Wednesday, December 20, 2017

ISIRKA CARBEED



Image result for sultan qaboos
Suldaan Qaabuus (wajiga Carabtii Asalka


       ISIRKA CARBEED

Erayga Carab (Arab) wuxuu Afka Arameyga ku yahay; Kuwii Lama-Degaanka Degganaa” ama Saxaaraha Degganaa. Waxaa isirka Carbeed laga dhigaa seddex qeybood:
      Carabtii Hore عرب بائدة: waa halka
erayga"Badaw" ka soo jeedo, waxaana la leeyahay way tirmeen. Waxaa kamid ahaa qolooyinkii; Caad (عاد), Samuud/Salmud (ثمود), Waaweynkii (العماليق), Dhasam(طسم) , Judays(جديس), Umaym(أميم), Cubayl(العبيل) iyo Wabaar (وبار). Qolooyinkaasi waxay degganaayeen Jasiiradda Carabta waayo aad u fog.
      Carabtii Asalka (Carab al Caariba (العرب العاربة); waxaa ka loo loogu yeeraa Reer Qaxdaan, waxaana kamid ahaa qeybihii Reer Qaxdaan: Kahlaan oo ahaa ina Saba’ Yash-jub Qaxdaan iyo Xumayr oo ahaa walaalkii Kahlaan.

Waxaa “Kuush” la oran jiray dhulalkii u dhaxeeyay Koonfurtii Misobateemiya ee dhanka Waqooyi iyo Faafka (basin) Wabiga Niilka Cad oo dhanka Koonfureeda, oo ay ku jiraan labada daan ee Badda Cas iyo labada daan ee Gacanka Cadmeed. Tan iyo waayo hore, farqi baa u dhaxeeyay dadyowgii dagganaa dhanka Waqooyi ee Jasiiradda Carabta iyo kuwii dagganaa Koonfurta oo ah dad Reer Kuush Xaam ahaa, waxaana kamid ahaa qolooyinkii daganaa Koonfurta Jasiiradda Carbeed: Seba, Havilah, Sabtah, Ra'mah, Sabtekha, Sheba iyo Dedan. Haddaba, dadka maanta loo yaqaan Carab, dhaladkoodu waa kuwii ku abtirsan jiray Kuush ina Xaam, waxaase muddo dheer labaayay dadyow Reer Saam ahaa oo dhulalkooda u soo dallaabaayay.
(a) Carabtii La Carabeeyay (Al-Carab Al-Mustacriba العرب المستعربة ): waxaa ka loo la yiraahdaa; Al-Cadnaaniyuun. Carabtaan wuxuu abtirsigoodu ku arooraa Nabi Ismaaciil (CS) Ibnu Ibraahim (CS), asal ahaanna Nabi Ibraahim wuxuu ka soo jeeday Uur oo ku taal dalka Ciraaq, wuxuuna u dhashay isirkii Al-Kuldaan (Chaldeansالكلدان).
    Waayadii ay taagyaraysay Boqortooyadii Baabilooniya ee ku hadli jirtay afkii Reer Saamkii Bari, ayaa qolooyin ku hadli jiray afkii Reer Saamkii Galbeed aagga soo dagayeen laga soo bilaabo qarnigii 11aad Dhalashada Masiixiga Kahor, waxaana kamid ahaa qoladii Kuldaan ee uu u dhashay Nabi Ibraahim (CS).
Sida lagu xuso sooyaal-diimeedka, Nabi Ibraahim wuxuu geeyay wiilkiisii Ismaaciil iyo hoyadiis oo la oran jiray Haajir meesha hadda Kabacadu tahay, wuuna uga tagay, kadibna waxaa wiilkii barbaariyay qabiilkii Jurhum ee il-biyoodkii Samsam soo kordagay, markuu korayna waxay u guuriyeen gabar la oran jiray Raala bintu Mudad bin Caamir bin Jurhum. Carruurtii ka firtay labadaas waalid baa noqday Carabta la yiraahdo kuwii-la-carabeeyay ama la yiraahdo Cadnaaniin (Cadnaan waa mid, kamid ahaa dhashii uu Nabi Ismaaciil abkowga u ahaa oo haddana ahaa absaxankii Nabi Max’d 'CSWS').
(b) Waxaa ka loo soo galaaya Carabtii la carabeeyay, dadyowga daggan Masar, Shaam, iyo dadyowga daggan Waqooyiga Afrika. Kuwaas oo caraboobay waayadii Kacaankii Weynaa ee Islaamku ku baahay aagaggay degganaayeen.
   Sida lagu xusay Bibliotheca Historica ee uu qoray Diodorus/kii Sishili iyo Geography ee uu qoray Strabo, Jasiiradda Carabta (Arab Peninsula) waxaa loo baxshay magacaas qarnigii kowaad Masiixiga Hortiis (MH). Muddadaas kahor ma jirin magac wada kulmiya dhulalkaas ee mid walba waxay lahayd magac u gaar ah, sida Saba’, Ximyar iwm.
Qoraalladii Reer Ashuur (Assyrian records) markay ka hadlayeen qabsashadii Boqorkii Asarhaddoon dhanka waqooyi ee Jasiiradda Carabta, waxaa lagu xusay magacyada Kûsh iyo Mušuri (Reer Masar).
Sidaas darteed, qolooyinkii ku noolaa Jasiiradda Carabta la ma oran karo hal isir bay ahaayeen, balse waxaa la oran karaa isirro is ku dhafmay:
A-  Dadkii Koonfurta Jasiiradda: wuxuu asalkoodu ahaa Reer Kuush, waxayna is ku qolo ahaayeen, dadkii ku noola xeebaha Soomaaliya ee ku foorara Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Badda Cas ee Afrikada Bari. Sheekooyinkii hore, waxaa lagu xusay in dadkaas degganaa dhanka Koonfureed ee Jasiiradda Carbeed ee Reer Kuush ka tirsanaa ay sameeyeen ilbaxnimo lagu magacaabi jiray Sabtan, waxaana caasumad u ahayd Shabwah. Sida lagu xusay sheekooyinkii Boqorradii Ashuur (Tiglat-Pileser III, Sargon II iyo Sennakherib) waxay dadkii Reer Midyan ee degganaa dhanka waqooyi ee Jasiiradda qaayibeen dhaqammadii ay caanka ku ahaayeen Reer Kuush ee ahaa in haween boqorro u noqdaan, waxaana kamid ahaa boqorradaas dumarka ahaa: Zabibi, Shamsi, Te'elkhinu, Yati'ah, Tabu'wa, Yapa'a and Bashi. Qoraalladii Reer Ashuur waxaa dhulkii ay degganaayeen Reer Midyan lagu magacaabay Kuush.
B-  Marka la tixraaco qoraalladii Yuhuudda, waxaa markii ugu horreysay erayga “Carab” loo adeegsaday Nabadiyiintii (Nabateans) kuwaas oo degi jiray miyiga Bairga Falastiin, waxaana sidaas ku raacay taariikh-yahannadii xilliyadii Roomaanka, sida Strabo iyo Josephus.
Carabtii degganayd dhanka Waqooyi-Galbeed ee Jasiiradda oo ku abtirsan jirtay Nabi Ismaaciil (CS) waxay samaysay boqortooyin, halka kuwii is la iyaga ahaa ee degganaa dhanka Koonfur-Bari ay xagsadeen dhaqankii abtiyaashood; Reer Kuush, waxaana ugu fooladsanaa qolooyinkaas Qiidar. Carabtii degganayd dhankaan Waqooyi, waxay si joogta uga siqayeen dhaqankoodii Kuushiga ahaa, iyagoo ka la guursanaayay Aramiyiintii aagga degganayd, waxaana sidaas ku abuurmay bulshooyin cusub sida Kuwo Suuriyiin ah. Waxay sidoo kale Carabtaasi ugu milmaysay dadyowgii Reer Saam ee iyana aagga wax ka degganaa. Halkaan waxaa ka abuurmay Afka Carabiga, oo hubaashii asal ahaan Aramey ka soo jeeda.

