Sunday, September 29, 2013

Ragna Doorki Baad Tahay (hees)

Doolliyo Afmeeroo
Roobaan dabayliyo
Duufaan wax qaadiyo
Dibindaabyo lagu arag
Mawlle ugu deeqoo
Dhulka meesha didibta
Daadkii ku soo jabay
Dambaskii uu kala tagay
Iyo digadii xoolaha
Oo mareerku dayr dhalay
Hoobaan da'aysiyo
Malab yaroo ka daatiyo
Dusha miro ku leeyiin
Daymada sidoodii 
Marka aan ku daawado
Indhahay daraandara

Dadna adaa ugu qurux badaneey
Waagoo dillaaciyo
Dabna adaa ka oog Dheer
Ragna doorki baad tahay 
Dookhna waa kan igu jira
Duntuna iigu kaa xiran

Diishoo barwaaqoo
Dirir-Cawlle ku onkoday
Dooggiyo xareeddii
Labadu is dabaasheen
Duunyaduna galabtii
Laxda sabada daaqdiyo
Nayluhuna duleedkii
Farduhu is dugsnayaan
Oy dumarku xoolihii
Soo dabbaala leeyiin
Awrka dabarka lagu xirin
Meel dheerna laga dayin
Dayashada kalgacalka le
Marka aan ku daawado
Indhahay daraandara

Dadna adaa ugu qurux badaneey
Waagoo dillaaciyo
Dabna adaa ka oog Dheer
Ragna doorki baad tahay 
Dookhna waa kan igu jira
Duntuna iigu kaa xiran


Saturday, September 28, 2013

Soo Hor Caashaqa (hees)

Wiilka:
Naftayda waan kuu huri laa
Hantina kaa bixin lahaa
Hagar kuu ma quureen
Halistaad i goysiyo
Halkaad igaga taallee
Hawo dhalisa caashaqa ee
Hiyigu raac
Hadba kaynta geerida ee
Ku hor timaadda

Ragga iyo haweenkuba
Midna haybad ma yeesheen
Kan kaloo la haynine
Hadhow bay oran 
Lay ma heesine
Lay la ma hadline
Doob hurday helay
Hoobeeyay soo 
Hor caashaqa
Aan hirgelinnee

Gabadha:

Dhankayga waan kaa hanan laa
Haween u roon kuu noqon laa
Hawo guur ma diideen
Haddaan hubo dhankaagee
Haddaad hagar baxaysee
Habeyn kaliya caashaquyee
Hayeh ku ma fulaayee
Horta baro

Ragga iyo haweenkuba
Waxay haybad ku yeeshaan
Habsanaanta guurkee
Meel la heloo
Aan horseed wadan
Loo ma haadshoo
Way hawirantaa
Hoobeeyay 
Haki caashaqa 
Yuu hallaabine

Wiilka: 
Jacaylka waan ku la habayn laa
Hiillaan kuu noqon lahaa
Hawl kugu ma dhaafeen
Adigoo harraad qaba
Habeyn kaa ma seexdeen
Hamakaynta caashaqa ee
Halacsiga,
Huqbaynta hibashada ee
Nabar horreeyay

Ragga iyo haweenkuba
Midna haybad ma yeesheen
Kan kaloo la haynine
Hadhow bay oran 
Lay ma heesine
Lay la ma hadline
Doob hurdaa i helay
Hoobeeyay soo 
Hor caashaqa
Aan hirgelinnee


Gabadha:
Hawd geedo laa
Lagu soo hirtaa
Hareer doog laa
La harsadaa
Haradoo biyowdaa
Dadku ka haqabeelaa
Kaliil beeshu hayaantee
Horaad jar uga tuurteen
Habloo ugu hoddeen
Hadimo iyo luggooyaad
Baddaan kaga hadhaan

Ragga iyo haweenkuba
Waxay haybad ku yeeshaan
Habsanaanta guurkee
Meel la heloo
Aan horseed wadan
Loom a haadshoo
Way hawirantaa
Hoobeeyay 
Haki caashaqa 
Yuu hallaabine



Friday, September 27, 2013

War Dhafoor ku Yaalla (gabay..Ilmadow) Iyo Allow (Dablad Sagaara-Eri)

Allow yaa Cadaadiyo Gidheys, ku cimri dheeraada
Yaa ceelka Docolleey dega, Kax iyo Beer Caafi
Allow yaa cirraa igu habsataye, timo cad ii dhaafsha
Oo gabar cadrada ii dhisoo, iga coog coogin
Allow yaan cadaabka aan tagin, caanana aan waayin
                   Dablad Sagaara-Eri

Guri-jeexyadii tagay haddaan, waagii hore raaco
Oo aanan walaalahay ka harin, wax ima gaareene
Waqtigaan lahaa wuxuu ku lumay, geedo sare waabe

Aniga iyo waraabaha ma jiro, wax u dhexeeyaaye
Waddo aan ceel ba tagin baan ku dhacay, waayihii hore e
Jabhaddii Wardheer baan ahoo, weerarka caddayde
Iyagaan wax loo qaban dalkana, waardiyayn jiraye

