadda cusub la yimid uu ku ekaado dacwada dhambbaalladiisa . Daw maaheyn in diintii nabadda ku timid qarnigii 7-aad oo si fiican loo rumeeyay loo rogo xoog qarnigii 20-aad iyo 21-aad. Haddii kitaabbadii wadaaddadii bateenna maaheyn inay isku laayaan, ummaddiina ku rogaan ee waxay aheyd haddayba midoobi waayeen in sida meelo badan oo dunida islaanka ka mid ah ka jirta ay is nabad geshaan, isna xurmeeyaan, is la markaasna si cilmeysan wax u qaadaa-dhigaan, wanaagna wax ku toociyaan, dadkana dhaqanka ay la rabaan waxbaris ku gaarsiiyaan. Jid maaheyn in goonyaha dalkoo dhan magaca diinta ku ololiyaan, dadkana lagu jaro waxaan ka dhaadhicin iyo xukun ku qotoma faham qofeed ama kooxeed. Xubnaha Shacab weynaha ee gala dambi, waxay aheyd in lagu ciqaabo xeer guud oo loo qaayibay dalkoo dhan ee maaheyn in lagu ciqaabo aragti-kooxeed, ha ahaato mid diimeed ama ha ahaato mid ku socota xeerar dhigaal ahe.

Falalaka xoogagga magaca diinta ku loollamayaa ay ummadda la dhex rooreen qaarkood waxay noqdeen kuwo maanka qofka caadiga ah aan geli karin. Waxay noqdeen kuwo nuxurka diinta lagu garan waayey. Waxaa waxyaabaha yaabka leh kamid ah: waxaa la wada ogyahay in dadweynaha S/liyeed badidi uu maanta ku nool yahay tuugsi iyo wax gacanta looga taago. Dadkii oo saas iyo silic kaloo badan ku nool, ma dawbaa nin xabbad rootiya ama saxan bariis ah xaday, lug iyo gacan isdhaafa la jaro? Sow diintu maaheyn tii u oggolaatay insaanka inuu naftiisa ku badbaadiyo wax kastoo hore xaaraan u ahaa?

Waxaa kaloo tusaale ah: waxay 17-kii bishii 10-aad, 2009-kii waxay wakaaladda wararka ee Roytar warisay gabar lagu jeedlay Naaso-Toosiye (Bra.) ay xirneyd, markii la baarayeyna wuxuu wadaadkii afka duubnaa ku yiri gabadhii naasaha rux. Xaggee diinta uga taal nin gabar ajanabi ka ah inta hor istaaga ku leh naasaha rux? Xaggeese lagu xarrimay Naaso-toosiye?

Waxaa cad in kooxaha diiniga ah ee u halgamaya inay shareecada islaanka ka hirgaliyaan S/liya aysan distoor ahaan iyo garaad ahaanba u diyaarsaneyn inay dalka xukumaan, waayo hadday yihiin wadaaddo xagga diinta ka dhisan, waxay muujin lahaayeen, sida arrimuhu u kale horreeyaan. Iyadoo dilkii, dhacii, gaajadii, qaxii, cudurradii iyo colalkii dadkii si joogta ah u halakeynayaan, ku ma ay mashquuleen naasaha hablaha iyo hagooggooda. Ku ma ay mashquuleen garka iyo labiska ragga. Addimada may jareen qof laga yaabo inuu waayey wuxuu ku quudin lahaa dhallaankiisa ama naftiisa.

Falalkaas yaabka leh ee ka yimid wadaaddii tusaalaha suubban u ahaan lahaa ummadda waxay keenayaan: in dadweynuhu ka shakiyo samo iyo xumaba wixii wadaad wado, ka dibna sidaas diintii looga fogaado. Waxaa afar geed ka sii boodi doona, kii diin kale haystay oo u soo hanqal taagahayey rumeynta islaanka. Waxay dhaqammada muuqda ee wadaaddadu fogeynayaan rajadoodii aheyd in dalka diinta lagu xukumo. 

Gunaanad

Doodda qoraalkaani maaha in fadhiid la ahaado oo lagu ekaado siyaalihii hore kaliya ee dooddu waa in la isku xiro xeerarkii hore iyo kuwo laga ma maarmaanka ah ee dambe. Si sidaas loo gaarana waxaa habbooneyd, walina habboon inay wada hawlgalaan culimada diinta, aqoonyahannada iyo abyaqaannadii soo-jireenka ahaa, si cilmeyan oo aan turxaan laheynna loo wada shaqeeyo. Waxaa sidaas lagu gaari karaa is tixgelin, isu kagsasho iyo daacidnimo.