C-  Carabtii degganayd Bartamaha Carabiya, qarniyaal bay ka madax-bannaanayd boqortooyinkii Koonfurta iy boqortooyinkii hab-qoleedka ku dhisnaa ee Waqooyiga, waxayna xagsatay dhaqankeedii Reer Kuush. Dhulkay degganayd Carabtaan, wuxuu u ahaa marin dhinacyada kale. Safarradii Xijiga ee ka tagi jiray Yeman waxay sii mari jireen Midyan oo deegaan ahaan xigtay Badda Cas.
    Boqortooyinkii Yemaneed dan ka ma yeelan dhulalkii bartamaha ee Jasiiradda, kuwii Saba’na iyagu waxay ahaayeen badmareenno maahiriin ah oo badaha ku adeegta, wuxuuna ganacsigoodu gaari jiray ilaa Misobataamiya, waxayna deegaanno ka samaysteen dhammaan Xeebaha Bariga Afrika.  
Markii ay burburtay Boqortooyadii Baabiloon, waxay Nabadiyiintii la falgaleen Beershiya iyo Giriig, waxayna joogto ugu siqayeen dhanka Waqooyi-Galbeed. Waxay mileen qolooyinkii Edomites, Moabites, Ammonites iyo qolooyin Aramean ahaa. Arrintaasi waxay xoojisay magacii aagaggaas Carabi ku lahayd.

Gunaanad:
Dadka la siiyay magaca 'Carab', asal ahaan waxay ahaayeen Reer Kuush Xaam, waxayna bilawgii degeen Koonfurta Jasiiradda Carabta, sida dhulalka Yeman iyo Cummaan-ta maanta. Carabtii Hore, ku ma hadli jirin Afka Carabiga ee maanta aan naqaan, waayo Afka Carabigu marar dambe ayuu ka soo dhambalmay Afkii Arameyga oo Saami ahaa, wuxuuna la bah yahay afafka sida; Ge’ez iyo Axmaari. Dhanka kale, dadyowga maanta loo yaqaan Carab maahan ummad isku isir ah, waayo sideedaba erayga "Carab" qolo maahan ee waa deegaan; saxaare.  








Thursday, November 16, 2017

Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews)


Qoyska Reer Boqor ee Sacuudigu (سلالة السعودية )Asal Ahaan Waa Yuhuudda is Qarisa (Crypto-Jews)
Image result for ancient Al Saudi Family

