Calankii Khilaafaddii Faadimiya |
Dawladihii
Shiicada
Wixii
ka dmabeeyay xasuuqii Karbala, xoogaggii shiicadu waxay si joogta ugu jireen
loollan siyaasadeed oo ay meelo ka la duwan ku la galeen maamulladii laga
sameeyay dunida islaamka, waxayna meelo ka la duwan ka yagleeleen dawlado ku
salaysnaa fikradihii shiicada.
Al-Idiriisiya
(788-974 MD): waxaa
gundhigay Idriis ibnu Cabdalla oo ku abtirsaday Cali ibnu abu Daalib iyo
afadiiisii Faduma bintu Max’d (CS). Kadib, goobtii dagaalee Fakh ee dhacday
bishii Lixaad 11-dii, 786 MD oo ku dhexmartay Khilaafadii Cabbaasiyada iyo
xisbi shiica oo uu hoggaaminaayay Xuseen ibnu Cali oo uu awowe u ahaa al-Xasan
ibnu Cali baa Idriis ibnu Cabdalla oo ka tirsanaa ururkii shiicadu u qaxay
dhulalka Maqrib la yiraahdo, wuxuuna markii dambe Marooko ka yagleelay
boqortooyadii al-Idriisiya.
Boqortooyadii
Cuqayliya (990-1096 MD): sida magacu canbaarsan yahay waxay gundhigayaashii
boqortooyadaasi ku abtirsadeen banu Cuqayl oo ahayd qolo ka tirsanayd Reer banu
Kacab. Markii hore, waxay awood xagga talada ku yeesheen gobolkii la oran jiray
Diyaar al-Bakar, kadib waxay ka la wareegeen Moosul Boqortooyo la oran jiray
Buweyah, waxayna halkaas ka dhigteen saldhiggoodii ugu weynaa. Waxay is ku sii
fiidiyeen gobolladii Ciraaq ilaa ay kaabiga u tageen Baqdaad. Markaas kadib,
waxaa heshiis la galay khaliifkii waagaas talinaayay, wuxuuna u oggolaaday inay ka
taliyaan Moosul, Kuufa iyo Jamciyah. In kastoo hoggaamiyahoodii nin-doorka ahaa
ee la oran jiray Muqallad uu heshiiskaas galay, haddana waxaa ka go’nayd inuu
Baqdaad qabsado, waxaase dilay nin calool-u-shaqayste ahaa oo Turkiya sannadkii
1001 MD. Waxaa taladii Cuqayliya la wareegay wiilkii Muqallad ee ahaa Qirwaash
oo sii waday ololihii aabbihiis.
Buweyayiin
(934-1055 MD): Waxay
mar ka taliyeen qeybo kamid ahaa Ciraaq iyo Iiraanta maanta.
Ilkhanayd (1256-1335 MD): markii hore, waxaa laga yagleelay qarnigii 13aad Faaris/Beershiya, waxayna sida la qabay ka tirsanayd Imbaroodooriyaddii Maangoolka. Waxay ka dhalatay ololihii weynaa ee uu sameeyay manaxaagii Hulaqa ee uu awowga u ahaa duuligii caanka ahaa ee Jeenkiis Khaan. Reer Ilkhanayd markii hore waxay qaayibeen diimo ka la duwan gaar ahaan Buude iyo Masiixiyadda. Mar dambe oo ku beegan 1295 MD ayay madaxdii Ilkhanayd qaayibeen shiicanimada, waxaana kobciyay Hulaqa walaalkiis Oljaytu.
Bahmaanis
(1347-1527 MD): waxay
ka samaysantay dalcadaha Dikaan ee koonfurta Hindiga, waxayna ahayd saldanad
door ahayd guyaashii dhexe.
Khilaafaddii
Faadimiya (909-1171 MD): waxaa loogu magacdaray Faduma bintu Nabi Max’d (CS), waxayna
ka talisay inta badan dhulalkii Maqrib, Shaam, qeybo Carabiya kamid aha, Maka
iyo Madiina. Markii hore waxay ka bilaabatay dagaal dhacay 909 MD oo uu abu Cabdalla
oo ammaanduule shiica ahaa u xukun uga tuuray hoggaamiye sunni ahaa oo ka
talinaayay Waqooyiga Afrika.
Boqortooyadii Safawiya صفوی (1501-1722 MD): waxay ahayd boqortooyo
taxane ahayd oo markay ugu awoodda badnayd ka talin jirtay; Iiraan, Asribijaan,
Bahrayn, Armiiniya, inta badan Joorjiya, Waqooyiga Qooqaas, Ciraaq, Kuwayd iyo
Afqanistaan, sidoo kale qeybo kamid ahaa Turki, Bakistaan, Suuriya,
Turkiministaan, iyo Usbakistaan. In kastoo ay burburtay sannadkii 1736 MD,
haddana waxaa lagu tiriyaa inay gogoldhig u noqotay dawladda casriga ee Iiraan
ee dhinacyo badan ka horumarsan.
No comments:
Post a Comment