Thursday, August 31, 2017

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheed


Image result for Cabdikariin sheekh Muuse



Waxaa toddobaadkaan ka dhacay Muqdishow, xaruntii boholowday ee Dawlad-Qarameedkii Soomaaliya arrin argagax iyo uur-kutaallo leh. Waxaa la yiri sarkaal ka tirsanaa Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) baa inta laga soo qabtay Koonfurta Gaalkacyo, loo gudbiyay Muqdishow, kadibna si degdeg ah loogu sii gudbiyay cadawgii soo-jireenka ahaa ee Abasiiniya (Itoobiya).
Cabdikariim Sh. Muuse (Qalbidhagax) hadduu ku dhinto hagardaamadaan loo maleegay, wuxuu ahaan doonaa halyey ku baxay halgankuu u bareeray inuu dhiig u qubo, hadduu ka badbaadana, wuxuu ahaan doonaa halyeygii ka fakaday dabinkii doqommadu u dhigeen, waxaanse laga soo waaqsan karin eelka ay arrintu ku reebayso xukuumaddii dalandalka ahayd ee aad loogu haynweynaa iyo madaxdii aan waayahaan magacyadooda koolkoolinaynnay, kuwaas oo aad mooddo inay moog yihiin arrimahaan
1-   Sidii ku xusnayd Distuurkii Soomaaliya, qofku dhalasho ahaan, wuxuu Soomaali yahay, haddii uu ka soo jeedo dagallada Soomaalidu degto, shardina maahayn inuu qofku ku dhasho labadii gobol ee 1960-kii sameeyay JS. Taas macnaheedu waa qofkii ku dhashaa Jumhuuriyaddii Soomaaliya ee xorta ahayd iyo kii ku dhashaa qeybihii kalee dalalka kale la hoos geeyay waa is ku mid waana is ku xaquuq.

2-   Ummadda iyo talisyadii Soomaaliya ka soo arrimiyay waxay is ku raacsanaayeen; in qeybihii Soomaaliyeed ee sida qasabka loogu daray Itoobiya ama Kenya iyo Jumhuuriyaddii Soomaaliya aysan xuduud ka la lahayn, waxayna ugu yeeri jireen: “xuduud-beenaadka”.

3-   Soomaalidu hantiday ka la leedahaye, dhulka ma ka la laha. Sharci ahaan, qofka Soomaaliga wuxuu ka degi karaa dagallada Soomaalida meeshuu doono, sharci ka celin karaana ma Jiro.
Haddaba, ragga maanta ka taliyaa Muqdishow waxay ku gafeen xuquuq uu lahaa qof Soomaali ah markay u gacangeliyeen nacab la og yahay inuu dilaayo ama dhibab badan u geysanaayo, waana danbi culus. 
Dhanka kale, siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya waa inay labo, mid uun ku salaysan tahay; inay hayso waddadii halganka ee lagu doonaayay gobonnimo dhammaystiran oo ay hesho ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed ama waa inay qaaddaa waddada dabadhilifnimada oo u adeegaysa gumeystaha Abasiiniya iwm.
In madax Soomaaliyeed yahay waddani u adeegaya ummaddiiisa iyo aayaheeda, waxaa mar walba halbeeg u ahaa, una ahaan doona, hadba siduu u wajaho Itoobiyada (Abasiiniyada) mar walba u heellan siday u ka la dhantaali lahayd ama burburin lahayd qaranka Soomaaliya iyo siduu u la dhaqmo dhulalka Soomaaliyeed ee la gumaysto. Qofka doonaya, inuu Soomaaliya madax ka noqdaa waa inuu u soo diyaargaroobaa halgan adag oo u baahan go’aan-qaadasho isaga iyo inta uu jecel yahay u horseedi karta halis xagga nolosha. Qofka madaxnimo lagu raaxaysto rabaa, ha is ka illaawo madax-kanoqoshada Soomaalida maanta. 
Waxaa hubaal ah, in Soomaali dhammaanteed, waligeed gobonnimo-doon ahayd, ahaanna doonto inta ay xoroobayaan qeybaha la gumeysto ee Soomaaliyeed, waayo haddii qofka, far hurgunto qandhaa saabata jirkoo dhan, sidaas si lamida buu yahay Qaranka Soomaaliyeed oo waa jir qura. Ummadda Soomaaliyeed qaar raaxo ku ma noolaan karo, qaarna silic iyo saranseer. Qofka si kale u fakara, wuxuu ku sifoobayaa maahmaahdii ahayd:

Gobi Waa Awaalisaa Gunina Waa Indhaheeda
  Ashkir Aadan Qaataa     

No comments:

Post a Comment