Sannadkii 851-dii H.D (Hijriyada Kadib) baa koox raga oo ka soo jeedday qoladii AL MASALEEKH (المساليخ ), oo ahayd jifo ka tirsanayd Qabiilkii Cansa (Anza Tribe عنزة), safar ku aadday Ciraaq si ay waxyaalaha la cuno sida qamaddi iyo galley uga soo gataan, kadibna ku soo noqdaan meeshay ka tageen oo ahayd Najad oo hadda ka tirsan dalka Sacuudi Carabia. Kooxda waxaa hoggaaminaayay nin la oran jiray SAHMI BIN HATHLOOL سهمي بن هذلول. Safarkii markuu gaaray Basra, waxay xubnihii safarku la kulmeen nin ganacsade ahaa oo Yuhuudi ahaa lana oran jiray MORDAKHAI BIN IBRAHIM BIN MOSHE'. Intii ay badeecadii gorgorinaayeen baa ganacsadihii Yuhuudka ahaa weyddiiyay nimankii: “Xaggee ka timaaddeen? Waxay ku jawaabeen: "Waxaan ka soo jeednaa Qabiilka Cansa; oo ah jifo kamida AL MASALEEKH. "Ninkii Yuhuudka ahaa markuu maqlay intaas buu si beerqaad leh mid walba oo raggii ah gaaddada u saaray isagoo leh, aniguba waxaan ka soo jeedaa jifo ka tirsan AL MASALEEKH, waxaana Barsa i keenay xasarad dhexmartay qoyskii aabbahay iyo qoys ka tirsanaa Cansa (Anza). 
 Kadib markuu ku jalbeebiyay raggii sheekadii beenabuurka ahayd, buu shaqaalihiisii amray inay awrtii nimanku wateen uga buuxshaan qamaddi, timir iyo tammaan; raggii ka soo jeeday qabiilkii MASALEEKH waxay ka yaabeen deeqsinadii ninkii, waxayna rumaysteen eray kasta oo afkiisii ka soo baxay, waxayna u qaateen ina adeerkood in ay Basra ugu yimaadeen. 
Markuu safarkii u ambabaxaayay Najad buu ninkii Yuhuudka ahaa weyddiiyay nimankii safarka ahaa, inuu raaci karo si uu u soo arko dhulkii uu ka soo jeeday. Nimankii markay intaas maqleen bay iyagoo ku faraxsan aad u soo dhaweeyeen soojeedintii Yuhuudkii is qarinaayay. 
Sidaas darteed, ninkii Yuhuudka ahaa ee is qarinaayay wuxuu gaaray Najad isagoo la socda safarkii. Markii Najad uu tagay, ninkii isagoo adeegsanaaya raggii la socday wuxuu bilaabay dicaayado isaga ku saabsanaa. Arrintaasi waxay keentay inuu helo tiro dada oo taageerta; laakiin, si la ma filaana ayaa waxaa olole diidda ah uga horkeenay SHEIKH SALEH SALMAN ABDULLA AL TAMIMI الشيخ صالح سلمان عبد الله التميميالدرعية, oo ahayd magaalo u dhow AL QATEEF القطيف
Si uu u meelmariyo qorshihiisii, wuxuu bilaabay inuu xiriirro la sameeyo Carabtii reer miyiga ahayd ee saxaraha degganayd, wuxuuna markii dambe sheegtay inuu iyaga boqor u yahay! 
Markay arrintu halkaas maraysay, bay labadii qolo ee ka la ahaa AJAMAN عجمان iyo BANU KHALED ogaadeen dhagartii uu maleegaayay Yuhuudku, kadib markay hubiyeen haybtiisii bay weerar ku qaadeen magaaladiisii-na way qabsadeen, waxaase si dirqi ah ku baxsaday ninkii Yuhuudka ahaa. 
Absaxankii Qoyska Sacuudiga, (MORDAKHAY), cararkii wuxuu ku tagay beer markaas la oran jiray AL-MALIBEED-GHUSAIBA المليبيد غصيبة oo u dhaweyd AL-ARID العريض, taas oo aan waayahaan u naqaan: AL-RIYADH الرياض 
Wuxuu ka codsaday ninkii lahaa beertaas inuu nabadgelyo iyo gabbaad siiyo. Ninkii beerta lahaa oo martigelinta ku wanaagsanaa is la markiiba wuxuu siiyay gabbaad. Laakiin Yuhuudkii (MORDAKHAI), muddo aan hal bil ka badnayn markuu beertii joogay, buu dilay ninkii beerta lahaa iyo dhammaan qoyskiisii, wuxuuna ka dhigay inay arrinta ka dambeeyeen burcad soo weerartay beertii. Wuxuu ka loo isu muujiyay inuu beerta gatay kahor intaysan dhibaatadu dhicin! Sidaas darteedna, uu gar u leeyahay inuu dego meesha marba hadduu noqday hantiilihii dhulka. Markaas kadib, wuxuu meeshii u bixiyay magac cusub oo ahaa AL-DIR'IYA – oo ahaa is la magicii meeshii hore looga qaaday. 
Absaxankii Qoyska Sacuudiga (MORDAKHAY), wuxuu si dhoqso ah uga  sameeyay dhulkii uu dhacay "Guriga Martida" oo uu ugu yeeray "MADAFFA", wuxuuna is ku hareereeyay kooxo munaafiqiin ah oo u fidinaayay inuu yahay shiikh Carbeed oo door ah. Wuxuu maleegay dhagar kadhan ahayd Shiikh SALEH SALMAN ABDULLA AL TAMIMI, oo cadawgiisii asalka ahaa, waxayna arrintaasi sababtay in shiikhii lagu dilo magaalo la oran jiray (AL-ZALAFI). 
Markay sidaasi dhacday, wuxuu dareemay ammaan wuxuuna ku xasilay (AL-DIR’IYA) oo uu ka dhigtay hoygiisii joogtada ahaa. Halkaas buu ku guursaday naago tiro badan, wuxuuna dhalay carruur badan oo uu u la baxay magacyo Carbeed. Mid ka mida wiilashii uu dhalay MORDAKHAY oo loo bixiyay AL-MAQARAAN, waxaa laga soo carabeeyay magacii Yuhuudeed ee (MACK-REN) wuxuuna dhalay wiil loo baxshay Maxammad, kadibna wiil kale oo la oran jiray Sacuud, waana midkaan dambe kan hadda ay wadato Boqortooyada Sacuudigu. 
Cabdicasiis-kii yagleelay boqortooyada Sacuudiga ee maanta wuxuu abtirsigiisu ahaa: Cabdicasiis Ibnu Cabdiraxmaan Ibnu Faysal Ibnu Turki Ibnu Cabdalla Ibnu Maxammad Ibnu Sacuud Ibnu Al Maqaraan Ibnu Mordakhay.
Firkii Sacuud waxay joogto u wadeen dilista hoggaamiyaashii Qolooyinkii Carbeed ee dhulka degganaa iyagoo ku andacoonaayay inay murtaddiin noqdeen; oo ay noqdeen kuwo ka noqday Diintii Islaamka, kana fogaadeen Qur’aankii Eebbe, sidaas darteedna u mutaysteen gawrac! 
Buugga Taariikheedka la yiraahdo SAUDI FAMILY  bogagga (98-101), taariikhyahanku wuxuu ku caddeeyay in Qoyska Boqortooyada Sacuudigu uu u arko dadka deggan Najad inuu yahay mid dhaleeceeya diinta; sidaas darteedna ay tahay in dhiiggooda la daadsho hantidooda la dhaco, dumarkoodana la yeesho oo la is ka saarto; waxay rumaysan yihiin inuusan qofku ahayn muslim dhab ah ilaa uu raaco ama qaato fikirkii MOHAMMAD BIN ABDUL WAHAB, (kaas laf ahaantiisu ka soo jeeday Yuhuuddii Turkiga.) Mabda’a ninkaasi wuxuu daw u siinayaa Qoyska Sacuudigu inay dilaan labka tuulooyinka iyo magaalooyinka nin iyo wiilba iyo inay u galmoodaan dumarkooda; dooxaan dumarka uurka leh; gacmaha ka jaraan carruurtooda, kadibna gubaan! Waxaa ka loo u dheer iyagoo u arka inay gar u leeyihiin boobitaanka hantida dadka ay ugu yeeraan murtaddiin, waa kuwa aan raacin dariiqada Wahaabiyada e. 
Qoyskooda Yuhuudiga ahi wuxuu sameeyay falal aad u xunxun iyagoo cuskanaaya dariiqadaan qaldan ee Wahaabiga oo dhab ahaantii ah mid Yuhuuddu hindistay si ay argagax ugu beeraan degmooyinka muslimka. Boqortooyadaan Yuhuudda waxay sameynaysay tan iyo 1163 H.D gaboodfallo baahsan. Waxay ugu magacdartay Jasiirad-La-Moodda Carbeed magacii qoyskooda Sacuudi, sidii iyadoo gobolkoo dhan yahay hanti maguurta ah oo ay iyagu si gaara u leeyihiin, iyo iyadoo aad mooddo in dadka dhulka deggan dhammaanti yahay adeegayaashooda ama addoontooda, oo har iyo hameyn ku hawllan raalligelinta iyo u-raaxaynta madaxdooda (Qoyska Sacuudiga). 
Waxay si dhammaystiran u haystaan hantidii dabiiciga ahayd ee dalka sidii iyadoo ah hanti gaara oo ay iyagu leeyihiin. Haddii qof saboola oo ka tirsan dadweynaha dhulka leh uu codkiisa kor u qaado isagoo ka cabanaaya xeerarka qoyskaan Yuhuudiga, waxay Boqortooyadu qofkaas madaxa uga jaraysaa meel fagaara. Gabar Reer Boqorkooda ayaa waa safar ku timid FLORIDA, USA, iyadoo xaashiyaddeedu weheliso; waxay kireysatay qeyb ka kooban 90 qol oo tirsanaa Grand Hotel oo ay ku kireysatay hal malyan doollar hameynkii! Qof kamida dadweynaha ay xukumaan wax ma ka sheegi karaa xoolahaas lagu ciyaaraayo? Haddii qof is ku dayo inuu ku dhiirrado wax-kasheegga arrinkaas lab iyo dheddig kuu yahayba waxaa hubaal ah in masiirkiisu yahay; qoorta oo looga jaro goob fagaara iyadoo la adeegsanaayo Seefta Sacuudiga ee afka badan!!!!!! 
Caddaynta in Qoyska Sacuudigu absaxan ahaan ka soo jeedo Yuhuud:
1960-kii war uu siiddaayay Raadiye Sawtul Al Carab ee Qaahira (Masar) iyo Raadiyihii Warbaahinta Yaman ee Sanca baa xaqiijiyay inuu Qoyska Sacuudigu ku abtirsado Yuhuud. 
Boqor Faysal Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud baa ku caddeeyay isirkiisa wargeyska WASHINGTON POST Bishii 9-aad ee 1969-kii isagoo leh “Annagoo ah Qoyska Sacuudiga, waxaan nahay ilma-adeerkii Yuhuudda: ka ma oggolaanayno Talis Carbeed ama mid Muslima colaadinta Yuhuudda; waa inaan si nabada u la noolaannaa. Wuxuu ka loo yiri dalkayagu waa goobtii kowaad ee uu Yuhuudigu ka soo ifbaxday, dunidana uga fidday!!!!! 
HAFEZ WAHBIحافظ وهبي , oo ahaa Lataliyihii Sharciga ee Sacuudiga ayaa ku sheegay buuggiisii: "THE PENINSULA OF ARABIA شبه الجزيرة العربية" in Boqor Cabdicasiis Al Sacuud oo dhintay 1953-dii uu mar yiri: “Dhambaal-kayagii (Dhambaalkii Reer Sacuud” baa waxaa ka horyimid dhammaan Qabiilladii Carbeed. Markaas kadib baa Sacuud xiray odoyo ka soo jeeday Qoladii MATHEER قبيلة ماثير; markii koox kale oo is la qabiilkii ahi u yimaadeen si ay odayadoodii xabsiga uga siiddaayaan, Sacuud-kii Kowaad wuxuu amray in maxaabbiistii dhammaan madaxyada laga jaro, kadibna Sacuud wuxuu kuwii ergada ahaa ku martiqaaday hilbihii duqeydoodii la laayay oo la soo kariyay oo ay madaxyadii dusha ka saaran yihiin!! Ergadii way argagaxday waxayna diideen inay cunaan hilbihii xigtadoodii la jaray, kadib Sacuud wuxuu amray in iyagana madaxyada laga wada jaro. Dambigaas weyn ee laga galay dadkii dhulka waxaa sabab u ahaa diidmadii xeerarkii arxandarrada ahaa ee uu boqorkii is caleemasaaray la yimid. 
HAFEZ WAHBI حافظ وهبي, wuxuu xusay in markii uu Boqor Cabdicasiis sheekadaas marinaayay uu la hadlaayay ergo odoyaala oo ka socotay Qabiilkii MATHEER, oo boqorka ugu yimid duqoodii sare oo la oran jiray FAISAL AL DARWEESH, oo markaas boqorka u xirnaa. Wuxuu sheekadaas ergada ugu sheegay si ay uga quustaan ergayntay wadeen ama sidii awoowgiis, awoowayaashood u galay uu u geli doono. Cabdicasiis wuu dilay Duqii Faysal A Darwiish, dhiiggiisiina wuu ku weysaystay. Dambiga kaliya oo uu markaas galay Faysal Al Darwiish wuxuu ahaa, in uu wax ka sheegay warqad uu Boqor Cabdicasiis u saxiixay Ingiriiska taas oo ku saabsanayd dejintii Yuhuudda Dhulka Falastiin. Boqor Cabdicasiis warqaddaas wuxuu ku saxiixay AL AQEER العقير sannadkii 1922-dii. 
Dhaqankaas diin walba, xeer walba iyo hab-dhaqan kastaba ku xun baa Soomaaliya loo soo raray, loogana dhigay diintii ay dhawr iyo tobanka qarni rumaysnaayeen oo la saxay. Waxaase dhab ah, in waxa la keenay Soomaaliya oo ilaa maanta lagu xasuuqaayo ummaddii muslimka ahayd uu yahay dhagar nacabkii islaamku maleegay oo loo la dan leeyahay habaabinta iyo burburinta diintii xaniifka ahayd.