Kan markii dood timaaddaba ku gudba ma diintii Allaa la diiddan yahay? Waxaa oran lahaa; diintu sideedaba danaha dadkaa loo soo rogay, mar haddaysan danaha dadku ku jirinna diinba maaha. Waxaa dadka caqliga loo siiyay inuu wax ku rogrogo ee la ma farin inuu sidii qof waalan hal meel ku dhaygago.

 Ilaahay wax ma qalqalloociyee, waa toosiye tubta wanaagsan tilmaama. Ilaahay waa ka-maarme hodan ah, ee aadanahaa ah sabool dheef doon badan. Ilaahay ma jawrfalo ee aadanahaa ah, xadgudbe gar daran. Ilaahay waa naxariiste garaad badan ee aadanahaa ah maanyare lur badan. Ilaahay waa qummane aan gafin, ee aadanahaa ah dhagarlow dusmo badan. Ilaahay waa garsoore sare ee aadanahaa ah, macangag eexasho badan. Ilaahay waa baarri dulqaatee, aadanahaa ah looyaan naxariis daran. Ilaahay waa dheefiye waxsan qaybiyee aadanahaa ah, dhuungooye kaligi doon ah. Ilaahay waa boqor mudan, ee aadanaha ah marooqsade marin xun. Ilaahay waa awoodle weyn, ee aadanahaa ah widwidle waxtar yar. Ilaahay waa jaangooye sugane, aadanahaa ah jaamoole garaad janjeera. Ilaahay waa La ma-Maseeye aan lala sinnaan karine, aadanahaa ah is-maldahe meermeerin badan. 

Friday, August 19, 2016

Dagaal-Yarihii Adduunka ee 1977-dii (Ogaden War of 1977)




Dagaalka laga hadlaayaa waa dagaalkii 1977-dii dhexmaray Soomaaliya oo dhinac ahayd iyo isbahaysigii Itoobiya iyo xoogaggii Waabka Bariga ee Soofiyeedku hoggaaminaayay. Marka laga eego xagga dawladihii ka qeybgalay waxaa la oran karaa wuxuu ahaa dagaalkii adduunka. Marka laga eego xagga baaxadda, laguna dhereriyo dagaalladii waaweynaa ee adduunka wuxuu ahaa dagaal aan weynayn.

Dhinacyadii ka qeybgalay waxay dagaalkaas u arkeen siyaalo ka la duwan; Itoobiya waxay la ahayd in lagu soo duulay ayna difaacaysay midnimada iyo wadajirkii dalkeeda. Ururkii Midowga Afrika (OAU) waxay la ahayd in Soomaaliya gardaranayd kuna xadgudubtay Cahdigii Afrika ee lagu saxiixay Qaahira 1964-tii ee la is la gartay in xuduudihii gumaystuhu Afrika uga tagay sidoodii loo daayo. Sidoo kale dawladihii adduunku intooda badan oo ay ku jireen kuwii itaalka weynaa, waxay u arkeen in Soomaaliya ku duushay dal madaxbannaan oo xubin ka ahaa Qarammada Midoobay.

