Thursday, September 5, 2013

Waa Ereg (gabay/Aden-Gurey Max'd Cabdulle)

Af-hareeri ooddii Wardheer, iyo Aboodiile
Afka Yey-galood iyo intii, Ceelcad ararteeda
Kama olosho Eyrow hashii, udubka dheereyde

Ismaaciilku kama ooho dhaho, waxaad ogeydeene

Ibraahiinku aloolkii ma dhigo, oodda Xagarrey e
Aagaammo kuma tuujiyaan, ugub cayuumeede

Allow mahade Reer Samatar Khalaf, waa ibliis lumaye

Odola' iyo Garxiir looma oga, awr ay tu'iyaane
Ayaxii la soo fuuli jiray, agabla' weeyaane

Reer Diini waa wada ilyaas, ul iyo geesla' ahe

Bah Xawaadle waa wada agoon, shahar ilaalshe ahe
Ilma Adeerro ooddoodii la waa, ulacastoodiiye

Reer Kooshin awrtaad ogeyd, Idil ma maalaane

Nimankii Shabeel u amranaa, sooma oriyaane
Bah Dhulbahante waa ugax jabtoo, il u noolayne

Ugaas Maxammad orod buu ku maray, idankii Yaaheele

Mana ogin amwaad inuu yihiyo, inaan arkaynnaaye
Ninkii uunka boqorkiisa ahaa, innaga aynfaadye
Allow keene waxaa iil ku xiray, niman Amxaaro ahe

Adoo i og adoo i arki jiray, i ma abbaarteene

Aqlixumada waxaa kuugu wacan, suulka Uurmidige
Aleeshiyo haruubbada udgoon, abaddur maahayne

Waxba ilaxir kaagama dhawa iyo, aqallo waaweyne

Sanadii Ajuuraan ma jiro, nimay illowdaaye
Waa la ida qooqaa ninkay, axaddu dhaaftaaye

Nin abtigay ku dhaama ma jirin, aammin iyo deeqe

Adaan oday la sheekaysan jirin, uurkubaalle ahe
Waa ereg intaad haysataa, waana loo imaane

Tixraac: 

Axmad Faarax Cali (Idaajaa)

No comments:

Post a Comment