Tixraac:
Abdulaziz Saud 

The Journal of History - 2010 by News

Friday, October 20, 2017

Ban-Balaayo iyo Baasabuur Mar Uun Maahayn


Ban-Balaayo iyo Baasabuur Mar Uun Maahayn
Image result for galaalImage result for Mahad Salaad

 Image result for fiqi

Koofiyad-Dhuuub

Sannadkii 1963 waxaa meesha la yiraahdo Xodayo lagu aasaasay Ururkii OLF oo markaas guddoomiye loogu doortay halgamaa Makhtal Daahir. Dhaqdhaqaasi wuxuu u halgamaayay xorayntii Gobolkii Soomaali Galbeed (Ogaden). Gumeystihii madoobaa ee Itoobiya ee uu boqorka ka ahaa Xayle Salaase wuxuu u hawlgalay siduu uga hortagi lahaa kacdoonkaas waddaniga ahaa, wuxuuna u abuuray maleeshiyaad wax qarbuda ama waxyeello u geysta Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee curdanka ahayd iyo dadyowgii Soomaali Galbeed ee gunnimada diiddanaa. Maleeshiyaadkaas waxaa hoggaamiyay dhagarqabe Max’d Cabdille Ciyow, waxaana kaalmaynaayay saraakiishii Amxaarada ee Harar saldhigga u ahayd. Waxaa kaloo sida la wariyay si qarsoodi ah u la shaqaynaaya L/xiddigle Maxammad Nuur Galaal oo markaas ahaa madaxii Warddoonka Qeybtii 26-aad ee XDS.

