Thursday, August 3, 2017

Daarood (Daa'uud)


Qabrigii Daarood
Haylaan 








WAA QORAALLO TAARIIKHI AH OO KU SAABSAN CABDIRAXMAAN BIN ISMAACIIL AL-JABARTI (DAA’UUD/DAAROOD)
WAA XOG-URURINTII GOLAHA MASAR U QAABBILSAN CILMIGA ABTIRSIGA IYO XOGO LAGA DHAXLAY QORAALLADII HOREE CARABTII HAASHIMIYIINTA
AHAYD EE CAQIILIYUUN
Waxaa laga soo minguuriyay 1938-dii turjumaaddii taariikh qoleedka asalka ahayd ee Koonfurta Jasiirad-lamoodda Carabta (Yeman)
Waxaa dib loo eegay bishii 4aad-2004 iyadoo lala kaashaday golaha sare ee Caqiiliyuun
Xuquuqda asalka ee taariikh qoleedkaan waxaa iska lahaa wax-yaqaankii Abu-Al-Xasan Cali ibnu al-Xuseen ibnu Cali Al-Mascuudi
Dhigaalladii hore- 956 MD
Buuggii Caqiiliyuun
Golaha sare ee Cilmiga Abtirsiga ee Reer Haashim
Riyaad -Sacuudi Carabiya, Qaahira-Masar, Xadarmood-Yeman
Waxaa si wadajira u aruuriyay wasaaradaha hiddaha iyo dhaqanka ee dawladaha Yeman iyo Sacuudi Carabiya

Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti oo loo yaqaan Daarood ama Daa’uud, waa ninka dhaqan ahaan la rumaysan yahay inuu yahay awowgii hore ee tolweynaha Soomaaliyeed ee Daarood. Marka la tixraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka, waxaa la qabaa in Cabdiraxmaan ka soo jeedo Caqiil bin Abu Daalib oo isir ahaan ka soo jeeday Banuu Haashim, is la markaasna ahaa ina adeerkii Nabi Max’d (CSS). Qorayaasha sida Ibnu Hawqal, Al-Muqaddasi iyo Ibnu Saciid waxay xaqiijiyeen joogitaankii qolooyin Carbeed meelaha sida Barbara, Saylac, Jabarta (waa magaalo hadda burbursan oo la degi jiray) iyo Musawac oo ku taal waqooyiga Geeska Afrika.

Al-Mascuudi wuxuu si gaara ugu xusay buuggiisii Caqiiliyuun qoysaskii Carbeed ee ku noola Saylac iyo Jabarta qarnigii 9-aad. Buuggaani wuxuu muujiyay shiikh ka tirsanaa dariiqada Suufiyada ee Qaaddiriya oo la oran jiray Ismaaciil ibnu Ibraahim al-Jabarti, kaas oo dhalay carruur dhawra oo midkood la oran jiray Cabdiraxmaan.

Marka la tirxraaco buugtii Islaamka ee hore iyo sheeko-dhaqameedka Soomaalida, Cabdiraxmaan bin Ismaaciil al-Jabarti (Daarood) baa ka soo qaxay dhulkiisii hooyo ee Jasiirad-Lamoodda Carbeed kadib markay murmeen adeerkiis, qarnigii 9-aad ilaa kii 11-aad. Waxaa la filayaa inuu degay waqooyiga Soomaaliya, markii dambana Cabdiraxmaan wuxuu guursaday gabar uu dhalay duqii sare ee qoloda Dir, gabadhaas oo la oran jiray Doombira, warasadoodiina waxay noqdeen tolweynaha Daarood ee Soomaaliyeed.
Wuxuu leeyahay aqoon-yahanka Cilmiga Aadanaha ee Ingiriiska ee la yiraahdo I.M. Lewis, in kastoo hab-dhaqanka ah in lagu abtirsado qolooyin Carbeed oo xigto u ahaa Nabi Max’d (CSS) ay inta badan tahay weynayn loo la dan leeyahay islaanimada Soomaalida, haddana waxaa ku jira sheekooyinkaas mid dhab ahaanteeda taariikhiga ay xooggan tahay waana tan ku saabsan Daarood, waxaana arrinka sii xaqiijinaya hab-dhaqanka wakiillada tolweynaha Direed ee ka qeybgala caleemosaarka isinka sare ee tolka Daarood.

Waxaa weheliya ilo taariikheedka sida kan Al-mascuudi (Caqiiliyuun), manaaqib (samofallo waaweyn oo la aruurshay) casri ah oo lagu daabacay Qaahira sannadkii 1945-tii oo uu qoray Shiikh Axmad bin Xuseen bin Maxammad oo cinwaankiisu ahaa Manaaqibtii al-Shiikh Ismaaciil bin Ibraahim al-Jabarti. Wuxuu buuggaasi ka sii faallooday Daarood iyo aabbihiis Ismaaciil al-Jabarti oo sida la sheegay kan dambe ku aasan yahay Baab Sihaam oo ku taal degmada Saabid oo ka tirsan galbeedka Yeman.