Soomaaliya waxay la ahayd in gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden) ee colaadda saldhigga u ahaa aan lagu dhaqi karin xeerarkii lagu dhaqay xuduudihii ay gumeystayaashu ka tageen, sababtoo ahayd;
1-     Inaysan Itoobiya xilliyada laga hadlaayo ahayn dawlad sidii Afrikaanka kale la gumeysanaayay ee ahayd iyada lafteedu mid wax la qeybsatay xoogaggii reer Yurub ee boobayay Afrika, sidaas darteedna iyada lagu fiiriyii indhihii lagu eegaayay gumaystayaashii Afrika ka la qeybsaday.
2-     In Boqortooyadii Ingisriika ee gacanta ku haysay dhulalkii Soomaaliyeed ee ay markii dambe ku wareejisay Itoobiya ay hore u la lahayd qolooyinkii Soomaaliyeed heshiisyo maxmiyadeed, kuwaasoo dhigaayay in Ingiriisku ka difaaco xoogaggii hungurinaynaayay Soomaalida iyo dhulalkeeda.
3-     Inaysan Soomaalidu ahayn sidii Afrikaanka kale qoomiyado isu tagay oo sidaas dawlado ku samaystay/loo sameeyay, ee ay tahay hal qawmiyad oo wax walba wadaagta, sidaas darteedna, aysan daw ahayn in la ka la qoqobo qoysas wada dhashay.
4-     Inaan haba yaraatee dadweynihii Soomaaliyeed laga la tashan siyaalihii isaga iyo dalkiisa loo moqooraday.
5-     In Itoobiya ku la dhaqantay Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden) hababkii gumeysiga, iyadoo ka dhawrtay dhinacyadii horumarka oo idil iyo iyadoo cadaadis xooggan saartay dadweynihii, dilka, dhaca, kufsiga iyo xabsiguna u noqdeen joogto. Arrimahaasi waxay keeneen in dadkii gobolku u qaxo Jumhuuriyaddii Soomaaliya, sidaasna culays ku fuulo maamulladii Jumhuuriyadda.
 
Waxaa kamid ahaa heshiisyadii lagu maqooraday gobolka

       b. Heshiisyadii Ingiriis iyo Talyaani ee 1891-dii
       t. Heshiisyadii Ingiriis iyo Talyaani ee 1894-tii
       j. Cahdigii Faransiiska iyo Itoobiya ee 1897-dii
      x. Cahdigii Talyaaniga iyo Itoobiya ee 1908-dii
      d. Heshiiskii Ingiriiska iyo Itoobiya ee 1954-tii
 
Awooddii Ciidan ee Labada Dal Dagaalka Kahor

Itoobiya                                                                    Soomaaliya
48,000 Askari                                              22, 000 Askari                                       
1 Qeyb oo Makaaniga                                   6 Urur oo Taangiga
3 Qeybood oo Ciidanka Dhulka               9 Urur oo Makaaniga
1 Urur oo Dalladaha ku Booda                 5 Urur oo Ciidanka Dhulka
3 Urur oo Madaafiicda                                4 Urur oo Soomajeesta-yaala
2 Urur oo Injineerro ah                              6 Urur oo Madaafiicda Goobta iyo 5                                                                                          urur oo Xagga Cirka
4 Cutub oo Gaashaaman,
(M 41 Lt, M 113 APCs, AML 240/60)       7 Urur oo Gaashaaman ( T 34, 50,
                                                                                       54, 55, BTR40 & 152 APCs)
36 Diyaaradaha Dagaal ee C. Cirka        66 Diyaarada Dagaal ee C. Cirka
1 Cutub oo Bambarro ah                               1 Cutub Bambarro ah
3 Cutub oo Diy. Dagaal-yahanna               1 Cutub Diy. Dagaal-yahanna
1 Cutub oo Diy. Ilaala                                     2 Cutub oo Dagaalyahanno weerar ah
3 Cutub oo Diy. Xammuulka                       1 Cutub oo Diy. Xammuulka
1 Cutub oo Helikobtarro ah                         1 Cutub oo Helikobtarro ah
Dhawr Doonyood oo Kuwa
 Wax Ilaaleeya                                                  Dhawr Doonyood oo Kuwa Wax                                                                                                Ilaaleeya

Soomaaliya waxay 15-kii sanoo ka horreeyay dagaalka dhistay Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), waxaase wax walba ka weynaa niyaddii ciidammada oo aad u sarreysay, iyagoo u arkaayay inay dal iyo dad Soomaaliyeed oo la gumeysto xoreynaayaan.

Intaan si rismi ah dagaalku u bilaabmin, waxay Jabhadii Soomaali Galbeed (WSLF) wadday intii muddo ah dagaallo dhumaalaysi ahaa, waxayna ciidammadii jabhaddu gooyeen waddooyinkii gobolka sida, waddadii tareenka ee isku xiraysay Dirirdhabe iyo Jubuuti oo halbowle u ahayd Itoobiya, waxayna jabhaddii la wareegtay inta badan dhulalkii miyiga. Sidaas darteed, waxay jabhaddii wiiqday awooddii ciidan ee Itoobiya.