Koofiyad-Dhuub, waxay weerarro gaadmo iyo dooxato ah ku qaadeen reerihii ku teedsanaa Wabiga Shabeelle iyo kuwii ku teedsanaa seere-beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Anigaan qoray erayadaan, waxaan xusuustaa abbaaraha 1965-tii annagoo dugsiley ah oo seexanna dugsiga si arroor hore aan uu bilawno barashadii qur’aanka, iyadoo 1-dii hameynnimo aan ku toosno rasaas ku hoobanaysa dugsigii aan jiifnay, waa markii iigu horreysay oo aan maqlo dhawaaqa rasaas badan, waxayna ii la ekayd galley la qaloomaayo. Waxaan xusuustaa rasaastii oo looxaantii qur’aanka aan ku baran jirnay jajabinaysa oo faniininaysa. Macallin Aadan (AUN) ayaa na amray inaan yaacno, waxaanna u yaacnay duurka. Carruur da’hoodu ay inta badan ka yareyd 10 sano baan ahayn, sidaas darteed, argagax weyn baa nagu dhacay, ilaa maantana marmar baan ku riyoodaa oo ku soo toosaa. Dhibkii ay hameynkaas Koofiyad-Dhuub geysatay waxaa ugu darnaa halkii ceel-biyood ee tuulada oo ay qarribeen iyadoo waliba xilligu jiilaal kulul ahaa.

Waxay Koofiyad-Dhuub hooyo u ahayd ururkii USC ee 1991-dii burburiyay dawladnimadii Soomaaliya, waxaana taageersanaa is la qolooyinkii taageeray USC-dii ba’a iyo hoogga horseedday.

Waxaa nasiib-darro weyn ah in uu wali garaadkii Koofiyad-Dhuub iyo USC irmaan yahay oo uu wali sidii wax u arko, waxaana tusaale u ah Fiqi/gii dhawaan ku tookhaayay balaayadii dhacday 1991-dii iyo Koofiyad-Dhuub Mahad Salaadka mar walba u taagan waxyeellaynta ama dhaleecaynta Xukuumadda Soomaaliyeed ee dalandalka.

Friday, September 8, 2017

Gobolka Soomaali Galbeed (Ogadeen)


Image result for ogaden region ethiopia


Waxaa maalin kahor ka soo baxay Golaha Wasiirrada ee DFS go’aan ay xukuumaddu ku qiratay dhiibaalkii Halgamaa C/kariim Sh. Muuse (Qalbidhagax). Go’aankaasi sinnaba u ma waafaqsana shareecada islaamka iyo xeerarka kalee aadanaha. Wuxuu gef ku yahay Sharciga Guud (Distuurka) Soomaaliya, waayo in qof Soomaali u dhashay loo dhiibo dal kaloo la og yahay dhibabka uu ka la kulmaayo meelna ku ma qorna, sharcigana waxaa sidiisaba loogu talagalay inuu tixraac ahaado ama si kale haddaan u dhahno in lagu kala garto waxa habboon iyo waxa aan habboonayn. Waxaa kaloo gef ah, in ra’yi/dan qof leeyahay ama koox leedahay wax lagu guddoonsho.
Gobolka Soomaali Galbeed waa qeyb kamida dhulalkii Soomaaliyeed ee loo asteeyay xiddigta 5 geesoodka oo odoyaashii noo gundhigay Dawlad Qarameedka Soomaaliyeed ay sameeyeen. Waa gobolkii kumannaan Soomaaliya ay u hureen naftoodii. Waa gobolka halbeegga u ah tixda iyo tiraabta Afsoomaaliga. Waa gobolka ay ka soo jeedeen halyeyo badan oo u taagnaa magaca Ummadda Soomaaliyeed. 
Marka loo dhaqmo sida qaabkii loo maareeyay arrinkii Qalbidhagax, waxay noqonaysaa in laga haray hankii weynaa iyo in la furfuray xargihii isu hayay bulshoweynta Soomaaliyeed, waxaana ka imaan kara arrintaan khasaare aad u weyn oo saaban kara dhinac walba oo Soomaali deggan tahay. 
Dhanka kale, loollankii soojirenka ahaa ee ka dhaxeeyay Soomaali iyo Xabashi oo bilawday qarnigii 13aad, Soomaali ma bilaabin ee waxaa waligeed duullaan ahaa Xabashi, waxayna ololaha ka soo bilawday Aqsum iyo buuraha Amxaara. Ololaha colaadeed ee ku wajahan Soomaali ku ma eka gobolka Soomaali Galbeed ee higsigiisu waa ilaa Xeebaha Soomaaliya, waxaana u daliila sidaas inay arrintu ka tahay xaggeeda; Addis Ababa (Buurtii Etete) iyo Shimbira Kore-ba mar baa Soomaali degi jirtay. Sidoo kale Harar oo ay Xabashidu qabsatay 1887 iyo Jigjiga oo ay qabsatay 1897 ku may ekaan ee waxay u soo gudubtay qabsashadii Dhulkii Hawd 1948 iyo Dhulkii Keydka ahaa 1954. 
Haddaba taariikhdaa wax lagu beegaaye, ragga sida Goodax iyo Jeesow oo dhawaan warbaahinta ka lahaa hadallo aan milgo lahayn, dib ha ugu noqdeen casharrada taariikhda, hana fahmaan hadday hab-qoleed u fakarayaan inaysan reerahoodu gaar u badbaadayn.
Waxaa ka loo jira dad ku dooda in Jabhadda ONLF tahay jabhad qolo leedahay. Xitaa hadday sidaas tahay sow qoladu Soomaali maahan, oo sow hadday qolodaasi u istaagtay xoraynta qeyb Soomaaliyeed, ma mudna hiillo iyo bogaadin?
Hadday Soomaali u midowdo danteeda iyo cadawgeed cidna ka ma adkaan karto, sidoo kale hadday meel uga soo wada jeensato maangaabka iyo danaystaha, waa hubaal inay guusha haleelayso. 
Waa in Soomaali ogaataa inay cadaw leedahay aan meel ku hakanayn. Waa inay ogaataa inuusan cadawgaasi qolo ama gobol gooniya u naxariisanayn
Haddaba xukuumaddu waa inay is nadiifisaa ama is huftaa illeen qalwo dabacaddeeye ku jiro waxaruhu ku ma xasilaane, shacabkuna waa inuu taageeraa xukuumaddiisa socodbaradka, waana inuusan ka filan awood aysan lahayn. Soomaali maanta xoog aysan hore u lahayn bay leedahay, kaliya waxay u baahan tahay abaabul iyo hoggaan hal adag.....Caku hoggaamiye jilicsan...Caku hoggaamiye aan hal caddayn.
Waxaan ku soo gunaanadayaa oraahdii Richard Nixon: 
Qofka marka la jabiyo laga ma adkaan ee markuu is dhiibaa laga adkaaday



  


