Thursday, September 12, 2013

Ramaas-Siis 2-aad (Ramsses II) .....(Taariikh)

           Ramaas-Siis II (Ramsses II)          

Ramaas = macnuhu Af Soomaali ahaan waa naqa ugu horreeya ee soo baxa marka roobku isla marka roobku da'o kadib.
-Siis = waa bixiye, keene, sababe iwm                              

Ramaasiiskii 2-aad oo talada Kemet ( Ancient Egypt) hayey 67 sano oo ku beegan xilligii boqotooyadii 19-aad ee qarnigii 12-aad Masiixiga Hortiis (MH), waxaa loo yaqaan Ramaas-siiskii Weynaa ama halyeyga ahaa. Wuxuu magaciisu ka sare maray Fircoonnadii kale ee Dhulkii Kimiid (Kemet). Waayihiisii wuxuu dalku gaaray horumar iyo barwaaqo aan hore loo arag. Maahan kaliya in lagu bartay inuu dagaal-yahan ahaa ee wuxuu kaloo ahaa nabad-doon iyo isagoo taallooyin wacdaro leh uga tagay dhammaan goonyaha dalkiisii. Wuxuu ahaa boqorkii ugu horreeyay ee cadawgiisa heshiis la saxiixda waa Hittites e. Heshiiskaas baa joojiyay colaadihii iyo dagaalladii daba dheeraaday ee ka jiri jiray labadaas dhinac. Waxaa ilaa maanta loo haystaa in heshiiskaasi yahay hal-tusaaleedka heshiis walba.

Yey Ahaayeen Hittites?
Waxay ahaayeen qolo ka soo jeedday dhulka Anatolia la yiraahdo oo maanta ka mid ah Turkiga. Iyagoo adeegsanaaya xeelada siyaasadeed bay bilaabeen kunlleydii labaad MH inay si nabada ugu soo gudbaan Bariga Dhexe. Waxay noqdeen awood xooggan, waxayna sannadkii 1530-kii MH beddeleen Taliskii Babiloon. Waxay bilaabeen inay la loollamaan Boqortooyadii Kemet oo waayahaas sii liicaysay taladana uu hayey Akhenton (Boqortooyadii 18aad). Wakiilladii boqortooyadii Kemet ee Dhulkii Shaam baa Akhneton u soo diray waraaqo loo yaqaan "Waraaqihii Amarna" waxaana lagu xusay waraaqahaas halistii ka imaanaysay Hittites/ka iyo inuu u soo diro gurmad wax ka qabta dhibabka soo kordhaayay ee qolodaas. Waxaase dhacday inaan fircoonkii ka jawaabin waraaqahaas, waxna ka qaban arrinka. Waxaa sidaas ka dhashay in Kemet lumiso heybaddii ay ku lahayd Shaam. Markay dhinteen Akhenton iyo kii dhaxlay ee ahaa Tut Ankh-Amon, waxay weeraro ay kaalinaysay qolodii Hittites qabsadeen Dhulkii Shaam. Afadii Tut (Daad weeye magacu) oo ahayd gabadhii Akhenton oo la oran jiray "Ankh-Esenpa-Aton", baa waxay isku dayday inay xeeladayso Hittites-kii. Waxay warqado qarsoodi ah u dirtay boqorkii Hittites-ka, iyadoo waraaqahaas ku codsanaysa inan ay guursato oo loo caleemo saaro fircoonnimo. Boqorkii Hittites-ka oo warqadaha ka qaaday filan-waa baa ka shakiyay arrinka, wuxuuna ergo uu hoggaaminaayay wiilkiisii u diray madashii boqortooyo ee Reer Kemet si uu u hubiyo arrinka, waxaase ergadii qabtay dilayna taliyihii ciidankii Kemet oo uu markaas madax ka ahaa Hore-ma-xaab, gadaalna noqday fircoon. Dhacdadaas kadib, waxaa cirka isku shareeray colaadihii labadii dhinac.

