Monday, July 3, 2017

Shiica    شيعة‎‎


Mirror writing2.jpg     Shiica شيعة‎‎-Q.1aad                 

Erayga Shiica macnahiisu waa hiilliyaal, waana laan kamida islaamka oo lagu rumaysan yahay inuu Cali ibnu Abu Daalib ahaa kii dawga u lahaa hoggaaminta muslimiinta geeridii nabiga kadib, waana halka ay ku kale rogmadeen laanta kale ee sunniga loo yaqaan. Sunniyiintu waxay rumaysan yihiin inuusan Nabi Maxammad (NNKH) uusan ka dardaarmin qofka hoggaaminta muslimiinta qaban doona geeridiisa kadib, sidaas darteedna uu abu Bakar al-Saddiiq ahaa hoggaamiyihii kowaad ee si wadatashiya (shuura) loo doortay.
Waxaa mudan in la xuso, in bishii Lixaad 8-deedii, 632 CD oo ahayd maalintii Nabi Maxammad (CSS) uu geeriyooday, in labadii qabiil ee Khasraj iyo banu Aws oo ku midaysnaa magaca al-Ansaar (gargaarayaal) ay ku shireen aqal la oran jiray Saqiifa (سقيفة بني ساعدة‎‎) iyagoon la socodsiin kooxihii la oran jiray Muhaajiriin. Haddaba, sida uu Maxammad ibnu Jariir Tabaari ku xusay buuggiisii Taariikh, Cumar bin Khadaab (RC) baa arrinta maqlay kadibna wuxuu aaday gurigii Nabi Maxammad oo abu Bakar al-Saddiiq (RC) u ku sugnaa. Cumar gurigii ma galine inta irridkii istaagay buu faray in abu Bakar u soo baxo. Markaas abu Bakar, Cali ibn abu Daalib iyo xigtadii Nabigu waxay mashquul ku ahaayeen abaabulkii aasitaankii Nabiga, sidaas darteedna, abu Bakar waa cudurdaartay. Cumar mar kale buu fartiin diray, isagoo xusaaya in arrin degdeg ahi jirto. Abu Bakar, mar dambuu soo baxay, markay is wareysteenna waxay wada aadeen aqalkii Saqiifa ee lagu shirsanaa. Dood kadib, Cumar baa inta istaagay soo jeediyay in abu Bakar loo doorto hoggaaminta muslimiinta, waana lagu raacay. Hase yeeshee, waxaa jiray kooxo rumaysnaa inuu Cali bin abu Daalib (CS) ku habboonaa hoggaaminta. Markaas buu baxay magaca Shiica (hiilliyaal). 
Dadka rumaysan shiicanimada oo hadda lagu sheego 10-13% dadweynaha muslimka waxay rumayntoodu ku salaysan tahay Qur’aanka, Sheekadii Nabiga (Xaddiis) iyo Sheekooyinkii Imaamyada. Shiicadu waxay u haystaan in Cali (CS) ahaa mid xagga Eebbe loogu doortay hoggaamnita muslimiinta, sidaasna ku noqday imaamkii kowaad, waxaana ku xiga siday qabaan xubno ku abtirsada qoyskii Nabi Maxammad (NNKH) ama Ahlu Beyd.
Shiicadu waxay u kala baxdaa laamo kala duwan, waxaase ugu waaweyn seddexda; Labiyo Tobanley, Ismaaciiliya iyo Saydiya (Saydiyiin). Labiyo Tobanleyda oo ah laanta ugu weyn (ilaa 85% Shiicada oo dhan), waxay rumaysan tahay inay jiraan 12 imaam oo Cali ibnu Abu daalib ka soo bilawda kuna dhammaada Maxammad al-Mahdi oo ah imaam daahsoon oo soo banbixi doona, ahna mahdiga la sugaayo. Ismaaciiliyadu waxay rumaysan tahay in Ismaaciil ibnu Jacfar ahaa imaam dhaxlay imaamnimadii Jacfar al-Saddiiq, waana halka ay uga geddisan yihiin Labiyo Tobonleyda. Saydiyiintu (ilaa 40% muslimiinta Yaman) waxay rumaysan yihiin in Sayd ibnu Cali oo uu awowe u ahaa Xuseen ibnu Cali, yahay imaamkiii 5aad. Waxay Saydiyiintu meesha ka saareen “taqiya” ama “kitmaan” oo ah in qofku qarin karo waxa uu rumaysan yahay hadduu nafta u yaabo. In kastoo sunniyiintuba ay la tahay in arrinku bannaan yahay mararka qaar, haddana waxaa aad u xoojiya Labiyo Tobonleyda.
Guud ahaan Shiicada, waxaa tiirar adadag u ah Ahlu Kisaa ama Reerkii Huga oo ah Nabi Maxammad (CSS), Cali ibnu Abu Daalib (CS), Faaduma (ina Nabai Maxammad), Xasan iyo Xuseen oo ilmo Cali ah. Waxay imaamnimada ay Shiicadu rumaysan tahay ku saleeyeen Ahlu Kisaa iyo xubnihii ka firay, waxayna rumaysan tahay in Ahlu Kisaa iyo firkoodu kaligood daw u leeyihiin inay muslimiinta hoggaanshaan.