Waxa wada hadlayaa waa, tobanka waaweyne
Aniga iyo waalkay ma jiro, axad waraystaaye

Mar haddaan ri' waaxyeynayoo, dhari walaaqaayo
Ee aanan shir-weynaha tagayn, wadarta loo joogo
Su'aal kuma wanaagsana wajiga, waxa ka muuqdaaye
War dhafoor ka yaalla yaan cidina, wax iga weyddiine
                                  Ilmadow

Thursday, September 26, 2013

Maalka Nagu Siiya iyo Sharmaake Cilmi Xaryan (gabay)



Geedkii macluum ah bir, waa laga la maagtaaye
Niman magacyo weyn baan nahoo, lagu murweeyaaye
Makaab iyo makaab inaannu nahay, maalka nagu siiya

Lo'da misaggada la siinaayoo, lagu muraaddaysan
Malag loo dhintay leedahee, maalka nagu siiya

Mataan iyo haddaan Maxammad-Deer, meel wax ugu sheego
Ma'wigii Illaawe iyo haddaan, Cali u maan geysto
Ilmo adeer mudan baa jiree, maalka nagu siiya

Xididkaa markab ah oo murti leh, waa la mahadshaaye
Haddaan Yuusuf Cali mood iraah, ama meydal u geeyo
Isagaa ninkii magan galaa, mahad ka sheegtaaye
Madfac iyo dab baan heli karaa, maalka nagu siiya

Hadalkaas aan kuu mariyay, waa nabad macaankeede
Labadeenna meelood haddaan, kala muraad weyn0
Ninba dhalashadi inuu mintidi, maalka nagu siiya

Wednesday, September 25, 2013

Hiidow Baxeey (heesaha Mingiska)

Wadhooyee
Wadhooyee

Soo dhacyey
Saarlaa ogaa
Wuxuu doonayaa
Daylooy laxdii
Wuxuu doonayaa
Aqal daahyo weyn
Deewaali xariiruu
Doonayaa.....

*********************

Hiidoow baxeey
Hee hee
Hilin hilib hayow
Hiidow baxeey
Hee hee
Hala dhalay watoow
Hiidow baxeey
Shayddaan hurdow
Hiidoow baxeey
Meygaag hurdoow 
Hiidoow baxeey
Harag waxar sitoow
Hiidoow baxeey..

Tuesday, September 24, 2013

Godobtayda La Carraw (hees)

Inan yahay gudgude-roob
Geyr iyo dabeyl badan
Dhul gelgelinaan kaa helay
Jacayl igu gadaantoo
Markuu ganafka reeryada
Guudka iga saaraye
I gurguriyay caashaqu
Ee uu gibisha igu xiray

I garwaaqsan weydoo
Gacanta igu saydhee
Anna gooha reenkiyo
Gocoshada ma daayee
Meelay ku geysaba
Godobtayda la carraw

Nin gunaadki maqan yahay
Godka laga aabbaaray ma moogee
Adaa ii geystay nabaradaan
Igu gaaxsanaadiyo
Aramidaan u go'ayee
Adna garasho daraneey
Waad igu gurracantoo
Ani oo dartaa u gubanayee


I garwaaqsan weydoo
Gacanta igu saydhee
Anna gooha reenkiyo
Gocoshada ma daayee
Meelay ku geysaba
Godobtayda la carraw


Monday, September 23, 2013

La Gurguuro Caashaqa (hees)

Shib-la' geedihii urur
Golihii la wada yimid
Gar cadaawe oo taal
Godobtana ninkii galay
Guudkiisa laga dhigay
Guushiina laga helay
Sii gocoshada xunee
Adigoo gashaantiya 
gu'na jiray shaniyo toban
Geyigoon rag ka idlaan
Guul-la'aan nin bariyoo

Geddiise weeyee
La gurguuro caashaqa

Adigaa galgaalkiyo
Gooshii aan wali dhalin
Garab-weynta ugubka
Garoob taan irmaanayn
Gorofka ugu heesee
Waa adigaan niyadda guran
Rabbina kugu gabbaanaday
Guubaabinaayee
Godoshaye u yeer yeer
Gaaxdana aad maashide
Bal waxaad ka guratiyo
Gamashida aan aragnee

Geddiisa weeyee
La gurguuro caashaqa

Friday, September 20, 2013

Madax Aan Mudnayn iyo Mashxaradda Bukaanka (Maqaal)

Madax Aan Mudnayn iyo Mashxaradda Bukaanka

Jiidaashii dheerayd ee uu aadanuhu soo maray, wuxuu maalin noolba la fal galaayay gedo kala jaada. Dadka dunida ku nool waxay kooxdii degal ama isir wadaagtaaba qaabeysanaysay hab ay arrimaheeda ku maamulato. Magacyadii loo la baxay hab-maamuleedku wuu kala duwanaa. Waayahaan aan innagu joogno, waxaa ugu caansan habab is-maamul, kan hab-dawladeedka. Waxaa marar badan la isku khaldaa, dalwlad iyo talis-dawladeed. Kan hore, waa dawladdee waa dhulka seeraha iyo calanka leh oo dad danwadaagihi leeyihiin iyo kaabayasha nolosha ee ka jira dhulkaas ama dalkaas. Kan dambe, waa taliska ama xukuumaddee waa kooxda loo sooco u-adeegga dawladda. 