Weerarkii weynaa ee ciidammadii Soomaaliya wuxuu bilaabmay 23-kii bishii 7aad, 1977-dii. Wuxuu ahaa weerar si fiican u qorshaysan, waxaana la adeegsaday tabta dagaalka ee loo yaqaan “Blitzgrieg” oo ahayd tab ay dunida ku soo kordhiyeen ciidammadii Jarmalku waayihii uu socday Dagaal Weynihii Labaad ee Adduunku. Tabtaasi waxay ahayd in ciidan xoog badan oo xawli ku socda lagu weeraro goobihii loo dan lahaa, iyadoo dhinacyada laga maraayo ciidammada difaaca uga jira jiidaha hore, kadibna lagu go’doomiyo goobahooda, iyadoo laga jaraayo waddooyinka sahayda iyo gurmadyada. Tabtaas bay meelmariyeen hoggaamiyaashii ciidammada Soomaaliya 1977-dii, waxayna inta badan awooddii ciidan ee Itoobiya ee ku sugnayd Gobolkii Soomaali Galbeed ka dhigeen midaan wax tari karin, waxayna noqdeen wax is dhiiba, wax la dilo iyo wax si habqana u baxsada. Muddo kooban oo lagu qiyaasay 2 bilood buu X.D.S la wareegay ¾ dhulkuu u dagaallamaayay, waxaana u harsanaa kaliya Harar iyo Dirirdhabe oo uu hareereeyay, gulufyana u diray gudaha magaalooyinkaas.

In kastoo muddo kooban lagu jabiyay ciidankii Itoobiya, awooddiisuna noqotay maalmahaas midaan is difaaci karin, haddana waxaa jiray arrimo Soomaalida xannibaayay:
1-     Gaadiidkii dhulka ee Soofiyeedka oo XDS adeegsanaayay ayaa ku habboonaan waayay abuurtii dhulkii lagu dagaallamaayay iyo xilli-roobeedkii oo keenay dhiriq hakisay xawligii dh/dhaqaayada.
2-     Saanaddii madaafiicda iyo gawaarida gaashaaman ee aagga Harar iyo Dirirdhabe oo yaraatay.
3-     Soofiyeedkii oo diiday agabkii ciidammada Soomaaliya uu siin jiray, una wareegay dhanka Itoobiya oo uu taageero ciidan oo baaxad leh la garab-istaagay.   
4-     Soomaalida oo awoodi wayday inay si fiican u dayactiraan qalabkay haysteen, taas oo kamid ahayd cilladihii horjoogsaday inay dhammaystiraan guulihii degdegta ahaa ee ay gaareen.
5-     Diyaaradihii dagaalka ee Itoobiya oo awooday inay carqaladeeyaan waddooyinkii sahayda XDS.

Maadaama, dagaal u baahan yahay dhaqaale xoog leh iyo tiro badan oo dada, wuxuu abbaanduulkii Soomaalidu qorsheeyay inuusan Dagaalkii Soomaali Galbeed noqon dagaal daba dheeraada  “attrition war”. Haddaba, caqabadihii ka horyimid XDS waxay keeneen hakasho aan lagu talagalin, taas oo fursad fiican u siisay Itoobiya inay ciidammo aruursato iyo inay qeylodhaan dirsato.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qireen saraakiishii sarsare ee Soofiyeedku wax kasta oo markaas Itoobiya la siiyo ma waabin karin weerarradii XDS. Sidaas darteed, wuxuu Soofiyeedku si degdeg ah u qaaday tillaabooyinkaan:
-        25kii bishii 11aad 1977-dii wuxuu Ciidankii Cirka Soofiyeedku sameeyay kaabad hawada sare taxan, isagoo hawlgeliyay ilaa 225 diyaaradood oo ah kuwa waaweyn ee xammuulka ciidammada qaada si ay u soo daadgureeyaan BM-21s, T-55 iyo T-62 MBTs, BMP-1 iyo BRDM APCs, madaafiicda 130mm, 155mm iyo 185mm, saanad iyo sahayda seddex qeybood oo ciidana. Diyaaradahaasi waxay ka soo kacayeen Tashkent, waxay soo marayeen Baqdaad, Cadan iyo Musawac, waxayna ku soo degayeen Addis Ababa.
-        Waxaa ka loo jiray diyaarado intii laba toddobaada 20-kii daqiiqaba ku soo degayeen Addis Ababa, habeyn iyo maalinba, waxayna soo daadgureeyeen ilaa 15 kun oo ciidammo Kuubbaana, 2 kun oo Yementa Kuunfureeda, ilaa 1000 Jarmalkii Bariya iyo aalad ciidanoo tiro badnayd.
-        Hoggaankii ciidammadii isbahaysiga waxaa loo dhiibay jeneraal Soofiyeeda oo ahaa Vasily Petrov, isagaana dagaalka hoggaaminaayay.
-        Aaaladdii millateri ee lixaadka lahayd waxaa gacanta ku hayay kuna dagaallamaayay ciidammadii Kuubbaanka ahaa.
-        Wadarta qiimaha aaladdii iyo saanaddii cirka iyo badda maalmahaas loo marshay Itoobiya, waxaa lagu qiyaasaa 1 bilyan oo doollar. Ciidammadii Faransiiska ee Jubuuti fadhiyay baaba waxaa cabsi geliyay baaxaddii abaabulka ciidan ee Soofiyeedku sameeyay, sidaas darteedna, waxay diyaariyeen markabkoodii diyaarada xambaarka ahaa ee  Clemanceau.

