Friday, September 20, 2013

Madax Aan Mudnayn iyo Mashxaradda Bukaanka (Maqaal)

Madax Aan Mudnayn iyo Mashxaradda Bukaanka

Jiidaashii dheerayd ee uu aadanuhu soo maray, wuxuu maalin noolba la fal galaayay gedo kala jaada. Dadka dunida ku nool waxay kooxdii degal ama isir wadaagtaaba qaabeysanaysay hab ay arrimaheeda ku maamulato. Magacyadii loo la baxay hab-maamuleedku wuu kala duwanaa. Waayahaan aan innagu joogno, waxaa ugu caansan habab is-maamul, kan hab-dawladeedka. Waxaa marar badan la isku khaldaa, dalwlad iyo talis-dawladeed. Kan hore, waa dawladdee waa dhulka seeraha iyo calanka leh oo dad danwadaagihi leeyihiin iyo kaabayasha nolosha ee ka jira dhulkaas ama dalkaas. Kan dambe, waa taliska ama xukuumaddee waa kooxda loo sooco u-adeegga dawladda. 

Marka si kale loo yiraahdo, xubnaha taliska dalku waa shaqaalaha dadweynaha dalkaas. Markay arrimuhu saxan yihiin, waxaa xubnaha taliska dawladda shaqada ka eryi kara ama qori kara, codka dadweynaha. Waxaa xubnaha u adeegaya dawladda lagu saantaa; hufnaan, karti iyo aqoon ku filan hawsha loo baaliyay xubintaas. Waxaan u naqaan xubinta ugu sarreysa taliska dawladda, madaxweyne, hoggaamiye iwm. 

Sidaas darteed, bulshada arrimaheedu qumman yihiin waxay leedahay hal-beegyo ay ku dhudhumiso kooxaha ka adeegaya danaheeda. Haddii bulshadaas cudur nafsaani ah oo baahsan ku dhaco waa sida Soomaalida maanta ay ku sugan tahee, waxaa habkeeda dawlad-maamulka ku dhaca fasas ka dhiga bukaan. Sida lagu garan karo, ummad iyada iyo maamulkeedu wada bukaan yihiin ma adka. Haddaan tusaale ahaan, u soo qaadanno Soomaalida maanta, waxaan arkaynnaa in inta badan xubnaha bulshada ay maanankooda ka tiran tahay macnaha dawladnimada iyo hal-beegyada suubban ee lagu doorto madaxda taliska ama maamulka. in badan oo samaysa dhaqdhaqaayo dhinacyadaas ku aaddan, maba laha aqoonta asaasiga ee arrimahaas, haddana meel walba way ku liqdaaran yihiin. Qaar kale oo isla xubnaha bulshada, aqoon-yaraan kama ahan falalkooda gurracan ee waxaa wax walba uga horreeya danaysi gaar ahaaneed oo ku dhereran jeebkooda ama hummaagooda. 

Dhanka madaxda Soomaalida maanta iyo badi kuwa u heellan inay madax noqdaanba, waxay ka siman yihiin danaysi xad dhaafa oo lagu raadiyo hodonnimo degdeg ah. Si kasta oo ay meekhaanka madaxnimo ku gaari karaan bay adeegsadaan sida; laaluulsh aan daahsoonayn, wakiil-u-noqosho xoog shisheeye, dilista dhinacyada ay halis ka dareemaan, qalalaase-abuur aan loo aabbe yeelin, iwm. Iyagoo siyaasiinta Soomaalida maanta dhaqammadaas si cad u soo bandhigaan, bay bulshadii la rabay inay diiddo oo xumaha ka caabbiso hab-nololeedkeeda kala hor tagaysaa soodhoweyn iyo sawaxan raynrayn xanbaarsan. Kan calammada loo lulaayo oo la soo dhaweynaayo waa xubin bulshadii ka mid ah oo fasas weyn xanbaarsan, kuwa soo dhaweynaayana waa kooxo bulshadii ka mid ah oo bukaan ah. Suurtogal maahan in labadaas dhinac waxsan soo kordhiyaan, waxayse u badan tahay inay caallirkii bulshadu la jirranayd sii kordhiyaan.

Marka la soo koobo, saldhigga dhibabka haysta maanta ummadda Soomaaliyeed waaa qaabka qofku u fakaraayo. Haddii qofka oo ah unugga bulshoweynta uu rabo dantiisa oo qura inuu wax walba ku qotomiyo oo uusan dan u gelin tan guud ama tan xubnaha kale ee bulshada. Haddii qofku uusan tixgelin siin wax-yaqaannimada iyo kartida kan dhiggiisa ah ee kala tirsan bulshada. Haddii qofku arki waayo halbeegyada samaha, kuna kala sooci waayo xubnaha uu bah-wadaagga la yahay. Haddii qofku qallooca iyo toosnaanta kala garan waayo. Haddii qofku isa siiyo mudnaanta kowaad ee hoggaaminta iwm, asagoo ah haraa aan ku filnayn tan qoyskiisa, oo sidaas ku helo alalaas iyo shirar asaga loo aguugo, lana waayo itaal ama is-xilqaan ka badbaadiya ummadda fasaska iyo kuwa fasas-sidayaasha, sow ummaddaas noqon mayso mid ay haleeshay aafo iyo ibtilo ay iyadu inta badan isu keentay?       

No comments:

Post a Comment