Marka si kale loo yiraahdo, xubnaha taliska dalku waa shaqaalaha dadweynaha dalkaas. Markay arrimuhu saxan yihiin, waxaa xubnaha taliska dawladda shaqada ka eryi kara ama qori kara, codka dadweynaha. Waxaa xubnaha u adeegaya dawladda lagu saantaa; hufnaan, karti iyo aqoon ku filan hawsha loo baaliyay xubintaas. Waxaan u naqaan xubinta ugu sarreysa taliska dawladda, madaxweyne, hoggaamiye iwm. 

Sidaas darteed, bulshada arrimaheedu qumman yihiin waxay leedahay hal-beegyo ay ku dhudhumiso kooxaha ka adeegaya danaheeda. Haddii bulshadaas cudur nafsaani ah oo baahsan ku dhaco waa sida Soomaalida maanta ay ku sugan tahee, waxaa habkeeda dawlad-maamulka ku dhaca fasas ka dhiga bukaan. Sida lagu garan karo, ummad iyada iyo maamulkeedu wada bukaan yihiin ma adka. Haddaan tusaale ahaan, u soo qaadanno Soomaalida maanta, waxaan arkaynnaa in inta badan xubnaha bulshada ay maanankooda ka tiran tahay macnaha dawladnimada iyo hal-beegyada suubban ee lagu doorto madaxda taliska ama maamulka. in badan oo samaysa dhaqdhaqaayo dhinacyadaas ku aaddan, maba laha aqoonta asaasiga ee arrimahaas, haddana meel walba way ku liqdaaran yihiin. Qaar kale oo isla xubnaha bulshada, aqoon-yaraan kama ahan falalkooda gurracan ee waxaa wax walba uga horreeya danaysi gaar ahaaneed oo ku dhereran jeebkooda ama hummaagooda. 

Dhanka madaxda Soomaalida maanta iyo badi kuwa u heellan inay madax noqdaanba, waxay ka siman yihiin danaysi xad dhaafa oo lagu raadiyo hodonnimo degdeg ah. Si kasta oo ay meekhaanka madaxnimo ku gaari karaan bay adeegsadaan sida; laaluulsh aan daahsoonayn, wakiil-u-noqosho xoog shisheeye, dilista dhinacyada ay halis ka dareemaan, qalalaase-abuur aan loo aabbe yeelin, iwm. Iyagoo siyaasiinta Soomaalida maanta dhaqammadaas si cad u soo bandhigaan, bay bulshadii la rabay inay diiddo oo xumaha ka caabbiso hab-nololeedkeeda kala hor tagaysaa soodhoweyn iyo sawaxan raynrayn xanbaarsan. Kan calammada loo lulaayo oo la soo dhaweynaayo waa xubin bulshadii ka mid ah oo fasas weyn xanbaarsan, kuwa soo dhaweynaayana waa kooxo bulshadii ka mid ah oo bukaan ah. Suurtogal maahan in labadaas dhinac waxsan soo kordhiyaan, waxayse u badan tahay inay caallirkii bulshadu la jirranayd sii kordhiyaan.

Marka la soo koobo, saldhigga dhibabka haysta maanta ummadda Soomaaliyeed waaa qaabka qofku u fakaraayo. Haddii qofka oo ah unugga bulshoweynta uu rabo dantiisa oo qura inuu wax walba ku qotomiyo oo uusan dan u gelin tan guud ama tan xubnaha kale ee bulshada. Haddii qofku uusan tixgelin siin wax-yaqaannimada iyo kartida kan dhiggiisa ah ee kala tirsan bulshada. Haddii qofku arki waayo halbeegyada samaha, kuna kala sooci waayo xubnaha uu bah-wadaagga la yahay. Haddii qofku qallooca iyo toosnaanta kala garan waayo. Haddii qofku isa siiyo mudnaanta kowaad ee hoggaaminta iwm, asagoo ah haraa aan ku filnayn tan qoyskiisa, oo sidaas ku helo alalaas iyo shirar asaga loo aguugo, lana waayo itaal ama is-xilqaan ka badbaadiya ummadda fasaska iyo kuwa fasas-sidayaasha, sow ummaddaas noqon mayso mid ay haleeshay aafo iyo ibtilo ay iyadu inta badan isu keentay?       