Dagaalkii Weynaa ee Kemet iyo Hittites:
Xilligii ay bilaabatay boqortooyadii Kemet ee 19aad ayaa Fircoonkii Seti I (waa Siidi) ayaa awooddii Reer Kemet ee Dhulkii Shaam soo celiyay, wuxuuna gacanta ku soo ceshay Magaaladii Kadesh ee doorka ahayd. Markaas kadib, waxaa la kala saxiixday heshiis aan sii warraaqin.

Markii uu talada qabtay wiilkii Set I ee ahaa Ramaasiis II ayaa duullaamo culus oo kadhan ahaa Hittites-kii la qaaday. Goob ka mid ah goobahaas baa aad caan u noqotay, waxaana markii hore laga itaal roonaadyay ciidankii Kemet. Mintidnimadii ciidankii Ramaas-siis iyo gurmadyadii soo gaaray baa keenay guul weyn oo loo xusay, dagaalkuna wuxuu socday labo maalmood. Markaas kadib Hittites-kii baa codsaday nabadgelyo, waxayna saraakiishii Ramaas-siis ku taliyeen in la qaato nabada iyagoo leh; "Lama jabin karo heshiis haddiiba la galo".

Markii uu dhintay boqorkii Hittites-ka ee la oran jiray Hattusili III ayaa taladii waxaa boobay nin aan jid u lahayn inuu yeesho dhaxalka talada, kadibna wuxuu u cararay Kemet oo uu halkaas ku magan geliyay Ramaas-siis. Hittites-ku arrinkaas nabadgelinta way ka cawdeen, sidaasna waxay ku muujiyeen qoraallo ay ka tageen:

"Markaan u qoray si uu iigu soo celiye cadawgaygii, sidaas ma uusan yeelin. Sidaas darteed, aniga iyo boqorkii Kemet waa isu caroonnay."

Iyadoo colaaddii labadii dhinac sii xoogaysanayso ayaa waxaa Hittites-kii culays soo saaray awooddii soo kordhaysay ee Ashuuriintii Mesopotamia waa dhulkii u dhexeeyay labad webi e. Kemet iyadana waxaa culays ka soo fuulay dhanka Liibiya. Sidaas darteed, waxay labada dhinac bilaabeen wadahadallo siyaasadeed oo socday labo sano ilaa heshiis la kala saxiixday sannadkii 21aad ee talada Ramaas-siis II oo ku beegan 1280 MH.

Heshiiskii Nabadda:


Oggolaanshaha nabadda ee Kemet waxay joojin doontaa dagaalkii ka socday Shaam, taas macnaheedu waa in aan dib loo soo celin Kadesh iyo Amur. Waxaase meelahaas loo huray si loo astaameeyo seerayaasha Kemet iyo Shaam. Waxaa dheer, in Kemet Reer Shaam u oggolaatay inay adeegsadaan marsooyinkii Finooqiinta ee dhulkooda, isla markaas waxay Hittites-ku u oggolaadeen Kemet maritaannada aan carqaladda lahayn ee waqooyiga ilaa Ugarit. Arrinkaan dambe oo door u ahaa Kemet, waxaa la lumiyay in ka badan hal qarni.

Labo nuqul oo ka mid ah heshiiskaas baa la kaydiyay, mid waxaa lagu qoray fartii hore ee Reer Kemet waa hieroglyph, midda kalana waxaa lagu qoray fartii Caqaadiyiinta (Akaddian) labadaba ilaa hadda waa la hayaa. Labada nuqul waa isu eg yihiin, in kastoo nuqulka Kemet lagu sheegay in boqorkii Hittites-ku codsaday heshiiska, halka nuqulka Hittites-ka lagu sheegay In Ramaas-siis ku baaqay heshiiska. Nuqulka Hittites-ka ee uu soo diray boqorkii Hattusili loona soo diray, kadibna waxaa lagu guuriyay dhagax la dhigay Karnak iyo macbadkii Ramaas-siis.
Nuqulkii Heshiiska ee Fartii Caqaadiyiinta

Heshiisku wuxuu ka koobnaa 18 qodob. Kadib horudhac dheer oo ku saabsanaa jagooyinka boqorka iyo yagleelidda wadeynnimo wanaagsan iyo nabad. Hal qodob baa lagu sheegay in laga waantoobayo weerar dambe oo ay labada dal isku qaadaan.

