Friday, September 6, 2013

Waa Saboolka Caadadi (hees....Yamyam)

Alle haw naxariistee, C/qaadir Xirsi Siyaad (Yamyam) waxaan ku naaneysi karnaa Maanso-yahankii kalgacalka. Marka la dhuuxo heesihiisii iyo gabayadiisii jaceylka ama jamashada waxaa kugu dhalanaysa lahasho iyo qalbiga oo kula lulma boholyow. Bal eeg heestaan uu ku male awaalay gabar ballan la lahayd inan ay is rabeen amaba is janteen, oo ballantii ku imaan waayay gaadiid-la'aan awgeed. Gabadhii waxaa ku dhacay qulub nafsaani ah, wayna tallantay. Dhammaadkii waxay dareentay inaysan cillad kale jirin ee saboolnimadu keentay imaansha-la'aanta gacaliyaheeda, waxayna ku maansootay:

Socotoo qundhacadii
Fadadkii mugdiga siday
Shucaacii sagootiye
Waa saacad iyo labo
Intaan saadinaayee
Naf sidkani ma samirtaa
Ma sugtaa sadkeed maqan?

Ma yaqaanno suuraha
Beentiyo sasabadee
Ma anigaan waqtiga sugin
Mise waayahaa sida
Kaan sugaayey yaw baxay?
Murugadaan i saaqdiyo
Laabtaan ka sare kacay
Yaw sababa boholyada?

Maxaa laxaw i saanyaday
Seddexdiyo shan iyo toban
Dayaxii ma soo baxay
Nafta sooftay ee maqan
Anoo sabadaw yuurara
Kaahiisii may simay?

Ballantii ma siiddeyn
Seef wacadkii kuma jarin
Ma illaabin samihii
Saaka aannu dhigannee
Ma gaadiid socdaan jirin
Hubiyoo ma seexane
Basaskiyo Sitaydii
Salka meeluu dhigiyo
Sare-joog ka la' yahay?

Haddii aan kalagacal solin
Laxaw saaftay mayracan
Maa kuwa tagsigu sido
Uga soo degaan qaar?
Sabuulkiyo beeraha
Sunta caashaqa bixisiyo
Sadarrada jaceylka
Ee laabta ugu siman
Haddii uu mid sidan laa
Aragtida u suura
Sidaa uma ay dhaafeen

Waa saboolka caadadi
Gefka uu sameeyee
Ma samraa sidii roon
Is-rabuhu maysa seegee?

No comments:

Post a Comment