Daarood wuxuu ku aasan yahay Haylaan oo ku taal buuraha Hadaaftimo ee ka tirsan gobolka Sanaag ee wqooyiga Soomaaliya waana goob la siyaarto. Waxaa ka loo halkaas ku la aasan Sade oo curad-xigeenkiisii ahaa iyo afadiisii Doombira Direed. Shiikh Harti oo kamid ahaa warasadii Daarood wuxuu ku aasan yahay Qacableh (bariga gobolka Sanaag) oo ahayd magaalo hore loo degi jiray . Dhalashadii Daarood waxaa loo dabbaaldegaa Jimce kasta iyadoo la akhriyo manaaqibtiisii (samafalladiisii).

Marka la tixraaco taariikh-yahannadii guyaashii dhexe iyo taariikh-yahannada muslimka ee waayahaan cusub, Daarood wuxuu ka soo jeedaa dhalasho ahaan Caqiil bin Abi Daalib, ninkaas oo ahaa Nabi Max’d (CSS) ina adeerkiis iyo walaalkii Cali ibnu Abi Daalib. Buug taariikheedka islaamiga ee la yiraahdo Caqiiliyuun ee uu qoray Al-Mascuudi, wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dadkii ka farcamay Caqiil bin Abi Daalib, halkaas oo Daarood-na lagu xusay.

Wuxuu Al-Mascuudi xusay tol Soomaaliyeed oo la oran jiray Banuu Daa’uud (بنو داؤود‎). Tolkaan abkood baa loogu yeeri jiray Daa’uud (Cabdiraxmaan) bin Ismaaciil Al-Jabarti Al-Sabidi Al-Caqiili, laakiin aalaa loo yiqiin/yaqaan Daarood. Waxaa la yiri erayga Daarood wuxuu markiisii hore ahaa Daa’uud, waxaana dhici karta in la isku qalday xarfaha carabiga  ee w iyo r “Daa’uud = داوود  ama داؤود ،Daarood = دارود‎ ‎”. Waxaa ka loo la sheegaa in af Soomaaliga uu erayga Daarood ku yahay dhismo-xire ama daar-oode.

Shiik Ismaaciil Al-Jabarti Al-Saabidi Al-Caqiili wuxuu isaga iyo xertiisii ka soo guureen Saabid (Yeman) wuxuuna degay Saylac, waana ninkii dhalay Daarood oo ku aasan Heylaan.

Shiikh Axmad bin Cali Al-Rajxi Al-Caqiili (xubin sare oo kamida golaha sare ee abtirsiga Reer Haashim baa dhawaan buug ka qoray reer Caqiil, wuxuuna buuggiisa ku xusay Daarood iyo waayihii Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti. Wuxuu shiikhaasi sheegay inuu hayo buug uu qoray nin xer u ahaa Shiikh Ismaaciil Al-Jabarti.

Abwaanka Islaamka (encyclopedia) iyo taariikh-yahankii guyaashii dhexe ee la oran jiray Maqriisi (oo qoraalladiisu ahaayeen 837 Hijriyah/1400-aadkii MD) wuxuu xusay Magaaladii Jabarta oo ahayd Magaalo muslimiintu degganaayeen oo ku dhawayd marsada magaalada Soomaaliyeed ee Saylac. Dad ka soo safray Yeman iyo xeebaha ku dhereran Gacanka Cadmeed baa degay magaalladaas. Dadkii halkaas degay waxaa kamid ahaa qoysas Reer Haashima (banuu Haashim) oo ku abtirsanaayay Caqiil ibnu Abi Daalib.

Qoysaskii halkaas degay qaarkood waxay qaateen naanaysta “Jabarti” wuxuuna leeyahay ninkii qoray buuggii Caqiiliyuun, dadkii naanaystaas qaatay ma wada ahayn Reer Haashim, waxayse mar wada degganaayeen magaaladii Jabarta. Faracyadii qaatay naanaystii Al-Jabarti waxay markii dambe isku fidiyeen Soomaaliya (Daarood), Itoobiya, Erriteriya, Suudaan, Masar iyo dalalka kalee carabta, ilaa haddana waxaa meelahaas laga helayaa dadyow xambaarsan naanaysii al-Jabarti.

Ugu dambayn, Al-Mascuudi wuxuu ugu batiriyay buuggiisii Taariikhiga ahaa Daarood: Cabdiraxmaan Bin Ismaaciil Bin Ibraahim Bin Cabdiraxmaan Bin Maxammad Bin Cabdisammad Bin Xanbal Bin Mahdi Bin Axmad Bin Cabdalla Bin Caqiil Bin Abi Daalib Bin Cabdulmudalib Bin Haashim Bin Qusaya.


No comments:

Post a Comment