Bilagii Qilaafka (Fitnadii 1aad)

Bishii Toddobaad 1-deedii, 656 CD ayaa Madiina waxaa lagu dilay Khaliifkii 3aad Cusmaan bin Cafaan (NKH), waxaana dilay rag laga soo abaabulay imaaraddii Masar oo markaas gadoodsanayd. Dilkii Cusmaan waxaa xigay in Khaliifkii 4aad loo doorto Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxaase ka horyimid Mucaawiya bin Abu Sufyaan oo markaas ahaa guddoomiyihii gobolkii Shaam. Mucaawiya oo ay is ku qolo ahaayeen Cusmaan (Reer Ummawiya) wuxuu aad u qawadsanaa sidii loo dilay Cusmaan iyo in kuwii dilkiisa ka dambeeyay aan la maxkamadayn, is la markaasna kamid noqdeen ciidammadii taageersanaa Cali.

Khaliifkii wuxuu u diray ergo ahaan Duqii Sare ee Reer bin Bajiila ee la oran jiray Jariir, ahaana xaakinkii Xamdaan si uu u la soo hadlo Mucaawiya, markuu ku gacaan-sayray Mucaawiye ergaygii, wuxuu Cali abaabulay ciidan xoogganaa oo dhammaa 80,000 oo dagaalyahan oo sida la sheegay ay ku jireen 400 Muhaajiriin iyo Ansaar ahaa, 70 asxaabi oo ka qeybgalay Goobtii Badar iyo 70 ka qeybgalay dhaartii Xudaybiya. Waxaa ka loo kamid ahaa urur ka koobnaa 300 nin oo kor ka qaybsanaa Qur’aanka (xufaadatul Qur’aan) oo uu hoggaaminaayay Cashtaar. Mucaawiya wuxuu soo abaabulay ciidan dhammaa 120,000 oo nin. Waxay labdii ciidan ku kulmeen daamanka wabiga Furaad meesha la yiraahdo Raqa oo hadda ka tirsan Suuriya bishii Toddobaad 26-28kii, 656 CD. Goobtii Sifiin bay dhacdadaasi taariikhda ku gashay.  Markii is-dilku socday muddo 3 maalmooda, waxaa dhinicii Mucaawiya ka dhintay 45,000 oo nin, dhinicii Calina waxaa ka dhintay ilaa 25,000 oo nin.
Markii arrinku halkaas uu maraayo, baa waxaa la yiri, waxaa kor u qayliyay nin la oran jiray al-Ash ath ibn Qays kana mid ahaa taageerayaashii Cali, Reer Kuufana (Ciraaq) ahaa. Wuxuu kor u yiri ibnu Qays: "Dadyahow muslimka! Waxaad aragteen wixii maalmahaan dhacay, halkaas oo ay ku tirtirmeen dadyow Carabihi. Waxaan da’ ahaan gaaray intii Eebbe ii gartay, waligayna ma arag maalintaan oo kale. Kan joogaa ha gaarsiiyo kan maqan! Haddii aan berri dirirno, waxay noqon doontaa tirtiristii Carabta iyo wixii la dhawri jiray oo luma. Warkaan u ma oran cabsi aan dhimasho ka cabsanaayo ee waxaan ahay nin gaboobay oo u baqaaya dumarka iyo carruurta haddaan berri tirtirnno. Ilaahow, waxaan eegay dadkayga iyo dadka diintayda qofna ma awoodsiin. Guul la ma gaari karo, in Ilaahay ku holansiiyo mooyee. Isagaan cuskanayaa oo isaagaan u noqonayaa. Ra’yigu qalad iyo sax labadaba waa noqon karaa. Marka Eebbe go’aansado arrin, wuu fuliyaa addoomihiisu ha jeclaadeen ama yeysan jeclaane. Sidaasaan iri, waxaana idinka iyo anigaba Eebbe uga baryayaa cafis”.
