Saturday, September 14, 2013

Soo Haldhowadaay (gabay: Sayid Maxammad C Xasan 'AUN')

Nin kalaba naftiisa ha hafree, Sayid Maxammad Cabdille Xasan (AUN) wuxuu ahaa gabyaa aad ugu horreeya hal-abuurka iyo halgamaa ku adag oo walib run-sheeg ah. Gabaygaan hoose oo ah mid siyaasadeed oo uu ku xodxodanaayo tol Soomaaliyeed oo uu maaggana inuu ku soo daro halgankii dheeraa ee kadhanka ahaa shisheeyihii dhinac walba dalka uga yimid, wuxuu ka mid yahay gabayada mucda cuslus oo haddana xanbaarsan suugaan qiro leh. Waxaan isku daynay qeexidda erayada qaar, toosinta qeexiddaasi u baahatana waa inoo wada furan tahay:

Xasanow hub qaaddaye haddaad, naga hagaageyso
    
Hiyigaad ka sare joogsatey, hibatay laabtiiye
     Haddaad hiirta waaberi sengaha,
halabsatoo fuusho

     Habaas idinku duula iyo boor,
hiriba mooyaane
     Hillinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
     Waa tuu
haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane

     Ha yeeshee waxaa Hawd lagu yaqaan,
hawkar iyo oone
     Hadda aynnu joognaana waa, 
hoga kaliileede
     Allihiii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo

     Hinni awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duulo
     Hanfigiyo kulaylkoo sidii, halac ku leefaaya
     Hagoog layr ah hadhac kaa astura, lagugu hoosaasye

     Hurgun gocondho hiil qodax lehiyo,  hiije iyo qaare
     Hurmadow gubada dogob huuro loo, hadowgu naafeeyey 
     Hirrigaad mareysiyaba jirduhu, ku ma halaakeeyo

     Wiyil
hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi
     Hardi madax
hakoobsiga ciddida, mici haliilaysa 
     Hurduf geri haraatida lugeed,  qalanje heeraaya

     Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
     Shabeel horor ah
haariban dawaco, haramcad guuxaaya
     Dhidir
halable halowyaalo weer, haalufada yey ah

     Bahal hoose halaq baas intii, had iyo waabaay leh
     Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
     Galow
hiririfleeyiyo jugleey, wadne hawhaw leh

     Weliyada hanuunaan beryiyo, hodanka Yaasiine
    
Habheebaha jiidaashiyo daal, hanaqyadii dawga
     Habeen iyo dharaar Eebbahay,
hadimo kaa baaji

     Hor iyo gees hareer iyo gadaal, halal nabaadiino
     Hoygaagu heeraar Watiin, hoyosho Li’iilaaf dheh
     Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aamiinso 

     Afartaasi waa
heego roob, hababacdeediiye 
     Sidii
hogol daruur hifa baan, hibitiqaayaaye
     Harawaatigii iga ma imaan, hoorista ahaaye

     Waxaan sana hamuumaba adaan, kuu hawalayaaye
     Haddaan kugu hanqaro mowjadaad, ku hafan doontaaye
     Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye


     Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane
     Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
    
Hinfirka iga soo bixi naftaad, kala haaribeysaane

     Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
     Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane
     Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye

     Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
     Hebelkii walbeetaba u sheeg, hagari waa ceebe
     Haweenka iyo carruurtiyo nin weyn,
harawada u naadi
 
     Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
     Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar-wadaaggeeye
     Jinnaa igu
hudbeeyee malaha, i ma halleeyeene

     Hannaankiyo wanaagaan u galay, haa ku odhan waaye
     Hafriin been ah ceeb igu hab daran, igu ma hoorsheene
     Goortay habluhu boodayaan, igu ma heeseene


     Hiddaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane
     U ma hiilliyeen gaaladaan, heerga ahayne
     Haawiyadda naareed jannada, kaga ma hoobteene


     Ii ma soo humeen guutadii, haayirka ahayde
     Goortaan
hambooriyey kufriga, iga ma hiileene
     Harti igu ma toogteen intuu, hiisha ii galo e

     Habaryoonis iyo Ciidagale, la ma hableeyeene
     Hiraab naago ka ma guursadeen, Habar-magaadleye
     Intay hii yiraahdaan af baas, ku ma hadaaqeene

     Herar kuma fureen reer intay, Haro ka guuraane
     Ninkii hala beesaa tabcaday, ma hunguriyeene
     Ma
hadaadumeen wiilashii, heel ka buuxsamaye

