Monday, September 16, 2013

Allow Ciilka Iga Bixi (hees)

Cakuye hawl adduun badanaa
Ma cid-la' ciirsi baan fadhiyaa
Cir kaa dheer dhul kaa dheer
Caways ma kuududaa?
Waa iga ciirsan tee taladu
Cayn wareegsan tee aniga
Culays bay saarane
Allow, Allow ciilka iga bixi

Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

Cakuye cosobkii qalbigaa
Ma hayo carshigii indhahoo
Middii aan calmadaa
Ciriiri ku jirtee
Caashaq baan hortee anigu
La cataabayee haddana
Dhib kalaa igu curatee
Allow, Allow ciilka iga bixi


Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

Calool xumoodayey
Xalay baa gogoshu i cuntoo
Cartamoo sidaan
U caddibnaa baa
Cadceeddii soo baxdee
Cududdaa iigu sii darane
Waa calaacashaa marane
Ciddi jiiday socodkee
Allow, Allow ciilka iga bixi


Nin cayrihi waligii
Ceeb kama fogaadee
Caaway u darantee
Xaggee baan cuskadaa?

No comments:

Post a Comment