"Ramaas-siis, boqorkii weynaa oo ahaa Fircoonkii Kemet, waligiis ma weerari doono dalka Hatti si uu ula wareego qeyb ka mid ah dalkaas. Isna Hattusili-gii weynaa oo ahaa boqorkii Hatti ma weerari doono Kemet si uu ula wareego qeyb ka mid ah dalkaas. "

Waxaa xigay laba qodob oo ku saabsan is-bahaysiga labada dal haddii weerar shisheeye midkood ku yimaado;
"Haddii col ku soo duulo dalka Hatti oo uu boqorka Hattusili ee Hatti-gu ii soo diro dhambaal sidaan ah: "Kaalay iga caawi colka", Ramaas-siis, boqorkii weynaa ee Kemet wuxuu u diri doonaa ciidankiisa iyo gaari-farasyo (chariots) si uu colkaan u laayo una qanciyo dalka Hatti."

"Haddii col ku soo duulo dalka Kemet oo uu Ramaas-siis, boqorkii weynaa ee Kemet uu u diro dhambaal walaalka Hattusili, boqorkii weynaa ee Hatti sidaan ah: "Kaalay iga caawi colka", waa in Hattusili, boqorkii weynaa ee dalka Hatti u soo diraa ciidankiisa iyo gaari-farasyaba laayana cadawga."

Heshiiska waxaa lagu daray seddex qodob oo sheegaayay in la iska kaashada afgambiyada iyo kacdoommada gudaha:

"Haddii Hattusili, boqorkii weynaa ee dalka Hatti, ku caroodo dadka dalkiisa kadib markay ka galeen dambi oo sababtaan awgeed, aad arrinka u dirto Ramaas-siis boqorka weyn ee Kemet, waa in Ramaas-siis u diraa ciidankiisa iyo gaari-farasyaba oo uu tirtiraa dhammaan kuwii kacdoomay oo carada keenay."

"Haddii Ramaas-siis, boqorka dalka Kemet, ka caroodo dadka dalkiisa kadib markay ku gafeen isaga oo sababtaas awgeed, uu dhambaal u diro Hattusili, boqorkii weynaa ee Hatti, walaalkay, waa inuu soo diraa ciidankiisa iyo gaari-farasyo waana inay tirtiraan dhammaan kuwaas aan ka carooday."

"Fiiri, wiilka Hattusili, boqorka weyn ee dalka Hatti, waa inuu hubiyaa madaxbannaanida dalkiisa halkii aabbihiis fali lahaa, kadib sannadihii badnaa ee talada Hattusili ee dalka Hatti. Haddii dhasha dalka Hatti ku gafaan isaga, waa in Ramaas-siis u diraa ciidankiisa iyo gaari-farasyo si uu u caawiyo."

Si looga fogaado xiisad, haddii qaxooti u qaxaan dalka kale waxaa lagu heshiiyay in la isu celiyo waxaana loo qaabeeyay toban qodob. Kani waa heshiiskii ugu horreeyay ee laba qaran oo taariikhda lagu xusay laguna wacatamay in la isu celiyo dadka fakadka ah. Heshiisku dad gooniya ma tilmaamin sida dad madaxa, reer boqora ama ah dad aan la aqoon":

"Haddii qof sare ka cararo dalka Hatti oo uu u yimaado Ramaas-siis, boqorkii weynaa ee dalka Kemet, waa inuu boqorku qabtaa qofkaas gacantana u soo geliyaa Hattusili, boqorkii weynaa ee Hatti. "

"Haddii qof sare ka baxsado dalka Kemet una cararo dalka Ammurru ama magaalada uuna u soo galo Benteshina, boqorka dalka Amurru, markaas waa in boqorku qabtaa qofkaas una geeyaa boqorka Hatti, markaas kadib waxaa laga rabaa Hattusili, boqorka weyn ee dalka Hatti, inuu u geeyo qofkaas Ramaas-siis, boqorka weyn ee dalka Kemet."

