Sunday, September 1, 2013

Nasiib (hees)

Wiilka:
Neyruusku waa ciid
Waa nagi adduunyadu
Waa nuur kalgacalkuye
Naruurooy,
Waa nuur kalgacalkuye
Nasteexooy,
Nafta maw xiddigisaa
Nacab ma iska celisaa
Waxaad naawilaysiyo
Naqu ma kuu cuntamayaa
Innaguna nasiibkeen
Nasiibkaa nasiibkay
Ma ku naaxi doonnaa
Caashaquna naacawda
Ma ku neefsan doonaa?

Gabadha:
Neyruusku waa ciid
Waa nagi adduunyadu
Waa naar kalgacalkuye
Nasiiboow,
Waa naar kalgacalkuye
Naftaydoow,
Nabarraa i gaaroo
Ma nuux nuuxsan karayee
Anigay noqnoqoshadu
I naanaabi-naysaa
Sidaan kuugu naba nahay
Haddaad iigu nudan tahay
Ama aad iigu nugushahay
Xiskeennoo nagaadiyo
Nimco la arki doonee

Wiilka:
Waligay ku maan nicin
Naagana kuma ag dhigin
Ka nixina is maan oran
Naruurooy,
Ka nixina is maan oran
Nasteexooy,
Nidir waxaan ku geli jiray
Nolosheeda awgeed
Qalbigeeda noog iyo
Naafaba ha daayee
Allahayow nasiibkeen
Nasiibkaa nasiibkay
Ma ku naaxi doonnaa
Caashaquna naacawda
Ma ku neefsan doonaa

Gabadha:
Neyruusku waa ciid
Waa nagi adduunyadu
Waa naar kalgacalkuye
Nasiiboow,
Waa naar kalgacalkuye
Naftaydoow,
Waa nimiri caashaqu
Nugul waw daran yee
Hore iigu maad nixin
Naxariis kalgacale
Waa ku naawilaayee
Nabad aan ku waarnee
Iga daa likaacada
Niyad-samida caashaqa
Adiguna ha naafayn



No comments:

Post a Comment