Monday, September 9, 2013

Xan Iyo Ceeb Yay Ku Raacin (hees)

Xareedda lagu ma wacnaado
Abaartana lama xumaado
Adduun xunba maaha gurayee
Hadduu kuu xeel furnaado
Xogtiisana ruux ku siiyo
Xusuusta lagama gooyee

Xaggaaga markaan u liicay
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jaceylka maahee
Xan iyo ceeb yay ku raacin

Adduun waa xeerba xeeroo
Sidii weeye xabag cadaadoo
Xil bay ari-jiri wadaagtaa
Innagoo xidid iyo gun buuroo
Amase laamaha xubnaha oo
Xumaan haygu falin waxyeellee

Xaggaaga markaan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylka maahee
Xan iyo ceeb yay ku raacin

Sidii faras xamaroo is xooday
Amase geenyo xariiroo la taagay
Xiddiyo shaal lagu hagoogay
Hadday xarragadu ku qaaddo
Xidigaha cirkaa ku geyso
Wuxuun baa la xeeriyaaye

Xaggaaga markan u ciiray
Inaad xaska iiga baydhaa
Xeerkiisa jacaylka maahee
Xan iyo ceebi yay ku raacin

No comments:

Post a Comment