"Haddii hal qof ama labo reer boqor ah oo ka tirsan dalka Hatti ka baxsadaan dalka Hatti, oo aysan doonayn inay u adeegaan boqorka Hatti-ga, waa inuu Ramaas-siis qabtaa amraana in loo celiyo iyaga Hattusili, boqorka weyn ee dalka Hatti oo walaalkiisa, waana inuusan oggolaan inay degaan dalka Kemet."

"Haddii qof ama labo reer boqora ka baxsadaan dalka Kemet oo ay aadaan dalka Hatti, markaas Hattusili, boqorka weyn ee dalka Hatti waa inuu qabtaa kana dhigo kuwo loo soo cesho Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka dalka Kemet, oo walaalkiisa. "

"Haddii hal qof ama laba aan la aqoon ay baxsadaan oo u tagaan Ramaas-siis, si ay isaga ugu adeegaan, markaas waa in Ramaas-siis uu qabtaa una soo gacan geliyaa Hattusili, boqorka dalka Hatti."

"Haddii hal qof ama laba aan la aqoon ay ka baxsadaan dalka Kemet oo aysan doonayn inay u adeegaan, markaas waa in Hattusili, Boqorka Weyn, boqorka dalka Hatti, uu u soo gacan geliyaa walaalkiis waana inuusan u oggolaan inay degaan dalka Hatti ."

"Haddii hal qof ama labo ka baxsadaan dalka Hatti, oo ay yimaadaan dalka Kemet ama qof reer boqora ka baxsado dalka Hatti amaba magaalo oo uu aado dalka Kemet, markaas Ramaas-siis waa inuu amraa in kuwaas loo celiyo walaalkiis. Eeg, dhasha dalka Hatti iyo carruurta dalka Kemet waxay ku sugan yihiin is-nabadgalyeyn."

"Haddii dadka qaarkiis ka baxsadaan dalka Kemet oo aadaan dalka Hatti, markaas Hattusili, Boqorka Weyn oo ah boqorka dalka Hatti, waa inuu amraa in iyaga loo celiyo walaalkiis. Eeg, Hattusili Boqorka Weyn, boqorka dalka Hatti iyo Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka dalka Kemet, oo walaalo ah, waxay ku sugan yihiin is-nabadgalyeyn."

Dadka baxsadka ah waa in loola dhaqmaa si sharaf leh lana soo celiyaa iyagoon la ciqaabin.

"Haddii hal qof, labo ama seddex ka baxsadaan dalka Hatti oo ay u yimaadaan Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka Kemet, walaalkiis, markaas Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka dalka Kemet waa inuu qabtaa amar ku bixiyo in loo celiyo Hattusili, walaalkiis, marba hadday yihiin walaalo. Waa inaysan eersan dambiyadooda; afafkooda, waana inaan indhaha laga saarin, dhegahooda iyo cagahooda laga jarin, guryahooda ay deggan yihiin xaasaskoodu iyo carruurtoodu waa inaan la burburin. "

"Haddii hal qof ama laba amaba seddex ka baxsadaan dalka Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka dalka Kemet oo ay u tagaan Hattusili, Boqorka Weyn, boqorka dalka Hatti, markaas walaalkay, Hattusili, Boqorka Weyn, boqorka dalka Hatti, waa inuu qabtaa iyaga amarna ku bixiyaa in loo soo celiyo Ramaas-ssi, Boqorka Weyn, boqorka dalka Kemet, waana walaalo isaga iyo Ramaas-siis. Dhanka dambigooda, waa inaan lagu eedayn afafkooda, cagahooda aan la jarin, guryaha ay xaasaskooda iyo carruurtoodu ku dhaqan yihiinna la burburin."