Thursday, August 31, 2017

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheed


Image result for Cabdikariin sheekh Muuse



Waxaa toddobaadkaan ka dhacay Muqdishow, xaruntii boholowday ee Dawlad-Qarameedkii Soomaaliya arrin argagax iyo uur-kutaallo leh. Waxaa la yiri sarkaal ka tirsanaa Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) baa inta laga soo qabtay Koonfurta Gaalkacyo, loo gudbiyay Muqdishow, kadibna si degdeg ah loogu sii gudbiyay cadawgii soo-jireenka ahaa ee Abasiiniya (Itoobiya).
Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbidhagax) hadduu ku dhinto hagardaamadaan loo maleegay, wuxuu ahaan doonaa halyey ku baxay halgankuu u bareeray inuu dhiig u qubo, hadduu ka badbaadana, wuxuu ahaan doonaa halyeygii ka fakaday dabinkii doqommadu u dhigeen, waxaanse laga soo waaqsan karin eelka ay arrintu ku reebayso xukuumaddii dalandalka ahayd ee aad loogu haynweynaa iyo madaxdii aan waayahaan magacyadooda koolkoolinaynnay, kuwaas oo aad mooddo inay moog yihiin arrimahaan
1-   Sidii ku xusnayd Distuurkii Soomaaliya, qofku dhalasho ahaan, wuxuu Soomaali yahay, haddii uu ka soo jeedo dagallada Soomaalidu degto, shardina maahayn inuu qofku ku dhasho labadii gobol ee 1960-kii sameeyay JS. Taas macnaheedu waa qofkii ku dhashaa Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee xorta ahayd iyo kii ku dhashaa qeybihii kalee dalalka kale la hoos geeyay waa is ku mid waana is ku xaquuq.

2-   Ummadda iyo talisyadii Soomaaliya ka soo arrimiyay waxay is ku raacsanaayeen; in qeybihii Soomaaliyeed ee sida qasabka loogu daray Itoobiya ama Kenya iyo Jumhuuriyaddii Soomaaliya aysan xuduud ka la lahayn, waxayna ugu yeeri jireen: “xuduud-beenaadka”.

3-   Soomaalidu hantiday ka la leedahaye, dhulka ma ka la laha. Sharci ahaan, qofka Soomaaliga wuxuu ka degi karaa dagallada Soomaalida meeshuu doono, sharci ka celin karaana ma Jiro.
Haddaba, ragga maanta ka taliyaa Muqdishow waxay ku gafeen xuquuq uu lahaa qof Soomaali ah markay u gacangeliyeen nacab la og yahay inuu dilaayo ama dhibab badan u geysanaayo, waana danbi culus. 
Dhanka kale, siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waa inay labo, mid uun ku salaysan tahay; inay hayso waddadii halganka ee lagu doonaayay gobonnimo dhammaystiran oo ay hesho ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ama waa inay qaaddaa waddada dabadhilifnimada oo u adeegaysa gumeystaha Abasiiniya iwm.
In madax Soomaaliyeed yahay waddani u adeegaya ummaddiiisa iyo aayaheeda, waxaa mar walba halbeeg u ahaa, una ahaan doona, hadba siduu u wajaho Itoobiyada (Abasiiniyada) mar walba u heellan siday u ka la dhantaali lahayd ama burburin lahayd qaranka Soomaaliya iyo siduu u la dhaqmo dhulalka Soomaaliyeed ee la gumaysto. Qofka doonaya, inuu Soomaaliya madax ka noqdaa waa inuu u soo diyaargaroobaa halgan adag oo u baahan go’aan-qaadasho isaga iyo inta uu jecel yahay u horseedi karta halis xagga nolosha. Qofka madaxnimo lagu raaxaysto rabaa, ha is ka illaawo madax-kanoqoshada Soomaalida maanta. 
Waxaa hubaal ah, in Soomaali dhammaanteed, waligeed gobonnimo-doon ahayd, ahaanna doonto inta ay xoroobayaan qeybaha la gumeysto ee Soomaaliyeed, waayo haddii qofka, far hurgunto qandhaa saabata jirkoo dhan, sidaas si lamida buu yahay Qaranka Soomaaliyeed oo waa jir qura. Ummadda Soomaaliyeed qaar raaxo ku ma noolaan karo, qaarna silic iyo saranseer. Qofka si kale u fakara, wuxuu ku sifoobayaa maahmaahdii ahayd:

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheeda
  Ashkir Aadan Qaataa     

Tuesday, August 22, 2017

Xaaji Faarax Xirsi-Akaal Cabdille Khalaf (Dabcasar)


11082506_10153449851269523_3944442749066862162_n


Xaaji Faarax oo ku-caan ahaa Dabcasar (AUN) wuxuu ahaa nin-door, lagu yiqiin halgan dheer oo xagga noloshiisa, karti, waxqabsi, waddaninimo iyo deeqsinnimo tahan-dhaaf ahayd. Wuxuu ahaa nin koriya carruurta aan daryeelka haysan, waxayna oran jireen waayihiisii: "Daduuna dhalin daadihinayow, Dabcasar dhaha".


Faarax aabbihiis waxaa la oran jiray; Xirsi Cabdille Khalaf Warfaa Ugaas Diini, wuxuuna ahaa hoggaamiye ka tirsanaa dhaqdhaqaaqii daraawiishta ee Sayid Max'd Cabdille Xasan hormoodka ka ahaa. Intii uu socday halgankii dheeraa ee daraawiishta buu Sayid Max'd, Xirsi ku naanaysay "Kalxaale". Waxaa la yiri, wuxuu naanaystaas ku mutaystay, iyadoo kooxo daraawiishta ee uu markaas Xirsi Cabdille ka tirsanaa gaajo iyo oon la dirgan la' yihiin, jiilal daranna ay tahay, buu Xirsi si uu ku helayba subag u qeybiyay daraawiishtii, isagoo adeegsanaayay kalax (koob weyn), taas oo maalintaas badbaadisay kooxihii daraawiishta ahaa. Maalintaas baa Sayid Max'd u duceeyay una bixiyay "Kalxaale". Xirsi-Kalxaale ama Xirsi-Akaal, waxaa lagu dilay goob ay isaga horyimaadeen xoogaggii daraawishta iyo xoogag kadhan ahaa, goobtaas oo ku taal gobolka hadda Mudug la yiraahdo. Sayid Max'd, wuxuu Xirsi-Kalxaale ku xusay tixdiisii, Daraawiishta Saalixiya: 


Dakankii maqnaa yaa lahaa, sow la deyi mayo

Sow danabbadeennii la dilay, loo dubnixi maayo
Ma dameer la raray baynu nahay, didiba sow mayno

Yaa dani ka haysaa raggii, Doollo lagu laayay

Nimankii daldalay Waafir. sow loogu dudi maayo
Dubbihii Xirsiyahaa ma waan, loo danqanahaynin