Wednesday, September 18, 2013

Heesaha Haanta iyo Kabadda

Hoobaalayoy heedhee
Haaneey Bullooy ii bax

Haantii qoryoy kala jab

Laba qaalin kula buubtay
Laba qaar laguu kala dhig
Geed dheer lagaa soo lul 
Geel-jire ku qooraansay

Awr fakatay baan doonay

Ari fiigay baan raadshay
Ma fayoobide ogiye
Ma furkaa lagaa nuugay

Dibigeenna ina Daalis

Waxa dabada loo gooyay
Waa subag daraaddiiye
Silicdooy sadkaa aaway?

Reeraha magaaleystay

Oo wada maro cad goostay
Waa subag daraaddiiye
Silicdooy sadkaa aaway?

Haantu iyadoo doora

Oo doobke labadii leh
Ayey doora doorowday
Saa waa diddoo carartay

*****************************

Xaabsatooy kabadeey
Xarig ma reebaay
Allow bilis xilkeed qariyey
Xaabadii tiil bay 
Iga xanbaartaaye
Allow bilis xilkeed qariyeey

Geedba geedka u dheer 

Laga garaacyey
Galool muray millaaxdiiseey
Geesi geel keeniyo
Gabadha diirtaa
Galool loogu daahaayey

Tuesday, September 17, 2013

War Yaan Hogasha Beenta Baaqeedu Idin Hodin! (Maqaal)

War Yaan Hogasha Beenta Baaqeedu Idin Hodin

Da'diisu waxay dhaaftay 80 sano, wuxuuna 23-kii sanoo u dambeysay ku noolaa rafaadka qurbaha, wuxuuna la daalaa dhacaayay nolosha hawkar badan ee dalalka qalaad. Markii la sheegay in dalkii dawlad ka dhalatay buu aaday Muqdishow, xaruntii qarankii la bi'iyay oo uu mar ciidanka u ahaa. Hilawga dal-jaceylka waxaa u weheliyay, inoo soo arko ama intifaacsado hantida kaliya ee uu ifka ku leeyahay, taasoo ah guri yar oo ku yaal Xaafadda Hawl-wadaag, agaagaarka Labo-Dhagax. Markii uu gaaray gurigii hantidiisa ahaa ee laga qaxiyay, wuxuu ninka deggani u sheegay: waxaan guriga ka gatay walaalkay dhintay, waxaana kala baxay $30,000 (bal xujada nooceeda u fiirso wuxuu ka gatay walaalkiis oo dhintay). Odaygii hantidiisa xoogga lagu haystay wuxuu is yiri, dalku dawlad buu leeyahaye ee arrinkaaga maxkamadda uga dacwi. Muddo seddex bilood ah buu ku kallahaayay meelihii loogu sheegay in sharciga looga adeego oo ku dhex yaal Muqdishow-da la leeyahay waa xaruntii dalka. Mar walba oo uu tago xafiisyada sharciga waxaa loo sheegaayay inuu lacag bixiyo; mid laaluush toosa iyo mid lagu sheegay khidmadda xafiiska.
Hanti kale, oo uu ku bixiyo lacagahaas ma uusan haysane, wuxuu bixinaayay lacagtii yarayd ee hawlgabka ahayd ee dalka Maraykanku siinaayay bil walba. Dhammaadkii waxaa odaygii loo sheegay in looga adkaaday dacwadii, gurigiisiina uusan hadda isagu lahayn. Waxaa loo sheegay in uu garnaqsi (appeal) samayn karo oo dabcan ah; laaluushyo iyo khidmada kale. Bal eega odaygaas gaboobay halkii guri oo uu lahaa, bay awoodi wayday dawlad qarameedkii la yiri waa la yagleelay inay u soo celiso. Sheekadaasi maahan sheeko aan wax ku tusaalaynayo ee waa mid dhab ah oo taagan, odayguna waa aniga walaalkay; Ibraahim Jaamac Aw-Aden.

Waxaan kaloo maalmahaan warbaahinta ka maqlaynay, carruur agoon ah oo la yiraahdo Ilmo Cali Shire Warsame oo hantidoodii ay boobtay isla dawladdii la rabay inay wax u caymiso. Waxaa intaas dheer, inay kadhan noqdeen agoontaas, garyaqaankii dalka iyo duqii xarunta dalka. Middaan dambana sheeko xariir maahan ee waa arrin si weyn loo wada og yahay.

Labadaas sheekoo kor ku xusan, waxay tusaale wacan u yihiin xaqdarrada ka jirta dalkii mar ahaa agaagsaha ee loo rogay cadaabtii ifka. Waxay tusaale u yihiin boobkii weynaa ee ka dhacay xaruntii qaranka Soomaaliyeed ee mar ahayd mudanta magaalooyinka dalka ee haatan laga dhigay hogag ay tusmaysteen halyeyadii hogga iyo ba'a baday dadyogii degaamaysan jiray. Badanaa, inta qof doonay inuu wax uun ka caynsado hantidiisii laga boolyay oo nafta la weysiiyay. Badanaa, inta qof harkii ka hadaadumay hantidiisii moodka ahayd, kadib markii loo diiday oo waliba cagajugleyn loogu daray. Badanaa, inta qof guryihiisii iyo goobihiisii ganacsiga sidii la doono loo intifaacsado oo cid xaalaysa aysan jirin dulmigaas gaamuray.

