Tuesday, September 3, 2013

Dhool Bari (maanso...Yamyam 'AUN')

C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) Allahaw naxariistee, wuxuu ahaa maanso-yahan heerka kowaad ah, haddana wuxuu ahaa dhaqan-yahan ku xeel dheer sooyaalka Soomaalida. Wuxuu ka soo jeeday qoys (Reer Xirsi Ugaas Diini) reer guuraa ahaa oo dagaamaysan jiray Gobollada Dhexe iyo dhulalka Ceelcad, Doollo iyo aagagga ku xeeran oo hadda qaar lagu tiriyo Kiilka 5aad ee Itoobiya. Sida la wada og yahay dhulalkaasi way hawkar badan yihiin, biyuhuna waa ku yar yihiin. Haddaba fiicnaanta ugu sarreysa iyo quruxda lala ashqaraaro waxay daaqsatadu aragtaa kaliya xilliga roobku da'o. Isagoo Yamyam xanbaarsan aragtidaas buu si farshannimo sare leh u soo bandhigay tilmaanta quruxdu leedahay markay joogto aragtida daaqsadaha iyo guud ahaan Soomaalida oo u badan raacato. Dhanka kale, quruxdu waa tan abuurriinka ah waana tan uu sida wacan u tilmaamayo:

Bilaw gabay ba' kala rogan
Maanso baabka loo furay
Bismillaahi waa kow
Hirarka is barkadiyo
Mawjado is buurtiyo
Baraaraha biyaha iyo
Meelaha bannaanoo
Baddu ku xarragootiyo
Iftiin baxay ma mooddaa?

Geenyadii Buraaqoo
Baroorkeeda midabka
Heenso quruxda bila iyo
Shucub baallo dahab iyo
Bulcad lagu hagoogoo
Meel baratan yaalliyo
Fagaaraha la kala baxo
Lagu soo bandhigayoo
Baaqa sugi ma mooddaa?

Waagoo baryaayiyo
hameyn soo baraarugay
Bidhaantiisa uguboo
Intay baraxday sagalkii
Fadadkii biyaha siday
Baalka u marriintoo
Is beddelin ma mooddaa?

Guga oo burqadayoo
Balliyada xarfanaayiyo
Baadka iyo caleemuhu
Isu baaqayaanoo
Hadba laamo farac badan
Neecaw ka timid bari
La barboorda-maysiyo
Kayn bacrina ma mooddaa?

Ubax wada bislaadoo
Beer-cosob ku yaalloo
Inta baarka loo simay
Is-beddelidda midabyada
Isha baaqa jeceli
Baalka isu diiddoo
Daruuraha xab burushiyo
Xilliyada aan baaqani
Bariiso aan onkodin iyo
Liseen butaaciyo
Cir barqaday ma mooddaa?

Cidla' laga ma baanee
Ruuxaadan wali baran
Buuni laguma sheegee
Alla bilic haldhaaleey
Curdan weeyee soo baxay
Waa ugub bil dhalatiyo
Wali xabag Barsho ahoo
Bareeraha sidaan qabo
Maskax baaxad weyn baa
Garasho uga buuxdaa
Markay heybad badaneey
Dharka quruxda bila iyo
Xarrago u baydhee
Tinta baahda fidisee
Kala bixiso laafyaha
Afar-qaadle boodiyo
Bog intii ku socotiyo
Baad-laha dabaashiyo
Shinbiruhu ma duulaan

Afartaas baloolleey
Wali beyd kalaa haray
Haddii baabka maansada
Ruux lagu boqraa jiro
Inta boog jaceyl iyo
Xusuusaha aan baabi'in
Boholyowgu gubayoo
Ruuxa isu bixiyaan
Buun u tumi laayoo
Buuraha kalgacalkee
U bidhaama samadee
Lagu beero uduggaan
Ka balweyn lahaayoo
Marka jaantu booddee
Seddeleyda baabaco
Lugta bidix ku goysee
Dadka beerka nugul li
Bururaan dareenkaan
Bartankooda dhool bari
Billad ugu tegi laa


No comments:

Post a Comment