Boqolka Eebbe ee labada dal midba leeyahay ayaa marag looga dhigay heshiiskaan iyo damaanad-qaadka heshiiskaba. Labada qodob oo harsan, kaliya waxaa lagu xusay Eebbayaasha qaar sida Ra oo ah Eebbaha Kemet iyo Teshub oo ah Eebbaha Hatti.

"Haddii Ramaas-siis iyo dhasha dalka Kemet dhawri waayaan heshiiskaan, Eebbayaasha labka ah iyo kuwa dheddig ee Kemet iyo Eebbayaasha Lab iyo kuwa dheddig ee Hatti ayaa tirtiri doona dhasha Ramaas-siis, Boqorka Weyn, boqorka Kemet. Haddii Ramaas-siis iyo dhasha dalka Kemet dhawraan heshiiskaan, markaas Eebbayaasha dhaarta ayaa ilaalin doona iyaga iyo ubadkoodaba."

"Kuwa dhawra erayada ku qoran looxa qalinka waxaa ilaalin doona Eebbayaasha sarsare ee Kemet iyo kuwa sarsare ee Hatti waxayna u oggolaan doonaan in iyagoo barwaaqaysan ku noolaadaan guryahooda, dalkooda, iyaga oo ay weheliyaan adeegayaashoodu. Kuwa aan dhawrin eryadaan ku qoran looxa qalinka, waxaa la tirtiri doona guryahooda, dalalkooda iyo adeegayaashooda. "

Laguma xusin heshiiskaan seerayaasha labada dal, balse waxaa lagu xusay qoraal kale oo lagu dhigay waraaqo laga sameeyay geedka paprus-ka ama burdaha. Waraaquhu waxay tiriyeen magaalo-xeebadyada Finooqiinta ee hoos tagaya Kemet, waxaana magaalooyinkaas ugu sii waqooyisan Sumuru.

Isla markii la kala saxiixday heshiisyada, waa la is gacan qaaday, gaar ahaan marwadii Ramaas-siis; Nefertiti iyo marwadii Hattisuli; Hittite "Budu-Khebi". Nefertiti waxay qortay:

"Walaashayey, waxaan maqlay, inaad codsatay nabdaadintayda iyo walaalnimadayda kadib markii ay xiriirro wanaagsan yeesheen Boqorka Weyn ee Kemet iyo Boqorka Weyn ee Hatti oo walaalo ah. Ra iyo Teshub baa la falgeli doona arrinkaan. Sidaas darteed, kor baad fiirin kartaa, si Ra u hubiyo nabadda una xoojiyo walaalnimada wanaagsan ee ka dhexeysa Boqorka Weyn ee Kemet iyo Boqorka Weyn ee ee Hatti oo walaalo ah."

Dhiilladii Heshiiska Kadib:
In kastoo ay labada madalood ee labada boqor diyaar u ahaayeen meelmarinta heshiiska, haddana dhiillaa sii jirtay, waxaana sabab u ahaa boqor talada laga tuuray oo Reer Hatti ah oo nabadgelyo ahaan ugu sugnaa dalka Kemet, 10-kii sanoo ka dambeysay heshiiska.In kastoo uu Hattusili codsaday soocelintiisa, Ramaas-siis baa diiday arrinkaas. Waxaa laga yaabaa, inay sababtu ahayd iyadoo Hatti-gu diideen in seeraynta labada dal ee Kemet iyo Shaam laga dhigo meelahay ahaan jirtay heshiiska kahor. Taas waxaa weheliyay qaraarka uu ka dhadhanshay Hattusil dhambaalladii Ramaas-siis, Kuwaan dambe waxay sii kordhiyeen dhiilladii labada madalood. Wuxuu Ramaasiis markii dambe diray waraaqo uu ku xusuusinaayo Hattusil walaalnimadoodii, wuxuuna raaciyay hadiyado-is-dhaafsi. Mar buu Hattusili u soo diray Ramaas-siis addoon curyaan ahaa, halka uu Ramaas-siis u diray dhakhaatiir iyo waxyaalo daawo dhaqmeed ahaa oo waayahaas aad loogu baahnaa.