Halgankii dheeraa ee daraawiishta waxaa ku rogmaday qoysas badan oo xigtadii Xaaji Dabacasar ka tirsanaa, Reer Cabdille Khalafna waxaa ka haray isagoo cunug yar ahaa iyo dhawr gabdhood. Haddaba, agoontii ka hartay qoysaskii Reer Cabdille Khalaf waxay u dagaagtay/daaduuntay Berbera oo markaas xarun u ahayd gumeystihii Ingiriiska ee goabolladii waqooyi ee Soomaaliya ka talinaayay. Halkaan, buu Faarax Xirsi Cabdille oo agoon, rajaya ahaa ka bilaabay iskorin, isagoo da' ahaan aad u yaraa. Sida la wariyay wuxuu shaqo ka bilaabay maqaayad uu u dhaqi jiray weelasha. Waxaa la siin jiray baa la yiri 1 Senti ama Dhururq oo ahayd qaddarkii ugu yaraa lacagtii markaas laga isticmaali jiray gobolladaas waqooyiga Soomaaliya. Daasad buu inankii Faarax Xirsi Cabdille u samaystay sentigii la siin jiray, wuxuuna daasaddaas ku aastay dhulka. Sentigii uu ku aruurin jiray daasaddaas baa waa dambe oo uu qaangaaray u noqoday lacag uu ganacsi ku bilaabo. Waayahaas, uu ahaa inanka yar oo iskoriska buu mar raaci jiray baa la yiri, ciidan Ingiriisa oo Rakuubley ahaa. Ciidankaas awrtu gaadiidka u ahayd, wuxuu Faarax Xirsi u raaci jiray baa la yiri, ajuuro ama mushqaayad ay siin jireen awgeed, isaguna wuxuu u ahaa gacanyare, markay dagaan xaabada u soo gura, shaahana u kariya. Maadaama, askartii Rakuubleyda ahayd ay degi jirtay gelinka dambe, galab walba ama casar walba, inankii Faarax wuxuu askartaas u shidi jiray dab, waa halkaan meeshii ay ka raacday naanaystii DABCASAR.

Markii uu qaangaaray Faarax Xirsi wuxuu Berbera ka furtay maqaayad, wuxuuna noqday nin isku filan oo dadka kalana waxtara. Waayahaas uu maqaayadda lahaa baa waxaa dhici jirtay baa la yiri, in qof inta wax ka cuno maqaayadda, haddana isagoo been sheegaya, yiraahdo; Xaaji lacagtii waa bixiyay. Xaaji Faarax waxaa halhays u ahayd inuu ku yiraahdo qofkaas beenlowga; 'is ka tag, labada daarood (aakhir iyo adduun) mid bay galiye'. Halhayskaasi wuxuu noqday mid aad caan u ah.

Waa dambe, oo ku beegan 1940-aadkii buu isagoo ganacsade ah, carruur iyo xaasasna leh u soo guuray degaanka Doollo loo yaqaan, gaar ahaan Wardheer. 1959-kii markii magaalo ahaan loo yagleelay Caabudwaaq buu iyada u soo guuray, wuxuuna kamid noqday asaasayaashii ugu horreeyay ee magaaladaas. Wuxuu C/waaq ka furtay maqaayad, ogaalkay wali maqaayaddaasi waa furnayd. Xaaji Faarax, waxaa dhaqan u ahayd inuu maqaayaddaas ka quudiyo dadka danyarta, waxaana fiidadkii, maqaayaddiisa horteeda laga maqli jiray, isagoo leh; "war kii baahanow igu soo leexo, mid dhargay i ma rabee". Arrintaas ah in dadka cunno loo naadiyo waayahaas ma sahlanayn, laakin Xaaji Dabcasar wuu sameyn jiray, waxayna ku tusaysaa siduu u ahaa, deeqsi naxariis badan. Waxaa maqaayaddii Dabcasar ku koray dhallinyaro badan oo markii dambe horumar samaysay.

Waxaa ka loo hab-dhaqan u ahayd Xaaji Faarax Xirsi-Akaal quudinta shinbiraha, wuxuuna la hoos fadhiyi jiray masaf misaggo/galley ah geed weyn oo maqaayaddiisa horteeda ku yiil. Markii uu geeriyooday 1970-aadkii waxaa hareeyay meydkiisii shinbiro tiro badan oo dul heehaabayay intii loo sii waday qabriga, arrintaas oo la-yaab ku noqotay dadkii maalintaas, goobtaas joogay.   

  

Thursday, August 3, 2017

Daarood (Daa'uud)


Qabrigii Daarood
Haylaan 








WAA QORAALLO TAARIIKHI AH OO KU SAABSAN CABDIRAXMAAN BIN ISMAACIIL AL-JABARTI (DAA’UUD/DAAROOD)
WAA XOG-URURINTII GOLAHA MASAR U QAABBILSAN CILMIGA ABTIRSIGA IYO XOGO LAGA DHAXLAY QORAALLADII HOREE CARABTII HAASHIMIYIINTA
AHAYD EE CAQIILIYUUN
Waxaa laga soo minguuriyay 1938-dii turjumaaddii taariikh qoleedka asalka ahayd ee Koonfurta Jasiirad-lamoodda Carabta (Yeman)
Waxaa dib loo eegay bishii 4aad-2004 iyadoo lala kaashaday golaha sare ee Caqiiliyuun
Xuquuqda asalka ee taariikh qoleedkaan waxaa iska lahaa wax-yaqaankii Abu-Al-Xasan Cali ibnu al-Xuseen ibnu Cali Al-Mascuudi
Dhigaalladii hore- 956 MD
Buuggii Caqiiliyuun
Golaha sare ee Cilmiga Abtirsiga ee Reer Haashim
Riyaad -Sacuudi Carabiya, Qaahira-Masar, Xadarmood-Yeman
Waxaa si wadajira u aruuriyay wasaaradaha hiddaha iyo dhaqanka ee dawladaha Yeman iyo Sacuudi Carabiya

Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti oo loo yaqaan Daarood ama Daa’uud, waa ninka dhaqan ahaan la rumaysan yahay inuu yahay awowgii hore ee tolweynaha Soomaaliyeed ee Daarood. Marka la tixraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka, waxaa la qabaa in Cabdiraxmaan ka soo jeedo Caqiil bin Abu Daalib oo isir ahaan ka soo jeeday Banuu Haashim, is la markaasna ahaa ina adeerkii Nabi Max’d (CSS). Qorayaasha sida Ibnu Hawqal, Al-Muqaddasi iyo Ibnu Saciid waxay xaqiijiyeen joogitaankii qolooyin Carbeed meelaha sida Barbara, Saylac, Jabarta (waa magaalo hadda burbursan oo la degi jiray) iyo Musawac oo ku taal waqooyiga Geeska Afrika.

Al-Mascuudi wuxuu si gaara ugu xusay buuggiisii Caqiiliyuun qoysaskii Carbeed ee ku noola Saylac iyo Jabarta qarnigii 9-aad. Buuggaani wuxuu muujiyay shiikh ka tirsanaa dariiqada Suufiyada ee Qaaddiriya oo la oran jiray Ismaaciil ibnu Ibraahim al-Jabarti, kaas oo dhalay carruur dhawra oo midkood la oran jiray Cabdiraxmaan.