Is la maalmihiiba waxaa la bilaabay weerarro lagu soo qaadaayo aagaggii ciidammadii Soomaalida. Waxay diyaaradihii Helikobtarrada ahaa ee Mi-6 Hook soo daadgureeyeen taagiyada BMD ee fudfudud iyo ciidammo Kuubbaan iyo Itoobiyaana, waxayna ku soo daadsheen Jinacsaney oo 15 mayl xagga waqooyiga ka xigta magaalada Istaraatiijiga ee Jigjiga, halkaas oo ahayd gadaasha dambee ciidammadii Soomaalida ee difaaca ku jiray. 
Soomaalidu waxay filayeen weerar xagga dhulka oo uga yimaada dhanka Dirirdhabe, sidaas darteedna, waxay difaac adag dhigeen dhinaca waqooyi ee buurta Garabcase, waxaa markaas Soomaalida u suurtoobi weyday inay si degdeg uga hortagaan ciidammadii dhabarkooda lagu soo daadshay. Haddaba, waxay ciidammadii xoogganaa ee gadaasha xooggii Soomaalida laga dhigay u suurtowday inay qabasadaan Jigjiga bishii 3aad 5-teedii 1978-dii. Markaas kadib, waxay madaafiicdii Soofiyeedka iyo Kuubbaankii si aada u garaaceen meelihii xoogaggii Soomaalidu uga sugnaayeen buurta Kaaraa-Mardha, kadibna, waxaa weerarro xooggan qaaday malleeshiyaadkii Itoobiyaanka ahaa, si Soomaalida rasaasta looga dhammeeyo.

Markay caddaatay in awooddii ciidan ee Isbahaysigii Warsow uu la dagaallamaayo Soomaaliya, Maraykankiina diiday inuu Soomaaliya siiyo hub ku filan, waxay dawladdii Soomaaliyeed go’aansatay inay ka baxdo Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden).