Reer Baabiloon baa bilaabay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Ramaas-siis, wuxuuna ka guddoomay gabar reer boqor ahayd oo uu ku darsaday dumarkiisii. Isagoo Hattusili ka masayray heshiiskaas labad boqortooyo ayuu u hibeeyay gabadhiisii 13 sano kadib Ramaas-siis, waxaana arooskii gabadhaas lagu xardhay Macbadyadii Karnak, Elephentine, iyo Abu-Simple.

Arooskaas markuu dhacay, xiisadihii si talantaalli ah bay u baaba'een, waxaana la bilaabay in booqashooyin heer sare ah la is dhaafsado. Ninkii lahaa dhaxalka boqortooyo ee Hatti baa yimid Kemet, wuxuuna la noqday hadiyado. Hattusili laf ahaantiisa ayaa yeelay martiqaad uu u sameeyay Ramaas-siis, wuxuuna uga hor yimid Canaan waxaana loo galbiyay Pi-Ramaas-siis, halkaas oo sida la filaayo uu ka dhacay shireweynihii ugu horreeyay ee labo dal dhex mara. Mar dambe, ayaa nin ka tirsanaa reer boqorkii Hatti loo diray madashii Fircoonka Kemet.

46-dii sano oo uu talada hayay Ramaas-siis/kii Labaad, heshiiskii nabadgelyo waa la dhawraayay, ilaa ay hoobato boqortooyadii Hatti-gu. Mar uu isku dayay boqorkii Mira ee Aasiyada Yar in uu heshiis kadhan ahaa Hatti-ga la galo Kemet, Ramaas-siis ayaa diiday asagoo leh:

"Maanta waxaa dhex yaal Boqorka Weyn ee Kemet iyo Boqorka Weyn ee Hatti walaalnimo, waana tan dhex taal Ra iyo Teshub."

Ramaas-siis II wuxuu ahaa fircoonkii ugu cimri dheeraa fircoonnadii Kemet, wuxuuna ku dhintay sano 90-aad, wuxuuna dhalay carruur lagu hilaadiyay 90 cunug. Wuxu guursaday dumar badan, waxaase mudanka marwooyinka fircoonka ahayd Nefertiti oo aan oran karno magacaas carrabbada silloon baa dhalan rogay ee magacu waa Naf-Riddadii, waayo sida lagu xardhay Karnak waa marwada kaliya ee fircoonnadii dalkaas lagu muujiyay iyadoo cadawga dilaysa sidii boqorka ama fircoonka oo kale. 

In kastoo aqoon-yahannada caddaanka ah ay ku dadaalaan in ilbaxnimadii Masartii hore ay ahayd mid dad caddaan ah sameeyeen, haddana runtu waxay tahay in Masar, Afrika ka mid tahay, dadkii ilbaxnimadaas sameeyayna ay ahaayeen Reer Kuush oo ay Soomaalida ka mid tahay. Markii uu dhintay Ramaas-siis/kii Weynaa waxaa dalkii galay burbur iyo horumar la'aan. Xilligaas oo ku beegan qarnigii 12-aad MH. Waxaa xilligaas ku dhammaaday kacaankii Baroonsiga (the Bronze Age), waxaana isla xilligaas ku bilaabmay dalkii Kemet lab iyo farogelin shisheeye, waxaana si xawli leh ugu soo kordhaayay dadkii aan Afrikaanka ahayn ee caddaanka ahaa, ilaa dhammaadkii dalkii oo dhan si dhammaystiran loo dhalan rogay, waa sidaas aan haddeer aragnee.

No comments:

Post a Comment