Sida la wariyey wuxuu ibnu Qays beerqaaday xooggii la safnaa Mucaawiye, waxayna ku yiraahdeen hadalkaasi waa runoo dumarkeenna iyo carruurteenna waxaa u hari Biisandiiniyiin iyo Faaris. Markaas kadib Mucaawiye wuxuu go’aanshay in warmaha afafkooda kitaabbada Qur’aanka lagu duubo oo kor loo taago, taas oo macnaheedu ahaa, aan kitaabka ku kala baxno, waana la yeeloo waxaa la qabtay labo guddi’ oo dhexdhexaadina, kuwaas oo ay kala hoggaaminaayeen Camar ibnu Caas oo ka socday dhinicii Mucaawiye iyo Abu Muuse al-Ashcari. Sida la sheegay wuxuu Cali doonaayey in uu u magacaabo guddigiisa Maalik Cashtaar ama Cabdullaahi bin Cabbaas, laakiin waxaa ka horyimid Qurraa (Qur’aan Akhriyeyaal) oo ku dooday in labadaas nin ay kamid ahaayeen huriyaashii colaadda, sidaas darteedna aysan ku habboonayn dhexdhexaadinta, waana la yeeloo guddigii dhankii Cali waxaa hoggaanshay Abu Muuse al-Shacari.
Waxaa lagu ballamay in go’aankii dhexdhexaadinta looga dhawaaqo kulan lagu qaban doono Dawmatul al-Jandal oo u dhaxeysay Siiriya iyo Kuufa. Intaan la gaarin maalintii go’aanka lagu dhawaaqi lahaa baa Camar ibnu Caas ka dhaadhiciyay Muuse al-Ashcari in labada hoggaamiye laga xayuubiyo khaliifnimada, muslimiintuna doortaan khaliif cusub, arrintaas Muuse wuu oggolaaday. Markii lagu dhawaaqay go’aankii Cali waa diiday. Sida la sheegay sababta Cali u diiday go’aanka waxay ahayd, iyadoo loo arkay in kooxo isaga waabkiisa ka tirsanaa waa Qurraa-dee ay dhaliilsanaayeen khaliif Cali ibnu Abu Daalib (CS), waxayna rumaysnaayeen haddii la nabdo ay dhici karto in loo maxkamadeeyo dilkii Cusmaan bin Cafaan iyo inusan Cali daryeelayn danahooda, sidaas darteedna ay iyagu ku dhiirriyeen magacaabistii Abu Muuse al-Ashcari oo ay u la jeedeen dhagar.
Dagaalkii Sifiin wixii ka dambeeyay, waxay Qurraa-dii samaysteen xisbi u gooniya oo ay u la baxeen Khawaarij ama Goostayaal. Khawaarijtu waxay markii dambe noqdeen urur fogaaday oo ka horyimid hoggaan kasta, wuxuuna Haaruun Rashiid ku dhintay la-dagaallankoodii.
Sannadkii 659 CD wuxuu Cali dagaal ku qaaday Khawaarijtii wuuna jabiyay, hase yeeshee, seddex sano kadib isagoo Cali ku tukanaaya masaajidka Weyn ee Kuufa ayaa waxaa dilay Cabdiraxmaan ibnu Muljam oo Khawaarijta ka tirsanaa, wuxuuna adeegsaday seef sumaysnayd.
Mucaawiye wuxuu is ku fidiyay goobo uusan hore uga talin jiray sida Masar, Yaman iyo meelo kale.

      

No comments:

Post a Comment