Casharradii laga bartay Dagaalka:
-        Waxay maalmahaas la ahayd Itoobiya inay guulaysatay oo dhammaysay arrintii gobolkii la isku hayay, laakiin sidaas ma noqon ee Jabhaddii Soomaali Galbeed baa dagaalkii sii wadday, ilaa maantadaan la joogana halkgaankii dadweynihii gobolku sidii buu u socdaa. Sidaas darteed, xoogaggii gurmadka ugu yimid Itoobiya guul kamadambaysa u ma soo hoyne,  maalintaas uun bay madaxa ciidda uga cesheen.
-        Dhanka Jumhuuriyaddii Soomaaliya waddaniyaddii ay ku madax adaygtay, waxay u keentay in dhinacyo badan oo adduunka ahi colaadshaan.
-        Soomaalidu waxay qalad ka fahamtay wuxuu Soofiyeedku maagganaa, waxayna la noqotay inuusan si fudud uga tagayn danihii istaraatiijiga ahaa ee uu Soomaaliya ka lahaa, waxayna garan wayday in danta ugu weyn ee Soofiyeedku Afrika ka lahaa ay ahayd inuu kaliya ka ilaalsho aagga soogelitaanka reer galbeedka. Sidoo kale Soomaalidu waxay garan in Maraykanku in kastoo waayahaas Itoobiya ku biirtay waabka Reer Bariga, haddana uusan marna iyada ka doorbidayn Soomaaliya, sababo dadka intiisa badan fahmayaan awgood.
-        Xoogaggii itaalka lahaa istaraatiijo ahaan waxay Soomaaliya ka doorbideen Itoobiya.
-        Waxay Soomaalidu ku saxsanayd qorshihii ahaa in dagaalkaasu noqdo mid guulo degdeg ah keena, is la markaasna degdeg ku dhammaada.
-        In xagga Soomaalida la qariyo arrimihii dagaalka maalmihii hore, waxay ahayd tab wanaagsan, laakiin waxay Soomaalidu gabtay in dagaalkii si dhoqso ah loo dhammeeyo kahor intaan ciidammadii shisheeyuhu soo cagadhigan, sidaasoo suurtogal ahayd, maadaama ciidankii Itoobiya si dhammaystiran loo jabiyay, kaliyana loo baahnaa in la xaaqo ama lays raaciyo. Hadday, sidaan dambe dhici lahayd, waxaa ku adkaan lahaa xoogaggii shisheeyaha hawlgallo dagaal oo degdeg ah inay sameeyaan.
-        Diyaaradihii F-5 ee Itoobiya waxay carqaladeeyeen waddooyinkii sahayda, waxayna hakiyeen dhaqdhaqaaqyadii ciidammada. Arrintaas Soomaalidu tillaabo ku habboon ka ma qaadin, taasoo kamid noqotay cilladihii hakiyay xawligii hawlgallada. Halkaan waxaa laga fahmi karaa saamaynta diyaaraduhu yeelan karaan.
-        Diyaaradihii Helikobtarrada ahaa ee Soofiyeedku keenay, kuna daadgureeyay ciidammada, taangiyada iyo aaladihii kale, baa ugu weynaa qodobbadii looga taagroonaaday Soomaalida, sidaas darteed, waxaa dagaalka Soomaaliya ku jabiyay awooddii baaxadda lahayd ee Soofiyeedku la yimid. 
-  Inaan ummadi waxay doonayso lagu hor istaagi karin, laguna baabi'in karin hubka ugu culus adduunka, laakiin guusheeda lagu hakin karo. 

Tixraac: 
USAWC STRATEGIC RESEARCH PROJECT
The OGADEN War: An analysis of its causes and its impact
on regional peace on the Horn of Africa.
by
Brigadier Joseph K. Nkaisserry
Kenya Army
Colonel Daniel Henk
Project Advisor

Thursday, August 4, 2016

Maxaa Dalkii Midowgii Soofiyeedku (USSR) uga Jaray Taageeradii Soomaaliya 1977-dii?


Dalkii Midowgii Soofiyeedku wuxuu xiriir fiican la lahaa Soomaaliya sannadihii 1960-aadkii ilaa 1977-dii, wuxuuna heshiis saaxiibnimo iyo iskaashi leh la saxiixday Soomaaliya sannadkii 1974-tii. Wuxuu siiyay Soofiyeedku, Soomaaliya hub qiimihiisu dhammaa $300 malyan 1974-tii ilaa 1977-dii. Sidaas darteed, ma muuqan sabab kala jari kartay xiriirkii labadii dal.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Robert Patman ku sheegay buuggiisa; Soviet Union in the Horn of Africa pp 178, dhawr arrimood oo uu Soofiyeedku Soomaaliya ku qoonsaday 1974-77-dii. Kuwaas oo kala ahaa:

1) Jaahwareer xagga mabda'a: Soofiyeedku wuxuu dareensaday markay Soomaaliya gabtay inay yagleesho "Xisbi Hormooda" oo la jaanqaadaya mabaadi'diii Maarkis iyo Liinan. Wuxuu ka loo ka xumaaday markay Soomaaliya dhammaystiri wayday qaramayntii dhaqaalaha iyo inay dalkii ka sii jirto lahaanshaha hantidii gaarka ahayd.