Qof kasta oo wax uun garaadka laga siiyay, waa og yahay inaan dawlad waxtara ka dhalan Soomaaliya, waa haddii qofkaas dhug leeyahay oo uusan ahayn mid dhoohan. Waxa nala maqashiisiiyay, waa magac-u-yaal dawladeed oo aan innaba lahayn ficil nool. Waxay gabtay in iyadu xubnaheeda amnigooda ilaaliso. Waxay gabtay inay halkii magaalo ee taliskeedu yiil amnigiisa sugto, iyadoo la wada og yahay inaysan Muqdishowdii ay fadhiday hameynna nabad ku soo hoyan. Waxay iyadu is tarto daaye, waxay keentay inay si tannaago ah, qeybaha dalka colaado uga huriso sida Gobollada Jubba oo la wada og yahay dhibabkii ka dhacay oo aan wali dhammaan, kadib, markii ay distoorkii ahaa xeerarka ugu sarreeya dalka si toosa ugu tumatay. Waxaa yaab leh, qalalaase badan iyo qasaare kadib waxay oggolaatay ama lagu dirqiyay inay is-maamulkii Jubbooyinka oggolaato. Waxaa arrintaan dambe ka sii yaab badan, waxay ka danaysatay oo cidla uga dhaqaaqday, kooxihii iyada la safnaa oo magaceeda ku hawl galaayay. Iyadoo qodobbada kore, dadka dhegahoodu wax maqlaan wada og yihiin, ogoobeey dad baa wali ku doodaya; Dawladda Soomaaliyeed. Ogoobeey, dad baa damaashaadyo u sameynaya oo alalaas iyo raynrayn ugu daraaya. 

Marka laga run sheego, wali Soomaaliya kama dhalan dawlad loo han weynaan karo ama leh sansaankii dawladnimo amaba hammigeed iyo qorshaheed leh. Iska daa, ifafaalo dawladnimo oo ay yeelatee, waxaysan lahayn cod laga dhadhansan karo hammiga dawladnimo. Waxa kaliya oo aan ka aragnaa waa yaboohsi iyo yooyootan dalalka dibadaha lala aado. Waxaan aragnaa kooxo jaakadaysan oo hadba dal ka dagaaya oo ujeeddadoodu tahay, tacab-qofeed iyo taakulayn lagu raadsho magaca ummadda Soomaaliyeed, hadhowna hoos laga yiraahdo; "waa ka beesaystay". 

Dadka Soomaaliyeed ee ayaan-darradu ku habsatay, wuxuu u baahan yahan madax hufnaan iyo karti leh oo aan wadan ujeeddooyin danyasi gaar ahaaneed ku qotoma. Wuxuu u baahan yahay, madax codkeeda samaha iyo saadda wanaagsan xanbaarsan gaaro dhammaan xubnaha dadweynaha ee ku tabaalaysan goonyaha dunida. Wuxuu u baahan yahay madax han sare leh oo garsoorkoodu ka bilawdo unugyada hoose ee bulshoweynta. Inta laga gaaraayo waaga uu soo if baxaayo hanad xanbaarsan tilmaamaha iyo hannaanada hoggoomiye horusocod ah, waxaa habboon inaan loo roob raacin hogal beena, si aan nafta loo hodin oo hagardaamo loogu geysan. 



       

Monday, September 16, 2013

Allow Ciilka Iga Bixi (hees)

Cakuye hawl adduun badanaa
Ma cid-la' ciirsi baan fadhiyaa
Cir kaa dheer dhul kaa dheer
Caways ma kuududaa?
Waa iga ciirsan tee taladu
Cayn wareegsan tee aniga
Culays bay saarane
Allow, Allow ciilka iga bixi

Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

Cakuye cosobkii qalbigaa
Ma hayo carshigii indhahoo
Middii aan calmadaa
Ciriiri ku jirtee
Caashaq baan hortee anigu
La cataabayee haddana
Dhib kalaa igu curatee
Allow, Allow ciilka iga bixi


Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

Calool xumoodayey
Xalay baa gogoshu i cuntoo
Cartamoo sidaan
U caddibnaa baa
Cadceeddii soo baxdee
Cududdaa iigu sii darane
Waa calaacashaa marane
Ciddi jiiday socodkee
Allow, Allow ciilka iga bixi


Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

Saturday, September 14, 2013

Guur Maxaan Ka Yeelnaa (hees)

Waa gelin dambeetiyo
Goortii la sheegoo
Waa duni gabowdoo 
Sii gabaabsinaysee
Labadii is guursada
Qofba gaar ahaan buu
Gooni u taagan yahoo

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbaysoo
Mar haddayna wax wada goyn
Midna meel ma gaadhoo
Qofna gaar ahaan iyo
Gooni u ma naaxoo
Guri laga ma maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa?

Kolleey gaafka maanta
Genbi ka cabso mooyee
Maxaad garatay oday iyo
Ma jiraan garawshee
Guur maxaan ka yeelnaa?