    
Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene
     Hayaag iyo Hulqiyo Khaalidyadu, ma hunguriyeene
     Sidii halal ugaaroo fakaday, la ma horeeyeene

     Haaruun ma laayeen raggii, ugu han weynaaye
     Waatuu waraabuhu harqaday, hanaddadoodiiye
     Horintii lahayd Faaqid bay, haniyo gooyeene

     Hindise aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile
     Hog wuxuu ku dhacay kolkuu, huray Daraawiishe
     Haddii aanay haad Feranji gelin, la ma halaajeene


     Hoor wuxuu i soo dhaafay markaan, helay warkoodiiye
     Hilaaboodayey ma aan jeclayn, hadalka qaarkiise
     Waxaan la hammiyayaa raggay,
hadur ka yeeleene
 
     Hanti baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile
     Hoodada karaamada Allaan, igu hungeyneyne
     Goortaan habaaraa Illaah
, heeray boqontiiye

     Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta
     Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine
     Shayddaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

      Haadaan waxaa idinku guray, had iyo Tuurtuure
     Hagag iyo qalleyf miidhan waa, lagu habaabaaye
     Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene

     Ka hakada habkiinnii shalaad, ka hawo raacdeene
     Hubsadaay tashiga kheyrka waad, ka hanfariirtaane 
     Halmaan iyo ninkii hadar yaqaan, honono’iis diida

     Cadaawuhu halabowga wuu, kugu hodaayaaye
     Hidyuu uga danleeyahay markuu, kuu halaanhaliye
     Hoygiinna yuu iman iblays, idin huduudaaya

     Hanad yahow Ogaadeenku wuu, ku hawiraayaaye
     Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye
     Inay haybad kula doonayaan, ku ma habsaantaane

     Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane
     Kuman heegma kuman haawiyoo, Hadi ku dooyeeya
     Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba

     Kun haloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha
     Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la ciyaara
     Heensaan idiin saarayaa, xamaro
heeg dheere

     Horweynnaan ku soo shubi xeryaha, haawadee marane
     Caanaha haleelada dhashaad, habacsan doontaane
     Haamaha karuurkaad sidii, heeshigaw dhiciye

     Nin ragaa hammiyee caalle, waa hogashadiisiiye
     Hiirtaayo meeshii leh waa, laga huleelaaye
     Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaale

     Hub iyo maal hanti iyo xoolo, hoo aan dami haynin
     Waxaad iga haweysaanba waad, iga helaysaane
     Soo haldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane

Erayada:
1-     Hiyi: kal, laab, cindi, qalbi.
2-     Hibatay: bixisay, dhiibtay, siisay.
3-     Hirib: in yar, aan badnayn.
4-     Halabsi: fulitaanka faraska iyadoo rakaabka cagta la saarin.
5-     Hillin: waddo weyn oo haloosi ah.
6-     Haloosi: waddo aan lahayn dhir ama godad.
7-     Hiiraan: dhul oommane ah oo kulul; degaan magaciis.
8-     Hawkar: dhul dhib badan; oomosoor, xadaafiir.
9-     Hogo Kaliileed: xilliga kulul oo roobka ka horreeya.
10-Hinni: meel jiq ah ama dhir shareeran.
11-Hirif: neef kulul, hanfi.
12-Hanfi: dabayl kulul.
13-Hurgun: fasas, caallir.
14-Hiije & Qaare: hiije waa eelka wax ku muday keeno, qaare waa qori yar oo wax muda.
15-Hadow: dabka ama holaca.
16-Hadaf: ilduuf, habow, gef.
17-Hiijoqabe: gashi-qabe, utun-qabe, godob-qabe, aano-qabe.
18-Hakoobsi: booddo isu diyaarin ama dagaal isu diyaarin.
19-Hurduf: baxsasho degdeg ah; is-dhifasho.
20-Hunnufaa: wuxuu u jeedaa qaabka uu dhurwaagu u socdo.
21-So’: hilibka jiirka.
22-Haariban: iska ordaysa sidii wax la cayrsanaayo.
23-Halable: leh timo dhaadheer.
24-Halowyaalo: midab aad mooddo in la halwiyay ama la gubay.
25-Haalufada: diirata ama boobta.
26-Haayir: col ama guluf weyn.
27-Hirirfleyn: sharqanta kuwa duula sida shinbiraha
28-Habheebaha Jiidaasha: habheeb waa meel aad looga cabsado, jiidaashu waa fogaanta ama masaafada. Hadimo; waa dhibaatada.
29-Hanaq: dhuunta halkeeda godan, galaw.
30-Hayaakiil: qaabab badan, kuwo badan.
31-Heego: daruur saymaha da'aaya ka korreysa oo aan wali di'in. 
32-Hogol: daruur hoortay ama hooraysa.
33-Hifa: buuxda ama afka haysa.
34-Hibitiq: walax dureere ah sida biyaha oo dhibco u shubma; darroorid; habyid.
35-Harawaati: biyo badan oo shubmaaya ama hooraaya
36-Hamuun: aan afka wax gelin; qatanaansho.
37-Hawalayaa: bilaabayaa; ku af bilaabayaa.
38-Hanqar: onkod; guguc.
39-Hafasho: biyo lagu dhex dhaco oo lagu dhinto ama rafaado.
40-Hadfahayaaye: ka habaabayaaye, waayaya jidkii toosnaa.
41-Hinfirka: waxa ka soo ura meel huursan; ur; suun.
42-Haaribeysaane: kala tegaysaane; kala ambabaxaysaane.
43-Haguug: dhihiwaaga hadalka; shig-shig.
44-Looyaan: aan naxariisan; dilaa.
45-Hagi: kob; meel; aag.
46-Harawada: fagaare; meel la isu soo baxay.
47-Hudbeeyee: diraye; iska keen hor keenaye.
48-Hafriin: wax-siin aan jirin oo la isku masabbito.
49-Hiifaane: eed-saarid; canaan.
50-Heerga: aan heshiis ahayn; col.
51-Humeen: abaabuleen; dumeen.
52-Hamboorin: horay u tuurid; harbin.
53-Hiisha: geed yar oo caanaha xoolaha ka dhiga xaraar ama digada ku aruursan meel xoolo ku xaroodeen/xaroodaan.
54-Harti: qori waayihii hore la adeegsan jiray oo xabbad kaliyaale ah. Waran weyn. 
55-Hadaadumeen: ka quustay oo ka tagay; ka calool go'ay.
56-Halqi: abuuranaha; khalqi.
57-Hargawaaxeen: dhibaateeyeene; wax yeeleene.
58-Harqaday: ka dhargay; ka haqa beelay.
59-Haniyo: labada carrab oo yaryar ee dhiigga qolalka wadnaha soo gala maamula.
60-Hoor: di'itaanka roobka, halkaan waa ilmada da'da.
61-Hilaaboodayey: murugoodayey; calool xumaadayey; uur ku taalloodayey.
62-Hadur: aan waxba laga soo qaadin; inkirid.
63-Heeran: waxyeellaysan; dhibaataysan.
64-Habayaane: siinayaane; quudinayaane.
65-Humbucan: qaab-darro la soo fadhiya.
66-Nadi: shaabuugga faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo.
67-Hagag: hadalka laga hor keeno hadal la yiri; asaraar; akeekan; muran.
68-Hasaayaane: aasayaan; dabool saarayaan si ay u qariyaane. 
69-Hadar: hadal aan macno lahayn oo la iska yiraahdo, sida kan qofka waalan.
70-Hanfariir: baqdin weyn oo si kedis ah u timaadda; didmo. 
71-Halabow: wax-siinta; xoolaynta.
72-Hidyo: lumin; habaabin; fogeyn.
73-Halaanhal: hadal been ah oo cid lagu beer dulucsanaayo. Hees aan jaan lahayn oo Wiglada la bah ah.
74-Huduudaaya (hud-hudaaya): ka hor keenaya; isku-dir samaynaaya.
75-Hawiraad: wax liita ka dhigid; laayicid; luggooyn.
76-Hawaaltamiye: rajo gelin; hiyi kicin.
77-Habsaan: ka gaabiyey hawshiisii ama ballantiisii.
78-Himbilyootan: rajo ku-abuuritaan; rajo-gelin; wax himilo leh.
79-Hadi: geed-quwaax, xabag udgoon leh.
80-Hanqaaraha Kabtiga: xawliga oradka ama sharqanta oradka.
81-Halqooq: wax walba waxa ugu wanaagsan. Qanaanta ama saynta faraska.
82-Heego: daruurta da'aysa tan ka korreysa. Halkaan dul ama duud.
83-Heeshi: caano ama biyo tiro badan; barwaaqo.
84-Hiirtaayo: dhib; waxyeello.
85-Halabo: xoolaha la soo dhaco neefafka hilbo ahaanta loo qasho; sahay.
86-Haldhowadaay: hal raacaay; baaqa soo raacaay; soo dhawaadaay.
87-Hirqan: dheregsan; baahi beelay. 
88- Hoogaansha: foorarsha; laalaadiya.

                         
                    


No comments:

Post a Comment