2) Hadalladii M S Barre ku sheegay in Islaamku kamid yahay waxyaalaha ku milan hantiwadaagnimada Afrikaanka, isagoo yiri:
'Dalkayaga diintu kaliya maahan caqiido; ee waxay kaloo kamid tahay dhaxalka dhaqankayaga waxayna leedahay hab dhismeed qoto dheer. Imbiryaaliyaddu waxay mar walba isku dayi jirtay inay diinta u adeegsato sidii qalab lagu la dagaallamo fikradaha shuuciyadda. Annagu waxaan rumaysannahay inuusan dalkayaga ka jirin loollan ka dhaxeeya diinta iyo hantiwadaagga.'
  Soofiyeedku wuxuu u arkay sida islaannimada loogu dhaqmo Soomaaliya inaysan hantiwadaagnimo ahayn. Wuxuu ka loo u arkay, isagoo xiganaaya erayadii iyo falalkii Barre inuu rabo inuu xiriir dhaw la samaysto Dawladaha Khaliijka oo uu Sacuudigu ku jiray, kaas oo aad uga soo horjeeday hawlaha Soofiyeedka.
3) Walaac ku saabsanaa waddaniyadda Soomaalida madaxmartay "narrow nationalism", tusaale ahaan wuxuu Barre fagaare ka caddeeyay madaxbannaani-qarameedka Soomaaliya isagoo ka maagtay saamaynta Soofiyeedka xilligii uu jiray buuqii sawaariikhdii Berbera wuxuuna is la markaas muujiyay sida ay ugu furan tahay Soomaaliya inay xiriir saaxiibnimo la yeelato US-ka.
4) Soofiyeedku wuxuu u gartay in Barre qalqaalsanaayo taageero uu ka helo xoogaggii Soofiyeedka ka soo horjeeday, oo ay ku jireen Shiinaha iyo Dalalka Khaliijku.
Dhinaca kale siyaasaddii arrimaha dibedda ee Soofiyeedku waxay u aragtay kacaankii Itoobiya ee 1974-tii mid meesha ka saaray taliskii Xayle Salaase ee imbaryaali dhulgoosiya ahaa iyo in Itoobiya tillaabooyinkii u horreeyay u qaadday dhanka dimuqraadiyeynta hab-bulsheedka iyo higsi ahaan dhanka hantiwadaagga.
Labadii sanoo u horreysay ee uu jiray kacaankii Itoobiya, wuxuu Dergigii gudaha dalka ka la kulmay colal badan sida, dhaqdhaqaaqyadii waddaniga ahaa ee Errateriya iyo Oramiya, iyo sidoo kale xoogaggii diiddanaa barnaamijkii dib-u-habayntii dhulka.
Mucaaradkii ka horyimid iyo awooddii ciidan ee Soomaaliya oo sii ballaaranaysay awgood, wuxuu Dergigii weyddiistay kaalmo millateri USA. Hase yeeshee, maamulkii Ford isagoo iska ilaalinaayay colaadda Dawladaha Khaliijka ee caawinaayay Errateriya, wuxuu Itoobiya u oggolaaday in yar oo kaalmo ah. Maamulkii Carter ee cusbaa isagu wuxuuba diiday kaalmo xagga ciidanka, isagoo xusay jawrfallo xagga aadannimada oo ay ciidammadii Itoobiya ee dagaalka ku la jiray xoogaggii Errateriya sameeyeen.
Sidaas darteed, Itoobiya waxay ugu leexatay dhanka Soofiyeedka kaalmo millateri sannadkii 1976-dii taas oo loo oggolaaday.
Kaalmadaan loo siiyay cadawgoodii soojireenka ahaa (Itoobiya) ladagallaankii Errateriya wuxuu ka caraysiiyay Barre iyo taliskiisii Soomaaliya oo run ahaantii intii sannado ah siinaayay kaalmo Jahbhaddii Xorayntii Errateriya.
Ugu dambayn, arrintii maanrogtay Soofiyeedka oo ka horkeentay Soomaaliya waxay dhacday markii bishii Seddexaad 1977-dii Soofiyeedka iyo Fidel Castro soo jeediyeen konfedaraalka Jibuuti, Soomaaliya, Itoobiya iyo Yementii Koonfureed si ay u sameeyaan cudud hantiwadaaga oo Geeska Afrika ka jirta iyadoon wax badan oo isbeddela lagu samayn xuduudaha, sidaas oo Ogaadeeniya ka dhigaysay mid ka sii tirsanaata Itoobiya, iyadoo leh ismaamul gaara (autonomous). Barre is la markiiba waa diiday fikraddaas, wuxuuna ku celiyay sheegashadii Soomaaliya ee Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden).
Soofiyeedku middaan dambe wuxuu u qaatay macanganimo, waxayna u sii caddaysay cabsiduu ka qabay waddaniyada Soomaalida madaxmartay.