Geel kuu irmaan iyo
La ma guriyo naasoo
Qofkii adiga kuu go'a
Gudin loo ma qaatoo
Golahaad ku hoyatiyo
La ma gubo harkaagoo
Dabaylahakan guuxiyo
Hadal lala ma guuree

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbaysoo
Mar haddayna wax wada goyn
Midna meel ma gaadhoo
Qofna gaar ahaan iyo
Gooni u ma naaxoo
Guri laga ma maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa?

Kolleey gaafka maanta
Genbi ka cabso mooyee
Maxaad garatay oday iyo
Ma jiraan garawshee
Guur maxaan ka yeelnaa?

Guul iyo ayaan waa
Gaari iyo ninkeedoon
Gaajada adduunyada
Midna looga gaar dhigine
Gole lagu hurdaa iyo
Waa geedo miro loo
Gomosh kuu macaan iyo
Laga guranin Maqashtee

Gacan midigba bidixdaa
Hawsha ugu garbaysoo
Mar haddayna wax wada goyn
Midna meel ma gaadhoo
Qofna gaar ahaan iyo
Gooni u ma naaxoo
Guri laga ma maarmee
Guur maxaan ka yeelnaa?

Kolleey gaafka maanta
Genbi ka cabso mooyee
Maxaad garatay oday iyo
Ma jiraan garawshee 
Guur maxaan ka yeelnaa?




Soo Haldhowadaay (gabay: Sayid Maxammad C Xasan 'AUN')

Nin kalaba naftiisa ha hafree, Sayid Maxammad Cabdille Xasan (AUN) wuxuu ahaa gabyaa aad ugu horreeya hal-abuurka iyo halgamaa ku adag oo walib run-sheeg ah. Gabaygaan hoose oo ah mid siyaasadeed oo uu ku xodxodanaayo tol Soomaaliyeed oo uu maaggana inuu ku soo daro halgankii dheeraa ee kadhanka ahaa shisheeyihii dhinac walba dalka uga yimid, wuxuu ka mid yahay gabayada mucda cuslus oo haddana xanbaarsan suugaan qiro leh. Waxaan isku daynay qeexidda erayada qaar, toosinta qeexiddaasi u baahatana waa inoo wada furan tahay:

Xasanow hub qaaddaye haddaad, naga hagaageyso
    
Hiyigaad ka sare joogsatey, hibatay laabtiiye
     Haddaad hiirta waaberi sengaha,
halabsatoo fuusho

     Habaas idinku duula iyo boor,
hiriba mooyaane
     Hillinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
     Waa tuu
haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane

     Ha yeeshee waxaa Hawd lagu yaqaan,
hawkar iyo oone
     Hadda aynnu joognaana waa, 
hoga kaliileede
     Allihiii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo

     Hinni awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duulo
     Hanfigiyo kulaylkoo sidii, halac ku leefaaya
     Hagoog layr ah hadhac kaa astura, lagugu hoosaasye

     Hurgun gocondho hiil qodax lehiyo,  hiije iyo qaare
     Hurmadow gubada dogob huuro loo, hadowgu naafeeyey 
     Hirrigaad mareysiyaba jirduhu, ku ma halaakeeyo

     Wiyil
hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi
     Hardi madax
hakoobsiga ciddida, mici haliilaysa 
     Hurduf geri haraatida lugeed,  qalanje heeraaya

     Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
     Shabeel horor ah
haariban dawaco, haramcad guuxaaya
     Dhidir
halable halowyaalo weer, haalufada yey ah

     Bahal hoose halaq baas intii, had iyo waabaay leh
     Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
     Galow
hiririfleeyiyo jugleey, wadne hawhaw leh

     Weliyada hanuunaan beryiyo, hodanka Yaasiine
    
Habheebaha jiidaashiyo daal, hanaqyadii dawga
     Habeen iyo dharaar Eebbahay,
hadimo kaa baaji

     Hor iyo gees hareer iyo gadaal, halal nabaadiino
     Hoygaagu heeraar Watiin, hoyosho Li’iilaaf dheh
     Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aamiinso 

     Afartaasi waa
heego roob, hababacdeediiye 
     Sidii
hogol daruur hifa baan, hibitiqaayaaye
     Harawaatigii iga ma imaan, hoorista ahaaye

     Waxaan sana hamuumaba adaan, kuu hawalayaaye
     Haddaan kugu hanqaro mowjadaad, ku hafan doontaaye
     Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye


     Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane
     Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
    
Hinfirka iga soo bixi naftaad, kala haaribeysaane

     Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
     Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane
     Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye

     Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
     Hebelkii walbeetaba u sheeg, hagari waa ceebe
     Haweenka iyo carruurtiyo nin weyn,
harawada u naadi
 
     Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
     Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar-wadaaggeeye
     Jinnaa igu
hudbeeyee malaha, i ma halleeyeene

     Hannaankiyo wanaagaan u galay, haa ku odhan waaye
     Hafriin been ah ceeb igu hab daran, igu ma hoorsheene
     Goortay habluhu boodayaan, igu ma heeseene


     Hiddaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane
     U ma hiilliyeen gaaladaan, heerga ahayne
     Haawiyadda naareed jannada, kaga ma hoobteene


     Ii ma soo humeen guutadii, haayirka ahayde
     Goortaan
hambooriyey kufriga, iga ma hiileene
     Harti igu ma toogteen intuu, hiisha ii galo e

     Habaryoonis iyo Ciidagale, la ma hableeyeene
     Hiraab naago ka ma guursadeen, Habar-magaadleye
     Intay hii yiraahdaan af baas, ku ma hadaaqeene

     Herar kuma fureen reer intay, Haro ka guuraane
     Ninkii hala beesaa tabcaday, ma hunguriyeene
     Ma
hadaadumeen wiilashii, heel ka buuxsamaye

    
Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene
     Hayaag iyo Hulqiyo Khaalidyadu, ma hunguriyeene
     Sidii halal ugaaroo fakaday, la ma horeeyeene

     Haaruun ma laayeen raggii, ugu han weynaaye
     Waatuu waraabuhu harqaday, hanaddadoodiiye
     Horintii lahayd Faaqid bay, haniyo gooyeene

     Hindise aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile
     Hog wuxuu ku dhacay kolkuu, huray Daraawiishe
     Haddii aanay haad Feranji gelin, la ma halaajeene


     Hoor wuxuu i soo dhaafay markaan, helay warkoodiiye
     Hilaaboodayey ma aan jeclayn, hadalka qaarkiise
     Waxaan la hammiyayaa raggay,
hadur ka yeeleene
 
     Hanti baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile
     Hoodada karaamada Allaan, igu hungeyneyne
     Goortaan habaaraa Illaah
, heeray boqontiiye

     Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta
     Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine
     Shayddaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

      Haadaan waxaa idinku guray, had iyo Tuurtuure
     Hagag iyo qalleyf miidhan waa, lagu habaabaaye
     Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene

     Ka hakada habkiinnii shalaad, ka hawo raacdeene
     Hubsadaay tashiga kheyrka waad, ka hanfariirtaane 
     Halmaan iyo ninkii hadar yaqaan, honono’iis diida

     Cadaawuhu halabowga wuu, kugu hodaayaaye
     Hidyuu uga danleeyahay markuu, kuu halaanhaliye
     Hoygiinna yuu iman iblays, idin huduudaaya

     Hanad yahow Ogaadeenku wuu, ku hawiraayaaye
     Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye
     Inay haybad kula doonayaan, ku ma habsaantaane

     Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane
     Kuman heegma kuman haawiyoo, Hadi ku dooyeeya
     Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba

     Kun haloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha
     Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la ciyaara
     Heensaan idiin saarayaa, xamaro
heeg dheere

     Horweynnaan ku soo shubi xeryaha, haawadee marane
     Caanaha haleelada dhashaad, habacsan doontaane
     Haamaha karuurkaad sidii, heeshigaw dhiciye

     Nin ragaa hammiyee caalle, waa hogashadiisiiye
     Hiirtaayo meeshii leh waa, laga huleelaaye
     Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaale

     Hub iyo maal hanti iyo xoolo, hoo aan dami haynin
     Waxaad iga haweysaanba waad, iga helaysaane
     Soo haldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane

Erayada:
1-     Hiyi: kal, laab, cindi, qalbi.
2-     Hibatay: bixisay, dhiibtay, siisay.
3-     Hirib: in yar, aan badnayn.
4-     Halabsi: fulitaanka faraska iyadoo rakaabka cagta la saarin.
5-     Hillin: waddo weyn oo haloosi ah.
6-     Haloosi: waddo aan lahayn dhir ama godad.
7-     Hiiraan: dhul oommane ah oo kulul; degaan magaciis.
8-     Hawkar: dhul dhib badan; oomosoor, xadaafiir.
9-     Hogo Kaliileed: xilliga kulul oo roobka ka horreeya.
10-Hinni: meel jiq ah ama dhir shareeran.
11-Hirif: neef kulul, hanfi.
12-Hanfi: dabayl kulul.
13-Hurgun: fasas, caallir.
14-Hiije & Qaare: hiije waa eelka wax ku muday keeno, qaare waa qori yar oo wax muda.
15-Hadow: dabka ama holaca.
16-Hadaf: ilduuf, habow, gef.
17-Hiijoqabe: gashi-qabe, utun-qabe, godob-qabe, aano-qabe.
18-Hakoobsi: booddo isu diyaarin ama dagaal isu diyaarin.
19-Hurduf: baxsasho degdeg ah; is-dhifasho.
20-Hunnufaa: wuxuu u jeedaa qaabka uu dhurwaagu u socdo.
21-So’: hilibka jiirka.
22-Haariban: iska ordaysa sidii wax la cayrsanaayo.
23-Halable: leh timo dhaadheer.
24-Halowyaalo: midab aad mooddo in la halwiyay ama la gubay.
25-Haalufada: diirata ama boobta.
26-Haayir: col ama guluf weyn.
27-Hirirfleyn: sharqanta kuwa duula sida shinbiraha
28-Habheebaha Jiidaasha: habheeb waa meel aad looga cabsado, jiidaashu waa fogaanta ama masaafada. Hadimo; waa dhibaatada.
29-Hanaq: dhuunta halkeeda godan, galaw.
30-Hayaakiil: qaabab badan, kuwo badan.
31-Heego: daruur saymaha da'aaya ka korreysa oo aan wali di'in. 
32-Hogol: daruur hoortay ama hooraysa.
33-Hifa: buuxda ama afka haysa.
34-Hibitiq: walax dureere ah sida biyaha oo dhibco u shubma; darroorid; habyid.
35-Harawaati: biyo badan oo shubmaaya ama hooraaya
36-Hamuun: aan afka wax gelin; qatanaansho.
37-Hawalayaa: bilaabayaa; ku af bilaabayaa.
38-Hanqar: onkod; guguc.
39-Hafasho: biyo lagu dhex dhaco oo lagu dhinto ama rafaado.
40-Hadfahayaaye: ka habaabayaaye, waayaya jidkii toosnaa.
41-Hinfirka: waxa ka soo ura meel huursan; ur; suun.
42-Haaribeysaane: kala tegaysaane; kala ambabaxaysaane.
43-Haguug: dhihiwaaga hadalka; shig-shig.
44-Looyaan: aan naxariisan; dilaa.
45-Hagi: kob; meel; aag.
46-Harawada: fagaare; meel la isu soo baxay.
47-Hudbeeyee: diraye; iska keen hor keenaye.
48-Hafriin: wax-siin aan jirin oo la isku masabbito.
49-Hiifaane: eed-saarid; canaan.
50-Heerga: aan heshiis ahayn; col.
51-Humeen: abaabuleen; dumeen.
52-Hamboorin: horay u tuurid; harbin.
53-Hiisha: geed yar oo caanaha xoolaha ka dhiga xaraar ama digada ku aruursan meel xoolo ku xaroodeen/xaroodaan.
54-Harti: qori waayihii hore la adeegsan jiray oo xabbad kaliyaale ah. Waran weyn. 
55-Hadaadumeen: ka quustay oo ka tagay; ka calool go'ay.
56-Halqi: abuuranaha; khalqi.
57-Hargawaaxeen: dhibaateeyeene; wax yeeleene.
58-Harqaday: ka dhargay; ka haqa beelay.
59-Haniyo: labada carrab oo yaryar ee dhiigga qolalka wadnaha soo gala maamula.
60-Hoor: di'itaanka roobka, halkaan waa ilmada da'da.
61-Hilaaboodayey: murugoodayey; calool xumaadayey; uur ku taalloodayey.
62-Hadur: aan waxba laga soo qaadin; inkirid.
63-Heeran: waxyeellaysan; dhibaataysan.
64-Habayaane: siinayaane; quudinayaane.
65-Humbucan: qaab-darro la soo fadhiya.
66-Nadi: shaabuugga faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo.
67-Hagag: hadalka laga hor keeno hadal la yiri; asaraar; akeekan; muran.
68-Hasaayaane: aasayaan; dabool saarayaan si ay u qariyaane. 
69-Hadar: hadal aan macno lahayn oo la iska yiraahdo, sida kan qofka waalan.
70-Hanfariir: baqdin weyn oo si kedis ah u timaadda; didmo. 
71-Halabow: wax-siinta; xoolaynta.
72-Hidyo: lumin; habaabin; fogeyn.
73-Halaanhal: hadal been ah oo cid lagu beer dulucsanaayo. Hees aan jaan lahayn oo Wiglada la bah ah.
74-Huduudaaya (hud-hudaaya): ka hor keenaya; isku-dir samaynaaya.
75-Hawiraad: wax liita ka dhigid; laayicid; luggooyn.
76-Hawaaltamiye: rajo gelin; hiyi kicin.
77-Habsaan: ka gaabiyey hawshiisii ama ballantiisii.
78-Himbilyootan: rajo ku-abuuritaan; rajo-gelin; wax himilo leh.
79-Hadi: geed-quwaax, xabag udgoon leh.
80-Hanqaaraha Kabtiga: xawliga oradka ama sharqanta oradka.
81-Halqooq: wax walba waxa ugu wanaagsan. Qanaanta ama saynta faraska.
82-Heego: daruurta da'aysa tan ka korreysa. Halkaan dul ama duud.
83-Heeshi: caano ama biyo tiro badan; barwaaqo.
84-Hiirtaayo: dhib; waxyeello.
85-Halabo: xoolaha la soo dhaco neefafka hilbo ahaanta loo qasho; sahay.
86-Haldhowadaay: hal raacaay; baaqa soo raacaay; soo dhawaadaay.
87-Hirqan: dheregsan; baahi beelay. 
88- Hoogaansha: foorarsha; laalaadiya.