Marka la tirxraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka Soomaalida, Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti (Daarood) baa ka soo qaxay dhulkiisii hooyo ee Jasiirad-Lamoodda Carbeed kadib markay murmeen adeerkiis, qarnigii 9-aad ilaa kii 11-aad. Waxaa la filayaa inuu degay waqooyiga Soomaaliya, markii dambana Cabdiraxmaan wuxuu guursaday gabar uu dhalay duqii sare ee qoloda Dir, gabadhaas oo la oran jiray Doombira, warasadoodiina waxay noqdeen tolweynaha Daarood ee Soomaaliyeed.
Wuxuu leeyahay aqoon-yahanka Cilmiga Aadanaha ee Ingiriiska ee la yiraahdo I.M. Lewis, in kastoo hab-dhaqanka ah in lagu abtirsado qolooyin Carbeed oo xigto u ahaa Nabi Max’d (CSS) ay inta badan tahay weynayn loo la dan leeyahay islaanimada Soomaalida, haddana waxaa ku jira sheekooyinkaas mid dhab ahaanteeda taariikhiga ay xooggan tahay waana tan ku saabsan Daarood, waxaana arrinka sii xaqiijinaya hab-dhaqanka wakiillada tolweynaha Direed ee ka qeybgala caleemosaarka isinka sare ee tolka Daarood.

Waxaa weheliya ilo taariikheedka sida kan Al-mascuudi (Caqiiliyuun), manaaqib (samofallo waaweyn oo la aruurshay) casri ah oo lagu daabacay Qaahira sannadkii 1945-tii oo uu qoray Shiikh Axmad bin Xuseen bin Maxammad oo cinwaankiisu ahaa Manaaqibtii al-Shiikh Ismaaciil bin Ibraahim al-Jabarti. Wuxuu buuggaasi ka sii faallooday Daarood iyo aabbihiis Ismaaciil al-Jabarti oo sida la sheegay kan dambe ku aasan yahay Baab Sihaam oo ku taal degmada Saabid oo ka tirsan galbeedka Yeman.

Daarood wuxuu ku aasan yahay Haylaan oo ku taal buuraha Hadaaftimo ee ka tirsan gobolka Sanaag ee wqooyiga Soomaaliya waana goob la siyaarto. Waxaa ka loo halkaas ku la aasan Sade oo curad-xigeenkiisii ahaa iyo afadiisii Doombira Direed. Shiikh Harti oo kamid ahaa warasadii Daarood wuxuu ku aasan yahay Qacableh (bariga gobolka Sanaag) oo ahayd magaalo hore loo degi jiray . Dhalashadii Daarood waxaa loo dabbaaldegaa Jimce kasta iyadoo la akhriyo manaaqibtiisii (samafalladiisii).

Marka la tixraaco taariikh-yahannadii guyaashii dhexe iyo taariikh-yahannada muslimka ee waayahaan cusub, Daarood wuxuu ka soo jeedaa dhalasho ahaan Caqiil bin Abi Daalib, ninkaas oo ahaa Nabi Max’d (CSS) ina adeerkiis iyo walaalkii Cali ibnu Abi Daalib. Buug taariikheedka islaamiga ee la yiraahdo Caqiiliyuun ee uu qoray Al-Mascuudi, wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadkii ka farcamay Caqiil bin Abi Daalib, halkaas oo Daarood-na lagu xusay.

Wuxuu Al-Mascuudi xusay tol Soomaaliyeed oo la oran jiray Banuu Daa’uud (بنو داؤود‎). Tolkaan abkood baa loogu yeeri jiray Daa’uud (Cabdiraxmaan) bin Ismaaciil Al-Jabarti Al-Sabidi Al-Caqiili, laakiin aalaa loo yiqiin/yaqaan Daarood. Waxaa la yiri erayga Daarood wuxuu markiisii hore ahaa Daa’uud, waxaana dhici karta in la isku qalday xarfaha carabiga  ee w iyo r “Daa’uud = داوود  ama داؤود ،Daarood = دارود‎ ‎”. Waxaa ka loo la sheegaa in af Soomaaliga uu erayga Daarood ku yahay dhismo-xire ama daar-oode.

Shiik Ismaaciil Al-Jabarti Al-Saabidi Al-Caqiili wuxuu isaga iyo xertiisii ka soo guureen Saabid (Yeman) wuxuuna degay Saylac, waana ninkii dhalay Daarood oo ku aasan Heylaan.

Shiikh Axmad bin Cali Al-Rajxi Al-Caqiili (xubin sare oo kamida golaha sare ee abtirsiga Reer Haashim baa dhawaan buug ka qoray reer Caqiil, wuxuuna buuggiisa ku xusay Daarood iyo waayihii Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti. Wuxuu shiikhaasi sheegay inuu hayo buug uu qoray nin xer u ahaa Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti.

Abwaanka Islaamka (encyclopedia) iyo taariikh-yahankii guyaashii dhexe ee la oran jiray Maqriisi (oo qoraalladiisu ahaayeen 837 Hijriyah/1400-aadkii MD) wuxuu xusay Magaaladii Jabarta oo ahayd Magaalo muslimiintu degganaayeen oo ku dhawayd marsada magaalada Soomaaliyeed ee Saylac. Dad ka soo safray Yeman iyo xeebaha ku dhereran Gacanka Cadmeed baa degay magaalladaas. Dadkii halkaas degay waxaa kamid ahaa qoysas Reer Haashima (banuu Haashim) oo ku abtirsanaayay Caqiil ibnu Abi Daalib.

Qoysaskii halkaas degay qaarkood waxay qaateen naanaysta “Jabarti” wuxuuna leeyahay ninkii qoray buuggii Caqiiliyuun, dadkii naanaystaas qaatay ma wada ahayn Reer Haashim, waxayse mar wada degganaayeen magaaladii Jabarta. Faracyadii qaatay naanaystii Al-Jabarti waxay markii dambe isku fidiyeen Soomaaliya (Daarood), Itoobiya, Erriteriya, Suudaan, Masar iyo dalalka kalee carabta, ilaa haddana waxaa meelahaas laga helayaa dadyow xambaarsan naanaysii al-Jabarti.

Ugu dambayn, Al-Mascuudi wuxuu ugu batiriyay buuggiisii Taariikhiga ahaa Daarood: Cabdiraxmaan Bin Ismaaciil Bin Ibraahim Bin Cabdiraxmaan Bin Maxammad Bin Cabdisammad Bin Xanbal Bin Mahdi Bin Axmad Bin Cabdalla Bin Caqiil Bin Abi Daalib Bin Cabdulmudalib Bin Haashim Bin Qusaya.