Tuesday, September 17, 2013

War Yaan Hogasha Beenta Baaqeedu Idin Hodin! (Maqaal)

War Yaan Hogasha Beenta Baaqeedu Idin Hodin

Da'diisu waxay dhaaftay 80 sano, wuxuuna 23-kii sanoo u dambeysay ku noolaa rafaadka qurbaha, wuxuuna la daalaa dhacaayay nolosha hawkar badan ee dalalka qalaad. Markii la sheegay in dalkii dawlad ka dhalatay buu aaday Muqdishow, xaruntii qarankii la bi'iyay oo uu mar ciidanka u ahaa. Hilawga dal-jaceylka waxaa u weheliyay, inoo soo arko ama intifaacsado hantida kaliya ee uu ifka ku leeyahay, taasoo ah guri yar oo ku yaal Xaafadda Hawl-wadaag, agaagaarka Labo-Dhagax. Markii uu gaaray gurigii hantidiisa ahaa ee laga qaxiyay, wuxuu ninka deggani u sheegay: waxaan guriga ka gatay walaalkay dhintay, waxaana kala baxay $30,000 (bal xujada nooceeda u fiirso wuxuu ka gatay walaalkiis oo dhintay). Odaygii hantidiisa xoogga lagu haystay wuxuu is yiri, dalku dawlad buu leeyahaye ee arrinkaaga maxkamadda uga dacwi. Muddo seddex bilood ah buu ku kallahaayay meelihii loogu sheegay in sharciga looga adeego oo ku dhex yaal Muqdishow-da la leeyahay waa xaruntii dalka. Mar walba oo uu tago xafiisyada sharciga waxaa loo sheegaayay inuu lacag bixiyo; mid laaluush toosa iyo mid lagu sheegay khidmadda xafiiska.
Hanti kale, oo uu ku bixiyo lacagahaas ma uusan haysane, wuxuu bixinaayay lacagtii yarayd ee hawlgabka ahayd ee dalka Maraykanku siinaayay bil walba. Dhammaadkii waxaa odaygii loo sheegay in looga adkaaday dacwadii, gurigiisiina uusan hadda isagu lahayn. Waxaa loo sheegay in uu garnaqsi (appeal) samayn karo oo dabcan ah; laaluushyo iyo khidmada kale. Bal eega odaygaas gaboobay halkii guri oo uu lahaa, bay awoodi wayday dawlad qarameedkii la yiri waa la yagleelay inay u soo celiso. Sheekadaasi maahan sheeko aan wax ku tusaalaynayo ee waa mid dhab ah oo taagan, odayguna waa aniga walaalkay; Ibraahim Jaamac Aw-Aden.

Waxaan kaloo maalmahaan warbaahinta ka maqlaynay, carruur agoon ah oo la yiraahdo Ilmo Cali Shire Warsame oo hantidoodii ay boobtay isla dawladdii la rabay inay wax u caymiso. Waxaa intaas dheer, inay kadhan noqdeen agoontaas, garyaqaankii dalka iyo duqii xarunta dalka. Middaan dambana sheeko xariir maahan ee waa arrin si weyn loo wada og yahay.

Labadaas sheekoo kor ku xusan, waxay tusaale wacan u yihiin xaqdarrada ka jirta dalkii mar ahaa agaagsaha ee loo rogay cadaabtii ifka. Waxay tusaale u yihiin boobkii weynaa ee ka dhacay xaruntii qaranka Soomaaliyeed ee mar ahayd mudanta magaalooyinka dalka ee haatan laga dhigay hogag ay tusmaysteen halyeyadii hogga iyo ba'a baday dadyogii degaamaysan jiray. Badanaa, inta qof doonay inuu wax uun ka caynsado hantidiisii laga boolyay oo nafta la weysiiyay. Badanaa, inta qof harkii ka hadaadumay hantidiisii moodka ahayd, kadib markii loo diiday oo waliba cagajugleyn loogu daray. Badanaa, inta qof guryihiisii iyo goobihiisii ganacsiga sidii la doono loo intifaacsado oo cid xaalaysa aysan jirin dulmigaas gaamuray.

Qof kasta oo wax uun garaadka laga siiyay, waa og yahay inaan dawlad waxtara ka dhalan Soomaaliya, waa haddii qofkaas dhug leeyahay oo uusan ahayn mid dhoohan. Waxa nala maqashiisiiyay, waa magac-u-yaal dawladeed oo aan innaba lahayn ficil nool. Waxay gabtay in iyadu xubnaheeda amnigooda ilaaliso. Waxay gabtay inay halkii magaalo ee taliskeedu yiil amnigiisa sugto, iyadoo la wada og yahay inaysan Muqdishowdii ay fadhiday hameynna nabad ku soo hoyan. Waxay iyadu is tarto daaye, waxay keentay inay si tannaago ah, qeybaha dalka colaado uga huriso sida Gobollada Jubba oo la wada og yahay dhibabkii ka dhacay oo aan wali dhammaan, kadib, markii ay distoorkii ahaa xeerarka ugu sarreeya dalka si toosa ugu tumatay. Waxaa yaab leh, qalalaase badan iyo qasaare kadib waxay oggolaatay ama lagu dirqiyay inay is-maamulkii Jubbooyinka oggolaato. Waxaa arrintaan dambe ka sii yaab badan, waxay ka danaysatay oo cidla uga dhaqaaqday, kooxihii iyada la safnaa oo magaceeda ku hawl galaayay. Iyadoo qodobbada kore, dadka dhegahoodu wax maqlaan wada og yihiin, ogoobeey dad baa wali ku doodaya; Dawladda Soomaaliyeed. Ogoobeey, dad baa damaashaadyo u sameynaya oo alalaas iyo raynrayn ugu daraaya. 

Marka laga run sheego, wali Soomaaliya kama dhalan dawlad loo han weynaan karo ama leh sansaankii dawladnimo amaba hammigeed iyo qorshaheed leh. Iska daa, ifafaalo dawladnimo oo ay yeelatee, waxaysan lahayn cod laga dhadhansan karo hammiga dawladnimo. Waxa kaliya oo aan ka aragnaa waa yaboohsi iyo yooyootan dalalka dibadaha lala aado. Waxaan aragnaa kooxo jaakadaysan oo hadba dal ka dagaaya oo ujeeddadoodu tahay, tacab-qofeed iyo taakulayn lagu raadsho magaca ummadda Soomaaliyeed, hadhowna hoos laga yiraahdo; "waa ka beesaystay". 

Dadka Soomaaliyeed ee ayaan-darradu ku habsatay, wuxuu u baahan yahan madax hufnaan iyo karti leh oo aan wadan ujeeddooyin danyasi gaar ahaaneed ku qotoma. Wuxuu u baahan yahay, madax codkeeda samaha iyo saadda wanaagsan xanbaarsan gaaro dhammaan xubnaha dadweynaha ee ku tabaalaysan goonyaha dunida. Wuxuu u baahan yahay madax han sare leh oo garsoorkoodu ka bilawdo unugyada hoose ee bulshoweynta. Inta laga gaaraayo waaga uu soo if baxaayo hanad xanbaarsan tilmaamaha iyo hannaanada hoggoomiye horusocod ah, waxaa habboon inaan loo roob raacin hogal beena, si aan nafta loo hodin oo hagardaamo loogu geysan. 



       

No comments:

Post a Comment