Monday, September 2, 2013

Sida Laygu Kaa Laray (hees)

Suugaanta Soomaalidu waxay si weyn u dhawri jirtay, walina u dhawrta afka. Maansada hodanka la'aanteed wuxuu afku ahaan lahaa naafo aan taag iyo tayo lahayn. Ujeeddo kasta ha loo tiriyo maansada e, waxay mar walba tahay labeenta hadalka, wayse kala dhadhan iyo dhudo fiican tahay. Bal eega heestaan uu hal-abuuruhu ku suureynayo laba is jeceloo is waayay iyo sida uu u tilmaamayo wadajoogga la isu bogsan yahay oo leh lahasho kalgacal hareeyay:

Labadii is doortee
Isku laab ahaadee
Kala laabmi waayee
Dani kala luggoysee
Midba gees u liitee
Liqi waayay oontee
Midka kale la'aanti
Ku leeleelay dunidee
Waxaan laama-ddoodaba
Miyuu luun i gawracay?

Sida laygu kaa laray
Haddaad igu lammaan tahay
Laabtaan ku gelin laa
Libtaan la hoyan laa
Sow maynnu kala lumin?

Mar cadceeddu liiq tahay
Labab iyo fallaaro leh
Oo laba daruurood
Laacaa wirwiriyo
Caad lagu lingaxay
Cirku liidad leeyahay
Sida laba is jecel
Layrsanaaya fiidkii
Kalgacal ku looloo
Laacdamaaya caashaqa

Sida laygu kaa laray
Haddaad igu lammaan tahay
Laabtaan ku gelin laa
Libtaan la hoyan laa
Sow maynnu kala lumin?

Erayada:
1- Oontee: dheeftee, dhuunigee ama cuntadee.
2- Leeleelay: rafaaday, dhibtu ku badatay.
3- Laamoddooday: hurdo yar ama kooban seexday.
4- Luun: qolof ama xayaabo layiig ah oo qofka qabatooma ama gaajo iyo oon daran hayaan afka ka fuusha; jiil.
5- Liiq: gaabni sida casar liiq oo ah marka qorraxdu sii dhacayso.
6- Laaca: doogga dhulka ka soo baxa.
7- Lingaxay: ningaxay; mayraxda iwm oo lagu maro afafka laba weeloo la isku aabburaayo; halkaan xiray.
8- Liidad: xargo ama miiqyo dun ah; halkaan diillimaha daruurta ka samaysan.
9- Looloo: loolintu waa laba walxood oo la isku liso si ay af u yeeshaan; halkaan waxaa la isku loolinayaa kalgacal si uu u xogeysto.
10- labab: wuxuu u jeedaa midabbo isku walaaqan ama qasan.

No comments:

Post a Comment